Hordhac

Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)
Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi)

Xarunta Suugaanta Hadraawi

Xarunta Suugaanta Hadraawi waa gole si buuxda u sharciyaysan kaas oo loo ebyay inuu ku dhiirri-geliyo hal-abuurka, far-shaxanka, aqoon-yahanka, ardayda, akhristayaasha iyo guud ahaanba hibooleyda u heellan inay yagleelaan jewi ay ku kordhin karaan aqoontooda ku jihaysan Suugaanta Soomaaliyeed guud ahaan – gaar ahaanna; dhaxal-reebka afeed iyo Maansada cufan ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Xarunta oo la aasaasay dabayaaqadii 2009, waxay xafiiskeeda guud ku leedahay Hargeysa, iyada oo laamo door ahna ku leh badiba dhulalka dadyowga Soomaaliyeed ku dhaqan yihiin.  Waxay keydisaa murtida dacallada fidsan ee uu Abwaanku allifay nus-qarni ku-dhowaadkii uu majaraha u hayay, kaalinta foolaadnimana ugu jilnaa, badweynta Suugaanta Soomaaliyeed.

Waxay keydisaa guud ahaan Soomaalida iyo si gaar ah Suugaanta Abwaan Hadraawi. Waxay u weelaysaa siyaabo kala duwan oo maqal, muuqaal iyo qoraalba leh. Waxay ku samaysaa halaanbayn, falanqayn, faaqidaad iyo fiiro hor leh! Waxay ku samaysaa gorfeyn, waxaanay ka soo dhex saartaa macneyaal daahu saarnaa! Waxay u turjuntaa luqado kale oo Caalami ah. Aakhirkiina,  waxay u taagan tahay inay cid kasta oo u baahan, u fududayso sidii ay u heli lahaayeen midhaha tacabkan ka soo baxa.