“Waxaan ugu Jecelahay Midnimada Soomaaliya, Bal se……” Abwaan Hadraawi

Muqdisho, September 28, 2011, (Hadraawi.org) – Abwaan weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah guddi ay Somaliland u soo dirtay Muqdisho si ay gargaar u gaadhsiiyaan dadka abaaruhu saameyeen ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Abwaanka oo la hadlayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG ah ee Soomaaliya kaddib markii uu ku laabtay Hargeysa ayuu sheegay inuu aad uga damqaday dhibka ka taagan Muqdisho iyo gobollada kale ee ku dhowdhow, isagoo ALLE ka baryay Soomaalida inuu dhibka ka dul-qaado.
“Anigu waxaan adduunka ugu jeclahay wadajirka iyo midnimada Soomaaliya, balse waxaa loo baahan yahay in la helo wixii lagu wada-joogi lahaa ama lagu midoobi lahaa,” ayuu yidhi abwaan Hadraawi mar uu ka hadlay sida uu u arko gooni-isku-taagga Somaliland.
Hadalka Abwaanka ayaa imanaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siinayay BBC-da shalay uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, ayna u aqoonsan yihiin maamul la mid ah Puntland isla markaana ay rajeynayaan inay la hadlaan.
Mar uu Abwaan Hadraawi ka hadlay imaanshihiisa Muqdisho ayuu sheegay inay u tahay mid farxadeed, balse wuxuu sheegay inay tahay mid xusuus weyn u leh isaga qiimo badanna ugu fadhida, balse muuqaalkeeda hadda uu yahay mid uu aad uga naxay kana duwan sidii uu ku arki jiray.
“Shacabka Muqdisho aad ayaan uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ii soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigii ila socday, laakiinse dhibaatada ka taagan waa mid aad u daran oo qof walba uu ka damqanayo” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyn, wuxuu dhinacyada Soomaalida ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii nabadda dalka lagu soo celin lahaa, isla markaana dhibta looga bixi lahaa, isagoo ku tilmaamay dhibaatada haysata dadka abaaruhu saameyeen mid aan la qiyaasi karin.
Abwaan Maxamed Ibarahim Warsame (Hadraawi) iyo fannaaniin kale ayaa waxay socod kusoo mareen magaalada Muqdisho intii wafdiga reer Somaliland ay ku sugnaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho
Hadraawi Official Website
News Production and Publications Office, Hargeisa

A/C
Dhamaantii hadraawi waa nin Somali ah oo aan ahayn qolo gaar ah waxuuna yimid gurigiisii muqdisho isagoo ka soo tagay gurigiisii hargeysa waxa keenayna waa dhibaatadda haysata walaalihiisa somaliyeed waxaa uu damqadey dhibka ka jira xamar waan u mahadcelneynaa …anigoo ka mid ah dadka ka soo jeeda magaaladda muqdisho.
scw:
Abwaanku waa nin somali ah oo ilaashanaaaya haybadiisa ilahaysiiyay ee Suugaanta oo ah mid isu keentay bulsho kukala nooldhul kala durugsan sida kenya ethopia djabuti somaliland, hadaba siyaasi maaha oo haduu siyaasiyay sidaa looma jeclaadeen eee marhoreba waa la daadin lahaa buugtiisa sida hogaame kooxeedna waa loola dhaqmilahaa,
taasina waa ku mahad sanyay.
somaliland shacabka ayaa go,aansaday mana aha wax qofla weydiinkaro iyo rayi giisa.
marka somaliland laga hadlaayo dawlad aanu dooranay ayaa na metesha iyo 2gole ee baarlamaanka iyo guurtida. Hadraawina ma metelo somaliland.
wscwr
allaaa mahadleh
Hadraawi waxba loogama mahad naqayo waayo waxuu yimid gurigiisa waxuuna ka soo tagay gurigiisa waxuu u damqay walaalkii dhibka haysta ma ahan nin qabiil ama qowmiyad ee waa nin SOMALI AH ILAAH HA SHARFO….