Suleekha

Idaa subag laga lulaa
Lo’baa saan laga baxshaa
Geel baa sidig loo ogaa
Sengaa orod lala ekayn
Sareedo Illaahay baa leh
Hablaa Soomaaliyeedna
Haddaan quruxdooda saanyo
Haddaan miisaanka saaro
Sagaal tobankii adaa leh

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Sansaankaagiyo jaaha
Sara joogiyo tooska
Dhexda soohane tooxda
Sayn fardoodda ka dhuuban
Biixiyaa isa saran
Gaaraara kala soocay
Sanqaroorka la dhiibshaa
Nafta aan sasabaayo
Somal-haad gelinaaya

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Saluuglaay indhahaaga
Saldhiggooda qorsheeyee
Saxarkii ka daboolee
Baalashooda ku saabshee
Suunniyaa ku hadheeyee
Hareeraa kaga seeraa
Hibo gaara ku siiyoon
Cidna kuula sed qaybin

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saatirkii ku abuuree
Qoortan aad samay mooddo
Cabbaadhyaa ku sargooyiyo
Sidrigaagiyo laabta
Timahaagan ku seexdee
Kolka aad doc u saydho
Sararaa ka degaayee
Sabarkaaga tegaayaan
Samayskooda la yaabay

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

Saaray baanad ahayne
Saancad weeye jacaylku
Surradaan la dhigaynin
Heeryo weeye ku saran
Soodh halbowlaha gooya
Seef ku guud sudhan weeye
Nin ka saahidey oonta
Aawadaa uga soomay
Saymo looma horseedee

Suleekhaay araggaagu
Nafta waw samir-siiso
Saddex bay ku qaddaaye
Ha ka goynin salaanta

2 Responses to “Suleekha”

  1. muhame says:

    waxaan idinka cod sanaynaa inaad ku soondar taan maan wsadii ubax ubaxay ubaxay

    • Hadraawi says:

      Walaal waad ku mahadsan tahay inaad nala soo xidhiidhay.

      Maansadaas magaceedu waa INDHO BADAN, Waanay ku jirtaa Webka. Fadlan hubi oo eeg.

      Mohamed Suleiman,
      Managing Director, Center for Hadraawi Literature.

Leave a Reply