Wufuud uu Hadraawi ku Jiro oo Sabtida Qaadaya Taakulada Somaliland ee Abaaraha Somalia

Hargeysa, September 22, 2011, (Hadraawi Official Website) – Wufuud ay kala hoggaaminayaan wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo madaxa rugta ganacsiga Somaliland, Xasan Cabdi Cawad oo sida gargaar bani’aadminimo oo gaadhaya 700,000 oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhoofaan Hargeysa, iyaga oo u sii kala jeeda Muqdisho iyo xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Xubnaha u socda Muqdisho oo ka kooban lix xubnood oo uu hoggaamin doono Xasan Cabdi Cawad, ayay ka mid yihiin Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Jamaal Caydiid iyo Axmed Maxamed Aadan, waxaana madaxa guddigan uu sheegay in gargaarka ay geyn doonaan meel kasta oo ay joogaan dadka ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.

“Gargaarka waxaanu geyn doonnaa meel walba oo ay joogaan barakacayaal ama Muqdisho gudaheeda ha ahaato ama duleedyadeeda,” ayuu yidhi Xasan Cawad oo sheegay in howsha ay wadaan ay tahay mid samofal ah oo aanay wax siyaada ah lug ku lahayn.

Dhinaca kale, wefdiga uu hoggaaminayo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta ee Somaliland Sheekh Khaliil ayaa waxay iyaguna tegi doonaan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan qaxoonti Soomaaliyeed oo ka cararay deegaannadii ay abaaruhu ku dhufteen.

Xubnaha guddidan waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culummada Somaliland iyo weliba xubno ka tirsan wasaaradda diinta iyo awqaafta oo hore gargaar bani’aadamnimo u gaadhiyay barakacayaasha abaaraha.

Gargaarkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid laga ururiyay shacabka Somaliland iyo dhaqaale ay ku dartay xukuumadda, waana kii ugu horreeyay ee noociisa ee laga ururiyo Somaliland.

Weftiga tegaya Muqdisho ayaan la ogeyn sida ay goobaha ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab ku gaadhsiin doonaan gargaarka bani’aadamnimo, maadaama ay dawladda KMG ah hore ugu diiday hay’adaha gargaarka inay goobahaas gargaar geeyaan.

 

Hadraawi Official Website

Hargeisa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>