Abwaan Hadraawi Oo Duruufi Ku Soo Celisay Hargeysa, Kana Warramay Muuqaalka Muqdisho Iyo Kulan ay Sh. Shariif la Qaateen

 

“Walaahi waan ka naxay xaaladda ay Muqdisho ku sugan tahay… Meel walba dhool yar ayuun baa ka sii taagan….” Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

Hargeysa, September 27, 2011, (Hadraawi.Org) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa weftigii deeqda mucaawinada geeyey Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababaha uu ugu soo noqday Hargeysa, faahfaahinna ka bixiyay casuumad Casho sharaf ah oo saacado qaadatay, taas oo uu Xalay (Habeen hore) Qasriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ugu sameeyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Abwaan Hadraawi waxa uu ku dooday inay deeqda caawimada ah gaadhsiin doonaan guud ahaan Gobollada Soomaaliya iyo labada qaybood ee Xarakada Al-Shabaab iyo Dawladda Ku-meelgaadhku gacanta ku kala hayaan si siman u wada gaadhsiin doonaan.

Hadraawi waxa uu ayaa sidoo kale tafaasiil ka bixiyey sababaha keenay inuu dib uga soo noqday Weftigii uu ka midka ahaa ee deeqda Caawimada geeyey Magaalada Muqdisho iyo xaalada dhabta ah ee uu ku soo arkay Magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay sideed Sanadood ka hor iyo ta ay ku sugan yihiin dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo arrimo kale.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay u warramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com

“Arrinta aan aan dib ugu soo noqday waxa keentay dan, waxaan ka mid ahaa Weftigii deeqdii mucaawinada qaaday doraad (Sabtidii), maantana (Isniin) waan ka soo noqday ma jirto sabab kale oo la baadi doonayo ee waan xanuunsaday uun, dabadeed markii aan arkay hawshii ballaadhnayd ee cusleyd ee ay ku jireen (Guddidayadii) ayaa is idhi mar hadaanad hawshaa la qabanayn sariirta uun jiifi mayside haddii ILAAHAY ka dhigo dalkii iyo gurigaagii isaga noqo, markaa inta aan u soo noqday sababta kaliya ayey ahayd sabab kale ma jrin”. Ayuu yidhi abwaanka oo ka hadlaya sababaha uu uga soo noqday weftiga Muqdisho tegay oo uu xubin ka ahaa.

Abwaanku ayaa soo-dhoweyntii ay kala kulmeen shacabka Muqdisho ku tilmaamay mid qiime badan iyo xusuus badanba lahayd, isla mar ahaantaasna waxa uu uga mahad-celiyay dadweynaha Muqdisho iyo maamulkoodaba marti-gelintii gobannimada lahayd ee ay tuseen. “Kumana seexan, kumana soo toosin soo dhaweyntii halkaasi ka dhacday mar alaaliyo markii shacabkii Muqdisho oo tuman Madaarka oo noocyo ah oo direysyo soo xidhay oo wata Kooxihii Ciyaaraha oo khalgii oo dhan halkaasi tuman yahay Subxaanalaah oo aanad maleyn kareyn ayaanu diyaaradii ka dhaadhacnay, ILAAHAY beeni waa ka xaaran ee si tolnimo iyo gobonimo leh oo sharaf leh ayaa horta na loo soo dhaweeyey, oo Ubax ayaa nalagu soo dhaweeyey Kalgacal iyo mashxarad ayaa na lagu soo dhaweeyey….oo waxyeelo ayaaba igu gaadhi gaadhay saxmadii dadka oo naqaska ayaa I qabtay xoogi dadka is-riixaya ee hadana loo taag la’a yahay ee dib loo riixayo ee soo qamaamaya.” Ayuu yidhi Hadraawi, waxaanu intaas ku daray, “Wax la isa siiyana waxa ugu weyn kalgacal oo aan waxba nalagla hadhin ayaa na lagu soo dhaweeyey, dabadeedna nalagu galbiyey Huteelkii huteelada ugu weynaa ee ugu caansana ee la odhan jirey Shaambo ayaa nala geeyey oo halkaas ayaa nalagu ilaalinayey oo heegan na loogu ahaa”.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ay Muqdisho ugu dambaysay sannaddii 2003, xilligaas oo uu socdaalkii nabadda ku maray guud ahaan dhulweynaha Soomaaliyeed, waxa uu wax laga naxo ku tilmaamay muuqaalka ay maanta Muqdisho leedahay iyo sida ay u burburtay. Isaga oo arrintaas ka hadlayana, waxa uu yidhi; “Muqdisho Madaarka iyo Huteelka aanu dagnay way isku dhow yihiin oo maan faaqidin oo umaan bixin, oo markiiba huteelkii ayaanu tagnayoo oo markaa xaalada maan sawiran,Xaleyto habeen hore ayaa iigu horeysay magaalada muqdisho oo aan dhexmaray oo waxa na macsuumay Madaxweynaha Dawlada Kumeelgaadhaka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waddooyinkeedii ayaanu raacnay duni habeena oo dam ah oo kuligeed ay taxan yihiin Isbaarada waddooyinka lagu gooyey, oo niman shisheeye ahi (Ciimadamo) oo Milatari ahi ay meel-walba taagan yihiin oo shacabka iyo ummada meesha degeni aanay afkooda garanaynin.Runtii waan la yaabay burburka ku dhacay Xamar iyo xaalada ka jirta habeenka (Xalay) intii aanu ku sii soconay Madaxtooyada waddooyinku waa cidla,nabadgelyo ma jirto,waxaan xasuustay marka la yidhaahdo idinku (Somaliland) nabadgelyo ayaad haysataan, nabadgelyadu waa sheyga ugu muhiimsan nolosha. Walaahi waan ka naxay xaalada ay Muqdisho ku sugan tahay ee ka jirta daarihii dhaadheera ee quruxda badnaa ee ay Magaaladu lahayd oo meel walba dhool-yar ka sii taagan tahay.Waxaabay caado ka dhigteen (Ciidamada ajanebiga ahi) meeshii xabad yarba lagaga soo rido inay intaas oo madfac ku kiciyaan oo ay dumiyaan Magaalada si aan dadnimo lahayn. Laakin saaka (Shalay) markii uu waagu ii baryey ayaan si fiican Magaalada u soo dhexmaray markii aan ku socday Madaarka. Maantana waan yaabay marka aan arkay xaalada ay Magaaladii Muqdisho ku sugan tahay, nimankaasi waxay u baahan yihiin ayaan-darada jirta in looga duceeyo”.

Mar aan weydiiyey Abwaan Hadraawi su’aal ahayd, Abwaan Waxaa Sawir guud naga siisa muuqaalka Casuumadii Cashada ahayd ee uu Xalay (Habeen hore) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Weftigiini oo dhan idinku maamusay? Waxa uu ku jawaabay oo u yidhi “Casuumadu, Casuumad- Madaxweyne ayey ahayd, Casuumad madaxweynena warkeeda waad haysaa, may ahayn oo kaliya Casuumad ee waxay ahayd Casuumad Official ah, oo ka duwan Casuumadaha qaarkood oo leh hab iyo hanaan gaara oo maaha Madaxweynihii oo qudha (Sh.Shariif Sh. Axmed), Wasiiradii ayaa fadhiyey, Wasiiro kuxigeenadii ayaa fadhiyey,odayaal ayaa fadhiyey, qoladii saxaafada ayaa fadhiday oo la isku arkay oo dadkii oodhan ayaa la wacay oo badhasaabyadii gobolada Soomaaliya oodhan ayaa fadhiyey, oo hudheelkii ayaa nalaga hogaamiyey oo intaas oo baabuur ayaa xidhiidhsanayd, dabeetana galbiskaas ayaanu ku tagnay, markii danbena meeshii ayaa lagu casheeyey oo cabaar ayaa lagu sheekeystay oo la is-wareystay oo wakhti ayaa la isku qaatay oo waxaanu meesha tagnay goor fiida ilaa 10:00-habeenimo waxa lagu jirey dabaal-degaas iyo yuhuun wanaagsan maan Shaa Allaah Tabarakalaa.”.

“Shalay (Axad) ayaan bilaabay waan tagayaa,taasi waxay keentay murugo dhinaca shacabkaa waayo qorshe ayaa jirey ay shacabku sameeyeen oo ah kulamo baddan oo barnaamij ayaa naloo sameeyey aad u balaadhan oo soo dhaweyna oo meelo kala duwana iyo siyaabo kala duwan.Markii aan idhi waan xanuunsanayaa oo waan noqonayaa waxay ku noqotay argagax (Shock), waxa la isku dayayey in la ibaajiyo oo waxa la yidhi imika ha lagu dhaqaajiyo oo dhakhtaro ha lagu soo mariyo oo meeshan (Muqdisho) hawadeeda ayaa iska xun oo xaaladan aan arkayaana way I sii cusleynaysaa waxaan idinka codsanayaa waan idiin soo noqon doona haddii ILAAHAY yidhaahdo, bal imika uun inaad fasax I siisaan iyaga oo aan raali ahayn oo intooda badani aanay war-haynin ayaan soo noqday oo aan soo dhoofay”. Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo ku dooday inaanay dadka ku nool Magaalada Muqdisho raali ka ahayn inuu iska-tago oo ay aad u xumaadeen.

Sidoo kale, Abwaan Hadraawi mar uu ka jawaabayey deeqdii mucaawinada ahayd ee ay sideen dadka ku dhaqan Soomaaliya ee ay abaartu sida xun u saameysay, nidaamka ay u qorsheeyeen inay deeqdaasi dadka u gaadhsiin lahaayeen, waxaanu yidhi “Maxaa ka jira Magaalada, dadka tabaaleysan ee loo gurmaday meelaha ay kala fadhiyaan,tiradooda magacyadooda,qeybahooda, dhulka ay joogaan is-wareysi ayey ku dhaqaaqeen, akhyaartii noo timidna markii aanu wada fadhiisanay waxaanu ka waranay waxaanu adduun u sidno ummada, sida ay u qorsheysan tahay,waanu wareysanay xaaladaha meesha ka jira ilaa shalay (Doraad) waxa lagu jirey tabaabushe iyo diyaargorow iyo qorshe, marka xogta la helana maanta (Shalay) wixii la siday ayaa lagu qorsheynayay sidii loo qeybin lahaa dhul kala fog oo gudo iyo dibadba oo magaalada ka baxsan ayey joogaan, Markaa beri (Salaasa) waxa la bilaabayey in lagu dhaqaaqo hawshi si camaliyana,”

“In la gurmado waxa keenay Xaalada abaaraha ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya, dadku maaha inta xeryaha qaxoontiga ku jirta dad dhan oo tabaaleysan ayaanu soo aragnay,…dhulkana laba dawladood ayaa haysta oo kala ah Xarakada la yidhaahdo Al-Shabaab iyo Dawlada Soomaaliya oo qoloba dhinac ayey ka joogta (Magaalada) oo qolodaana farahooda wax ayaa ku jira, qoladana farahooda wax ayaa ku jira oo laba meelood ayaa la kala degen yahay.Dhaqaalaha la sidayna dadku durba war-xumo tashiil ayey sameeyeen oo maaha dhulka ay degen yihiin Xarakada Al-Shabaab caawimada la geyn-maayo, Al-Shabaabtu cidlo ma joogaan ee Gobolada ayey joogaan oo ay maamulaan goboladaasna waxa la sido badhkooda ayaa la gaadhsiinayaa,waxa la qeybinayaa iyo cidda loo qeybinayaa waa gobolada iyo xeryaha ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen oo saaka (Isniin) ayaa sidaa la qorsheeyey. Dawlada Kumeelgaadhka Soomaaliya xaasha lilaah may odhanin Al-Shabaab ha u tagina, oo Shabaabku ummada ayey ka mid yihiin oo iyaguba gobolo ayey ka taliyaan, markii la is-wareystay ee warkii la kala qaatay, markaas ayaa wax lagu qorsheeyey.Caawimada aanu sidnay Dawlada kumeelgaadhkana waxba loo geyn-maayo, Xarakada Al-Shabaabna waxba loo geyn-Maayo ee waxa wax loogeynayaa dadka baahan ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo ay dadkii aan ka imid wixii ay sideen (Caawimada) ay gacantooda ku qeybin doonaan”.

Abwaan Hadraawi waxa uu ku dooday in si siman caawimada loo gaadhsiin doono dadka ku tabaaloobay abaaraha ku habsaday Koonfurta Soomaaliya, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay ahayd inaan Gobolada oodhan soo maro oo Xamar oo qudha kumaan eekayn, dhulka loo socday waxay ahaayeen gobolada oo dadkii caydha ahaa ee wax loo siday waxay joogeen gobolada Xamar gudaheeda wixii jooga %30 (Boqolkiiba sodon) in caawimada la gaadhsiiyo, goboladana %70 (Boqolkiiba todobaatana) waxa gobolada jooga, markaa gobolada cidkasta ha ka talise si siman ayaa loo gaadhsiin doona oo wax loogu qeybinayaa”.

Hadraawi Official Website

News Production and Publications Office, Hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>