Abwaan Hadraawi Oo Ka Qayb Galay Furitaanka Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (HIBF)

 

Hargeysa, July 22 2011, (Hadraawi.org) – Munaasibad ballaadhan oo lagu furayey carwadii afraad ee Buugaagta Hargeysa International Book Fair ayaa  maanta si rasmi ah uga furantay fagaaraha beerta xorriyadda ee caasimadda Hargeysa.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tira badan oo isugu jira qeybgaha kala duwan ee bulshada, isla markaana ay ka mid ahaayeen Bare-sare, Jamaac Muuse Jaamac, Wasiirka dhallinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka Cabdi Siciid Faahiye, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Abwaannada Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganay), Aadan Tarabbi Jaamac, Qoraa Xuseen Axmed Ka-dare, Maxamuud Siciid Aw Muuse, iyo Wefti reer Jabbuuti ah oo uu hoggaaminayey Cabdalle Xaaji, Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Muuse Cali Faruur, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaciil Cali (Cirro), Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Qorayaal, aqoonyahano, dhallinyaro, qurbo-joog, iyo naadiyayada akhristayaasha ee ka kala socday Gobolada Maroodi-jeex, Berbera, Boorame, Ceerigaabo, Laascaanood, Sheekh iyo marti-sharaf kale.

Waxa madasha lagu soo bandhigay Buugaag aad u tira badan oo isugu jira kuwo ku qoran af Soomaali, iyo luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga, kuwaas oo ku dherernaa mawaadiic xeel fog iyo ujeeddooyin sal ballaadhan, sida, buugaag ah, suugaan, taariikh, falsafad iyo dareenno la xidhiidha xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee shalay illaa maanta.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cabdi siciid Faahiye oo xafladdaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Bare-sare Jaamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Cashuur oo ka mid ah dadka iyagu soo qabanqaabiyya, isla markaana isku soo duba riday Bandhigga buugaagta Hargeysa International Book Fair oo afartii sannadood ee ugu danbeeyey Magaalada Hargeysa lagu qabtay, waxaanuu yidhi: “Wasaarad ahaan, waxaannu nahay wasaarad ballaadhan oo kulmisa, dhaqanka iyo ciyaaraha iyo dhallinyarada, waxaannu leennahay garabo badan oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel si aanu u gaadhno himilada aannu hiigsanayno. Waa inaanu kulminaa facaas kala duwan si loo soo saaro fac cusub oo u dhigma Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)!”

Wasiirku mar uu la hadlayey dhallinyarada munaasibadda ka soo qayb gashay waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay intiinnaas ayuu ku jiraa ninkii Hadraawi bedeli lahaa ee ha la soo saaro.”

Bare-sare Jaamac Muuse Jaamac oo isna halkaai ka hadlay ayaa waxa uu ka sheekeeyey ujeeddada bandhigga buugta iyo ujeeddada safarkii maktabadda wareegta ee ay ku soo mareen Gobollada Somaliland iyo waxyaabihii ay kala kulmeen. “Waxaan halkan uga mahad celinayaa Naadiyada akhristayaasha ka dhisan qurbaha ee ay ka mid yihiin Keyd Somali organization iyo Redsea-Online. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa Naadiyada Hargeysa Readers Club, iyo Alpha Readers Club iyo dhammaan naadiyada akhriska gobollada Somaliland oo dhan iyo dhallinyarada xafladdan goobjoogga  ka ah  ee ka shaqeynaysa, waxaan u mahad-celinayaa martida dibadda inooga timid.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi: “Sannadkan waxa nagu cusub waxa weeyaan Maktadda wareegta (Moving library) ujeeddada aannu ka lahayn waxay ahayd, inay dadka buugaagtu ugu tagto deegaanka ay ku nool yihiin oo aynu beddelno wejigii hore ee ahaa inay dadku buugaagta soo doontaan. Arrintaas waxaannu kala kulannay farxad aanaan filayn iyo soo-dhoweyn diirran, iyadoo taasi ina dareensiisay in baahi weyn loo qabo wax akhriska.”

“Waxaanu soo marnay gobollada Somaliland oo dhan sida Gobolka Togdheer, Saaxil, Sool, Boorame, Gebilay, Sheekh , Sanaag, waxa se noogu yaab badna degmada Yuufle oo ka tirsan Gobolka Sanaag oo aan noogu jirin qorshaha balse nagu yidhi na dhaafi maysaan sidii wacnayd ee ay noo soo dhoweeyeen  markii aanu ku soo soconay gobolka Sanaag oo aanu sii marnay, waxay ka gaadhsiiyeen oo ay sameeyeen  Maktabad (Library), balse ka cudur daartay inaanay hada sameyn karin naadiga akhriska, sannadkan halku dhigu waxa uu noqonayaa oo aynu ka doodi doona shanta cisho ee carwada buugaagta Hargeysa International Book Fair. Afartii sannadood ee ay socotay carwadan bandhigga buugaagta Hrageysa sannad walba waxaanu ka doodaynay hal qodob. Sannadkii 2008 waxaanu ka doodnay qodobka GOBONIMO sidoo kale waxaanu sannadkii 2009 waxaynu ka doodnay qodobka FAAF-REEB, sannadkii 2010 waxaynu ka doodnay qodbka WADDANI sannadkan 2011, waxaynu ka doodi doonnaa qodobka Xusuus-wadareed oo aynu wax iska weydiin doono shanta cisho ee ay carwadani socoto.” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Jaamac Muuse Jaamac.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Kulankani waxa uu hor-dhac u yahay maalmaha la sheegay inuu barnaamijkani soconayo, faa’iidadiisa ugu weynina waxa weeyaan in laga nasto halooiga Suuqa ee aan micnaha baddan lahayn. Inta aynnu halkan joogno maalmaha soo socda waa in qofkasta ku talo-galaa inuu halkan faa’iido kala baxo oo uu wax ka guntado.””

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Soomaalidu waxay tidhaahda maxaad war iyo wacaal haysaan, War waynu garanaynaa wacaal waxa weeyaan wixii adduunyada ka jira iyo deegaanka kugu xeeran. Barmaajinkani waxa uu baadi doon u yahay wax badan oo aynu raadinayno maanta.””

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Mahad-celin kaddib waxaan soo jeedinayaa inuu hadalkeenu iyo doodeenu u badato barnaamujyo bulsho oo aynaan marwalba ka hadal Siyaasad, balse laga hadlo waxyaabaha bulshadeena maanta dhibta ku haya ee ay ka midka yihiin dabar-goynta dhirta, waxa maanta halkan inoogu marti ah dad badan oo uu ka mid yahay Xuseen Axmed Kadare oo ka mid ahaa dadkii Af-Soomaaliga wax ka qoray, isla markaana ku jirey Abwaannadii ka qeybgalay silsiladii Deelayda ee 20-sanadood ee ugu danbeeyey ku sugna Magaalada Xamar oo madfacu ka dul-dhacayey isaga oo hadba ku cararayay dhinacyada is leynaya kolba mid waxa kale oo barbar fadhiya Axmed Maxamed Jaamac iyo Maxamuud Siciid Aw Muuse.”

Hinda Maxamed Jaamac oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi: “Waayadii hore waxaan iman jirnay goobo maktabado ah, annaga oo yar yar oo ku jirna dugsiyada. Nasiib-darro af-Soomaaligu muu qornayn laakiin waxaanu wax ku akhrisan jirnay af Carabi kooban iyo af Ingiriisi. Taasi waxay na dhaxalsiisay in aannu baranno dhaqanka, maktabadda iyo wax akhriska waana ta noo saamaxday in markii aannu u baxnay qurbaha wax ka akhrisano maktabadaha.”

 

Hadraawi Official Website

Hargeisa Office

 

 

Leave a Reply