Abwaan Hadraawi Oo Mar Kale Ku Baaqay In Loo Gurmado Abaaraha Somalia

Hargeysa, August 18, 2011 (Hadraawi Official Website) – Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dedaallada lagu samo-tabixinayo dadka abaaraha iyo macaluushu ay ku hayso Somalia.
Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ku ammaanay baaqii ay ka soo saartay dhibaatooyinka baniaadami-nimo ee ka jira Somalia, kaas oo tilmaamay inay tallaabo geesi-nimo tahay in xukuumaddu ka qayb qaadato gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha iyo macaluushu aadka u darani ay ku haleeshay dalka Somalia.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbiga UCID, kaas oo dhinacyada isku haya u soo jeediyey inay arrintooda is afgarad ku soo dabbaalaan, isla markaana waxa uu labada xisbi ee Kulmiye iyo UDUB u soo jeediyey inay arrintaas faraha la galaan oo ay ka shaqeeyaan sidii khilaafkaas loo soo afjari lahaa.
Abwaan Hadraawi waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyey wargeyska Haatuf, isagoo Abwaanku ku sugan magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.
Ugu horreynna ,Abwaan Hadraawi oo ka hadlaya abaaraha iyo macaluusha Somalia waxa uu yidhi “Inaan ka hadlo arrinta dadka Soomaalida ah ee Abaaruhu hayaan waxay ii tahay Fursad, maanta ayaan maqlayey dad canaan noo soo jeediyey aniga iyo Abwaan Gaarriye iyo abwaan Xasan Ganey, kuwaas oo leh maxay uga hadli waayeen arinta koonfurta ka jirta. Garan maayo inta jeer ee aan ka hadlay laakiin waxaan aaminsanahay inaanan u yaraysan ka hadalka arrimaha Somalia, sidaasaanay fursad iigu tahay ka hadalka arrintaasi.” Abwaanku wuu sii waday oo wuxuu ku daray, “Xaaladda wakhtigan ka jirta koonfurta Somalia waxaan ka daalacdaa telefishannada, runtiina aad ayaan uga murugoodaa, waxaan qabaa inay xaaladdaasi mudan tahay in loo gurmado iyo in laga hadlo arrimaheeda ba. Dawladda waxaan marar badan ka codsaday in loo gurmado oo wixii loo qaban karo loo qabto Somalia, inkasta oo Somaliland-ba ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaro iyo qaxoontiyo.” Ayuu yidhi Hadraawi.
Abwaan Hadraawi mar uu ka hadlayey baaqa xukuumadda ee u gurmashada dadka abaaruhu saameeyeen ee Somalia, waxa uu yidhi “Waxa loo baahan yahay in sawirka waddankeennu uu ka muuqdo hadba meeshii dhibaato ka jirto mandaqadda, isla markaana aynaan hagran walaalaheen wixii karaankeena ah. Madaxwayne ku xigeenkana waan ku hambalyeynayaa baaqaas caqiibada leh ee uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u gurmaddaan dadka abaaruhu ku halligeen Somalia.”
Abwaan Hadraawi wuxuu sidoo kale ka hadlay doorka saxaafadda ee gurmadka abaaraha. “Qolodiinna warbaahintana waxaan aad idiinka codsanayaa inaad idinkuna ka qayb qaadataan sidii wax loogu qaban lahaa dadkaas abaaruhu hayaan ee dhibaataysan oo aad baahisaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta halkaas”.
Hadraawi Official Website
Production and Publications Office, Hargeisa
