Abwaan Hadraawi Oo Wefti Hal-abuurro ah u Hoggaamiyay Laascaanood

Tuesday, July 12, 2011
Laascaanood (Hadraawi.org) Waxa soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, wefti isugu jira abwaaniin,suugaan yahanno naadiyada akhristayaasha ee Togdheer, weftigaas oo uu hor kacayay abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood.
Waxa weftiga qaabilay kooxda akhristayaasha Ismaaciil Mire, qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sool iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo ee xukuumadda, ujeedada weftiga ayaa waxa ka warbixiyay Abwaan Hadraawi oo sheegay inay ka soo kicitimeen xarunta Gobolka Togdheer magaalada Burco halkaas oo ay kaga qayb galeen bandhig akhristayaal lagu soo bandhigayay suugaano kala duwan sida diiwaano laga qoray farshaxankii iyo suugaantii Abwaan Salaan Carrabay buugiisii la yaabka lahaa ee “Waar tolow colka jooja”, iyadoo gabayada Salaan carrabay ay ka mid yihin gabayadii aadka loogu jecel yahay geyiga soomaaliyeed sida abwaanadii hore Abwaan Cali Aadan (Dhuux) Qamaan bulxan oo ay isku waayo- waayo ahaayeen kana wada qayb qaateen silsalado gabayo ah oo kaalin iyo tiirar u noqday maansooyinka soomaaliyeed.
Si kastaba ha ahaatee, Abwaan Hadraawi ayaa ka sheekeeyay sooyaalkiisii taariikheed isagoo carrabaabay inuu ku dhashay meel la yidhaahdo Isku-darmo balse haatan loo yaqaan YEYLE halkaas oo uu isagoo yar u sadcaalay magaalada Cadan oo sebankii hore ahayd meel aad loo tago umaddii soomaalidii horena u ahayd xarun cilmi iyo shaqo doonasho sida haatanba yurub loogu qulqulo ayaa loogu qulquli jiay Cadan, wuxuu sheegay inuu wax ka bartay kuna hano qaaday ilaa uu ka gaadhay macalinimo ka dibna ku soo laabtay dalkiisa wuxuu sheegay in meel kastood qabato aad ku soo noqonayso dhulkaaga lama huraan waa caws jiil “Go east or the west home is the best”.
Muddooyinkii u dambeeyay waxa dalka ku soo badaanayay naadiyada akhristayasha iyo bahda qoryaasha oo runtii aad loogu baahnaa marka laga eego dhanka ilaalinta iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaalida, iyo dhismaha naxwaha afsoomaaliga, taasina ay keentay in dhalinyaro tira badan u istaagaan inay aasaasaan naadiyo akhristayaal ay ku soo bandhigeen waxa laga xusi karaa naadiga akhristayaasha Hal Karaan Readers Club of Burco, Hargeysa Readers Club, Ismaaciil Mire Readers club of Laascaanood, Berbera and Borama Readers club iyo kuwo kale oo intuba u taagan horumarinta iyo ilaalinta keydka afka soomaaliga.
Hadaba, iyadoo la dhiiri gelinayo naadiga akhristayaasha reer Laascaanood iyo cid kasta oo jecel horumarka aqoonta iyo wax akhrista ayaa Mayorka Degmada Laascaanood Keyse Tingub goobtii xaflada ee Hutel Xamdi ka balan qaaday inay D/hoose ee Laascaanood ku deeqday dhul dhan 10M si looga dhigo maktabad (Library for readers help) wax lagu akhristo,taasi oo lagu soo dhaweeyay farxad iyo rayn rayn.
Dadweynaha reer Laascaanood ayaan u kala hadhin soo dhawaynta weftiga abwaanka, iyadoo abwaanku uu sumcad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshada reer Laascaanood iyadoo lagu soo dhaweeyay ku soo dhawaw gobolkaagi iyo degmadaadii iyo dadkaagii oo aad ku dhalatay kana dhalatay runtiina uu abwaanku aad uga mahad celiyay
Geba-gebadii, xafladdii bandhiga akhristayaasha ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyo habsami.

Hadraawi Official Website
Hargeisa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>