Af-Ku-Siran

Hadraawi oo curashada maansadan Af-ku-siran ka faalloonayaa waxa uu yidhi: ‘intii aan gabay tirinayey waa kii ugu hawsha badnaa, ugu cuslaa, uguna xanuunka badnaa. Dhinaca kalena waa maansada aan ugu jeclahay (buu yidhi) inta aan tiriyey marka laga hadlo ujeeddada, nuxurka iyo waajib- gudashada’. Guud ahaan Af-ku-siran waxa ay ka hadlaysaa dhabnimada nolosha, innaga (dadka), abuurta, islaamnimada iyo Abuuraha (Alle) . Haddaba waxa la is weydiin karaa su’aalo ay ka mid noqon karaan: Waa maxay nolosha laga hadlayaa? Innagu yaynu nahay? Islaam baynu awelba ahayne ma wax cusub baa ku soo kordhay islaamnimada, abuurta iyo abuurahaba iwm?

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu maansadan inoogu iftiiminayaa jawaabo la xidhiidha su’aalahaas iyo xaqiiqooyin jira oo ka tibaax bixinaya diidmada dadka intooda badan ee xaqiiqada nolosha, aqbal la’aanta runta ama garasho la’aanteedaba, taas oo noqonaysa mushkiladdeena asalka ah ee maanta! Waxa ay maansadu tilmaamaysaa karaamaynta qofka aadamiga ah, in uu qofku yahay abuurta ka ugu fadliga badan, inuu yahay nolosha sayidkeedii, inuu yahay madaxii, hoggaankii, horseedkii, khaliifkii adduunka iyo nolosha. Sidaas darteed Ilaahay waxa uu Aadan ku derejeeyey in malaa’iktii la kulmiyey ay Nebi Aadan siiyaan sujuud sugaysa mudnaantiisa. Amarkaas waxa qaatay oo fuliyey malaa’iktii oo dhan, waxase ka madax taagey Ibliis, Nebi Aadan waxa la faray in Isaga iyo durriyadiisu gutaan waajibaadka derejedaasi leedahay.

Waxa qofka la yidhi derejadaas iyo awooddaas ADIGAA leh (hoggaankii nolosha iyo dunida), hase yeeshee waxa qofka laga doonayaa in uu la yimaaddo waajib-gudasho joogta ah. Sida haddaba maansada laga bidhaansan karayo waa halkan meesha ay sartu ka qudhmaysaa. Aadami waxa la noqonayaa marka lagu sifoobo aadaminnimada, loo qalmo aadaminnimada, shuruudihii dadnimadana la buuxiyo. Waxa la inaga doonayaa in aynu isu dheelli tirno nolosha, derejo sidashada iyo awoodda waajib gudashada, haddii kale derejadaas waa la inaga xayuubinayaa, waxana kulmaya innagii oo isu haysanna, isuna qabna inaynu nahay aadami iyo innagii oo aan ahayn aadamigii la derejeeyey ee karaamaysnaa. Xaqiiqada meesha ku jirtaa waa kala tagganaanta runnimada nolosha iyo adduun-aragga kasmadeena ama garashadeenna. Waxa aynu nahay islaam dilan oo dullaysan. Waxa aynu ka baydhsannahay dhabbihii sugnaa. Waxaynu ka qarda-jeexsan nahay (weecsan nahay) marinkii toolmoonaa, waxaynuna cagta ku haynaa jidkii baadiyowga, hoogga, sal la’aanta iyo muhmalka aan caddayn.

Inteenna badan (innaga) inooma kala soocna xaaraanta iyo xalaashu; ula kac ama garasho la’aan kii ay doontaba ha noqotee. In ribada la qaataa waa iska mubaax. In si toos ah ama dadban (sir iyo caad ah) wax loo xadaa; loo dhacaa; loo boobaa ama loo lunsadaa waa tab iyo xeel lagu xoogsadaa. In afka, isha, addinka, uurka iyo ibtaba laga dambaabaa waxba kuma jabna. In wax la dilaa oo dhiig lagu fool-dhaqdaa waa wax iska fudud. Waxa aynu (innagu) isaga badbadannay islaam u nool si aan ku xidhiidhsanayn islaamnimadeenna. Magacyo muslim oo la inoogu yeedho iyo dhaqan ama nolol aan islaam ahayn waa labada isir ee is ceshan la’, is qaban la’ ee ay ibtiladuna ka soo farcamayso! Waa taas mushkiladda laga fadhi waayey, waana halkan barta uu doc-faruuranku ka taagan yahay.

Dhinacyo badan ayay maansadu inaga tusaysaa isu-dheeli tir la’aanteenna innaga iyo nolosha. Waxa ay Af-ku-siran iftiiminaysaa in khalad weyni ka imanayo garasha la’aanteenna, aqoonsi la’aanteenna iyo u fiirsi la’aanteenna khalqiga dunida inagu weheliya ee aynu ku wada uumman nahay iyo kaalinta iyo xilka uu makhluuq kastaaba nolosha ka hayo iyo sida ay taasi u saamaynayso, xidhiidhna ula leedahay (innaga) waajib gudashadeenna. Wax kasta ujeeddo ayaa loo abuuray, mana jiro wax dunida iska joogaa oo aan macne salka ku hayni. Hadraawi oo taas sii bidhaaminaya: ‘ Inta aynu naqaanno sida aynu u aragno ayaa khalad ah, waxana taas ka sii daran in intaas aynu naqaanno in ka badan oo aynaan aqoon u lahayn, ishuna aanay qaban karin ay dunida inagu weheliyaan. Tusaale waxa uu Hadraawi u soo qaadanayaa Qudhaanjada, waxanu baadi-sooc ku dhigayaa in qudhaanjadu ay xil hayso oo aanay dunida iska joogin, Waxa kale oo Hadraawi soo bandhigayaa in adduunka guudkiisa ay (innaga) inagu weheliyaan makhluuq leh maamul iyo hab nololeedkooda. Garashadaas in qudhaanjadu ay xil hayso, gacanna inaga siiso waajib gudashadeenna ayaa ku arooraysa isu dheellitirkii nolosha. Shinnidu waa la mid, jinac-duullaanku isna sidoo kale, iskana daa’ wax ka sii weyn ayuu Hadraawi leeyahay, waxanu ku nuux nuuxsanayaa in si taban oo aan maangal ahayn aynu u aragno, una naqaanno noolayaashaas kale ee adduunka (innaga) inagu weheliya iyo in aanu Alle iska abuurin wax aan macne lahayn, ujeeddana ku fadhiyin, haddii taas la iska indho-tirana ay noqonayso meel-ka-dhac!

Gabagabadii waxa uu Maxamed Ibraahim Warsame ku soo gororinayaa faaqidaaddiisa maansadani Af-ku-siran in kaymaha cidlada ah la inagu weheliyo, ayna muhiim tahay in aan lagu samayn wixii la doono, loona qaadan in haddii aanu qof kula joogin in aan cidi ku arkayn. Waxa uu leeyahay Hadraawi ‘waa laguu jeedaa; cid aanad aqoon ama aanad arki karin ayaa kugu lammaan, kula socota, kana mid ah intii aynu soo sheegnay oo ka xishood ama ka cabsiba mudan’! Qofku waxa uu aadami noqonayaa marka uu dhowrsanaado, ixtiraam iyo xaq-dhowrna siiyo nolosha iyo noolayaasha kale, kana cabsado inta leh mudnaanta baqdinta. Mar kale iyo Hadraawi: ‘ halka la iska raacayaa waa halkaaas, waxaynuna maqalnaa hebel waa la galay; hebelna waa la qaatay; hebel kalena jin baa maray oo waa la derderey iyo hebel maankii baa laga qaaday oo waa la dooriyey iwm’! Waxa uu taas Hadraawi dillo marag ma doonta ah oo la cuskado uga dhigayaa dunuubta biiraysa ee lagu cadaab mudanayo ee aynu caloosha ku qaadanayno ilaa iyo heer aynu xaraashnay dhirtii, iibinney ugaadhii, ciiddii, karaamadii, sharafkii, milgihii, xishoodkii, dhowrsanaantii, dhulkii, iimaankii, diintii iwm!! Waxana halkan ku weydowdey, ku basaastay, kuna dullowdey dadnimadii, waana xilligan marka ay lumayso khaliifnimadii derejeysnayd ee aadanuhu.

Ubuc-weynta maansanda gudaheeda ayaa lagala soo bixi karaa tibaax intaas ka sii qota-dheer, marka akhriskeeda laga sii bogto, waxanay Af-ku-siran tidhi:

Bismillaahi oohow!
runtu aydin maahee
bal adeentideedii
oohow! ka oohow!.

Dhulku waa ammaanee
abbaan-duulihiisow
adhi raacistiisii
ma orgaad ka tahay weli
asaraarka maantii
ka il nugul habeenkii.

Bogashada iddiisiyo
wax ka maqan asaaggii
nin ku helay il-duufkow
indha-garashadeediyo
illowgeeda badan baa
gelin qudha intaadiyo
kugu baray er’erigee,
haddaad aammin-doon tahay
eedahaaga biiraa
aqal maaha laga galo
arrin lagugu leeyahay.

Marba waxay aslaysaa
asal lagu xumeeyee
asliddeeda mooyee,
Arbacaa ka werisoo
waxay tidhi Isniintii
ku idlaatay xagashadu,
“ilbaxnimadu waa yaab
maanta iibsadeediyo
Axaddeedu badanaa!
weli waa ayaantii
lagu cunay ayaankee
immisaa ka hadhay tolow
berritiyo amaahdii
lagu qoray albaabada?”.

Afo waa ninkeediyo
arbe dheelli tiri kara
aarna waa dhiggiisiyo
oori laysku dherersado
aragtida midaysiyo
dadna urur ku qaan gaadh.

Wacashada ibleyskaa
indha-beelka sidatee
dhulka obolos baa shilay,
waxa lagu agaasimey
asaroorintiisoo
erayada tax-gelintiyo
ummadaynta ficilkiyo
innagaa ka madhatoo
hadba inan qolaystiyo
magacyada ukulidiyo
alabbada fal-tuuggiyo
anigaa ku badatoo
Asma lagu xabaaliyo
werwer bay ku aaseen.

Dhal aboodi weeyoo
intatabo ma weydee
adhaxday ka jiiftaa
addinkay ka tahay maya
Illinkaa fal kaga jabay
cabsi bay ku oodeen.

Waa adduunyo teedii
ifafaalayaashii
aammanuun ka soo yiil.

Waa iliilaheedii
agankiyo lurkeedii
waa aroosanteedii
indhal-furashadeedii.

Marna ayro-jookhiyo
ula-dhabanta soofkiyo
amba-qaadka jaantaa
kasha lulan ilaysoo
tabashada obsiisoo
ha ekaatadeedaa
af-yaqaanku seesaa.

Marna waxay ku ururtaa
agagaarka calalkiyo
raqda eegideediyo
ubbadeeda dacarta ah.
Ajo-weerarkeedaa
arammidu qunbacataa.

marka lagu akeekimo
marka lagu ormeeyee
falan lagu af-duubee
marba eel ku gororee
hirashadu asqowdee
ulashadu hungowdee
asalkeedu guuree
ambisadu xidhxidhatee
babbisadu ku orisee
is-ahaanta kelinnimo
dadku wada ammaantee
odeygeedu waashee
ina belo ka taliyee
lagu amarro-qooqee
la Ilaahyo sheegtaa
la awoodo beenshaa.

Marka laga dul ooyee
asaydeedu badatee
alwadkiyo hayaaydiyo
kolba aah! ku firidhaa
axdigeeda nabadeed
lagu aammusiiyaa.
Bixisada ku oloshiyo
agaraadamteedaa
ifisadu ka beridaa.

Waa ammaaraddeedii
ardal loo qabqaban jirey.

Waa astaamaheedii
marka laga inaabsado
shimbirkeedu iman jirey

Waa awaaleheedii
Allaheedu furan jirey
runta lagu asturi jirey.

Waa arooryadeedii
al-aloosku dhalan jirey

Waa islaaminteedii
marka aadun laga dhigo

Waa abaabulkeedii
askarteeda lagu yidhi,
“xadhko harag abeesiyo
urta bahalka hoosiyo
abur beena lagu dedey
usha ba’an ku sii daa”.
Waa ammuuraheedii
intixaanku saarraa.

Waa abraaraheedii
lagu kala astaysnaa.

Waa ardaa-dhiggeedii
ninka aabo xidhatiyo
Xasan Guure odhan jirey;
“mar hadday or’orod tahay
ragannimo abkeedaa
lagu iil-bannaystaa”.

Xil adduunyo waa qool
labadeeda aadka ah
waxaa laysku aadshaa
marka labada aadka ah
midba dhinac ku aad yahay
laba dhinac ku aadaan.

Orrob lagu bariistiyo
marka eexo-dirashada
lagu gabo arbeebbiga
af-ku-siran cad loo rogo
ereyguna ku madi yahay
Alleylehe nin baa yidhi;
“arartaa gun noqotoo
kuma aaddo hawshay
dadku odhan lahaayeen
Alle mahaddi weeyaan”.
dadka oof dalooshiyo
ammin baa sugaysoo
waa ayaamo jiratee,
orka gabay nin sugayow
irbad baa wax humisee
wax ku soo dar aammiin.
Anda-qaadka hubantidu
qofba wuxu ishaartiyo
idan lagu cawaystiyo
ha ahaato maahoo
ficil baa ansixiyee
imminkaba garaadow
arrimaha dad lagu yahay
ha ku xadin Allow sahal.

Naftu weyska oydaa
marka aammuskeedii
cunto loogu iibshoo
waxay eersi badataa
markay iimo badatoo
fadhigaa arradiyoo
baryadaa awaadhee
haddaan aano loo hayn
anafada masayrka ah
cidi kuma irdheysoo
kol hadday asturan tahay
cidi kama adkaatee
halka aayaheediyo
awaydeedu yaalliin
alamtara fogaatiyo
abataqan ha kaga dhigin.

Isirrada gobtoodiyo
agabaynta liileed
unkiddii fal-samidiyo
abyantii dalaysnayd
alabbada farshaxannimo
halka ay ku ururtiyo
wax abuur ku talax-taga
axadkeeda mudanka ah
ma abaaddadiisii,
galladdii adduunkiyo
wax-ku-oolladeedii
bilicdiyo asgogolkii
mahaddiyo ugbaadkii
dhulka lagu ilaaxidhay
noloshiyo ilayskii
indha-korisadeedii
Allannimadu saarrayd.

Idil halabadeedii
uduggiyo cuddoonkii
quruxdiyo ilwaadkay
ugubnimo ku dheehnayd.

Onkodkiyo hillaacii
afaggaalladeedii
ashqaraarradeedii
dadka baray aftahamada.

Ulajeeddadeedii
lagu sugay abbaaraha
nafta lagu abaabulo.

Asalkiyo hufnaantii
iidaanka noqon jirey
hadba oonta lagu liqo.

Ishin-buuxsankeedii
iimaanka dhali jirey,
qumanyada afuuftiyo
ku xusuuso aynfaad.

Ergadeeda dunidii
uhu bay ka qaaddoo
arxan gooyeheedii
ka baxsaday axsaantaa
ka dhex galay ilaalkii
ka baxsaday inkaartoo,
ibo-laalankeediyo
awaydeeda gurantaa
Isha deeqi waayoo,
hadba soo ur’ururkiyo
abshirteeda fagantiyo
aayeheeda jiitiyo
idifkiyo rifnaantiyo,
afkan sii balwanayee
hadba idhan durkinayee
ilko sii qor-qorayaa
nafta aamminkeedii
anfariir ku dhaliyee,
Aga! Aga! nin yaabow
addinkaa deg-degayee
haddaan Aadan soo noqon
Aga! Agada! maantaas
Aga! kale ku doon-doon.

Aafadaada mooyee
dhulku iin ma yeeshee
waxay eersanaysaa
dadka alamsigiisiyo
Insi iyo Jin weeyoo
laba-aabbudhkoodaa
asaddihinta keenoo
garashada ablowdiyo
Gudin jecel abaartaa
marba aag bannaysoo
erigo’an ka yeeshoo
ufadiyo dabayshiyo
omoskiyo basaastiyo
waxa umal hadhsanayaa,
waxa uumi shidayaa
waxa oon ka hurayaa
waxa oog ka baxayaa
waxa olol ka kacayaa
waxa uus ka hirayaa
waxa baas ka urayaa
waxa eel ku da’ayaa,
ruqa udubbadeediyo
arradkeeda buuxaa,
ololaha birtaadiyo
hubka agabarkiisiyo
aragtida hunguriyo
ambadkaaga weeyaan.

Dabashada Atoorkiyo
qalashada ugeybkiyo
ummul-raaca maqashiyo
waxa dheri olkamayaa
waa abaydinkeedii
lagu cunay amaahdoo,
naca aynabkaagiyo
argagixisadaadaa
urugada ku dhaliyoo,
waxa damal ab-guuree
la engegey harraadkee
berkeduu asqeeyeen,
waxa lebi agoonee
ehelkiyo bahdiisii
olloggii ku xeerraa
laga guray unuunkee
cidla’ keli ku awdalan,
jabka eleledkeediyo
axda geedka dhacayaa
isir nugul damqaayoo,
boqol-eefiddaadiyo
aabigaaga waxa lumay
nin og baa xusuustoo,
hadba waxad abbaartaa
barta lagugu eediyo
godka ooda-rogankoo,
Carra Edeg haliilow
ayax baad ku noqotoo
Illashada hammuuntiyo
ardi baad ku gadatoo,
ahminkeeda nuurka ah
ababkeeda naarta ah
okholaad ku shubatoo,
Arroweeladaadaa
ku addoonsanaysoo,
waxad tahay af-madhan-diid
abxaddiisa gaalka ah
weligiis la iidoo
dhulka arah ku joogoo
hadba ubaxa laaciyo
aslantiisa diirtoo,
urtadiisa dabadeed
ku abqaala ciiddoo
uskagaynta mooyee
abdo kaama dhalatoo
waxa eel dul-yaallaa
waa areebadaadee.

Mar awoowihiisow
mar ayeeyadiisow
waa abaal-gudkaagii
Rabbi kugu aqoon jirey.

Waxad tahay arkaa-qaad
ibtilooyin badanoo
marba Saar eryanayoo
hadba aafo dhabatiyo
ololayso kicisoo,
mahad lagu idlaystiyo
marba deeq af-rogayoo
axankiisa cunayee,
ha ku eeran bixisada
marba lagu agdhigayee
ajashaadu sudhan tahay.

Dadku waa ab culus yahay
ohli maaha weelkiyo
lagu rido alaabtee,
ha addoomin garashada.
Waxad tahay ugaaskii
hanashada adduunkiyo
ifka loogu hiishee,
ha la biqin awoodaha
lagu furo albaabbada
xujadoodu adag tahay,
axdi baa ku xidhayee
magantaad ka oday tahay
marti adigu haw noqon.

Alkun laga war-qaatiyo
murti lagu ul-goostiyo
waa adduun sarbeebo ah
waa abuur wacdaro badan
waa astaanta hirashada
waa abbaarta xilashada
waa ilayska barashada
waa aqoonta gudashada
waa ammaan-ku-sugashada
waa Ilaah-ku-garashada
nafta lagaga eed baxo.

Asli weeye raarridan
waana amarro-weyn tahay,
orgobaynta hororkiyo
gudmo lagu ugaadhsado
adyad looma soo rogin.

Idan bay ku joogtaa
duluc iyo ujeeddiyo
ahab bay ku tahay duni
eray bay ku timi qudha
misna lama astayn karo
erayadu ma koobaan
Alleheeda mooyee
af tirshaana maba jiro.
Sirta unugyadeediyo
alifkiyo ya’deedaa
hadba sii ekaadoo
dadbanaa aloolkiyo
abjedkeeda dahan baa
marba adag gashanayoo
Ibaheeda sudan baa
marba aasan dhalayoo
waxa aadmi garan karo
ibir madhan ka dhigayoo
indha-daalis weeyaan.

Taxanaha arooriyo
udbaheeda saantaa
wax aqooni hubisiyo
waxay eegmo baratiyo
ino way ka badan tahay.

Nin ku ayni dhaafiyo
qof ayaamo milicsaday
oommanuu ka joogaa.
Orod laguma jiidhee
axadhkay ku tahay samo.

Ifafaale mooyee
kol haddaan oddorosyada
berri alabbadeediyo
runta lama awaalka ah
sina lagu ogaan karin.
Wax-aqoolka taladiyo
fulintiyo awoodaha
ta ahaata weligeed
cidi oolin karin taas.
Way ka ood shishaysaa
ardaygeeda waagiyo
nin aroorta sugayoo
nin aflaxay tin kama jarin
nin irmaanta qaadiyo
axad jiraba waa been
afartiisa weedhoodh.

Isa siinta taadiyo
anigiyo anaa huba
runtu kuma idlaatoo
ikhtiyaarka gaarka ah
cidi kuma ahaatoo
qof iskii is-mahadshaa
maba jiro adduunkee
asalkeeda garashada
ha ka dhigin ogaalkaa.

Haddii looga awr-dayo
sadarrada agnaanka ah
lama helo asaaskee
waxa lagu ilaashaa
isir-barashadeediyo
wacad oofinteedaa
aayaheeda weligaa
hanashada ku eel-saar.
Oogsigeeda faralka ah
xaajadeeda ugubka ah
lama aragta kowda ah
ku arrumi xadkeedii
marba loo akhriyi jirey.

Ma irmaana weligeed
igadh maaha yu’ashada
lagu ibo-salaaxee
marka ay asooshiyo
markay uurka leedahay,
ilma-rogashadeediyo
ku baxnaani iimaan.
Samaheedu waa iib
ha amaahan teedoo
oogadeeda waxa yaal
ha ku urursan boobkee
oggolaansho weydii,
asturkeeda mooyee
yaan ayaanku kaa noqon
furashada ab-guurka ah.
In ka gooso mooyee
ha ku agagas dheeraan.
Ashkir weeye qurux badan
inannimo carteediyo
ugubkay ku tahay shay
araggay ku wacan tahay
afka laguma gaacshee
indhahana wax kaga guro.

Wuxu waa adduunyoo
lama sudho agtaadee
waa la aakhireeyaa.

Way ammaano jeceshahay
waanay eeso badan tahay
ma illowdo godobaha.
Ashtakooyinkeedaa
fara badan ayaantay
ka lahayd afeeftoo,
eedaheeda lama galo
utunteeda lama xigo
aanadeeda kugu maqan
nafta laguma aammino.

Abhinteeda badatiyo
ergadeeda maragga ah,
ayo! laguma gees maro,
denbi-oogiddeediyo
aarsigeeda lama sugo.

Indho lagu xaqiijiyo
runtu aragga maahee
aaminkeeda weeyaan.

Dhulku Aayad weeyoo
lama oga xogteediyo
arrimaha sirteedoo,
xarumaha aboorkiyo
aqallada dhalleydee
shimbiruhu ka oriyaan
agaraadam maahee,
waa amuumiyeeyaan
Dhagaxiyo aleeluhu
dhego awdan maahee
aammuskay ku nooshahay
waxa dhacaya ku ogtahay,
eegmaday ku tahay ruux,
waa ammuur ku dagasho ah
lagu dayo qof aadmiya.

Isa-sudhanta kayntiyo
aydu maaha keligaa
ooshu waa naf iyo reer
ummad baad dhex joogtaa
amarkeedu culus yahay
agahaagu waa duul
isha ba’an ka saahidey.
Lama uubateeyee
yaan asluubtu kaa lumin.

Wax ka awrran baad tahay
habka Eyda dheregtee
haki ababa’daadiyo,
afar-qaadka kibirkiyo
alalaaska nacaska ah.

Ummushooda huruddiyo
abi-xoorta dhalatiyo
ubadkooda kala quban
aashaa! ka aashaa!
addimmada ka dhawr-dhawr.

Awrka qooqay jinacyada
waa abeer ku carashee
alalooska hawlaha
ha ku ridin amaagguur.

Bullashada amuurkiyo
xerta alabaskeediyo
ardaydooda shiranta ah
nabaddooda eexee
cagta aayar dooh-dooh.

Mulacyada arooska ah
colka inan-la-yaalaka ah
ooryahooda diibka leh
kal-amaarka shalanqada
nafta idibilkeediyo
uunsigeeda baaqa ah
ha ku yeedhin uugaan.

Dhirta oday xidaariyo
awliyaa ka dhalatoo
waa akhyaar la moog yahay.

hal-abuurro magacliyo
waa abwaanno qaarkood
laga qoro af-tahamada,
dadka way in garataa
qofka waw abtirisaa
ka ilaali dala’siga.
Afka lagu xubeeriyo
ixtiraamka kula hadal.

Ahlantaa xasilisee
ha ku uur-samaatee
ehelnimo ku xadantee.
Yaanay oodda kaa rogan
Isha yaanay kugu gubin
yay afkeeda kugu xaman
bahal yaanay kugu odhan
axmaq yaanay kugu qorin
yay asaasaq kugu tolin.

Arlo lama maleeyoo
isirrada dad weheshaa
wax imbiiga maahee
ku aqoonso qirashada
aayadaa ku soo degey.

Edeb baa hor joogtee
usta! Yaanay kugu hodin.

Ka ka urursanaadee
anshaxiisa jira noqo.
Abdo kuma shidhaystiyo
dadna looma ooyaa
arag lagu xasuustaa,
yaanu eersi kaa geyn
arrimaha xuduudka leh.
Arxankaa garaabee
doqon baa la eedaa
yaan axsaantu kaa madhan.
Igmashada dadnimadiyo
ku dhex joog aloosnaan,
amranaanta kula dhaqan.

Dadku waa addoomoo
lama siin awoodaha
Alle lagaga maarmee
keli lagu ahaadee
ha illaawin baqashada.

Xus: Faahfaahinta Maansada ka horreysa waxaannu ka soo xigannay Diiwaanka Hal Ka Haleel ee uu qoray Maxamed Baashe X. Xasan, 2004.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>