Allahayoow Nin Daacada

Jidhku wuxuu dubaaxshaa,
Damqadaa hal-bawluhu,
Xididdadu darrooraan,
Ama dhiigga daadshaan,
Afku hadalka daayaa,
Dibnihiisa haystaa,
Doqon baa nasiib lehe,
Damta Kaalaa daashee,
Kugu celisa daankee,
Waxay doodi furantaa,
Ruux kuu darraan jiray,
Marka aad ku digatee,
Xaqu doodo leeyahay;

Allahayoow nin daacada,
Allahayoow nin daalina,
Deeqdaada haw simin,

Iyadoo la degayoo,
Carradii la duubiyo,
Degelkii la taagoo,
Dadku caafimaadoo,
Rabbigay daweeyoo,
Dambar laga waraabshoo,
Dedkii layga qaaduu,
Dabku ii iftiimee,
Indhihii dillaacaa,
Laga furay daboolkoo,
Dooggiyo barwaaqada,
Barxaa daawanaayee,
Bal dayaay ayaamuhu,
Isku derajo maahee;

Allahayoow nin daacada,
Allahayoow nin daalina,
Deeqdaada haw simin,

Deeqaay wanaageey,
Dawo caafimaadeey,
Hantidii dadkaygaay,
Dhaxalkii dalkaygaay,
Dhaxantiyo darrooraha,
Dadab laga galaayeey,
Dayaxiyo cad-ceeddaay,
Dabka lagu dirtaayeey,
Duco-qabe
Dabarkiyo mareegtee,
Digo-rogashadaadana,
Degdeg baygu keenoo,
Aniguba daraaddaa,
Waan soo dabbaashee;

Allahayoow nin daacada,
Allahayoow nin daalina,
Deeqdaada haw simin!

Dani Wada-jir guudbay,
Dayac kaga fogaataa,
Karti iyo dedaalbaa,
Gobanimo daryeeshee,
Dadku wuxu ka maalaa,
Kolba siduu u daajee,
Ma dabaal-deggaygiyo,
Caawa dadab-galkaygaa,
Dumarkiyo carruuruhu,
Igu diirsadeennoo,
Dooggiyo barwaaqada,
Barxaa daawanaayee,
Bal dayaay ayaamuhu,
Isku derajo maahee;

Allahayoow nin daacada,
Allahayoow nin daalina,
Deeqdaada haw simin,

Riwaayaddii Aqoon iyo Af-garad, 1971. Waxa ku luuqeeya Maxamed Mooge iyo Shankarroon Axmed Yuusuf “Sagal”

Leave a Reply