Axaddii

Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd

Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee

Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsooneyd

Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
Kama hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee

Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee

Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay?

One Response to “Axaddii”

  1. Maxamed Xasan Maxamuud says:

    walaallayaal,

    Heesta AXADDII midhaheeda waxaa iska lahaa nin magaciisa la odhan jiray Maxamed Ciise Cabdi oo ku geeriyooday shil baabuur 1972kii mar ay Hooballada Waabberi booqasho ku marayeen dalka Nigeria. Heestani waxay la walaal tahay labada heesood ee kale ee la kala yidhaado ARBACA iyo SIRAADEEY oo iyagana uu midhahooda leeyahay isla marxuumkaas aan kor ku soo sheegay. Saddexda heesoodba markii ay soo baxeen waxaa qaadi jiray XASAn AADAN SAMATAR.

    Harka aad dhab ugu fiirsato midhaha heesta AXADDII, waad garan kartaa inay ka qiimo hooseeyaan suugaanta Hadraawi.

Leave a Reply