Balliyada salkoodii
iyo baaca webiyada
marka boodh ka sare kaco
rahu boholo dheer galo
biyo lagu haloosiyo,
dhulka oo basaasoo
inta budul ku jiifsaday
buska tarantarkiisii
Isha lagala soo baqay,
Allihii galshiyo baad
ku ballaadhin jirayoow.
Xaqa lagu bukoodiyo
xaqa lagu bogsoodiyo
inta laga badheedhiyo
inta lagu badheedhee
xumo loogu babac-dhigo,
nafta bedenbedkeediyo
bog intii xasilisiyo
inta baal ku ledi karo
burjigiyo hubaalaha
berri lagu halleeyee
lagu sugo ma barideen,
bedad-guurka waayaha
inta lagu baxnaanshee
hiyi looga dhigo baan,
inta lagu bariistiyo
inta lagu baraarugo
inta baaca noloshiyo
runta lagu bilkeedee
xaqa lagu bidhaansado.
Inta baaxad dedan iyo
inta taal bannaankee
nin is biday ka xoog weyn,
inta loo bal reebee
nin ka baqay ku nabad galo.
Inta aan la burin karin
inta aan la baran karin,
biligiyo awoodaa
xejinaaya buuraha
iyo badaha waaweyn,
barakada Qur’aankiyo
bisha lagu xurmeeyiyo
boqortooyadaadiyo
boqolkaaga magac iyo
Bismillaahi keligaa.
Bulsho waxay cadhowdaa
ama baali noqotaa,
marka ay buseelkiyo
bud dhiggeeda sharafkiyo
inta aan la biimayn
ka gumowdo bilicdiyo
in bisaylka lagu cuno.
Kol hadday baxdoobaan
dadku baydda goostaan,
bido lahashadeediyo
bohorada wax lagu rido
lagu bulo samaantii
isu boodda-dhigashada
sharka loogu beretamo,
naftu baylah weeyee
biri waxay af leedahay
marka baajinteedii
belo lagu halleeyee
inta ba’an la qaayibo.
Marka bidixda oo qudha
lagu qoro run iyo been
taladaa han bururtoo
laba baahiyoodbaa
isku beegmi waayee,
nin bursaday hadduu jiro
nin wax beelay baa nool,
nin badsaday hadduu jiro
ka la boobay baa qaday.
Allahayow bardaankiyo
kala-badhashadii guud
barbar qudha in laga raro
aragtida bannaysaa
bunduqana samaysoo,
bani-aadminnimadii
nin ka baadiyoobaa
badhi furay wanaagoo,
dadku beerihiisay
ka gurtaan bawaarkee.
Shilkan baahay aashii
halisahan gun iyo baar
Bari iyo Galbeed yaal,
jidka lagu boqooliyo
bilqashada dareenkiyo
bara-kaca aqoontii,
dabinnada is biirsaday
nin baraystay falashada
iyo buunka sixirrada
iyo badalli-oogsiga
bixisada la aaminey,
buhashaa ka salagloo
beryo hore sidoodii
ama beelihii Caad
marka doobi buuxsamo
burburkaa yimaaddee,
boqorkaan rugtiisiyo
baradiisu madhanow,
kaan baahan jirinow,
kii baahan jireybaa
kuu baahan Adigee,
baryo waxay ku leedahay;
boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayow badbaadada
iyo baydhka xilashada
ha ku xidhin Bush iyo Joon
iyo Booris Yaalsiin
iyo bacawda xoorka ah
iyo gaal wax badowsada.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin billaawaha
nimaan Adiga kaa biqin.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin nin beer adag
iyo bahalo aan nixin,
bishmo lala haliiliyo
carrab dhuux baraar jecel
iyo buulka qalatada
iyo haanta Bow-dheer.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allhayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin intii baas
bakhti-yahan xalaal neceb
iyo booli-quutaha
damac lagu balleysimey.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin bakhayllada
nin bushaaro uga dhow
balawaaska quustiyo
babbisada adduunyada.
Boholyowga garashada
iyo baaqa hirashada
Allahayoow badbaadada
iyo baydhka xilashada,
ha ku xidhin bayuuraha
bullashada wirteediyo
baga iyo bagaaleey
iyo lihi bar-kuma-taal.
Allahayoow badbaadada
ha ku xidhin bah iyo reer
biya-dhiijin qolo qolo
isu baanka digashada
iyo sheeko-baraleey.
Allahayoow badhaadhaha
Allahayoow barwaaqada
ha ka dhigin baroor dumar
iyo barada meyd yaal
