Bal Daawo Inkaarahaaga! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Waxa la caayayaa kaskaaga iyo garashada suubban ee ka soocda abuurta kale. Haddaa maxaa laguu jaho-wareerinayaa. Waxa la ogaaday goldalooladaada iyo iimaha ku dul gawdiida, waxaana la oddorosay falcelinta aad kaga jawaabi karto qadaf kasta oo laguula badheedho. Waa lagu halaanbeeyay oo berdaanka ayaa lagu saaray; waa lagu lafoguray, waana lagu dersay. Dharaar sii fogeyd ayaa hoosta laga xarriiqay qabitaannadaada iyo ahdaafta biyo-kama-dhibcaanka u noqon karta masiirkaaga. Waxaad guddo iyo waxaad gashaba waa laga dheregsan yahay, maantana wax kasta oo aad samaysaa waxba kuma biirin karaan baadi-doonka aad ugu jirto nolol tan dhaanta!

Haa. Waad halgantay si aad u xaqiijiso yool aan cidi kuu diran. Waad xiiqday oo waad xabeebatay. Himilo durugsan iyo hilaad fog midna maad astaysane, sidii qori daad la tegay ayuun baad badweyn sabbaysay. Maalintii aad is weyddiisay cidda aad u shaqaynayso iyo sababta aad waxan oo hanfi ah ugu jirtana, cidi kuma dhegaysan. Kii reerkiinna ahaa ee idin hor kacayay markii aad su’aashaas kula dhiirratay, waa kii kugu afwaajiyay: “Dee beryahanba inaad madaxtooyada u dusto waa la sheegayay”. Yaab. Madaxtooyaduna xaggee kuu soo martay! Laakiin maanta waxaad uurka ka tidhaahdaa, mararka qaarkoodna aad ku calaacashaa, “Iska geli lahaydaa!” Adeerkaa maalintaa si adag ayuu kuu waabiyay, waxaanu duqeeyay qofnimadaada, si-araggaaga iyo xorriyadda afkaartaada. Xaqiiqada waxa lagu caabbiyaa xadhkaha been-abuurka, bahdilka iyo dafiraadda.

Qoomammo iyo qammuunyo toonna ma joogtid maadaama uu dadkuba kula wada mid yahay. Waa la caaddifadaysnaa, dadkuna uma gacan-bannaanayn inuu si furfuran uga baaraandego mawqifka hadoodilan ah ee la soo walwaashay. May jirin fursado lagu falanqeyn karayay aragtidan marin-habaabisay sifihii toolmoonaa ee wax loo raadin lahaa. Degdeg iyo si aan kaadsiimo lahayn ayuunbaa dadka wax loogu af rogay. Labadii dhinac is eryanayay ayaa dadka madiiddo saaray oo caroog jaan iyo darammal runta lagu bogdooxo u tumay. Nacab iyo nasteex may kala lahayn ee labada haliilba dadka way dhaceen; mid hantida fadhataystay iyo mid caqliga masaakiinta bililiqaystayba.

Bulshadu way daallanayd, xal kale oo ay ku eeran karaanna ma muuqan. Dabcan, nafta ayuunbay kula dul dhaceen. Waxa kale oo laga faa’iidaystay dhacii, boobkii, iyo baylahdii kale ee jirtay oo lagu iidaamay boqollaal maslaxadood oo huwan shaadh qarannimo. “Walaalayaal, waannu ka xunnahay saxaafadda la cabbudhiyay…. Waa in dadku codkooda kaga jawaabaan caddaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo keli-talisnimada maamulku caadaystay… Annagu, haddii ay biyaha tahay, haddii ay waddooyinka tahay, haddii ay caafimaadka tahay, haddii ay…. iyo haddii ay…”. Waxan oo afmiishaarnimo ah oo loo geeyay muddaaharaadyo salmi ah, Madaxweynuhu ha dhaco iyo afcaal hunguri wed ma arko ah ayaa noqday sallaankii lagu halabsaday geenyada.

Maantana run badani ma jirto. Sida aad u og tahay tahay ama aad uga war la’ dahay in marar hore lagu lug-gooyay, ayaanad xogogaal ugu ahayn in maantana mar kale lagu jillaafaynayo. Timaaddo kasta iyo tagtadeedaba, waxa la iskaga gudbaa boqollaal khad oo wada turxaan iyo tarbiico miidhan ah, waxaana lagu dhaqaaqaa tallaabooyin iska hor iyo daba imanaya oo wax laguugu dhimayo. Bal adiguba dib u xusuuso inta aad u soo joogtay arrin deelqaaf ku ah dawladnimadan meehannowsan oo aan laba Cali ku wada hadlin. Subax walba gef baa dhaca, weliba, indha-adayggooda; turunturrooyinkooda ayay kaaga dhigaan guul markii ugu horreysay la hantiyay. Adiguna waad u dhug leedahay waxa socda, waxaad se ku deysatay “Dhiilku ha buuxsamo” ama waxaad aamintay in isbeddelkii aad jeeshay sidan ahaa.

Intii aad jirtay iyo taxanaha sooyaalkaagaba, xilliyo kala duwan ayaad isku hawshay tacabyo kala duwan. Sidii lagaaga bartay, maantana, mar kale ayaad tasaysay. Libtii aad diif iyo darxumaba ugu dhabar-adaygtay waxay kaaga baahnayd daryeel iyo tooggo-hayn. Waxay kaaga baahnayd ilaalin, il-ku-dhawris iyo dabagal joogteysan. Laakiin markii aad intaasba ka hawlyaraysatay, ee aad duhur cad ka seexatay ayay dubur hawd ka xushay! Gunti furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho’e,” Waxaad isku qancisay; “Labada sanno ee hore yaan waxba laga sheegin”. Ma taqaannid sababta sidaas loo yidhi, waxaad se maqashay qaar sidaas uun ku halaanhalaya oo waad ku ayidday. Dalagdalagta Raacdeyntaadu waa goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oo aanad karaan u lahayn inaad aqbasho runta mutaxan iyo guul-darrooyinka ku hor tuban. Haddii labadaasiba ku dhammaadaan wax aan ahayn wixii aad u golongoshay, ma wax baad istifiidday? Sow daal uun maad korodhsannin? Ma sidaasaad weliba ku doonaysaa inaad adduunyada kaga mid noqoto? Mise taas diyaarba uma tihide, waa meexaanaha aad nafta ku madadaaliso. Maxaad u ilduuftay meerisyadii ahaa: “Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa”. Dee mooyidaada!

Mar haddii aanad wax-diiddo lahayn ama aad doonista kasha ka raadinayso hilimada leexsan, way adag tahay sida aad u rumeyso riyada maleawaalka ah. Cidna ha eersannin, hana ka murugoon urugooyinka iska soo daba dhacaya. Waxba indhaha ha ka meermeerinnin, hana is-diidsiinnin inaad waajahdo hadimooyinka muuneysan ee car iyo bey la’. Inkaaraha iyo ibtilooyinka arlada simay waa abaalgudkii tacabkaaga. Miyaan Ilaahay odhannin “Musiibada dhacaysaa waa wixii aad kasbateen”. Haddii cidi eed leedahay, adiga ayaa leh. Inta aad dunuubtaada ka ordayso iyo inta aad ka dhego-la’dahay xil-gudashooyinka kuu gacan-haadinaya, waad lunsan tahay! Inaad is daba qabato, inaad is illowsiiso iyo inaad ka jawaabtaaba, kuu furan. Kolleyba, door iigama bannaana inaan kuu dooro hannaanka aad jeceshahay inaad u noolaatid.

Maxamed Saleebaan Cumar

E-mail: halabuur@hotmail.com, contact@weedhsan.com

Website: www.weedhsan.com, www.weedhsan.org

©Weedhsan Corporation

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>