Bandhig Loo Sameeyay Buugaag Cusub Oo ay Haya’dda EDC U Diyaarisay Ardayda Dhigata Dugsiyada Hoose/Dhexe


Hargeysa (Hadraawi Official Website): – Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Mr. Maxamed Xasan ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo ay haya’dda EDC ku soo bandhigtay buugaag cusub oo ay u diyaariyeen ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee Somaliland, taas oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay madaxda iyo shaqaalaha haya’dda EDC, Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), shaqaalaha ururrada bulshada, qorayaasha iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mr. Maxamed Xasan oo halkaasi hadal dheer kasoo jeediyay ayaa ka warramay muhiinmadda ay tacliintu u leedahay bulshada isagoo cadeeyay in ardayga ku soo kora guri ay buugaag badan yaallaani ka maskax badnaanayo qofka ama ardayga kale ee ku soo kora guri bilaa buugaag ah oo aan waxba lagu akhriyin.
Maxamed Xasan Waxaa uu ugu danbayntii soo jeediyay in la faro badiyo goobaha wax lagu akhristo (Libraries) ee ay xaafadaha magaaladu leeyihiin taasi oo uu sheegay inay kor u qaadi doonto akhrista iyo qoraalkaba.
Madaxa Mashruuca SIRIP ee haya’dda EDC Dr. Khadar Bashiir Cali oo halkaasi ka hadashay ayaa ugu horrayn u mahad celisay dhammaan ka soo qayb galayaasha, iyada oo ka xog-warrantay ujeeddada ay haya’ddani ka lahayd oo ay sheegtay in haddii aanu ardaygu lahayn aqoon uu wax ku akhriyo inaanu waxba baranayn taasina ay tahay muhiimada koowaad ee ay mashruucan ka leeyihiin.
“Waxaan aragnay luuqaddii Soomaligu inay tayadeedii sii lumayso, oo waxbarashada luuqadda Soomaaligu ay hoos u sii dhacayso, taasina waa arrin aad iyo aad u muhiim ah in la derso, waayo, waxaa cilmi baadhis lagusoo sheegay ardaygu haddii aanu luuqaddiisa hooyo garanayn awoodi karayn inuu barto luqado kale oo qalaad.” Ayay tidhi Dr. Khadar oo ka waramaysay muhiimadda buugaagtani u leeyihiin kobcinta iyo tayaynta afka Soomaliga.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa ka warramay muhiimadda ay leedahay barbaarinta ubadka isagoo ku dheeraaday in marka labada qof ee qoyska ahi doonayaan inay ubad dhalaan looga baahan yahay inay ogaadaan ama is weydiiyaan sababta ay u doonayaan inay ubad dhalaan, taasina ay tahay ta keenaysa in ilmuhu noqdo mid wanaagsan iyo mid xun.
Abwaan Hadraawi waxaa kale oo halkaas uga mahadceliyay haya’dda EDC barnaamijkan iyo buugaagtan qiimaha leh ee ay maanta halkaa kusoo bandhigeen, isagoo sheegay in barbaarinta ubadkana guud ahaan xilkoodu saaran yahay bulshada ay ka dhasheen kolba sida ay noqonayaana ku xidhan tahay kolba xaalada ay ku sugan tahay umadda dhashay.
Abwaan Hadraawi wuxuu sidoo kale xusay in buugaagta ay haya’dda EDC qoreen ay wax badan ka anfici doonaan carruurta qurbaha ku dhalatay ee ilaaway luuqadoodii iyo haybtoodii ee ku abtirsada wadamada ay ku dhasheen.
Nimco Haybe Cismaan oo ka mid ah hawl wadeenada Haya’dda EDC gaar ahaan qaybta soo bandhigaysa buugaagta ayaa iyaduna ka warantay taariikhdii qorista buugaagtaasi oo sheegtay inay ku qoran yihiin labada luuqadood ee afka soomaaliga iyo ingiriisiga, ayna horaysiiyeen luuqada afka soomaliga, maadaama dadka akhrisanayaa ay soomaali yihiin.
Nimco Haybe waxaa kale oo ay sheegtay inay buugaagtaasi qoreen qorayaal da,ayar ah kuwaasi oo ay tilmaamtay inay fursad u ahayd qorista buugaagtani, taasi oo ay sheegtay in Haya’dda EDC ugu talo gashay inay caruurta soomalidu aanay noqon oo kaliyaata dad wax akhriya laakiin ay noqdaan qorayaashi badali lahaa qorayaasha waawayn iyo abwaanada maanta la jooga.
“Waxaa kale oo aanu ku talo galnay inaanu (EDC) ogaano mawduucyada ay ku fikirayaan caruurtu waayo dhibaatooyin badan ayaa haysta, mushkilado badan ayaa haysta, taasina waa sababta aan ka helnay sheekooyinkan in laga soo saar sheekooyin aad u tayo wanaagasan.” Sidaasi waxaa sheegtay Nimco Haybe oo ka waramaysay mid ka mid ah faa,idooyinkii laga doonayo ururinta sheekooyinka buugaagta ay haayadoodu maanta soo bandhigeen.
Nimco Haybe waxaa kale oo ay halkaasi uga mahad celisay qorayaashii iyo abwaanadii buug ahaan u qaabeeyay markii sheekooyinka lasoo ururiyay oo ay sheegtay inay ka mid ahaayeen Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Yuusuf Cismaan Cabdule (Y. Shaacir), Ciise Muxumed Siyaad, Cabdi Dheeg Yuusuf, Cabdiqaadir Cali Cigaal, iyo C/laahi Cawad Muuse, iyo sidoo kale wasaarada waxbarashada oo ay sheegtay inay ka caawiyeen markii sheekooyinka lagasoo ururinayay ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo Haya’dda EDC oo aanay la,aanteed suurto galeen soo saarista iyo qorista buugaagtaasi.
“Afarta buug ee aan maanta soo bandhigi doono waxaa magacaantooda la kala yidhaa: Mugdi iyo maandooriye, Guur iyo Gaadasho, Lilaahi iyo Lugooyo, iyo ka u danbeeya oo la yidhaa Ilayska Aqoonta.”
Maaha markii ugu horaysay ee ay Haya’dda EDC soo saarto buugaag ku qoran af-soomaali oo wax badan ka caawinaya ardayda dugsiyada hoose ee waxay hore usoo saartay buugaagta ay ka midka yihiin Xarfaha Afka Soomliga oo fasalka koowaad ilaa ka afraad loogu talo galay, Aasiya Buug, Buuga Shaqalada, Buuga Xarfaha iyo buugaag kale oo faro badan.
Hadraawi Official Website,
Hargeisa.

Waa buugaag xisaab ah (jajab) oo kala duwan oo muuqaal iyo qoraal ah. Waxaa loogu talogalay ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ama qof kasta oo doonaaya inuu si hawl yar oo muuqaal iyo qoraallo isku dhafan ah u barto xisaabta jajabka. Buugga koowaad waa Fahamka Jajabka oo Muuqaal ah. Ka 2aad, wuxuu ku saabsan yahay Isugeynta Jajabka oo Muuqaal ah. Buugga saddexaadna waa Isugeynta Jababyo Badan oo Muuqaal ah, gaar ahaan, jajabyada kakan ee dhufsaneyareyaasha kala duwan iwm leh. Haddaba, ciddii buugaagtan xisaabta ama Ingiriisida ah xiiseyneysa, gaar ahaan, dugsiyada, ardayda, macallimmiinta, waalidiinta, maamul waxbarasho iwm waxay igala soo xidhiidhi karaan Dhabarlow@Yahoo.co.uk.
Mahadsanidiin.
Muj Dhabarlow