Beeraad

Aan baab tusaala ah
Ku bireeyo heestee
Waxa iga ballaysina
Bismillaahi waa kow
Cabdiyow ba’lagu yidhi
Beertii jacaykow
Haddii siinki buuq iyo
Badhax iyo cindiid dhalay
Kaftankeenna balliyo
Ba’ba aan u rogannee
Waynoo baloolley
Lugta bidix ka jaamee

Barni iyo Saluugliyo
Basradii Hargaysiyo
Burco Saxarladeediyo
Cabdiyow ma beenayn
Ballankii Suleekhee
Sed bursiinyo doon baa
Beled-weyn I geysoo
Badhidaan leggeedii
Is lahaa ku biirsoo
Waxaan buuxi leeyahay
Haantii barwaaqee
Bi’I waaye Qaysow
Hawshayda kala quban
Xilka aan u baydnahay
Barashada xusuusta leh
Ha ka dhigin bar kuma taal

Ana baadi hadaftoo
Iska badalli roortiyo
Hayga dhigin nin biya-dhacay
Sheekada bu’deediyo
Baaceeda sii raac
Gunta hoos u sii baadh
I baxnaani saaxiib

Ruuxaad ba’iisiyo
Iintiisa baratee
Bedenkiyo calooshiyo
Kuu baadha feedhaha
Boogtiisa Qaysow
Lama sii banneeyoo
Bacda lagama jeexee
I banbaani saaxiib

Beerlula warkeediyo
Buundada korkeediyo
Baaxaa deggaygiyo
Kalgacaylka beermiyo
Taliyaha I badhi-furay
Berigaas wixii dhacay
Bandhiggii nin joogow
Sheekada ka bogatoo
Uma baahnid faallee
Adiguba barbaartiyo
Bulshadaad la socotoo
Barbar baad ka saarayd
Baabuurka dhoofoo
Batarkiyo ciyaartaba
Adigaa ka boodee
Cabdiyow baroortuba
Ka badh weeye meydkee
Beybeysigaagiyo
Beeraadka iga daa.

Ragna biime weeyee
Taladii bir lagu jaro
Hadday baydu furatoo
Xadhkaheedu buubaan
Lama baraq nuglaadoo
Bishmahaaga Qaysow
Baqe lama qaniinee
Waxa loo badheedhaa
Biyo dhiijinteedee
Haddaad bayr ka leedahay
Biyo jira kashaadiyo
Buro adiga kugu taal
Boholiina lagu dhacay
Ma bir baynu xidhannaa.

Iska booqi maayoo
Bulxanka iyo qayladu
Wax bilaasha maahee
Beesheenna weyn baan
Ku baxaan baxaayoo
Hadba dhinac ka booqdaa
Hablaheenna biligiyo
Bilic lagu majeertee
Loo soohay baarkaa
Timahaa ka badannoo
Iyagaan bad iyo webi
Ugu baaqayaayoo
Anna biligta laafyaha
Baxsanaanta jaahaan
Ku baarugaayoo
Hadba tii I baabtee
Boholyow I gelisaan
Kalgacaylka Boodhari
Ku bariidiyaayoo
Boogaha jacaylkaan
Siiyaa badhkeedee
Waxa kuu bushaara ah
Berritana Jamaamiyo
Baar-Dheere iga eeg

Ido boqol kun gaadhoo
Barqanaaya doog baan
Hadba baal u rogayaa
Bahalaha ka rebayaa
Barkan maayo gacantoo
Baashaali maayee
Cabdiyow bal ila soco

Aan baab gunaanada
Ku bisleeyo heestee
Waadigan ba’iyo siin
Labadaba bilkeedee
Anna baadi doonkiyo
Budulkaan ku joogaa
Belo waa danbaysaa
Ha is boobin saaxiib.

Leave a Reply