Category Archives: SUUGAAN

Hal La Qalay

Hal la qalay raqdeedaa
Lagu soo qamaamoo
Qalalaasihii baa
Nin ba qurub haleeloo
laba waliba qaybteed
Qorraxday ku dubatoo
Qoloftiyo laftiibaa
Lagu liqay qallaylkee
Qosol wuxuu ka joogaa
Qubannaa danbeeyee
Weli qaba hamuuntee
Buuraha qotada dheer
Ka arkaaya qiiqee
Qarka soo jafaayee

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii

Qarandidu libaaxbay
Ku qadhaabataayoo
Soo qabo tidhaahdaa
Qaankiyo biciidkoo
Qaybtana shanlaabay
Qoondeysataayoo
Isagnaa qorshaha guud
Qanjidhkiyo xumaystay
Ha qawedin tidhaahdaa
Aarkuna ma quustoo
Ma qarsado xanuunkee
Hadba qaran jabkiisiyo
Qiirada xasuustuu
Kolba dibin qaniinaa

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii

Weligay cad quudheed
Anna qaadan maayoo
Qalanjadan faraa dheer
Wax la qaybsan maayee
Bal inay qabuuruhu
Saddex-qayd ka maarmaan
Ama qoor-tal jeexaan
Labadaas mid quudhaan
Xilka qaawan saaraan
Hadba qaylo-doon baan
Ka horow qiyaamaha
Ku qulaamin maydkee
Aan qoofallaadee
Qarqarsiga ha iga furin.

Qalwadii masbaa galay
Qodax baase hoos taal
Fule quudhsigii diid
Geesi qoorta soo dhigey
Faras qaayihiisii
Qurux buu ku doorsaday
Qabqab dhaafay baa yimi
Qosol qoonsimaad noqoy
Qabyo waa halkeedii

Suubban

Marka hore salaantii
Socotada u meel tiil,
Marka xiga sideedii
Duni iyo su’aasheed,
Labadeeda sooyaal
Sidig nirig wadaagtiyo
Isa-saaran maahee
Samo xumo hor joogiyo
Laba kala sokeeyoo
Kala seeran weeyaan.

Haddaan suubban loo deyn
Sumaddeeda dhalashada
Kala-sooca labadaas
Duni lagula saayirin
Sinji-doorinteedaan
Runta laga sal gaadheyn.

Haddii fool-sawaabkiyo
lagu wado far iyo suul,
Waxa Aadmi soli kara
In siyaasad lagu furo
Nin ku seexday waa yaab.

Xaqu waa sunniyo faral
Marna waa sir iyo caad
Misna waa sal iyo baar
Camalkaa sed lagu xidhay
Qofba saami mudan yahay,
In sinnaanta laga dhigo
Kala-soof in gudashada
Qofba dhinac ku sara kaco,
Rabbi waa samaalee
In samaan-u-xilashada
Samihiisa lagu helo,
Samo samo la dhaafshiyo
Sare iyo tu hoosiyo
Isa-sudhan ha noqotaa
Sababuhu u dhacayaan.

Noloshuna ka-samirkiyo
Ha sabbayso maahee,
Sifo lagu dar yeeliyo
Suxul lagu ilaashiyo
Sacab lagu hor joogiyo
Sunta malab-ka-luliddaa
Hiyi lagu sarbeebaa.

Sebennada xujeynta ah
Wakhtiyada saboolka ah
Qofku inu sarriigtiyo
Inu saanta raransado
Sabirkow dhexeeyoo,
Sado waxay macaan tahay
Marka loo sid-tiriyoo,
Qofba saakadiisaa
Ku sar go’an runtiisee,
Waxan suura-geli karin
In yaqiinta lagu sugo,
Marba xadhig la soohiyo
Haddaan seeto loo hayn
Naftu way sawaxantaa,
Hadday saar-ku-nool tahay
Marka saabku madhan yahay
Saxarkay ka gubataa,
Subaxday gurracan tahay
Hadba surin qalloociyo
Salowgay ku dhacantaa,
Marka suun in lagu xidho
Laga jiro su’aalaha
Sal-fudaydku weheshado
Cishadeeda lagu simo
Sooryadeedu waa taas.

Duni iyo sureerkeed
Iyo sawrac-guurkeed
Sabo lagu negaadiyo
Sumbo aan dab lagu shidan,
Hadba kay ku sugan tahay
Innagaa ka sahanoo,
Dabinkiyo sursuuraha
Ha ku socoto maahoo
Haddii suurka loo tumo
Saymaheeda meel yaal
Innagaa ku soconnoo,
Qof sansaanka muuqdiyo
Sadarrada akhriyayaa
Belo saadin maayee
Sanqadh buu ka digayaa
Selel lagu dareemee,
Hadba taan la sidan karin
Sahal lagama yeeshee
Ku salliya Rasuulkii- (cs).

Run-saluugga fara badan
Suruc baa ka beermoo,
Kol hadday ku sabayaan
Col sariirta diidiyo
Saqda dhexe fal-gunuddadu
Talo kuuma sarinsana.

Siduu-doono-yeelow
Kol haddaanad suurayn
Sababaha lurkaaga ah
Runi kuuma saafnee,
Sannadaha cimrigu galo
God sagaal-jir lagu dedo
In siddeetan lagu qodo
Ka sadqayso weeyee,
Kol hadday ku seegeen
Saddexdii ammaanood,
Sayidnimadu sheekiyo
Iska-sidasho maahee
Sidaad doonto yeelkaa.

Sixirbaa hor kacayee
Kol haddii mugdigu simay
Sumuc loogu mala-deyey
Soddonkeeda maalmood
Sahwi iyo xanuun tahay
Ninka lihi ka saahidey,
Culimada safkeediyo
Weliyada sancayntiyo
Nin siraata yeelkii

Xamareey Ma Nabad baa?

Xayaabkii cir da’ayeey
Daruur shaalka xayddaay
Xulad geenyo ugubeey
Darmaan xoosh u dhalataay
Xil-dhibaanka nabaddaay
Xajkii Geeska Bariyeey
Cadceeddoo xab-bururtaay
Marna xabag barsheeddii
Nafta xiisa gelisaay

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Xiddigtii bahdeediyo
Xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee
Sumaddooda xaynkiyo
Shanta gees u xidhataay.

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Laamaha xorriyaddiyo
Xayn-daabka calankee
Xejinaaya dhalashada
Xididkay ka beermaan
Xinjir laga waraabshaay.

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Carra-edeg xanteediyo
Xaska weli dhex-yaalliyo
Xaskulaha in laga guro
Danahooda xigashiyo
Xagal-daac in laga jiro
Tii loo xil-saaraay.

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Isticmaarku xeel iyo
Xanaf iyo wax-yeelliyo
Xanan iyo dhibaatiyo
Xadhko miidhan weeyoo
Sida geed xajiinluu
Xagxagtaa kor kaagee
Xadantada gumeystaha
Xaram lagaga maydhaay

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Danta inay xaraashaan
Dembi inay xambaartaan
Ama sharafka xooraan
Isticmaar la xididaan
Ama xeer la yeeshaan
Nimankii ka xila-furay,
Naftu waxay u xilataa
Dhegta xeerinteedee,
Nolol aan xarrago wadan
Nimankii xanuunkiyo
Xabsiyada ka door-biday
Gobannimo xaq weeyee
Inta geesi loo xidhay
Ama xawda laga jaray
Geerida xalaasha ah
Nimankii xantoobsaday
Halka lagu xormeeyaay

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Shinnida Xumbaaliyo
Sida xaydha-weyntii
Nimankay Xawaashiyo
Xaab-qaaddu keentee
Xagga sare ka soo degey
Dhulka xaabadii tiil
Nimankii xambaartee
Dhirta xaalufka u rogey
Dunidaan is-ximinnoo
Xasillooni loo yaal
Dadku kala xishoodaan
Nimankii xaduurkiyo
Xadaafiirta geliyee
Inta ay xifaaliyo
Xumo iyo colaad iyo
Xiisadaa ku kiciyeen
Xolad daba ku olosheen
Xadhkaheeda kala furay
Xidid iyo tol wada yaal
Nimankii hub xoogliyo
Xakamaha ku kala raray
Kala xaday walaalaha
Marwadii xanjeerrayd
Nimankii xabbaadhee
Xawawaray dhasheedii
Kuwa midabka ximiyee
Xaqlahana addoonsada
Xistigiyo gumeystaha
Birta looga xiiriyo
Halka lagu xabaalay

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Xamareey ma nabad baa?

Sida xuur wedkeedii
Xan ahaa ku maqashaan
Amba xiisahaagii
Xamarey la dhuubtoo
Xalay waxan baraarugey
Iyadoo xiddayseey
Inta xaysku kuu da’ay
Dhulku wada xareed iyo
Xamash iyo ugbaad iyo
Xilli yahay barwaaqoo
Dayaxaagu xaynkiyo
Xuubkii dillaacshoo
Inta uu xanjaadkiyo
Xagal qudha la soo baxay
Dusha sare xinnaystoo
Dhallinyaro xariiriyo
Halbo Xuural-caynii
Isasoo xusheenoo
Xeebtaada yaabka leh
Inta ay xaraaraha
Laba laba u xaadheen
Xusullada dhigteenoo
Xeerkii kal-gacalkiyo
Lagu jiro xisaaboo
Xantu hoos u socotoon
Aniguna Xayaad iyo
Xiddigtii jacaylkee
Shanta xaraf mid lagu daray
Xog-waraysanaayoon
Kolba xaada cududdiyo
Xaradhkiyo garaaraha
Il-badhkeed ku xadayee

Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
Maxaad aniga oo xidhan
Lahashada xanuunka leh
Ii xusuusinaysaa?

HUDHUD

Boqorkay huq iyo ciil
Hagardaamo lumisow
Hadimada kalgacalka leh
Cilmigii u hoydow
Heesaha baroorta ah
Halqabsiga jacaylkow
Hambalyiyo salaan iyo
Hibo iga guddoomoo

Kolley waan hubaayoo
Hawlihii addunyada
Heshay aayahoodee
Hal yar aan ku toydee
Jannadii ma hurudaa?
Hadh qabow ma jiiftaa?
Hoobaan ma gurataa?
Hablo Xuural-caynii
Sow kuuma heesaan?
Waxa aad la haysaba
Hoo kuma yidhaahdeen?

Wedka lama huraayee
Reer soo hayaamiyo
Hayin raran ma kulanteen?
Hor Illaahay adigiyo
Hodan maysku aragteen?
Ma is dhaafsateen hadal?

Bal maxaan haweenkiyo
Dumar ugu hilloobaa?
Ama kula heshiiyaa
Ugu hagar la’aadaa?
Sowtay hir beeniyo
Ku tuseen hillaacee
Hogol aan da’ayn iyo
Hanfi kuu aroorsheen
Hirwo kuu garaaceen
Hungo kuugu baaqeen!

Sowtay ku hawleen
Ku jareen halbowlaha
Haadaan ku koriyeen
Hore kuugu riixeen
Hogga kuu dabooleen
Hoos kuugu tuureen!

Sowtay ku heereen
Hengelaa ku saareen
Gudcur kuu hillaabeen
Ku dhigeen habaaskee
Cidla kaaga hoyden
Hororkiyo waraabuhu
Hilbahaaga jiiteen
Haadda iyo xuunshadu
Hanbadooda feenteen!

Waxaan ugu hamranayaa
Hooyaa ka dhalatoo
Naaskii habreed baa
Iga hiilinaayee
Wallee hawlahaan galo
Iyo heegantaan dhigo
Dumar lama haweysteen
Ragba ma hungureeyeen
Hanti lagama dhiibeen
Guri laguma hoysteen
Hadal lalama yeesheen!

Shan-Ubaxley

Ugubey ma seexdoo
Iintaada hoosaan
Uur-baadhayaayoo
Toddobada ayaamood
Kolba ood ka rogayaa.
Meel uurku tebayoo
Ergo kuugu maqantahay
Indhahaagan haystaad
Ku illowdey ruuxaan
Cidi kula arkayn iyo
Eegmadan jacalkiyo
Ilmadaadan qubatee
Dhabannada ordaysiyo
Dhirtanaad arradisee
Ubaxii ka madhisiyo
Waxan kaa ambaday baan
Indhashooda waayee,
Arrintaada gabadh yahay
Udubkeedu dheeraa!
Waxaad tahay qof uguboo
Iimaanku buuxoo
Sidan qabo Allaylehe
Aqalkaad ku dhalatiyo
Gurigaad ku ababtaa
Alla lagu xusaayoo
Awliyadu ku kulantaa.

Badi wuxuu arooraa
Arday macallinkiisee
Edebtiyo xishoodkana
Idil hooyadaabaa
Kugu tidhi adkeeyoo
Malaa aammusnaantana
Iyadaad ka wadataa.

Sida ruux abwaaniyo
Waaya-arag da’weyn baad
Arartiyo tilmaamaha
Kolba madax unkaysaa
Hadba dhinac aabyeysaa,
Malaa aabbahaa baa
Taliyoo arrimiyoo
Gabadhyahay af-tahamada
Isagaadka wadataa.
Timahaagan adhaxdiyo
Ka arooray dhabarkee
Garbahaaga ootaan
Erey lagu tilmaamiyo
Hadal lagu ammaaniyo
Wax asteeya waayoo
Afartaada waaxood
Indhal baysu haysoo
Luquntaadu inanyahay
Waa aaran geriyoo,
Sanku waa abuurtii
Fardo Adari joogiyo
Ashkirkii Nugaashoo,
Indhahaagu ruuxii
Sal-fudayd ku eegay
Ashqaraar ku ridayaan.

Afkaan midabka luulka leg
Mahadhada ilka furan
Labadaba Allaylehe
Ninka eeday waa ani.

Dadkanuu Ilaahay
Ka abuuray ciidee
Goblantada adduunyadu
Ka idlaysay dheehee
Dhaxantiyo awaaruhu
Araggooda doorsheen,
Oday lama wadaagtide
Ma cadceed arooryoo
]sagal oogadeediyo
agagaarka geesaha
kaga taxay aleelaad,
uur wada gasheenoo
ma cir-jiidha oogtiyo
xiddigaha iftiimaad
dhalad kula aroortaa.

Ma hadlaa af-saarkiyo
Indha saabka qaatiyo
Amran xuural-cayntaad
Isir hilib wadaagtaan?

Ubaxley shan ubaxley
Magacaagu waa udub
Gacmahaagu eegmada
Waa laba ulooddoo
N.F.D ku yaalloo
Unuunkaagu waa Xamar
Adhaxdaadu waa Hargeysiyo
Obokh bay ku beermeen
Abtirsiimadaaduna
Afrikoo dhan weeyaan.

Arraweelo

Ooshu waa halkeedii
Cirku waa engegan yahay
Naxariisi kama iman
Dhulku waa arradan yahay
Oogadiisu damac ma leh
Waa abaar dad qalata ah
Waa sabaan la adhax jabay
Ma aloosna geedkii
Afti baana sii tiil
Dadna waa ogsoonaa
Anna baanahaygii
Ku adkaysan waayee
Sow iimahaygiyo
Alabkayga lama baran

Olol-reenka hibashada
Uugaanka baxayaa
Ma naftii asqowdaa
Mar labaad arrumisoo
Agabtii xidhxidhatoo
Awrkeedu raran yahay
Ma awaalihiibaa?
Asmadiyo xanuunkiyo
Aynfaadku saarraa
Ma abaabulkii baa?
Oohowda waallaa
Ma dabkaan afuufee
Aasee bakhtiiyaa
Ololkiisu baxayaa?

Kalgacaylku aafiyo
Urugiyo dhib badanaa
Kasha nugul ka adakaa
Soo aarey nabarkii
Ma alwadey sidii geel
Edeg madhan ma deydeyey
Sida bahal ma oogsadey
Ma illaday kabtii jaan
Ma ku jiitey awdalan
Ma arooryadii baa?

Waabayda udugga leh
Idin laygu shidi jirey
Abbaartayda saakana
Ma adeeridii baa?
Sidaan aar libaax ahay
Araggaygu didin jirey

Arraweelo dumareey
Arrimaha dhexdeenna ah
Asaraari maayee
Igu tidhi “ha ii iman”
Anna waan hubaayoo
Inaan uurka kaa jaro
Afar iyo shan goor baan
Axdi kuugu qaadoo
Misna oofin waayee
Isma ogiye goormaan
Tolow aqalka soo galay?

Ma naftii ku eeddeed
Obocdeeda karisee
Ishu kaaga fagantaan
Usha kaaga reebaan
Igdhayee sabaayee
Uubaale geeyeen
Meelaanay kaa arag
Ku ilaalinaayaa
Soo jiidhay ooddii
Ma adaahidii baa?
Addinkaaga hoos taal

Aburkiyo xarraankiyo
Orka iyo mashxaraddiyo
Alalaaska baxayaa
Ma ujeeddadaasaa?
Ma addoonsigeeda?
Ajar kuugu sugan yahay?

Arxanlaay karkabaddiyo
Araggaygu murugiyo
Yaanu umal ku saaqoo
Anfariir ku geliyiyo
Kugu noqon af kala qaad
Arrintayda gabadh yahay
Nin ambaday ka soo qaad

Naftan oonku shidayee
Deyn weydey ololkaa
Amankaaga dhalisee
Abhin iyo tusaaliyo
Ergo waaya hadashiyo
Imisaan karaankay
La cuskaday aqoonta?
Ma waxaanan odhannoon
Ka illaawey baa jira?

Hadday diiddey amarkii
Ka irdhowdey taladii
Oggolaatay dala’siga
Eelka maanigaa dhigay?

Indhahaagu kululaa
Eebadaadu toganaa
Warmahaagu adakaa
Arammida ku haysiyo
Aanadaadu weynaa
Yaad ka aarsanaysaa
Ma nin aabbahaa diley?
Nin astaamahaagiyo
Quruxdaada oog iyo
Ubax dharan ku sheegoo
Ammaantaada koobaa
Eed beeli waayee
Erey tuurleh ruuxii
Afka kaa yidhaahdiyo
Utin nimaad ku leedahay
Waa maxay abaalkii?

Sow ma tihid ilayskiyo
Iidaanka noloshiyo
Iimaanka lahashada
Sidaan kaaga oolaa?
Immisaan ku jiri baaq
Heestii ukulidiyo
Cabashiyo abla-ablayn?
Xeerkii Islaamkiyo
Wixii Eebbahay faray
Olloggayga godobtiyo
Aanfada ka doortoow
Aabi loo badheedhiyo
Ansax maaha digashadu
Yaan inkaari kugu dhicin

Ashqaraarka kibirkiyo
Yaanay iiddu kula tegin
Ha ku tuman aleelaha
Ha afduubin xaajada
Isirkeeda doon doon
Ka ummuli tusaalaha
Alif macallin weydii
Bal abuurta dunidiyo
Shalay iyo awaasheed
Aashaa dib ugu noqo
Bal oddoros hilaadaha
Bal malee wax iman kara
Berritiyo ayaamaha
Ifafaale daymood
Bal iskaa ka sheekee
Wixi aadmi soo maray
Taariikhda uur baadh
Ugub maaha jamashadu
Ma ishaaran keligey
Kalgacaylku waa oday
Asalkiisu waa geed
Ab abkii lammaanaa
Nabar oof wareemuu
La abloobo mooyee
Abidkii ma qaran jabo

Gabadh yahay addduunyada
Waxaa loo agaasimay
Aayatiinka dhaqashada
Agan maaha gamashiday
Ma idlaan hankeedii
Gabno ibo kuryowdoo
Ablo lagala quustoo
Maaha laga inaabsaday
Weli way irmaan tahay
Waa aroos toddoba baxay
Oori weeye qurux badan
Waa ammaano dhaxal gala
Aayadaa ka soo degey
Rabbi baa aqoolkiyo
Abyiddeeda labadaba
Ka afeeftay beri hore
Duminteeda ma oggola
Haddaad siibto udubbada
Soo dhaafto Alamtara
Miyaan eedda keligaa
Cidi kuugu imanayn?
Maadigaa awoodda leh
Taladiyo ummuuruhu
Ma sidaad u aragtaa?
Ma Illaahay baan jirin

Ula-jeeddadaydii
Arar baan ku lumiyoo
Warka waan agmarayoo
Irbad baan ku qalayee
Uus-miirka dulucdiyo
Amba-qaadka geeddiga
Waxaan guurti ku egmadey
Hadalkana ku urursaday
Irrid waliba kuu furan
Haddaan iisho gabadh yahay
Marna waa ayaankaa
Marna waa itaalkaa
Sheekadayda iib gee
Aahdayda faallee
Arladoo dhan gaadhsii
Unuunkaygu waa hibo
Kuma haysto aakhiro

Jacayl dhiig ma lagu qoray?

Jacayl dhiig ma lagu qorayJacayl dhiig ma lagu qoray?
Weli dhuux ma loo shubay?
Qofna saanta dhabarkiyo
Ma u dheegey feedhaha?
Dhabannada cad laga jaray
Hadalkii ma lagu dhigay?
Xinjir aan is dhalan rogin
Midabkeedu dhiin yahay
Laga dhuray halbowlaha
Weli dhiil ma lagu shubay?
Laba mays dhansiiyeen
Sida dhayda xoolaha
Dhag dhag maw wadaageen?
Weli laba is dhaarsaday
Beryo dhacan nasiib iyo
Dhul ku kala cillaalaa
Subax dharabku kowsadey
Dhedaduna cuddoon tahay
Cidla aan dhir mooyee
Wax dhaqaaqayaa jirin
Jabaq maysku dhaadeen?.
Kulankii dhabta ahaa
Riyo dhiifi keentiyo
Dhalanteed ma moodeen?
Sida ay dhadhabayaan
Dhawr jeer ma seleleen?
Af dhabaan dhab jamashada
Ma ka dhoofay hadalkii
Bal dhaqaaq na kay tahay
Dhihidii ma waayeen?
Ma ka dhabaqday xaajadu?
Ilma dhalatay xiisuhu
Sida dhibic mahiigaan
Ma ka qubatay dhaayaha
Ma ku qoyey dharkoodii
Naxariis ma dhidideen
Iyagoo dhanqalankii
Dheel dheelli mooyee
Dhegna aanay kaga jirin
Kolba erey dhex roorkiyo
Dhumucdii ka maqantahay
Dhitinaaye keligii
Ka dib tooban dharaarood
Carrabkiyo dhanxanagii
Dhirindhirid ma ku heleen
Laba guul u dhalatoo
Isu dhiganta weeyee
Dabadeed dhabeeshii
Hanadkii ku dheeraa
Dhudi mays bariidsheen
Dhubbad qaadka sheekada
Qofba dhagarta caashaqa
Wixii dhaaxo soo maray
Ma dhex galay kalkiisii
Ma akhriyey dhambaalkii
Warka maysu dhiibeen.
Kalgacayl dhito ahaa
Dhamac iyo dab huriyeen
Dhuxuliyo ladh soo kacay
Hadba dhoon ma buuxsheen
Kolba dhacan ma jiideen
Dhacdadiyo u jeedada
Qofba dhaadashada guud
Qofka kale dhankiisii
Inaan looga soo dhicin
Ma ku dhaabadeeyeen
Sannad mays dhegeysteen
Ma dhalaalay waagii
Dhag ma tidhi cadceedii
Intay soo dhaqaaqeen
Iyagoon ka dheeraan
Dhaqankiyo xishoodkii
Dhaymana u jeel qaba
Iyadoo dhexdoodii
Dhulka suxul banana yahay
Dhibta maysla taageen
Wax intaa ka sii dhow
Ma ku dhiiran waayeen
Dhayal laysu taabtiyo
Dhallinyaro habkeedii
Ma ka dhega adaygeen
Dhadhansiga miliilica
Isha mayska dhawreen
Dhabbaday is taageen
Qofba dhaabaddiisii
Sara joog dhankiisii
Kun habeen ma dherernaa
Dhudhummada aboorkii
Dhulka hoose kaga baxay
Dhilashada jidhkoodii
Ma dhanbalay sartii guud
Ma dhammeeyey hilibkii
Xidididada ma dhaawacay
Ma u dhaafay seedaha
Lafta hoose maw dhacay
Dhiilluu ku geliyaa
Ama waad dhalliishaa
Dhagartiyo wedkaagee
Dhimashada kal iyo laab
Ma ku soo dhaweeyeen
Dhoollaha ma ka qosleen
Ubax dheelka subaxdii
Naxariis ku dhaashtoo
Afka dhiin cas mariyoo
Dhaddigiyo labkisii
Laba dhude isugu maran
Ma is dhaafsadeenoo
Dhaxal maysu siiyeen
Dhuuni kawlka caashaqa
Maysu sii dhadhamiyeen
Ereygii dhinaa hadal
Dhegta maysu saareen
Dhafan dhaaf aboorkii
Ma dhufsaday cammuudii
Ma u qaatay dhoobada
Dhab-dhabkiyo kabkabidii
Labadaba ma dhalan rogey
Dhismo kale ma soo baxay
Ma ka dhigay wax yaabliyo
Dudun dherer ku caanoo
Dhumuc iyo laxaad weyn
Dhalan dhoolka maantii
Dadku dhacarta jiilaal
Ma dhasaday dharaartii
Ma ka dheelmay galabtii
Iyadoon la dhaadayn
Sheekada dhabteediyo
Dhabar weyntan hooska leh
In dhexdeeda laba ruux
Runta kaga dhur sugayaan
Haddaan laysu dhamanayn
Nafta laysu dhiibayn
Ama dhaxal tis qaadiyo
Dhismo aqal la taagiyo
Ubad iyo dhaqaaliyo
Dhaqan reer la kala sugin
Dhunkashiyo u jeedadu
Tahay dhaayo guudkood
Waabay la dhabaqsado
Dhereg iyo markaas qudha
Ama sida dhurwaayada
Hilbo gabadh dheg roonoo
Higlo loogu dhuuntoo
Dhakhso loogu kala baxo
Ninba waxa dhabbacashada
Dabinkiisa ugu dhaca
Dhidar iyo xabaashii
Sharaf lagu dhabcaaliyo
Dhawrsooni laga tegey
Dhalanteedka beenta ah
Bulshadaa u dhaawacan
Hab jacayl u dhaqan galo
Ma holladay ka ugu dheer
Maamuusna ugu dhow
Mise weli wax baa dhiman!!

Hooyo

Abwaan Hadraawi iyo qisadii heesta HOOYO – Universal TV : Ridwaan

Heesta Hooyo, Maxamed Saleebaan Tubeec
[audio:http://www.hadraawi.org/media/Heesta-Hooyo-Maxamed-Saleebaan-Tubeec1.mp3]

Hooyoy la’aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Xiddig hawd ka lulatoo
Sida haad ma fuuleen
Dayax heego joogoo
Hubka laguma tureen
Hawo laguma gaadheen
Cirka hirar ka muuqdoo
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa

Marka aad nin hoo-loo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
Hayntiisa quudhoo
Hor Illaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Mar aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhoba
Ku labaad hilaadshoo
Haga maatadiisoo
La higsado dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoogiyo
Ka hor taga daalkoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
Dabka hura bakhtiiyoo
Ku haggoogta dhiiggoo
Dadka kala hagaajoo
Kala haga dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caaniyo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdiyo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Rabbi biyo u siiyoo
Labadaba hannaanshiyo
Hal-abuur dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweyntaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen weyn
Rag u wada hammuumee
Ishu calacsanaysaa
Hablahaaga weeyee
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hubqaadloo
Quruxdana ka hodaniyo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa

Hooyoy la’aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la’aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad hees iyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
Hoygii kalgacalkee
Naxariistu hadataay.

Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu hubaayooo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyoy taftaadaa
Dugsi laga helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigii hufnaantaay
Hidda lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Weligay hoygaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

Jiitama

Dhudu geenyadaydii
Dhex-yartii shakaallayd
Dhirifkiyo wisiisiga
Dharjadii ku tumatoo
Jarihii ku dhabatoo
Dhufsataye u sii daa
Magaceedu waa dheel
Heensaheedu waa dhiin
Shalmad dhabaq-guduudiyo
Dhowloosyo dahabiyo
Sitaac dheeh leh baw xidhan
Baal dhalalaayaa sudhan
Kun hal bay u dhagantaa
Dhanbaal bay siddaa culus
Dhalandhoolka tiigta ah
Hadday maagto dheemaal
Ama dheelmad soo galo
Dhudhubaha shareerka ah
Iyo jararka dhiibta ah
Iyadaa dhanbalatoo
Dhabbadeeda falatoo
Tubta sugan ku dhacantoo
Abataqan dhoweysee
Dhaxaad humhumatee
Ma dhan tahay Sarmaanow
Isma Dhiba ku soo bood.
Sida badowga haw dhiqin
Dhiiftu way cabudhisaa
Yaanay dhaadin guul guul
Xakamaha sal uga dhawr
Ha la dhicin rakaabbada
Nabar kulul ka dheeree
Dhengeddana ha ku adkayn
Yaanay koora dheelliyin
Dhacadiidka fara badan
Dhabarkaa ku daalee
Dhaqdhaqaaqa tarantari
Tabahana u dhiib dhiib
Dhabdhab orodka booddada
Ha ku dhegin majiiraha
Hadba dhaad isugu taag
Hadba dheeg iskaga looh
Uga suul dhabaalee
Hadba dhinac u diga-rogo
Dhudhun iyo badh sii soco
Isku dhereri gaaddada
Bogga dhaxanta kaga qabo
Dhulka gacanta saar saar
Hadba dhagax ka soo qaad
Dhanka kale ka soo fuul
Hadba dhool ka muunsood
Dhoorka raanta tuurtiyo
Taataabo dhabannada
Dhaw-dhawda kala quban
Hal-abuurka dhabaqda leh
Hawraarta kala dhiman
Tixahaan dhugta lahayn
Way ku dhega barjowdaa
Dhudda gabaygu leeyahay
Ereyada dhexroorka leh
Suugaanta dhaladka ah
Kula hadal af dhawrsoon
Ha ka dheregto maansada
Dulucdana dhacdo u yeel
Nin la dhawrayaad tahay
Waa lagaa dhursugayaa
Yaan darmaantu kula dhixin
Dhakhsaheedu waa laydh
Badi soo dhirbaaxdee
Dhag-dhagtiyo xawaaraha
Yaanay dhaafin yoolkii
Ina Dhamac ku sugi jirey
Isba waa dhigaygee
Dhoodaanna tala geli
Dhugashada ayaamaha
Haddaan dheehdo waayaha
Sooyaalka dhaxalka ah
Waxay dhaayo joogeen
Hadda shalay ma dheerayn
Waxa dhacay ma fududayn
Weli dhaar ma beenayn
Maalmihii dhanaanaa
Wixii dhiif la soo maray
Iskastoo la dhabar jabay
Laysma dhiibin goobii
Dhederbiga la geylamey
Mana jirin qof dhawrsaday
Dhaqan iyo hiddaa jirey
Dheg la xeeriyaa tiil
Dhaqashadu hal maahayn
Dhiigna waa la huri jirey
Dhumuc waa la ridi jirey
Badna waa la dhuri jirey
Guulna waa la dhalin jirey
Dhiiri buu hubku ahaa
Dhaadashaa hanku ahaa
Marka dhabi dhabteed tahay
Dhidar wayska tegi jirey
Miyaan dheelallaysnahay
Mise waan dhadhabayaa?
Dhammaan guulahaygii
Riyo iyo ma dholol baa
Ma dhibaad nin bixiyaa?
Ma runtaan dhacdo ahayn
Dhagaxtuur ma been baa
Labadii dharaarood
Mee ninkii is dhinac sudhay?
Miyaan daayey dhagartii
Mise dhiilladaan jirin
Mise tolow dhalooshaa
Dhibidkeedu adag yahay?
Dhirta waxa ku jira geed
Wac wac iyo dhalaal badan
Dhulka hoose kama baxo
Dhuuni yaalla kama qado
Damal dhuumo maaliyo
Dhamastii hadhka lahayd
Marka dhuuxu ka engego
Ma ogtahay dhillowyahan!
Hadduu dhaashto jiilaal
Ama dhiibsho laamaha
Naxariis la kala dhaco
Dhardharraanta quruxdiyo
Dhaaddanaanta liqanyada
Si kaluu u dheegtaa.
Maan dhabtayda faaqido
Dhubbad-qaad la daba galo
Cidla maan is kula dhaxo
Horta ooda dhacameed
Maan tilmaan ku kala dhigo
Dhalliishaydu waa tuma
Dhaymahaygu waa maxay?
Dhabadaan ku taagnahay
Hadday laafyo dheer tahay
Dhowrteedu badan tahay
mid ka dhow ma helayaa?
Haddaan dhay la heli Karin
Ama sixin la dhami Karin
Maan dhunkaal ba heensado
Dheeraad nin haystoo
Aqalkiisu dhalo yahay
Nabaddiyo ku dhaqan keed
Hadduu tuuryo dhaafsaday
Miyaan kiisa dhagax Karin
Maan dhadhaabta xaabsado
Hadday dheeshu laba tahay
Anigiyo dhurwaagay
Ka dhaxaysey guushii
Dhiniciisa ka holladay
Maan dhankayga ka guntado
Qayl- dhaanta sama-doon
Nin hadhkiisa uga dhacay
Dhawaaqayga sahashadey
Inuu ii dheg taagoo
I dhegeysto maan baro
Haddii awr dhufaanii
Isku saydhay dhibidii
Dhirta maan jejebiyoo
Anba dhoosha ka cartamo
Haddii dhoobi fara baxay
Dhoobeeyey taladii
Anba maan hengelo dhigo
Nin dhukani hadduu jiro
Anba maan is dhega maro
Nin dhibtayda magan galay
Anba dhiillo maan bado
Dhaawacayga hoog iyo
Dhimasho maan ku soo bedo
Ninki Dheeha gawracay
Hadduu dhuuni qaatiyo
Hubkuu ciidda dhaafsaday
Dhan kastaba iskaga xidhay
Xilli aanu dhaadeyn
Sida jibin dhinbilo kulul
Ama danab dhanbala ridey
Ama dhibic gudgude wado
Dusha maan ka soo dhaco
Hadday dhooftay nabaddii
Cirka looga xero dhigay
Dhoonbir maan ku soo rogo
Hadday ceel dhexdiis taal
Dhiigba maan ku soo guro
Dhambaalkaasi waa baaq
Dhawaaq weeye joogta ah
Dhahay oo haddana dhahay
Dhigay oo haddana dhigay
Hadba dhinac ka soo diray
Hadba midab u dhalan rogey
Nin dhegaystey fara badan
Ninse dhuuxay sheekada
Wax ka dheegtey mooyaan
Anna dhaawac igu gaadh
Dhimashiyo hed mooyee
Suugaanta dhacanta leh
Dhibba haygu noqotee
Inaan dhaafo lama sugo
Ma intaan dhitinayee
Arrintayda dhilayee
Dhebigeeda qorayaa
Bahalkii dhabbacan jirey
Iga galay dhufayskii
Dhayalsigu lur weeyee
Ma dhabbiibyey nabarkaan
Dusha sare ka dhayi jiray
Dhulka iyo dadkiisii
Intay dhiillo saarayd
Toban iyo ma dhawr baa
Dhaqaaq joogsigaygii
Sannad kale dib may dhigay
Intaan hawlo kala dhiman
Dhirin-dhiris ku foognaa
Maygu dhalatay Jiitami
Dhaylo dubato caawana
Ma ku iiddey dheel-dheel !!!
Goobtu dhaygag badanaa
Meydna waa dhex-yaallaa
Dhiigna waa qulqulayaa
Dhabataala cunayaa
Dhamac baa la tuban yahay
Dheella waa la tumayaa
Ma bishii dhabcaalkiyo
Dhaar jiidhka fuleyga ah
Dharaar-maalka tuugga ah
Nin gumeysi dhaansado
Taladii u dhiibtaa? !!
Ma bishii ma dheregtada
Iyo dhaysa weyntii
Gobanimada dhaawacay
Nimaan dheefta mooyee
Dhiska qaran ku hawshoon
Dheeraadka siisaa
Ma bishaan dhoweystee
Dhololee ku dhololee
Dhawraayey sebenkee
Sugey dhalashadeedee
Dhiciddeeda raadshaa
Ma bishaan ku dhaatee
Dhidibkeeda taagee
Dhismaheeda ficilkiyo
Dhudhunkiyo laxaadkiyo
Ku dhabeeyey kaarkee
Dhoobadeeda ciidda ah
Dheecaanka seeddiyo
Ku waraabshey dhididkee
Dhaxan igu bannaysaa
Ma bishaan u dhacartee
U kal tiriyey dhaaxee
Dhiilkeeda tolayee
Ceeryaamo dhacantiyo
Dhedo lagu hungoobiyo
Dhalanteedka beenta ah
Dhibicdeedu noqotee
Dhicisee is nuugtee
Waxba dhiiqi weydaa
Ma bishii dhallaankiyo
Dhallinyariyo waayeel
Dhaddig iyo lab labadaba
Dhammidood qalqalatee
Waxba dhaafi weydaaa

Ma bishii dhaqaaliyo
Dhaqankii burburisee
Isku dhuuqday labdaa
Ma bishii dhadhamadiyo
Dhafan-dhaafka hogoshiyo
Wax la mariyo dhuuntiyo
Qaran lagu dhillaystiyo
Dharabbada u xilatee
Dhulka lacag ku gadatee
Dhirta wada arradisee
Dalku dhaxal wareegaa
Ma bishii la dhuuntee
Sida eeri dhabankii
Dhabbadiyo jidaashiyo
Lagu jiitay dhoofkee
Dalka laga dhuyaalaa
Ma bishii dhanqalankiyo
Dhawa-welanka hooggiyo
Xabbad dheelli socotiyo
Qabri laysku dhacanshiyo
Xabsi lagu dhabriiriyo
Dhaca iyo colaaddiyo
Dhagartiyo shirqoolkiyo
Dhimashada jideysaa
Ma bishii laf dhabarkiyo
Afarteeda kala dhigan
Udubkiyo dhigtiisii
Dhoomihii is celin jirey
Dhaayihii is tebi jirey
Gacal wada dhaqnaan jirey
Hilbihii is wada dhalay
Dab dhexdooda gelisee
Dadku kala dhaqaaqaa
Dhugucdada xajiinta leh
Waxa loo dhab dhabayaa
Toddobaatan iyo dhowr
Ama boqol dharaarood
Ama tiro wax sii dheer
Nafta loogu dhibayaa
Dadka loogu dhacayaa
Dhaxan loogu joogaa
Dhafar iyo hurdo la’aan
Dibad loogu dhaxayaa
Dalka oo dhan nuurkiyo
Dharka loogu xidhayaa
Dhaanto loogu tumayaa
Dhaldhalaalka beenta ah
Ayaan dhuux ka hoosayn
Dheeha muuqa guudkaa
Nuxur looga dhigayaa
Hadii ay dhabeel tahay
Dadka lihi ku dhaataan
Wuxuu dheefa lagu qabo
Dhag dhag iyo durbaan iyo
Dharba looma baahdeen
Ninka dhacanta jiitow
Dharka ceebta qariyaa
Hadal iyo dheh maahee
Dhaqan suubban weeyaan
Dhimashadu xabaashiyo
Kafan laba dhudoodiyo
Rubaddoo ku dhaaftiyo
Iil dhexdiisa maahee
Dhilashada jidhkaagiyo
Sharafkoo dhantaalmiyo
Dheg xumaanta weeyaan
Haddaad dhuuxday bawdyaha
Miyaa dhawrsi kuu hadhay
Ma xanuun la dhaadoo
Lala dheellintaa maqan
Dhib waxaanku marinlaa
Adigaa dhammaystee
Haddii dhoof ku soo galo
Adigaan is dhalan rogin
Ama dhuuman saas yeel
Haddii mawdku kugu dhego
Dhabaqsigu ku sii hodo
Dhamme kuugu soo galo
Dhakhso iyo si kedisa ah
Isha oo ku dhugatoo
Ku dhalliisha mooyee
Dhoonbirkaygu kuma geyo
Nabar geesi kaa dheer
Birsol kaa dharaarow
Kuma darin dhallaankiyo
Dhasha oo ku ximisoo
Dheesha maarrarowga ah
Kugu jiidha dhoohnaan
Iyo dhoobo digasha ah
Dhinbilaha I shidayaa
Dhiciddaada maahee
Dhulluxaad abuurtiyo
Dhidhkaad reebtay baa badan
Dhiilladaydu waa taas
Hadal iyo dhammaantii
Bal aan dhaarsho heestee
Waxay dhaabadii tahay
Marka dhamac la huriyee
Dhuxul iyo dab ololee
Dhirta nooli gubataa
Gari dhaaya furataa
Dhafoor taabashada qaar
Ha is dhigan nin diidow
Ha u dhuran waraabii
Laftuu dhuuxay eersaday
Adoo dhiibey hayntaa
Dhaxdin iyo dalkii huray
Adigoo dhashaadii
Dhawaqiyo codkoodii
Ku dhaqaajin waayeen
Yaan ninkii ku dhaxal tiray
Dhaxan kaaga daba iman
Adoo caara dhuubtiyo
Dhulka nabarku kaa yaal
Dhaxan kaaga daba iman
Dhillistiisa kugu dilin
Yaan lagaaga soo dhicin
Dhinacaan is bixin karin
Dhacaddiid iska ogow
Dhagartana is weheshada
Hayska dhiman sidii neef
Horta dhiig ku fara xalo
Dhudhun kaa hor jeedaa
Ku dhirbaaxi maayee
Dhumucdaadu waar hooy
Dhumucdaadu yay hooy
Dharab-roorka kugu jebin
Inantaada dhego culus
Dhiidhiibso kula tali!
Gacan baa wax dhalisee
Ha dhur sugin ayaamaha
Hana dhawrin maalmaha
Dheeshu xeego maahee
Waa dhabiiltan gobannimo
Dhidar fule gashaantida
Boqorkiyo dhaclaa xidhan
Yaanu kaaga dheerayn!
Daadi dhiilka buuxsamey
Dhici guusha maganta ah
Nidarkiina dhaqan geli

Daalo

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:http://www.hadraawi.org/media/daalo.mp3]Download

Daaloo korkeedii
Figta iyo daruuruhu
Isku soo durkeenoo
Ceeryaamo daahii
Ku dallaalimaysoo
Dirir gaaxday mirayoo
Toddobaad ku da’ayoo
Danabkiyo hilllaacii
Isu daba mareenoo
Onkodkuna dayaankii
Dhulka dakharro yeeloo
Casar gaaban daadkiyo
Durdurradu kulmeenoo
Isku soo darmeenoo
Isla dulundulceeyeen
Jarar moosa dumiyeen
Hadba daw samaysteen
Shinbiruhu mar duuleen
Marna soo degeenoo
Damal oo dhan qariyeen
Dananka iyo foodhida
Darandoorri heeseen
Dayaxiyo cadceedduna
Dacallada ka joogaan,
Isha daawanaysaa
Kolna daali maysee
Bal aan daaha aan rogey
Halal kale ku sii daro;

Dal ahaanna waa gobol
Dullo iyo bannaanba leh
Badna way la deris thay
Duni weeye cimiladu
Dardarteeda dhigatoo
Waxa loogu daray taas
Inta qurux u damac roon
Cirku dooba kama dhigo
Degmo weeye hodanoo
Dooxooyin madhaxliyo
Deegaan ma guurtiyo
Ilo wada darrooriyo
Doog aan is dhalan rogin
Dayib geed la magac baxay
Dahab hoosta yaallaa
Dalag looga dhigayoo
Cudur kama dillaacoo
Dulin kama abuurmoo
Dabar-gooye kama dhicin.

Waa degel qabow-oo
Qorrax diib is marisoo
Jidhka aan damqayn baa
Loo soo deldelayoo
Dadku kuma gabooboo
Nimankii Darwiishkii
Kula jiray dagaalkoo
Weli doob la moodaa
Birta daabka haystoo
Gala duullimaadkoo
Iyagaa dorraatiyo
Taariikhda duuga ah
Dhul fog looga doontaa.

Duunyadiisu waa geel
Daran iyo tigaad cuna
Ido deexda lagu dhaqo
Ardo lagu dabbaal dego
Carro weeye dihinoo
Dirka magac ugaadheed
Lagu soo dareershoo
Farow iyo dib-taag baa
Derrimaha ku fara badan
Cawl aan didaynoo
Cidi aanay dilinoo
Qofna aanu dabanoo
Dibindaabyo aragoo
Dannigii ka ba’ay baa
Dugsanaysa xoolaha

Dad ahaanna waa qaran
Waa duul is wada dhalay
Qalo iyo dir sooc ma leh
Dab dhexdooda kama huro
Weligood ma diriraan
Isma doca-doceeyaan
Dumar kama baroortaan
Dooxatiyo wereentiyo
Budhcad duusha kuma maqal
Daandaansi ma oggola.

Xumo uma dul qaataan
Nabaddana ma diidaan
Deeq kuma masuugaan
Doodna waa yaqaanniin
Diricyaa ka kacay badan
Damdamtiyo mashxaraddiyo
Sacabkana ma daayaan
Danna kama fogaadaan.

Nin dabayli wadatoo
Waxaan ahay dalxiis iyo
Doolaalo keentoo
Degdeg baa i soo galay
Dibna waan u kacayaa
Dunta gabaygu leeyahay
Kama xulan hal-doorkii
Dulucdiina kama bogan
Balse daymo halacsiga
Kolley doorkan maanta ah
Halkaas aan ku dagagaro.

Hablaha Geeska Afrika

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:hablaha-geeska.mp3]Download

Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.

Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda-degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Gullama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha makaga tegey;

Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey!

Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!

Gu´ hagaagay oo da´ay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
Gama´kaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad.

Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon ma leh.

Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo go´aagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh.

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh.

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gol leeyahay;

Go’i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololadda haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xidhan jiray guntiinada
Hablihii gu’ iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xadhig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama’ aanay ledi jirin,

Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadlakoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaadee
Haday godolo soomaan
Haddey gaajo liitaan
Cidi aaney garan jirin,

Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jiray
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray,

Hablahaan gankoodiyo
Hilibkooda gadi jirinee
Haddii aad gujeysaan
Guulguul ku leysaan
Godol qudha ku moodaan
Gabal kooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacleyda jabisaan
Dadku gabanaa xooriyo
Garrac ley yidhaahdaan
Inagoo gumeyniyo
Dhaqan guurey weeyee;

Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay;

Godob aabbe falaybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga danaystow
Waxaad gaaxsaneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxay ka go’an tahay
Gabadhaada weeyee
Gafka aad falaysiyo
Waxaad geysanasaa
Galab kale ka sheekayn

Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!

Awaal-Tiris

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:awaal-tiris.mp3]Download

1. Uub baad ku jirtaa qarsoone,
2. Ka soo baxa iilka Qaadka,
3. Adduunka ragoow mar kaalay,
4. Abuurtiyo heegga daawo,
5. Awoodaha saaran daawo,
6. Falaadkiyo alabbadeeda,
7. Ilaah samihiisa daawo,
8. Udbaha iyo teedka daawo,
9. Aloolka ku jeeran daawo,
10. Hagoogta aslaysa daawo,
11. Cadceedda ifaysa daawo,
12. Ilwaadkiyo nuurka daawo,
13. Abaabul-caddaanta daawo,
14. Ummuuraha toosay daawo!

15. Dayaxa ishin-buuxsankiisa,
16. Aashaa socodkiisa daawo,
17. Cir-jiidhiyo ololka daawo,
18. Rugaa afo-gaalladiisa,
19. Laxaa iyo ururka daawo,
20. Aleelaha guudka daawo,
21. Habeenka amuuman daawo,
22. Shareerkiyo aqalladiisa,
23. Haddana ashqaraarradiisa,
24. Ardaayada gogosha taalla,
25. Ammuuraha seexday daawo;

26. Haddaanu arbeebigeedu,
27. Ku barin abtirsiimadeeda,
28. Inbiig ku dhex joogi maysid;

29. Ugaas bokhran baad ahayd’e,
30. Irdaha noloshaad ahayd’e,
31. Ilayska dhulkaad ahayd’e,
32. Ragoow indho-beelistaada,
33. Asaayo maxaa ka beermay!
34. Halkaad ku lahayd astaanta,
35. Maxaa umal soo fadhiistay,
36. Maxaa gudcur soo af yeeshay,
37. Naftaada markaad illowday,
38. Bal soo tiri aafadaada,
39. Wixii lumay aynabkaaga,
40. Bal daawo inkaarahaaga!
41. Unuunka dhirtaad ka goysay,
42. Aahdeeda bal soo dhegayso,
43. Hashii iyo awrka geela,
44. Abaaludda loo dareershay,
45. Ureenkiyo tiinka daawo,
46. Rasaasta alwaysa daawo,
47. Oomaarkiyo dhiigga daawo,
48. Areerinka meydka daawo,
49. Islaan curadkeeda weyday,
50. Asayda la saaray daawo;
51. Habliyo ubixii dalkeenna,
52. Markay Ingiriis u xiistay,
53. Markii Inglan looga yeedhay,
54. Wedkay ku aroortay daawo;
55. Uneexada gabanka xoortay,
56. Abaydinka dooxa yaalla,
57. Abkiisa la sheegi waayay,
58. Aboodigu boobay daawo;
59. Addoonka addoonka maagay,
60. Ku yidhi isku Aadan miihin,
61. Gabooye agtiisa yaalla,
62. Walaalnimadii ka ootay,
63. Aayaadkiyo diinta qeexan,
64. Sidaas kaaga aayo beelay,
65. Halkuu illin mooday daawo;
66. Cirkii onkodkiyo hillaaca,
67. Daruuraha alabaskooda,
68. Cuslayn jiray alalagtiisa,
69. Bal daawada uummigiisa;
70. Dhulkii ubixiyo caleenta,
71. Ugbaadkiyo doogga laaca,
72. Ilwaadkiyo nuurka sheegtay,
73. Awaaraha jiifa daawo;
74. Basaastiyo oonka daawo,
75. Geyiga umal-toobankiisa,
76. Ayaayurantiisa daawo,
77. Bal dhawr laba-eefiddaadu,
78. Waxay af-dhabaandhab keentay!
79. Garaadka abloobay daawo,
80. Adduunyadu baadi maaha,
81. Mudkeediyo bulad ammaanka,
82. Afkii cunay quusan waaye,
83. Hadduu laba-aabudh saaray,
84. Hadduu ugubkeeda leefay,
85. Muxuu ka dhex joogi uuska.
86. Ugaasadu meeday? hee dhe,
87. Dorraato miyaan la aasin,
88. Miyaan kafan loo amaahan,
89. Miyaan axan loo yaboohin,
90. Markii araggaa la waayay,
91. Miyaan jinku qaylo oogsan,
92. Miyaan insigii gadoodin,
93. Miyaan ollogeenu yaabin!
94. Ishaaro san kaama hayno,
95. Shidaad naga oollin maysid,
96. Ogaal nagu caymin maysid,
97. Itaal nagu xoojin maysid,
98. Qudhaanjo afuufi maysid,
99. Dalool naga awdi maysid,
100. Xashiish nala ururin maysid,
101. Aqool nala seesi maysid,
102. Aqoon nagu biirin maysid,
103. Xilkaagana oofin maysid,
104. Afkaagana dhawri maysid,
105. Sidii gabadhii Ayaan’e,
106. Ayaan-Hooday dhahaan’e,
107. Abwaannimo sheegan maysid,
108. Aroor qudha toosi maysid,
109. Dhiggaagiyo aynigaaga,
110. Adduunka la qaybsan maysid,
111. Iskaaba xusuusan maysid,
112. Wixii Rabbi kuu abuuray!
113. Intaydu ku deeqi mayso,
114. Intaada ku biirin maysid,
115. Hantida arladoo dhan taalla,
116. Haddaad irbad nooga keento,
117. Ducaa ku asqayn lahayd’e,
118. Inkaar naga waayi maysid;
119. Ufiyo bacad baan fadhiistay,
120. Anfaaciga aad cunayso,
121. Ilaaqda raggaan ku keenay,
122. Waxaan u adkaystay maagis,
123. Amaah iyo qaylo joogta,
124. Uurkayga waxaan ku haysto,
125. Afkayga ka sheegi maayo,
126. Asluubtana qoomi maayo,
127. Awaashiyo waayahayga,
128. Ka daalaco oogadayda.
129. Haddaad na ilaalin weydo,
130. Axsaanta ku laaban weydo,
131. Abaal nagu yeelan maysid,
132. Ammaan naga dhowri maysid,
133. Anigu kugu faani maayo,
134. Dharaar kugu aarsan maayo,
135. Adiga kuu uunsan maayo,
136. Agtaydana jiifi maysid,
137. Haddaan beri kuu il-duufay,
138. Haddeer ku abaysan maayo;
139. Markay ajashaada gaadho,
140. Cidina kuu ooyi mayso,
141. Ilaahay ka dhuuman maysid,
142. Jannada ku aroori maysid,
143. Cadaabta ka oolli maysid,
144. Godkaaguna waa aboor,
145. Abeesiyo waa ciqaab.
146. Ragoow amarkaaga weyni,
147. Haweenka uleeya maaha,
148. Dhibtooda ku iida maaha,
149. Ufaan uf qadhiidha maaha,
150. Albaabbada kheyrku seegay,
151. Caqaar ku aroosta maaha,
152. Asaasaq ku gaadha maaha,
153. Ku aakhiro-seega maaha.
154. Ragoow irdho qaadan maysid,
155. Ugaadhsi ka seexan maysid,
156. Abeerka badbaadin maysid,
157. Ugeybkana dhaafi maysid,
158. Haddaad cunto aayahaaga,
159. Xulkooda haddaad abbaarto,
160. Unuunka haddaad ka goyso,
161. Areebo sidaad ka yeeli?;
162. Sabeen inanteennu maaha,
163. Adeeri ka sii mug weyn’e,
164. Asoolka hablaa ka daaya!
165. Abaartiyo roobka dhoofay,
166. In waalan, intiinna dhoohan,
167. In qaawan, intii sawaaban,
168. Dhammaan ifafaalayaasha,
169. Ka muuqda adduunyadeenna,
170. Ragoow ubadkaaga leexday,
171. Islaamnimadii ka baydhay,
172. Agoonnimadooda buuxda,
173. Dhashiinna ku aabbo weyday,
174. Asmay ku calool galeen’e,
175. Ammaanada boodhka taalla,
176. Ragoow ololaynta Jaadka,
177. Haddaad kaga ood fogaatay,
178. Maxaa arrin kuu dambeeya!
179. Ragoow ka adkoow xilkaaga,
180. La saayira ooryihiinna,
181. Irmaanta xaqeeda siiya,
182. Ragoow ubadkaaga toosi,
183. Wixii arrin kaa daboolan,
184. Iimaanka ku baadi-doona,
185. Afeefna ka yeesha xaajo,
186. Ilaashada baylahdiinna;
187. Alhuumadu way fiddaaye,
188. Haddaad ummad liil ka weydo,
189. Hadday ahab yeelan weydo,
190. Waayeelku hadduu ab-guuro,
191. Hadduu odaygeedu waasho,
192. Hadduu la anbado xilkiisa,
193. Hadduu runta aamusiiyo,
194. Hadduu kolba eed xanbaarto,
195. Asuulkiyo xeerka soohan,
196. Hadduu marba oof-daloosho,
197. Hadduu laba-eef caddaysto,
198. Iimaanka hadduu xaraasho,
199. Hadduu wacadkiisa iibsho,
200. Araadi hadduu ku doono,
201. Ilaahay ka yaabi waayo,
202. Hadduu kolba iin’ caddaysto,
203. Hadduu umal saaqa yeesho,
204. Sidii abris qooqan guuxo,
205. Hadduu sida awr xunbeeyo,
206. Hadduu abur xoor leh saydho,
207. Hadduu ilko jiira yeesho,
208. Hadduu noqdo aadun huursan,
209. Abeesada meel la daaqo,
210. Aqoonta qofkii ku dhaama,
211. Hadduu asaraar ku beensho,
212. Dhirtuba kala ayni weeye,
213. Hadduu Garan-waa’ abuuro,
214. Hadduu kala geeyo uunka,
215. Hadduu marba qayb la ooyo,
216. Hadduu marba iil banneeyo,
217. Hadduu yahay uur-ka-gaal,
218. Wanaagga ku aabi badan;
219. Aleelo hadduu ku waasho,
220. Islaan iyo foox karaarsan,
221. Agtooda hadduu fadhiisto,
222. Ijaabo ka baadi-doono,
223. Ibliiska hadduu la showro,
224. Hadduu marba ood ka boodo,
225. Ishaaro xun baa qarsoon;
226. Haddaanay astaan lahayn,
227. Abbaar iyo nuxur lahayn,
228. Aroor iyo raad lahayn,
229. Ammaaniyo qawl lahayn,
230. Asluub iyo dhaqan lahayn,
231. Islaamnimo sheeganayn,
232. Hadday wada eexo tahay,
233. Hadday asaroorin tahay,
234. Asaasiran lagu bursado,
235. Hadday dabin aasan tahay,
236. Shil iyo wada eeso tahay,
237. Hadday wada aano tahay,
238. Hadday agaraadam tahay,
239. Addoonsigu diin u yahay,
240. Hadday orgobaysan tahay,
241. Iimaanku ka qooman yahay,
242. Hadday Arraweelo tahay,
243. Hadday abnawaasad tahay,
244. Af-duub iyo beeno tahay,
245. Axsaantu ka maydhan tahay,
246. Hadday orgi iyo ri’ tahay,
247. Or iyo wada qaylo tahay,
248. Hadday adhiyaysi tahay,
249. Hadday adhax-tuujin tahay,
250. Ilduuf iyo jeeble tahay,
251. Hadday wada ‘Aniga’ tahay,
252. Siyaasadi aabbe ma leh.
253. Ku daalka abaabulkeeda,
254. Alooskiyo baanaheeda,
255. Ujeeddo ka keeni maysid!!!

Quduro

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:quduro.mp3]Download

Cabdi Aadan Qaysow
Qolfi soconayaan ahay
Qaro iyo laxaad iyo
Qoton waa halkoodii
Ul qallalan umaan dhalan
Qurux kama madhnaan jirin
Hana qaad filkaygiyo
Ka da’weyni qayrkay.

Hilbahayga qoonmiyo
Qayaxnaanta jaahiyo
Sida qaansadii godan
Joogaan soo qandood sadey
Qurubsiga tallaabada
Qalqalloocan igu dhacay
Ma lahayn qallaafee
Qoontayda hoosiyo
Waxa qaabkan iga dhigay
Qisadaas ma haysaa?

Maxaa iga qabyo ah hawl
Wax ka qabashadeeduna
Qayrkay ku xidhan tahay

Maxaa qalinku sheekiyo
Qubanaha dharaartiyo
Kolba qodob la yaabliyo
Mahadhooyin qorayaa!

Maxaa feedho qaaxiyo
Qulub kala kexeeyeen
Qoomammadu damqaysaa

Maxaa ciin la qooshiyo
Waabay qadhaadhoo
Dacar lagu qasaasiley
Iyo quudhsi dabayaal
Afar aan is qabannoo
Cabsi loogu qumayaa

Qamuunyada dibnaha iyo
Qacda labada fool iyo
Maxay qaawinta ilkuhu
Qanja barar isku hayaan

Maxaa qiiro hoosiyo
Ilmo qubatay gocashadu
Ha I qarin ku leedahay
Isaguna qabaal iyo
Qaba dheer ku shubayaa

Maxaa ruux qaldhebayoo
Qormadii rugtiisiyo
Qudha laga toleeyoo
Misna quusan waayoo
Nafta quudhi waayoo
Qarandida sideedii
Qodanaaya booraan
Godka meel qarkiisa ah
Qoobley ordaysiyo
Fardo qaxay ku jiidheen

Maxaa seefo qawliyo
Gudmo lagu qadhaabtaa
Damal adag qarqooreen

Dadku dhagar qaboobaa
Qaantoodu fududaa
Qarqarsigu ku adakaa
Ninka qoofashee yidhi
Qoorta hoos u wada roga
Qoontooda badiyee

Iyagoo qiyaamiyo
Bad qaloonbiyeysiyo
Ku dhex jira tog qawlay
Qoyanaanta diidaan

Iyagoo qaldhebayoo
Qatannoo arradanoo
Gabaddano qadhqadhayoo
Nolol qaawan joogay
Burka qaraf ka dhawraan

Qawdan waa nin keliyee
Haddaan qaybta loo burin
Wiyil qoodh ah laga dhigin
Qaran kuma hoggaansheen
Qaadhaan gumaystiyo
Qalle lagu hungoobiyo
Qalam jalam hadoodilan.

Ma lafaa qandoodiyo
Saadaal qallalanoo
Lagu qiil banaystiyo
Riyo qabaxtankeediyo
Qaadaa dheggeediyo
Qashar iyo salool baan
Qalalaasahaan gabay
Ii gumiya leeyahay

Ma quruumo ciiddiyo
Qawlallada aboorkiyo
Inta dulin qadhaabtiyo
Qablantadu ku kulantee
Canka lagu qadhiidhiyo
Qabri lagu ducaystay
Qabyaday ku xidhan tahay

Ma qorshaa badheedhkiyo
Quxub lagu hirgeliyee
Qori tuurka Saadooy
Lagu kala sed qaatay
Qadder dhacay u haystaan?

Jidku qarar xidhiidhiyo
Qodax iyo dhib badanaa
Qaringaynu joogniyo
Qard-jeex yays baray?
Dadka yaa qareenkiyo
Qolo qolo u kala raray?
Qoqobbada dhex yaalliyo
Tolow qalada yaa baray?
Qorannimada waa tii
Qoor-gooyo laqan iyo
Qaryad weer cad xidhatiyo
Lagu helay qisaastee
Hadmaa qaabkan loo roggey?
Bulsho qudha la saanyadey
Qaydar iyo galool iyo
Qansax miidhan laga dhigay?

Qandigiyo mareegtaay
Qalwadiyo sursuurtaay
Iyadoo qaskaagiyo
Raggii aad qalqalatee
Qawlaha u loogtee
Tidhi qaybi dacawada
Qoyan tahay raqdoodii
Qummanii degaankiyo
Qadhadheytiydiisii
Qumayada dabkeediyo
Lagu shiilay qaxankee
Qunbeyaasha lagu shubay
Adigoo qudhqudhiyoo
Ku qubeystey dhiiggii
Iyadoo qalfoofkiyo
Hadhadoodu quban tahay
Haddaad soo quturan tahay
Ama weli qor kuu hadhay
Qoysku waa hadhiinoo
Qabku maaha beentaa

Qudha loo kal tiriyaa
Qusur kama fogaatee
Ina Qayte yeelkii
Ha qudhqudhiyo caanaha
Qadda ruuxna haw dhamo
Hadaan qaamudkay gelin
Anigiyo rag ila qaba
Qoomaasha murugada
Qodkan bixiyey laamuhu
Dabna wuu u qolof dhici

Qaybdiid haddii uu
Qado wadari leedahay
Qoondaystay keligii
Gaariyow nin qadanaa
Qiimeeya noloshoo
Weligii qadderiyee
Qaska iyo colaaddiyo
Kama naxo qulqulaadaha
Qarfihiyo abaaraha
Rati qooqan baan ahay
Maskaxdaydu qayliyo
Qiiq baa ka baxayoo
Bulsho qawqab diidaan
Bal inay qamaamaan
Qabqabaha u tumayaa
Nin qab ii dhigaayaan
Anna qool u xidhayaa
Qoortaydu waa iib
Wax ka qaaya-weynoo
U qalmaan u hurayaa.

Cajeb

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:cajeb.mp3]

Cajebey cajiibeey,
Cawo iyo ayaaneey,
Caqligaad xadaysaa,
Caku! barashadaadii,
Iyo caabuqaagee,
Sida faras cag fududoo,
Cadda-horor yaqaannoo,
Gulufkiyo colaadaha,
Ninka lihi cad-goostaa,
Raggu kuu cugtamayaa;
Anna caashaqaagaan,
Hadba weel u culayaa,
Cimri-dherer hadhkaagaan,
Riyo kula caweeyaa.

Dhulka oo cagaaroo,
Cosobkii dul-saarraa,
Isagaan car-jabin weli,
Cabbanaan daraaddeed,
Ciidda hoose raantiyo,
Kula ciiray fooddoon,
Cagta meel la saaroo,
La cuskado lahaynoo,
Calcalyada xareeddii,
Halka godan cuslaysiyo;
Fiid-cawl horraantii,
Cirka oo daruuruhu,
Midab wada cillaaniyo,
Ku dhigeen canjiidaha,
Xilli ay cadceeddii,
Dhar cashmiira xidhan tahay,
Sagal caasha saaraad,
La wadaagtey caanoo,
Haddaan caawo kale jirin,
Cidi kaama garateen!

Geed cal iyo buur dheer,
Carro-hodan ku yaalloo,
Cokanoo irmaanoo,
Dhirta kale ka caynoo,
Cimilada agtiisiyo,
Rugtu qurux ku caan tahay;

Dusha sare caleentii,
Laamaha is-celisoo,
Hoobaan casuus lihi,
Cartamayso dhinacyada,
Ubaxuna tin iyo cidhib,
Kaga dhigay cabbaadhyada;
Shimbiraha ka ciyayaa,
Intay heeso curiyeen,
Isku camal wareereen,
Dabadeeto carashada,
Markii laysku cayn go’ay,
Isu ciidan doonteen;

Halcabbaara goortay,
Isu calan-waleeyeen,
Cadho kala maqnaayeen,
Cadcaadiigsi geedkii,
Ciddiyaha ku qariyeen,
Codka luuqda heestiyo,
Carrabkoodu kala tegay,
Carcaraha is daba maray,
Cudur jirey ku baaba’ay;

Dhallin caana diiddoo,
Guryihii ka caagtiyo,
Cadraddiyo barbaartii,
Sida goob ciyaareed,
Ugu soo carraabeen,
Calaf waa halkiisee,
Hadallada cawayskaas,
Ku calmaday u badan tahay!

Carshigaa nasahan baad,
Biyo wada cabteenoo,
Haddaan lay cadaabayn,
Rabbi ii cadhoonayn,
Dadku inuu ku caabudo,
Madowgiyo caddaankuba,
Ku caleemo saaraan,
Sow kuma canaanteen!

Deyn Maayo Heesaha

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:deyn-maayo-heesaha.mp3]

Laabtu way hugmanaysaa
Afku way hud-hudayaa
Hadal buu I leeyahay
Anna waan hor joogaa.

Wax la hado shil baw roon
Wax la helo lib baw mudan
Wax la huro naf baw culus
Wax la hubo wed baa jira

Senge hoohadaa baxay
Habaqlaa ka daba tegey
Inkastay habaaskiyo
Ka dhergeen huq iyo ciil
Hafashada asqoobeen
Boqol jeer hungoobeen
Weli way handanayaan.

Ma hillaabni laan-deyr
Ma hagoogni waabay
Hagar-daamo kuma jiro
Hurin diiddey nabaddiyo
Wadar ii heshiisoo
Huminaysa dhagar baa
Hubku iigu tuman yahay

Sacabkiyo haloosiga
Hogolaha ku soo degey
Haradiyo jidhaamaha
Waxan hooyi-waalaha
Ugu shubay hadhuubbada
Dadku inu hamuuntiyo
Kaga baxo harraadkee
Hilin kale in lala maro
Ama hawdka lala xulo
Haanraawe daba galo
Foolaadka kala hadho
Hororradu bakhtiistaan
Hiyigayga kuma jirin

Hiirtaanyo lagu dhacay
Haaraanku fara badey
Higil iyo faq dheeraa
Huradadii la deyi waa
Habar wacasho lays gurey
Hebel hebel canbaaree
Hebel kale ka marag dhigey
Nin hayaanka beeshiyo
Danta guud ku hawshoon
Hafarkiisa lagu dhaqan

Hilbo ceedhin lagu waab
Ninba harag u saynsaab
Hataq madaxa loo geli
Hoosaaso lagu qaley
Beladiila halabsaday
Hugunkeedu dami-waa
Nin hinaasay deyn-waa
Hibashada qumbacashada
Hengeshiina furi-waa

Hor Allaa la tegayaa
Wax hanbaysta baan idhi
Garta hubiya baan idhi
Runta lagama hiishee
Xaqa halacsadaan idhi
Hawraarsan laga waa
Haye way ku adag tahay
Wax hallaaba mooyee
Wax hagaaga ma oggola
Qaska way horseedaan
Xanta waw hiloobaan
Guusha ay hufnaantiyo
Si haboon ku waayaan
Xisti bay ku hooyaan
Hunguraa wax lumiyee
Hawadoodu kama foga
Haasaasa maalmeed
Murtidoodu huubiyo
Hal-dhac bay u badan tahay
Ma karaan higgaadiyo
Halxidhaale toolmoon

Haamaha gun-dheerta ah
Hilaygiyo lingaxa sudhan
Ma helaan sarbeebtiyo
Isha hoga-tusaalaha
Sugaanta hodanka ah
Hindisaha aloolka leh
Ereyada hal-doorka ah
Hab kalay u weriyaan
Hawraar nin tiriyoo
Hanaqaada ma oggola

Ninka hooto-dhegaley
Nabar hoos ka tuuroo
Dadban igu halgaadow
Hangaraarac baan ahay
Lugo habay hal iyo laba
Kuma hadho tummaatida
Dabka aydin huriseen
Hakin maayo socotada
Hoogaansigaygiyo
Hebednimada guudkiyo
Hayal-samida muuqiyo
Haaheyda malabka leh
Ha ku dagan sabaalaha
Hayin aan la raranoo
Lagu qaadin heeryoo
La hoggaansan baan ahay
Hamrashada asaaggey
Hooyaday iguma dhalin
Fula-guulka harawsiga
Hanjabaadda kuma dido
Hataqaha si dalagta ah
Haadaanta kuma jabo
Dabin haad ka roor dhigay
Yaan hilaaddu kaa lumen

Halla waa ogeysiis
Inta hoogga dacarta ah
Ku halaan-halaysaay
Hunbanida is gurataay
Ladhka soo hinqanayow
Nin haadaafa lama odhan
Haybta nolosho kaa xidhan

Nin habsadayna kama tegin
Himilada adduunyada

Nin la hago xil kama dhicin

Aniguna hed mooyee
Inta hibada Eebbiyo
Hawraarta maansadu
I hareera yaalliin
Hal-abuurku ila jiro
Hiyigaygu nool-yahay
Hammigaygu shidan yahay
Hanku igu lammaan yahay
Waxa aan higsanayaa
Dhul of iiga hirayaan
Haasaawe furan yahay
Qodob laga hadlaa jiro
DEYN MAAYO HEESAHA

Hollashada mijiiraha
Nin hannaanka gabayada
Hanan waayey naaskow
Hashu waa ammaanee
Haaneedka sii daa

Hogga aad daboosheen
Halistaa maleegteen
Shilka aad habayseen
Habbisada falkiinniyo
Isla hela awaytida
Habaarkiinnu ima karo

Dhahar

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:dhahar.mp3]

Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhaadmada dareenkiyo
Dhacdada iyo waayaha
Ninka ila dhadhamiyow
Jiilaalku dheeraa
Dhulka xaabki ka idlaa
Dhalma deys cirkii noqoy
Dabka dherigii saarraa
Dhagxantii bislayn waa
Inkastoo dhir xoogliyo
Dhamac yaab leh lagu shiday
Ma dhadhaab nuglaadoo
Sida dhaylo suulkiyo
Lagu goosto dhooshoo
Hilib laga dhishaa jira.

Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhahar waa ninkiisii
Garashadu dhibtiisiyo
Dhaawaciisa weeyaan
Dhalanteedka beentiyo
Dhaymihiisu waa faan
Shilka dhacay ma moogee
Isagiyo dhanqalantada
Dhacantaa u kala rogan

Wuxu yidhi “dhibaa jira
Dadku baahi dhigatoo
Lafahooda dhuuxdiyo
Dhugatay la jiifaan
Arrin aan dhegeystoo
I dhacaysa maahee
Waxa aad dhafoorkiyo
Dhabannada la haysaan
Maqashay ka dhegalee
Hadday tahay dhismaa guud
Ka dardaarmay dhawr jeer,
Hadal kuma dhabcaalayn
Dharaartiyo habeenkii
Dhawaaqaygu ma hakado
Waxa weliba ii dheer
Dhanbaalkiyo wareegtadu
Weligood is may dhimin

Annaa guusha dhaliyee
Dadka wada dhergaan idhi
Waxa hadha dhigtaan idhi
Dhux-dhux iyo faq hoosiyo
Dhagar qabe ha joogee
Weli ruux dhammaysoo
I dhalliila maan arag

Dhugashada kormeerkiyo
Dhaabaddiyo fagaaraha
Dadku sacab is dhaafiyo
Dhag-dhag iyo mashxarad bay
Igu soo dhoweeyaan
Dhan kastaba magaalada
Inta ay sar dheer iyo
Dhabbo iyo jid leedahay
Waxa dheeh farshaxan iyo
Sawir wada dhalaaliyo
Waxa iigu dhigan faan
Dhaayihiinu ha arkaan

Dhug u yeesha maansada
Dhubbad-qaadka heesaha
Abwaan dhaartay suu yidhi
Miyaa ruux I dhaamoo
Lay dhaafsho haysaan?

Dhallinyariyo waayeel
Dhabba aan u hadallee
Haddaan dhigo xilkaan sido
Yaa u dhiibanaysaan?

Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Kolley buuxsan dhiilkii
Toban saniyo dheeraad
Lagu dhurayey ciilkoo
Lugtu jeeni dhaaftee
Dhaadashada ma sugan tahay
Dhumuc iyo ma xoog baa?

Dhillowyahankan geedkii
Lagu beeray dhiiggiyo
Dheecaanka wadhatada
Dhexda tolow iskaga maray
Dhirta maw abtiriyaa
Sida dhalashadeediyo
Dhaqankeedu kala yahay?
Mise wuxuu ka dhigan yahay
Habartii mar dhooftee
Doonnidu la dhacantee
Badda dheelligeediyo
Dhaxantiyo dabaylaha
Dhawawalan ka qaaddee
Iyadooy dhaqaaliyo
Nafba kala dhaqaaqeen
Ka dib dhawr ayaamood
Salka dhigatay ciiddee
Dhulow kaama kaco tidhi.

Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Cashaday dhaharatee
Geelu dhimo hadhuubkee
Dhaqayiyo galoof yahay
Rag ka dhoofa baa jira

Dhamac yo hannaan iyo
Saddex dhaqan wadaagtoo
Isu dheelli tirantaa
Dhuuni lagu bislaystaa
Gaarriyow dhardhaarada
Kol haddii mid laga dhigo
Rag dhuyaala baa jira

Maalintay dhanaan tahay
Rag dhirbaaxo guudheed
Inta ay ku dhaashtaan
Xiddigaha is-dhalan roga
U dhufaanan baa jira

Inta qaran dhiskiisiyo
Dhidibkiisu taagnaa
Dheeraad nin dooniyo
Nin ku dhega xaaqiisoo
Dhacsanaayey baa jirey

Dhederbiga colaaddiyo
Rag hadduu dhabiiltamo
Fule dhimashadiisaa
Dhawr jeer noqnoqotee
Wax la yidhi dharaartaas
Ninkii dhiirran geeridu
Isagay la dhalatee
Hasha dhaxal wareegtiyo
Dheeha furashadeedana
Keligeen dhunkaashiyo
Dhugtan kama go’aynee
Haddii laysu jilib dhigo
Kumanyaal dhigeenoo
Waxba dhawrsanaynoo
Sida awrka dhaameel
Dhoomuhu gubeenoo
Dhibta kula wadaagoo
Isu dhaarsan baa jira

Dhamme Maxamed Xaashow
Ina Xaashi Dhamacow
Dhidarkuba xabaalaha
Kuma dhaadhaceenoo
Kuma dhiirradeen ruux
Celinkara dhawaaqee
Kolkuu meydka dhiilliyo
Dhaqdhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhowaadaa
Dhinacyadiyo feedhaha
Muruqyada ka dheegtaa

Kol hadduu dhawaaqii
Dhicisoobey gabaydii
Dheg ka maqal ha joogee
Lumay dhaqan galkiisii
Sheekadu Dheg-Dheer iyo
Dhoor-doolis noqotee
Gaarriyow dhammaadkiyo
Dhakhso mawgu gudubnaa

Bulbullahan dhabacashada
Ku madhsaday dhallaankii
Lafta dhabarka ka habsadey
Waayuhu dhirbaaxeen
Dhaadhaada taahiyo
Dhuun-yeedhis mooyee
Sida kale u tamar dhigay
Beri buu dhinbiil iyo
Dhuxul daba ka kululaa
Weli lagaga dhawrsado
Xaajadu ha dhabaqdee
Dhabba maw abbaarnaa
Dadka dhiillo culus iyo
Dhakafaar ma gelinaa
Wedka maw dhadhaminaa
Dhagar maw badheedhnaa?

Taawilo

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:taawilo.mp3]

Takri fale ma maqasheen
Afkii toorri dhooblaha
Markuu gacan togaalaha
Ku madhsaday tigaadii
Tusmadiisa gogashiyo
Tuugeysi kaga baxay
Xagashada tammuuxdii
Gujadiyo tantoomada
Kaga tuujey mililkee
Sida qalin tahliileed
Tutuwaha cantuugee
Yidhi: “toojo wiilkaa
Tooggadiisa kaa waa
Isna tuurin kuu qorey
Hadba tiisa kugu maal
Taana waa naqaannaa
Toobbadayna yeelkaa”

Isagoo tigtiganoo
Tawan oo werwerayaa
Teelifoon ku soo dhacay
Wahan tooxan loo dhiib
Teneg iyo qabqaba maqal
Taammilooyinkii dhawr
Ka taweli astaamaha
Wuxuu yidhi: “tartiib hoos
Igu timi cadceeddaan
Toban guuraheedii
Iyo weliba taartaar
U tumaayey saantoo
Waanigan tin iyo cidhib
Tifta dhididka hooree
Alleylehe tus baa jira”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Weedhayda tooxnayd
Warankaygi toosnaa
Tubihii qorshaysnaa
U tallaabi waayoo
Tabahaygi maalmahan
Togog soo rogmadey baa
Dib u soo tufaayee
Maxaa toobiyii helay?”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Tarmi weydey beentaan
Taabba geli is idhiyoo
Tiradaydu meel bay
Ka takooran tahayoo
Marka aan toddoba jeer
Toban toban u geeyaba
Taf kalaa furmaysoo
Wadar aanan filanayn
Iska kay tusaysee
Bal tabaaladaa daya!”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Tahar aan liq idhi baa
Igu turunturrootoo
Waxay taagan tahay meel
Taladeedu dhimatee
Tolow yaa farreeya ah?”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Wakhtigii tin laga goo
Wax tashiilo igu yidhi
Anna taawintaydii
Idhi hay tafaafulin
Isagayga toosnaa!”

Gaarriyow tareenkii
Lagu tacab khasaaree
Taabka riixi waayee
Tamartiisu guuxiyo
Tallan qudha ku koobnayd
Mar horuu tolweynii
Guradiisa tuurraa
Tarab tarab u daadshee
Tun ku shaashlayaashay
Hasha wada tadcaarteen
Ninba toogti garangari

Tawstii bacaadkaa
Teedkii hoggaankiyo
Taxanaha wereeggiyo
Tolommada burburisoo
Tayo socod ka dhimatee
Biro wada tafiir go’ay
Wuxu soo tukubiyaba
Markuu taaggi hoos yimid
Toolmoonayaashiii
Tuugna aanu xadi jirin
Inuu daafta kaga tago
Ayay sheekadii timi

Waxay ugu tiraabeen:
“Dhaaxaannu tiirkiyo
Tiska culus Samaalow
Kaa tiirinaynee
Ha na tuurin jaallow”

Wuxu yidhi: “maxaan tari
Ama idinku taakulin
Iyadaygu turatoo
Ina kala taxaabtee.”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Waxaa toogta feleggiyo
Toommantiyo guhaankiyo
Tusbaxaygu igu yidhi
Xiddiggaagu tuuxee
Toommo oodan buu galay
Galbashada ku tiigaal
Kula dhacan taraarkii
Waad is tukhun tukhaysee
Ama taarka kala goo
Ama tab iyo xeeshaa
Ka tallaabso oodaha
Taxanaha awaalkiyo
Toyashada ayaamaha
Taawilooyinkaygii
Runta iigu tudhi jirey
Toddobaad ma gaadhay
Tafta iigu laabeen”

Wuxuu taa ku sii daray:
“Haddii yoolka lays tubo
Naïf taada weeyee
Anba waxaan hor taagnahay
Taariikh I neceboo
Qayrkayba taashkiyo
Billadaha u tiriyee
Haddii aad tasawdeen
Anba tegey sidiinnee
Maxaa igu tuhmaysaan?
Bal tafeenahaygiyo
Taagtayda milicsada

Aniguba tib culus iyo
Tukubaan cuskanayaa
Kuma taagni lugahee
Haygu tiirsan Laangadhe!”

Dhan kalay ka taabteen

Ninkii taarta Liibaan
Uma tooggo qumiyee
Ma tix gelin dhegoolee
Talan taalli laafyaha
Caga jiidka taran tari

Wax la yidhi tin caarrow
Looxa waad ku taallaye
Haddii Alifki kaa tiray
Ta’da yaa u magac dhaban?

Wuxu yidhi: “sir baa taxan
Tartankay ka mudan tahay
Taban taabshaheeduna
Nin tar sheegta ma oggola
Wax se teeyo lagu dhaqay
Halaan awrba loo tu’in
Ninkii tuudiyaa falan”

Wax la yidhi: “Tinniixow
Tu Allaba ku biirsoo
Xaggee taadu sudhan tahay
Warka nooga tibix sii?”

Wuxu yidhi: “tibaaxdiyo
Toyashadu gar weeyee
Hadday tuludi caadkeed
Takar dhabasho badan tahay
Nin turxaan ka filayaa
Ka tabaabulshaystee
Miyaan laba tagoogood
Garashada u taba baray?”
Boqorkii tilmaannaa
Mar labaad tareenkii
Tooc tooci keligii
Hadba dhinac u tooree
Tabca saar qalfoofkii

Markuu tiiradii horay
Ayaa taayir boodoo
Tafan toofe waa kaas
Dib u soo taaraaree
Alla taako yaw dhiga.

Isagoo tarwadhayoo
Tarshaduhu sitaan buu
Tan-tannida ka soo degey
Tacsidii dad baa yimi
Tiiq tiiqsi digashada
Turqe meydka weli nool

Wax la yidhi “gol taahiyo
Tiic tiica murugada
Adigaa tallaashoo
Tiiraaanyo beeree
Ka cantuug tif yo daran

Adigays taftaafee
Ha ku taamin shaalkii
Taabka aad ku haysee
Siduu kaaga tegey sheeg?
Tub hayowna aashaa
Ha is taawin keligaa
Waannu kaa tab haynaa
Bulshadaa tixraaciyo
Taladiyo gudoonka leh”

Wuxu yidhi: “tawaawacay
Turubkana sukaan degey
Wax kaloon tammediyoon
Tobanlaha ku waabshaa
Taabkayga kuma hadhin
Tuur tuurka geba gebo
Toddobaale igu dhiga
Lixle dhiirran igu tuma”

Boqorkii tilmaannaa
Taagtiisa kibiryoo
Qayrkii ku tanaxwee
Tagganaan ku raacdee
Inay tiisa noqotee
Tartankaa ku dheeraa

Wuxuu tiigsanaayiyo
Tuun-tuunsigiisii
Taabba qaadi waayoo
Tafa xaydadkiisii
Labadaba tukaa cunay.

Duni toocsi mooyee
Ninna taab ku qaban waa
Qofba wuxuu ka taransaday
Teel teel ku noqotoo
Inkastuu ku talax tago
Wuxuu tabanayaa badan
Tagtadiisa xiise
Tiisa joogta haaraan
Kaga daran timaaddadu
Tixdu waa abbaartaas.

Kala-Maan

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:kala-maan.mp3]

Sidii maansha loo yidhi
Allahayow mariiqiyo
Aanu maanku naga tegin
Miyirow na kaalmee
Dhaxan baa melmelatee
Dabka aan malkadiyee
Madagtiyo usha i sii.

Muqdishiyo Hargeysaay
Kol haddii mar iyo laba
Muudaa ku gaadiyo
Maalooti qaxayaa
Muska kaaga soo dhacay,
Kol haddii mar iyo laba
Makri iyo xaqaagii
Khasab lagu maroorsaday,
Kol hadduu mar iyo laba
Kula tegey mahiigaan
Kol haddii mar iyo laba
Maxlal lagugu qaybsaday,
Kol haddii mar iyo laba
Moqorraysi lagu baday,
Kol haddii mar iyo laba
Mooyi mooyi lagu yidhi,
Kol haddii mar iyo laba
Muurmuurris dala ‘siya
Muhmal lagugu soo wadey,
Kol haddii mar iyo laba
Mashqac lagugu deydeyey,
Kol haddii mar iyo laba
Bir-ma-geydadaadii
Iyo mudanahaagii
Lagu diley kas iyo maag,
Kol haddii mar iyo laba
Cudud lagugu meersaday,
Kol haddii mar iyo laba
Haanraawe kugu mamay
Sida malabka doocaan
Miish-miishad kugu liqay,
Libta kaa murkucatiyo

Gobanimada kaa maqan
Maal baad ku furatoo
Meyd baad ku bixisoo
Midnimaad ku dhalisee,
Kol haddaanad moogeyn
Masalooyinkaas dhacay
Muddaduna ka badan tahay
In sidii ma-yeedhaan
Isha miirta laga dhigo,
Maxaa weliba kuu hadhay!

Alla magane sheekadu
Si kastaba u murugtoo
Muggeed dhaaftay xaajadu.
Haddii layska dhega maro
Runta kugu mudduciga ah
Murugaa ku dhaxashoo
Saqda dhexe ku miratoo
Sharafiyo marwaad dhimey.
Noloshaan milga lahayn
Horaa looga maarmee
Muqdishiyo Hargeysaay
Muruqiyo laxaadkaan
Kala maarmi jirinow,
Taariikhdu waa marag
Waxay maanta joogtaa
Yaa maalijirayeey,
Ama waa la muuqdaa
Ama waa la maqan yahay,
Labadaasna kala miyo.

Haddaan lays maqmaqashiin
Midho hore u caan baxay
Qorigiyo masaartana
Madfac loogu jilib dhigin
Maahmaahna lagu darin
Maya,Maya-na lagu odhan
Ninka cunay magtaadii
Maandeeq la soo dhicin,
Anuun baa mataanaha
Mooyaha u tumayee
Madiixayga luuqdiyo
Masafada gadooddiyo
Malahaygu waa been,
Sidaan moodayaan jirin.

Muqdishiyo Hargeysaay
Cirka meelo ka onkodey
Milliqsiga hillaaciyo
Hanqarkiyo mardaaddiga
Meexaana carashada
Majaraha ha dherersado
Maanshaynta gobollada
Maadhiinka gaaxdiyo
Miyi sumuca haw xidho
Ha ku fido magaalada
Dalka subax ha wada maro
Ha ka maydho daafkiyo
Meegaarka qaybtiyo
Waabayda lagu mudey
Mirta hawgu kuur galo
Habartii masayrrey
Halka macandideediyo
Maxasteedu yaalliin
Ha jabsado misciriraha
Ha dhufsado mareegaha
Maqashana ha kala tago
Iyadana ha maraqsado.
Muqdishiyo Hargeysaay
Mukhawigu ha kaashado

Maaweeladiisii
Wuxuu maalintaa falo
Dadka hawga marag dhigo
Kolba dhagar ha mehersado
Ha ka dhigo marriinkana
Mucsur iyo waxba la ‘aan,
Ha ka dhigo minxiiskana
Murugiyo jar soo dumey;
Ha ka dhigo mashxaraddana
Muusannawga ooryaha
Martidana hadhkiisiyo
Ha ka dhigo malluugaha
Muunaynta xididkana
Ha ka dhigo macsiyo dhiig.

Mahwi laysu soo baxay
Madal iyo shir lays wacay
Marta hayska wada furo
Hayska dhigo mudh iyo gacan
Heesaha maraadka ah
Ha ku marin habaaboo
Masanuunka beenta ah
Musaraarka selelka ah
Murugada shallayga ah
Hawadiisa meydka ah
Meermeerka quusta ah
Falka meehannawga ah
Hanka mala awaalka ah
Ha ku maararrooboo
Runta muran ha geliyee
Makallaha u saynsaab
Sakalaha u maydhaan
Mindiyaha u soofee
Maddanaha dabkaw geli
Nabarkana u miisaan
Madhaxii u yiilliyo
Dhiilashii milaallaa
Ha maggaabiyee sii,
Dabadeeto meeshaas
Inay maalintii tahay
Madmadowgu kaga jirey
Adna macallinkeediyo
Tahay mudanaheedii
Hadal miiggan ugu sheeg.

Wallee maadi waa meel
Qabsoo waana meel dhow
Cagtan maagi weydee
Malafsiga ku dhacantee
Manka tiigsanaysiyo
Sida mool u qodan-yahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.

Madaddaala beenlow
Muhashada ku haysiyo
Macal saad u baratiyo
Macaluusha kuu taal
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.

Xadhkahaad maleegtiyo
Sidaan kuugu meel deyey
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.

Waxa aan mag iyo qaan
Gashi magac leh oo jira
Iyo xoolo kugu maqan
Isu soo minguurshiyo
Sida aad u madhan tahay
Waxay muujinaysa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.

Waxan anigu maagiyo
Waxaad mooye qooqaar
Ku malaysanasaa
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala-nahay.

Laabtayda milantiyo
Magligaan afaystiyo
Guntigaan maleegtiyo
Maydalkaan jaraystiyo
Sida Moora duugow
Martu kaaga furan-tahay
Waxay muujinaysaa
Sida aynu Moogow
Kala maan u kala nahay.

Wakhti baa muddaysnaa
Musku waa sanqadhayaa
Masna waa ka urayaa
Miciyaanay ku ogtahay
Meel dheerna kama jiro
Mundulkuna kor iyo hoos
Mugdi oodan weeyaan,
Habartuna mandheer iyo
Marjo weeye naafa’a
Muslin-yohow islaantii
Malmal-li ‘ida haysiyo
Wedka hoos marmarayaa
Mashaqiyo dhib badanaa!

Gabay waa mullaaxoo
Mergi weeye leexdoo
Adigoo midhcaanyiyo
Maygaag u jeedaa
Moxor loogu dhuuntaa
Micnahaan gurracayaa
Xaalku waa maqaar saar
Midho dahab haddaad tahay
Maar baan shillalayaa
Marso aanad geyin baa
Hal-qabsigu i mariyee
Gaarriyow miliilica
Marba daad rogmanayaa
Igu soo mir kacayee
In yar Maxamed ii noqo.

“Maxaan kugu idhaahdaa?
Ma wax aanad odhanood
Hore ugu masuugtood
Ila maagtay baa jira?”

“Mayee taas la soo dhaaf
Hadday maanso dacar tahay
Suugaantu milil iyo
Tahay maal qarsoon iyo
Nabar adiga kugu mudan
Hadal madhey Suldaanow
Lagu yidhi muggaagii,
Mid se aanan falinoo
Marar hore i seegtoon
Kula maagay baa jira.”

“Ku maqlaye bal soo daa
Waxa igaga kaa maqan.”

“Marka diriro hooraan
Dhulka oo mucsur ahaa
Gobannimo marriimaan
Dhirtu wada magool iyo
Ubax iyo man saaraan
Miiraale gaaxdiyo
Mayay godol la sara-kacay
Rugta dhibic ku miisaan
Alla magane sawtii
Kuwa maqasha raacaa
Muxubbada riyaaqada
Yididdiilo milicsiga
Muunsoodka faraxa ah
Maadays ku odhan jirey,
Aannu madida foosha ah

Morohyada u culanee
Ka bax minanka jiilaal”

“Xaalku waa maldahanyahay
Mugdi baa igaga jira
Mana garan ujeeddada.”

“Haddii mawdku kedis yahay
Naftu way ka maagtaa
Godka lagu muquunshoo
Maaray ka dhigataa
Inay maahda caal waa
Meermeerka badisoo
Marmarsiinyo keentee,
Hugunkaad maqlaysiyo
Maroodiga cartamayaa
Maatadaad dhufaantiyo
Waa midiidinkaagii,
Muuqa kuu warramayaa
Ninkaad mooddey weeyaan.”

“Sida aad milshi la’aan
Mudha iigu soo tidhi
Muran bay i gelisee
Meesha aynu joognaa
Marka hore xaggay tahay?”

“Meeshu meeshi weeyaan
Meegaarki weynaa
Ciidankii majiirraa
Kugu meersanaayeen
Madaxtooyadaadii
Iyo mooradii baas”

“Hadday meeshu meeshii
Tahay aan ka magan galay
Inta midab shar leeyahay
Mudantaan u hagar baxay
Xaggee baa la soo maray?”

“Mawjadaa ka soo lalay
Iyo maayad xoog weyn.”

“Gartu waa maroortaa
Xaajadu mutuxanaa
Mirta yaa isku ogaa?”

“Mirta waxa isku ogaa
Xilligiyo mudducigii
Muddadiisu laallayd:”

“Maxaa kuu darnaa, sheeg?”

“Anaad ii macsuun tahay.”

“Marti-qaad wakhtigan jira
Waa lagu mergenayaa
Waxba hay macaaneyn
Meleggiyo heddeydee
Muraadkaaga ii sheeg:”

“Maraan kuu sidaa, hoo!”

“Taasi waa muddaahano
Iyo lama maleeyaan
Waa musuusuqaagii
Iyo geed is marintii
Miyaan anigu Jaallow
Maryo kaaga baahnahay?”

“Tani waa ma dhaafaan
Ma-huraanki weeyaan
Meel baanay kuu tiil
Waana lagama maarmaan
Madaxiyo minjaha geli
Waa meerto duniduye
Miiddiiba shubatee
Miidaddawso huubada
Muudmuudso gocashada
Murdi weelka godob yahay
Ma-hadhooyin reebtee
Yaanay maadi kaa hadhin!

U danbaynna meydkow
Madi tegaya waw door
Inuu meeris duugliyo
Duluc madhaxle reebee
Hal-muceed yadaadii
Rabbi kugu mannaystiyo
Maahmaahahaagii
Bal xusuus mid iyo laba
Miisaan leh ii sheeg
Maxaan kaa guntaa hadal?”

“Maqal waxan ku haystaa
Muslinkiyo waraabaha
Madmadowga tuhunkiyo
Mashaqada dhex taallaa
Inay tahay is maan-dhaaf

Muudaaga xooluhu
Marka ay la kulantee
Muuqiisa aragtay
Lugaheeda maashaa.

Isna wuxuu majiiraha
Uga daba maleegtaa
Celi maganta baadida,
Is maqiiqiddiisiyo
Mintidkiyo dedaalkaa
Hadba muruq u siibtaa;
Dee muxuu sameeyaa
Ilkahaa u midigoo
Micidaa u gacanee.

Aniguna mudducigow
Waxaan meel la joogaa
Muran li’i dhurwaagaas.

Muddadii xilka lahayd
Haddii maamulkaygii
Malaa kadeed iyo
Mixnad iyo shil laga dhigay
Maankayga garashada
Maaraynta hawluhu
Siday iigu muuqdeen
Waxba inanan maandhaw
Ku masuugin baanfuray
Inta maqanna gaadhsii.”

Gudbey MaxamedXaashow
Mahadsanidna lagu yidhi
Maamuusna kugu ladhay
Masalooyin xidhan baan
Meelayn u deyayoo
Mayalkaan xejinayee
Hadda kuguma maakumin
Ninka aad la magac tahay.

Miyir iyo xilqaad iyo
Malko iyo hufriaan iyo
Milgo iyo xishood iyo
Madal iyo gar-soor iyo
Maskax iyo aqoon iyo
Mintid iyo dedaal iyo
Mabda’ iyo falaad iyo
Murti iyo tusaaliyo
Inta mudan adduunyada
Marinnada hal-doorka ah
Sina uma midowdaan.

Barabaraale

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

[audio:barabaraale.mp3]

Iyadoon bartiro jirin
Wax la yidhi lixlaha biig
Haddii Baashe lagu dilo
Marka qaybta laga baxo
Boolaynta laga dhigo
Shaxda booli-tuugiyo
Sharci boob ah lagu wado
Afar turub nin barashada
Ka bogtaa ku gacan gala
Baandheeya weligii
Wax ku beela qaabkaas
Waxa adag ka bowsadey
Isagaana badin kara.
Shaashowdey bilicdii
Ban martoo la garan waa
Badhxantoo la maydhaan
Waxa lagu balllaysimay
Indho buuryo-goyseed.

Buurrantu muuniyo
Barkhad kaydsan maahee
Barar taws ah weeyaan
Bugtadiyo xanuunkuna
Haddaan baadhay waa ciil.

Bahalow shabeelow
Hooy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beri waxaan ogsoonaa
Adigoon ka soo bixin
Casha boholaheedoo
Dhirta baaxad-weynta ah
Baarkeeda seexdee
Maqlay inad bannaanniyo
Timi badhaha hawdkoo
Bulbullow libaaxii
Boqortooyadiisii
Duhur ugu badheedhoo
Burjigii ka furatoo
Bili qaadi weydee
Beelahanagtaadaan
Kaa soo bariidshoo
Budulkay la soo galay
Barkintaad ku jiiftee
Waxba baadi xoolaad
Beryahaas ma kulanteen?

Bahalow Shabeellow
Hoy barabaraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beri waxan ogsoonaa
Adigoo baruurtiyo
Cunin bulad Ammaankoo
Riyahaaga baadhee
Bishan iyo bisheedii
Boqol iyo lag baa maqan
Wanankii Ba-Ceeblee
Badhi iyo leg goormaa
Boholyowgu kuu galay?
Balse waxa la yaab dhalay
Nin barwaaqo haystoo
Ka engegan badhaadhee
Bishmahaagu Caarrow
Maxay kuu basaaseen
Ma buskaad is-marisaa?

Bahalow Shabeellow
Hoy barabaraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Dadka baylahdiisiyo
Baloolleyda tebiska ah
Koromada berdaa-le’eg
Iyo dibida beyga leh
Barbarriiji weligaa
Tarab tarab u boqol goo
Isku biirso liqanyada
Isku baano yeelkaa
Balse waxa la yaab dhalay
Barta aad ku qalatiyo
Baradaaada caydha ah
Raqi kama cidhaantee
Ma laftaad burbursaa.
Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Badda iyo nafleydii
Balliyada ku noolayd
Bogan waaye jiifkoo
Wadnahaa babbanayoo
Beerkaa legdamayee
Xaggay bayr ka yeesheen
Biyahana ma joogtaa?

Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Maxaa haadda buubtiyo
Baqayaha daruuraha
Balwadiisu noqoteen
Wax la baratamaa jirin
Ama booddo lagu qaban
Baqdintaada awgeed
Bogga uga qadhqadhayaan
Miyaad baalal leedahay?

Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Bari iyo Galbeedow
Haddaad baahdey aashaa
Qalwo bogox ku leedahay
Bidixdana ku furan tahay
Midigntana badhkaa yaal
Nin boqol ku tala-galay
Dhankee kaaga baydhaa?
Dhinaceed u badan tahay?
Barbarkee ka maqan tahay?

Bismillaahi yaahuu-

Degelyohow barkuma-taal
Bulsho waxay ku leedahay
Bisiq iyo xangeyiyo
Banji iyo dharkayniyo
Bilcilkaaga hawliyo
Dhirta boocda mooyee
Tolow baad la daaqiyo
Miyaan cawsna kaa bixin?

Degelyoho barkuma-taal
Bulsho waxay ku leedahay
Beertaadu hoog iyo
Bacad iyo habaas iyo
Bacow iyo qaniin iyo
Badso io shirqool iyo
Burso iyo khiyaaniyo
Beeraadka samihiyo
U buseelka godobtiyio
Boqon goynta nabaddiyo
Booraanta jarankiyo
Boholaha asaydiyo
Cabsi iyo ma been baa?
Biyaheedu dhiig iyo
Xinjir bururinteediyo
Ma baroorta dumarkaa?

Balka iyo sabuulkuna
Ma banbaane ololiyo
Waran iyo billaawiyo
Baaruudda huguntiyo
Birta lagu idlaadaa?

Baaq baaqu daab iyo
Bishil iyo ma soofaa?
Waxa lagu bislaystiyo
Badarkeedu dhimashiyo
Baga iyo ku digashiyo
Ma busaarad dhegalaa?

Bahalow Shabeellow
Hoy bara baraalow
Waaryaa nin buureed
Bulsho waxay ku leedahay
Beryahaagan ka horow
Bahda habar-dugaag yahay
Marka ay biciidkiyo
Koran buuran loogtaan
Inta boodhku qariyaa
Waxba yay badhkoodiyo
Helin bawdo hiliblee
Kolay biixii ruugaan
Marka biidhi-qaatiyo
Qawluhu is-boobaan
Mid afkii ka buux samay
Wax ka bililiqaystaan
Badanaa ma qadi jirin
Raqda baallaheediyo
Badka kama maqnaan jirin
Saw tan Buulalleydii
Ku bakhtiday ag-taadii.
Burrusow Dameerow
Biyo ceel ma keenow
Hadba dhaan ku biirow
Beelaha aroorka ah
Iska daba boqoolow
Bulsho waxay ku leedahay
Geela baadi soocdiyo
Sumaddiyo birqaabka leh
Boodaanta wada xidhan
Meeyey baarqabkiisii
Baqal looma tu’iyee
Yaa baacso kugu yidhi?