Dallaalimo

Qaranow daryeelkaa
xorriyooy u doodkaa
dulmiyow tilmaantaa
duudsiyow ka murankaa
xaqow daafacaaddaa
danyareey u hadalkaa
ummad yahay u digiddaa
gabayow dakanadaa
midnimooy u dirirkaa,
xadhig miiggan lay diir
dabar adagna lay sooh
keeno laygu daadihi
deli laygu seetee
duddo laygu oodee
darbo iyo guhaad iyo
digashiyo colaad iyo
durid iyo canbaar iyo
inta daranba lay mari.

Marar lay dardaar weri
birta daabka lay geli
hala dilona lay yidhi
deel-qaafna ii raac
degelkiyo rugtaydii
iyo dahabadaydii
iyagana ka dibad baxay.

Ku darsoo ha yeeshee
degi waa ladhkaygii
dumi waa hankaygii
dhiman waa dareenkii
dami waa ilayskii
damqan weydey saantii
deebaaqdu ima karin

dawadiina lay waa.

Dufan iyo sabaaliyo
dux waxaan ku gelinayn
doqon baa u xilatoo
nacas baa ku dararoo

weligii ku deexdee
durdurrada xajiinta ah
ku dabbaalo lay yidhi
dadnimaanse ka xigsadey.

Nafta haw darraannoo
ha is-taagin daaftee
dusha soo kor lay yidhi
duug hadhaanse ka xigsadey.

Dabatada is-guratiyo
dooxatada is-wacatiyo
xerta aaran dubatada
daawo yeeshaa lay yidhi,
danyar baanse ka xigsadey.

Dabka aad shidaysiyo
dabra-weerarkaagiyo
debci hawsha lay yidhi
diidey baanse ka xigsadey.

Duunyo laygu muunee
damac layla soo qaad
duufna lay xalaale
runtu door ma keentee
been ku daakir lay yidhi,
daacad baanse ka xigsadey.

Demesh iyo xariir iyo
aqal daahyo dheeroo
bilic lagu daleeyiyo
dugsi laygu maamuus
debed baanse ka xigsadey.

Inta fudud dabayshiyo
duufaan ha qaadee
ka danayso la yidhi

doobi buuxu lay dhiib
daadi baanse ka xigsadey.

Dibnahaaga haysoo
da’fur oo ha qiiroon
qalinkiyo dawaaddiyo

Dulfiqaar dhig lay yidhi,
Deelley* baanse ka xigsadey.

Ka deg faraska lay yidhi
dibso oo lugaha keen
dulli qaayib lay yidhi,
dirir baanse ka xigsadey.

Tolo derejo lay yidhi
deni noqona lay yidhi

waxaad adigu doontiyo
dantaa sheego lay yidhi,
dayraanse ka xigsadey.

Afartaas rugta u daa
dadbay oo ka jeedladay.
Ma dahaa ma daayaa?
Shirwacow*ma dooxaa?
dar Alle ma sheegaa
waxay dihatey buurtii
digta iyo hamteedii
qabqabtiyo dayaankii
iyo ducashadeedii,
dunidoo dhan la hinqaday?

Duhur baa la joogaa
damal bay malkadu tahay
duqey baa isugu timi
degdeg buu shirku ahaa

anna daawashaan ahay
iyo weriye daah xidhan
daljir aan la filanayn
belo aan la doonayn
dawan iyo caroog sida
lagu diirsan oo yimi
madalkana si dalag iyo
hab derderan ku soo galay.

Daymo halacsigeediyo
arar iyo ducaa dhacay
dabadeed warkaas guud
darka loo gur yeelkii

shaxda laysla daydayey
intaan looba daadegin
dulucdiyo ujeeddada
dul-ka-xaadsigii guud
durba laysku maan dhaaf,
duul-duulyey hadalkii
sheekada dib loo celi

Dooryaanle loo guur
ninba dooda baanaha
sida maanta doorka ah
dacallada ka dhaaf-dhaaf
utin duuga hibashada
dura soo cusboonee
deyn laysku soo oog,
ninba dakhar ka maahmaah

digo hore la faadh faadh
xaajada dorraatiyo
Daahyaale loo riix.
Idinkaa na daba guray
idinkaa wax dumin jirey
idinkaa na dagi jirey
idinkaa dellegan iyo
dibirooti nagu wada
diig-diigad carashada

danan iyo rakaad-celin
onkod iyo dinnaahyeyn
wahad lays durduursii
garta laysku daadduun.

Door-roonayaashii
dabin madhan ku loollame
runta laysku deyi waa
daacaad loo ged-bixi waa
ninna damac ka wadi waa
daalaa-dhac hadalkii
carrab dalab leh mooyee
mayal toosan loo diid
habaqlii dayeysnaa
ninba duluglihiisii
meel baas u dalandali
dadabtana ku weegaar.

Garan waayey doogtiyo
halka xaalku deridiyo
isha daban ka leeyahay
doon doonayoo helay
waxa laysku dilayaa
in xumaa la doorshiyo
xil daryeeliddiisiyo
dad-u-hiilin maahee
geenyada dakaanka ah
anna aan dul-buuxshoo
dala’sado kolkaygoo
daadka aan ku dhafee
iiga soo deg weeyaan.

Waxan idhi, “dallaallimo,”

dibjir baa ku sugayee
danyar baa ku korisoo
iyadaa ku diratee
kulka , haamadaygiyo
yaan darroortu kaga iman
docda lagugu qaybsaday

ha ka leexan dawgii
ballankii ha sii deyn
dab ha soo hunqaacdee
dabarkiyo xadhkaha goo
danab dhacay sidiisii
dhulka dakharro gaadhsii
buuruhu ha daateen
ha ka daahin beeshii
waxa jirana deeqsii”.

Waxay tidhi “dedaalkay”,
“isku diidi maynee
diihaalka lahashada
dug madow habeenkii
marka aar Dabooliyo*
orgob doolay kedisada
deyrka reerka gaadmada
dardartiyo war-ma qabtada
halka dagan kasoo dhaco,
dadka kii ku toosiyo
cagta mariyo duunyada
kuwa kale duleedkiyo

dusha inay ka eegtaan
hadba xeelo dihin iyo
tab kaloo dil dila rogan
ugu soo duggaalaan
waa dabeecad soo tiil”.

Hoos u daadeg baan idhi

Waxay tidhi “haddaan dedo”
saddex goor nin diif iyo
dayac iyo lur gaadho
dalqo bahal ku jira weli
dibin daabyo lagu wado
diriciyo tusbaxa dheer
iyo xeesha daba taal
dummaddayda weeyaan”.

Waxan idhi,” kasii durug”

Waxay tidhi “ha ii dudo”
“weji dadab ha iga naxo
afka haygu daasheen
kuwa mililka duunkiyo

duumada qarsanayee
cadho-umal daraaddeed
dibnahooda cunayaa

waabay ha daaceen
inaan doogahoodiyo
damqo boogahoodaan
ugu dhaartay diintee
damacow dhegaa furo”.

Dadku maaha kii hee
dawliilka beenta ah
duubka loogu xidhan jirey.

Dadku maaha kii hee
salfudaydka dalagta ah
dabinnada u geli jirey.

Dadku maaha kii hee
isagoo denbi lahayn
digoxaadh la marin jirey.

Dadku maaha kii hee
sida duunyo weer helay
dil-dillaan ku go’i jirey.

Dadku maaha kii hee
markay door sameeyaan
gabbalkoodu dumi jirey.

Dadku maaha kii hee
damdamtiyo mashxaraddiyo
ku burburay durbaannada.

Dadku maaha kii hee
maqli jirey daryeelkee
arki jirey darxumadee
saadaal ku degi jirey.

Dadku maaha kii hee
laga dhigay dac-wadhantiyo
danbaskii qaboobaa.

Dadku maaha kii hee
dabar lagu ilaashiyo
dooh lagu xasilin jirey.

Dadku maaha kii hee
dib waxay u eedaan
marka hore ku dagan jirey.

Dadku maaha kii hee
gudin lagu dulbaaxsado

daabka looga dhigi jirey.

Dadku maaha kii hee
carrabkoodu daaleen
ducadoodu kici jirin.

Dadku maaha kii hee
darka ceelka horashada
dalawada irmaanta ah
afar-deeqda madida ah
dib intay u waabshaan
diran jirey candhoolaha.

Dadku maaha kii hee
midho daray had iyo goor
duuduub ku liqi jirey.

dadku maaha kii hee
sida geel ku diday kibir
durdurada ku jabi jirey.

dadku maaha kii hee
laba goor dan seegee
shalay iyo dorraad jirey.

Dadku maaha kii hee
intay daaf ka guuraan
daacuun u raran jirey.

dadku maaha kii hee
diga-rogashadoodiyo
dalan-doolka geeddiga
dalka oo cadceeddiyo
dayaxiiba joogaan
xiddigaha dagaar iyo
dunqulaal ku gudi jirey.

Doogtu maaha tii hee

dibno lagu afuufiyo

maryo lagu dabooliyo
hadal lagu daweyn jirey.

waa maxay daloonbigu
codka lays dalbanayee
duur-xul laysku leeyahay?
Demman wayska huruddaa
docda bari ka laba gura
miyaan waagi daalicin?.

Duulka laysku haystaa

illaa duunyo maahee
doob kaloo hawoodiyo
nin kaloo u dadab-gala
ku dumaala saynsaab
ka ilbaxe duruustaas.

Waxay taas ka doorteen
ama talo ku daasteen
inay dayrtan maanta ah
inta timaha loo dabay
ama daraya-muus xidhan
dalka gugan hablaa kacay
ta u ladan ka doortaan
cashaday dareemaan
daacaddeeda waayaan
dalqaddeeda siiyaan.

Nin daruur ku dhoofiyo
nin dabayli qaaddiyo
nin ku duula haaddiyo
nin diyaarad raaciyo
nin dabbaabad fuuliyo
nin darmaan ku boodiyo
inta dooddiyaysaay
daarta loo tartamayaa
daran iyo tigaad iyo
dirir lagu hayaamiyo
dalag loo kaltamayoo

laga furay daboolkoo
dadka loogu baaqiyo
durdurrada Firdawsiyo

Janno dagatay maahee
ninna waaba loo diley
ninna waw deldelan yahay
nin u duuban tiisow
waxba hayska daba ridin
deegaanta laacdee
ma ogtahay dalluumaha
iyo deyrka hoos yaal
ha degdegine aashaa
sheekada dib ugu noqo.

Hadday debecdo qaansadu
duullaanku kala jabo
xagal-daac ku kala lumo
dannigiyo is-waagiyo
dawlis keli nin toocsaday
door keeni maysee

waxay daahinaysaa
dabku inu ku sii baxo

degelkii shufta ahaa.

Waxa iga dardaarana
haddaan laysu soo dumin
cududaha la kala diray
gaarriyow dad-qalatada
isku duubni lagu ridin
dunta boqorka shaashka leh
lagu simin dadweynaha
inaan daw bannaanayn
ninka diiddan taasow
weligaaba doon doon
derejada carbuunta ah.

ka daryoo saceennii
dibi baabu dhali jirey

doorarkii horeetee
daalaa-dhaciisiyo
dacayda iyo caashiyo
daamankaan u jeedaa
dacar iyo dhunkaal bay
la dunuunucaysaa,
da’dan waxan ka baqayaa
inuu daba-ka ruub iyo

dabar-gooye fooshee
doobir ii dheh Yaasiin*.

Inta Dahab nimaan geyin
u daddaabba xidhan tahay
gudcurkuna damtaa yahay
dayn maayo hadalkee
iga qabo Dallaallimo
iyadana ka dabagee
dir intay wadaageen
diiwaanka ii geli.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>