Suugaanta Hadraawi

DAAWO: Abwaan Hadraawi iyo Haldoorka Hawraartiisa
Hawraar Xul ah iyo Abwaan Hadraawi

Download PDF

Tirsigii Labaad ee Majalladda WEEDHSAN oo ifka u soo baxay
Dhammaan akhristeyaasha iyo macaammiisha warbaahinta kala geddisan ee WEEDHSAN Corporations, waxaannu ugu bushaaraynaynaa inuu ifka u soo baxay caddadkii labaad ee biiraalaha WEEDHSAN, isla markaasna laga heli karo badiba maktabadaha iyo goobaha wax-akhriska ee dhulalka Soomaalidu ku nooshahay. Faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xidhiidh, contact@weedhsan.com ama Teleefannada kala ah: +252 7 9330990, +252 2 4195585 ama +252 2 4160271. Mahadsanidin.

Abdirahman Yoonis

Maamulka © Weedhsan Corporation

Download PDF

Bal Daawo Inkaarahaaga! – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar
Waxa la caayayaa kaskaaga iyo garashada suubban ee ka soocda abuurta kale. Haddaa maxaa laguu jaho-wareerinayaa. Waxa la ogaaday goldalooladaada iyo iimaha ku dul gawdiida, waxaana la oddorosay falcelinta aad kaga jawaabi karto qadaf kasta oo laguula badheedho. Waa lagu halaanbeeyay oo berdaanka ayaa lagu saaray; waa lagu lafoguray, waana lagu dersay. Dharaar sii fogeyd ayaa hoosta laga xarriiqay qabitaannadaada iyo ahdaafta biyo-kama-dhibcaanka u noqon karta masiirkaaga. Waxaad guddo iyo waxaad gashaba waa laga dheregsan yahay, maantana wax kasta oo aad samaysaa waxba kuma biirin karaan baadi-doonka aad ugu jirto nolol tan dhaanta!

Haa. Waad halgantay si aad u xaqiijiso yool aan cidi kuu diran. Waad xiiqday oo waad xabeebatay. Himilo durugsan iyo hilaad fog midna maad astaysane, sidii qori daad la tegay ayuun baad badweyn sabbaysay. Maalintii aad is weyddiisay cidda aad u shaqaynayso iyo sababta aad waxan oo hanfi ah ugu jirtana, cidi kuma dhegaysan. Kii reerkiinna ahaa ee idin hor kacayay markii aad su’aashaas kula dhiirratay, waa kii kugu afwaajiyay: “Dee beryahanba inaad madaxtooyada u dusto waa la sheegayay”. Yaab. Madaxtooyaduna xaggee kuu soo martay! Laakiin maanta waxaad uurka ka tidhaahdaa, mararka qaarkoodna aad ku calaacashaa, “Iska geli lahaydaa!” Adeerkaa maalintaa si adag ayuu kuu waabiyay, waxaanu duqeeyay qofnimadaada, si-araggaaga iyo xorriyadda afkaartaada. Xaqiiqada waxa lagu caabbiyaa xadhkaha been-abuurka, bahdilka iyo dafiraadda.

Qoomammo iyo qammuunyo toonna ma joogtid maadaama uu dadkuba kula wada mid yahay. Waa la caaddifadaysnaa, dadkuna uma gacan-bannaanayn inuu si furfuran uga baaraandego mawqifka hadoodilan ah ee la soo walwaashay. May jirin fursado lagu falanqeyn karayay aragtidan marin-habaabisay sifihii toolmoonaa ee wax loo raadin lahaa. Degdeg iyo si aan kaadsiimo lahayn ayuunbaa dadka wax loogu af rogay. Labadii dhinac is eryanayay ayaa dadka madiiddo saaray oo caroog jaan iyo darammal runta lagu bogdooxo u tumay. Nacab iyo nasteex may kala lahayn ee labada haliilba dadka way dhaceen; mid hantida fadhataystay iyo mid caqliga masaakiinta bililiqaystayba.

Bulshadu way daallanayd, xal kale oo ay ku eeran karaanna ma muuqan. Dabcan, nafta ayuunbay kula dul dhaceen. Waxa kale oo laga faa’iidaystay dhacii, boobkii, iyo baylahdii kale ee jirtay oo lagu iidaamay boqollaal maslaxadood oo huwan shaadh qarannimo. “Walaalayaal, waannu ka xunnahay saxaafadda la cabbudhiyay…. Waa in dadku codkooda kaga jawaabaan caddaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo keli-talisnimada maamulku caadaystay… Annagu, haddii ay biyaha tahay, haddii ay waddooyinka tahay, haddii ay caafimaadka tahay, haddii ay…. iyo haddii ay…”. Waxan oo afmiishaarnimo ah oo loo geeyay muddaaharaadyo salmi ah, Madaxweynuhu ha dhaco iyo afcaal hunguri wed ma arko ah ayaa noqday sallaankii lagu halabsaday geenyada.

Maantana run badani ma jirto. Sida aad u og tahay tahay ama aad uga war la’ dahay in marar hore lagu lug-gooyay, ayaanad xogogaal ugu ahayn in maantana mar kale lagu jillaafaynayo. Timaaddo kasta iyo tagtadeedaba, waxa la iskaga gudbaa boqollaal khad oo wada turxaan iyo tarbiico miidhan ah, waxaana lagu dhaqaaqaa tallaabooyin iska hor iyo daba imanaya oo wax laguugu dhimayo. Bal adiguba dib u xusuuso inta aad u soo joogtay arrin deelqaaf ku ah dawladnimadan meehannowsan oo aan laba Cali ku wada hadlin. Subax walba gef baa dhaca, weliba, indha-adayggooda; turunturrooyinkooda ayay kaaga dhigaan guul markii ugu horreysay la hantiyay. Adiguna waad u dhug leedahay waxa socda, waxaad se ku deysatay “Dhiilku ha buuxsamo” ama waxaad aamintay in isbeddelkii aad jeeshay sidan ahaa.

Intii aad jirtay iyo taxanaha sooyaalkaagaba, xilliyo kala duwan ayaad isku hawshay tacabyo kala duwan. Sidii lagaaga bartay, maantana, mar kale ayaad tasaysay. Libtii aad diif iyo darxumaba ugu dhabar-adaygtay waxay kaaga baahnayd daryeel iyo tooggo-hayn. Waxay kaaga baahnayd ilaalin, il-ku-dhawris iyo dabagal joogteysan. Laakiin markii aad intaasba ka hawlyaraysatay, ee aad duhur cad ka seexatay ayay dubur hawd ka xushay! “Gunti furey nin caashaqay haddii, guudka loo sudho’e,” Waxaad isku qancisay; “Labada sanno ee hore yaan waxba laga sheegin”. Ma taqaannid sababta sidaas loo yidhi, waxaad se maqashay qaar sidaas uun ku halaanhalaya oo waad ku ayidday. Dalagdalagta Raacdeyntaadu waa goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oo aanad karaan u lahayn inaad aqbasho runta mutaxan iyo guul-darrooyinka ku hor tuban. Haddii labadaasiba ku dhammaadaan wax aan ahayn wixii aad u golongoshay, ma wax baad istifiidday? Sow daal uun maad korodhsannin? Ma sidaasaad weliba ku doonaysaa inaad adduunyada kaga mid noqoto? Mise taas diyaarba uma tihide, waa meexaanaha aad nafta ku madadaaliso. Maxaad u ilduuftay meerisyadii ahaa: “Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa”. Dee mooyidaada!

Mar haddii aanad wax-diiddo lahayn ama aad doonista kasha ka raadinayso hilimada leexsan, way adag tahay sida aad u rumeyso riyada maleawaalka ah. Cidna ha eersannin, hana ka murugoon urugooyinka iska soo daba dhacaya. Waxba indhaha ha ka meermeerinnin, hana is-diidsiinnin inaad waajahdo hadimooyinka muuneysan ee car iyo bey la’. Inkaaraha iyo ibtilooyinka arlada simay waa abaalgudkii tacabkaaga. Miyaan Ilaahay odhannin “Musiibada dhacaysaa waa wixii aad kasbateen”. Haddii cidi eed leedahay, adiga ayaa leh. Inta aad dunuubtaada ka ordayso iyo inta aad ka dhego-la’dahay xil-gudashooyinka kuu gacan-haadinaya, waad lunsan tahay! Inaad is daba qabato, inaad is illowsiiso iyo inaad ka jawaabtaaba, kuu furan. Kolleyba, door iigama bannaana inaan kuu dooro hannaanka aad jeceshahay inaad u noolaatid.

Maxamed Saleebaan Cumar

E-mail: halabuur@hotmail.com, contact@weedhsan.com

Website: www.weedhsan.com, www.weedhsan.org

©Weedhsan Corporation

Download PDF

Qurba-joog: Maxaa Ceeb la Korodhsaday! – W/Q. Maxamed Baashe X. Xasan
“Qirta Water Gate-yadu ka badan taydun weriseene” – Gaarriye

Warar subag leh ayay u muuqan karaan mas’uuliyiinta xabsiga loo taxaabay magaalada Hargeysa ee lagu eedaynayo weecsiga booshcaddihii dawladda Cummaan ugu deeqday dadka  gaajada iyo macaluushu Somaliland ku gabagabaynayaan.

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex, agaasimihii wasaaradda Dib-u-dejinta iyo la taliyihii madaxweyne ku xigaanka, ayaa seeftii musuqmaasuqa ee saawirta ahayd (aan afka lahayni) dul gawdiiddaa.

Tallaabo wax-ku-ool ah oo ku diirrasho leh ayay tani u muuqataa. Waa markii ugu horraysey ee xukuumadda Axmed Siilaanyo xilkii ka xayuubisay, xabsigana ay u taxaabtay mas’uuliyiin lagu eedaynayo musuq iyo hanti ay weecsadeen. Musuq iyo lunsi baahsan oo ku waajahan mas’uuliyiin badan oo xukuumadda ka mid ah iyo wasaaradaba, ayaa wararkoodu beryahanba isa soo tarayeen. Dhinaca kale waxa iyana dareen welwel leh dad badani ka muujinayaan kooxo is-bahaysanaya oo ku urursan; sidii macaan-jecesha; halbawlaha iyo wadnaha dalka laga hago. Kooxahaasi waxa ay ku jiraan loollan ay ku kala riixanayaan u dhowayanshaha iyo saamayn-ku-yeelashada madaxtooyada, gaar ahaan madaxweynaha iyo shakhsiyaadka kale ee mindida daabka haysta ee wax ka go’aan ama dhegta madaxweynuhu u daloosho. Qurbajoog ayay kooxahani u badan yihiin. Mas’uuliyiintan hadda la xidhxidhay laftoodu ayaa la tibaaxayaa in ay kooxahaas kuwii dibedda loo tuuray ay ka mid yihiin, tanina soo dedejisay in waagu ku beryo oo cadceeddu is dul taagto!

Tani waa salleello ayay dad badani qabaan oo waa sahalo in bariis booshcadde ah iyo goosarado caammi ah la weecsadaa, waxa se jira sida soo baxaysa musuq iyo lunsi hantiyeed oo intaas ka sii baahsan, loona baahan yahay in Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa iyo qolyaha la dagaallanka musuqu indhaha ku kala qaadaan oo ku baraarugaan, tanina u noqoto halkii ay ka dhaqaaqi lahaayeen, iyada oo si mutuxan farta loogu godayo dad rag iyo haweenba ka kooban oo aan ka fogayn mindida daabkeedu in ay yihiin ilaha wax is-dhaafinta iyo lunsiga hantiyeed halka ay cidhibta ku hayaan, lama huraanna ay noqonayso haddii la doonayo in wax la hagaajiyo in laga bilaabo in gogasha iyo kuraasta madaxtooyada lafteeda la nadiifiyo.

Qorba-joog badan oo isbeddelkii dhowaa jiitey oo waddanka u xoogsi tegey ayaa lagu tilmaamaa il irmaan oo musuq iyo fusuq badaniba ka soo burqadaan. Qaar waa mus’uuliyiin xilal haysa, qaar kalena xilal muuqda oo loo igmaday lama yaqaan, haddana waxa la tilmaamaa in qaarkood wasiirrada kaba awood badan yihiin! Qurba-jooggii ceeb ayuu ka korodhsaday u dhuyaalkii waddanka. Macallinkii xumaanta ee kharribnaa ayaa loogu yeedhaa! Waa dhif iyo naadir mas’uuliyiinta qurba-joogga ah ee dawladda Axmed Siilaanyo ka tirsan ee foolxumooyinkaaas soo yeedhaya ka nabadgelaysaa. Ceebeey tacaal! Bi’iwaa Cidla’-joogow; cosobsaad is lahayde; sawdigaa ciidda cantuugaye; mar labaad ciinka ku daaqay! Mas’uuliyiintan musuqa lagu eedaynayo labaa qurba-joog ah. Waa dhallinyaro haddii dembigaas lagu caddeeyo hankoodii siyaasadeed ee mustaqbal uu dumi doono, magacooduna ku hagaasi doono naanaysta taban ee “Booshcadde”!

Murugga iyo muranka mas’uuliyiinta qaranka sida joogtada ah uga dhex hulaaqa ee dibedda u shaaca ayaa ah dharabo kale oo hoos u dhigaysa milgihii iyo maamuuskii dawladnimo. Weedhaha wax-saarka leh iyo hadallada sawliilka leh ee mas’uuliyiinta sarsare warbaahinta isu mariyaan ama dadweynaha u mariyaan, ayaa ka mid ah “Water Gate-yada” dawladdeennan cidla’-joogga badan lagu dhalliili karo!

Fadeexaddan “booshacaddaha” ayaa se ugu daran. Waa fadeexad wadhan min Berbera, Burco ilaa iyo Hargeysa. Fadad kale oo wada fadeexad iyo faruuryo qaawan ah ayay tani fashilin kartaa haddii badhitaanno daahfurani dhammaystirmaan oo la sameeyo. Tuhunno badan oo wada musuq iyo wax is-dhaafin ah ayaa; sidii daruuro madmadow; dul hoganaya meelo badan iyo mas’uuliyiin dawladda ka mid ah, hayana xilal sare sare. Raad-gur iyo baadhitaanno banyaal ah ayaa lagama maarmaan ah. Haddii kale mooyi!

Dhoobadu halkii ay fadhidey, looma dhaadhicine

Jeeroo rag dheeraad cunoo, dhumuc leh loo yeedho

Nin wali wuxuu dhimay ilaa, dhabarka loo saaro

Dhacadiidka jeeroo rag badan, dhawda laga saaro

Jeeroo maxkamad loo dhisoo, dhididku hoobaano

Jeero wixii ay dhaceen, lagaga dheemaalsho

Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo, dhuunta mari waayo

Dhacarsiga la dayn maayo iyo , dhiilkii lays baraye

Dhabbadaa aan soo jilay haddii, laga dhabayn waayo

Dhutis xaalku kama baaqsadee, dhuuxa hadalkayga! – Cabdillaahi Suldaan Timacadde-

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

rasheedbaashe@gmail.com

©Weedhsan Corporation

Download PDF

WAXAY DUMIYEEN RUNTII – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar
WAXAY DUMIYEEN RUNTII – W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Ma garanayno meel aynu ka nimid, mana ogaan karno jihada loo socdo. Laakiin garashadu waxay ii sheegaysaa in la ambaday. Sababtii loo ambaday iyo arrimaha ku taxan maalmihii la soo maray, ayaan iyaguna ahayn kuwo aynu si madax-bannaan uga hadli karno. Waaqiciga ayaa inoo diidaya, xorna uma nihin in aynu halkaas oo kale ka fekerno. Oo haddii ay xorriyadi jirto ma sidan ayaynu ahaan lahayn!

Waxaad mooddaa inaynu ku xidh-xidhan nahay xabsi qarsoon, oo aynaan fahmi karin ujeeddada aynu ugu jirno. Hayinka aynu saaran nahay waxa lagu hoggaamiyaa jibbo iyo fallaad caqliyadda ka durugsan. Mar kasta garaadkeennu ma aha mid arrimiya, talada iyo tilmaanta na waxa leh caaddifadda. Sidaas darteed, waxa masiirkeenna lagu maamulaa dareenno aan xeel-fogeyn oo cadho, ciil iyo cishqi-ba iskugu dhafan. Dareennadaasi waxay inta badan ka soo fulaan c laabaha ma-kasta, maatada; indhow-aragga iyo indho-ku-garaadleha. Intan oo is kaashatay ayaa shalay iyo maantaba barta hoggaaminta inoo jooga. Iyaga ayaynu ka sugaynaa hindisaha xal ummadda faraj u noqda!

Waxay arki karaan inta la wada arki karo, abbaartooduna waa mid ku salaysan “Maanta iyo Maanta” – tan la-ajligeedna, shaqo kuma laha berri iyo maalmaha soo socda ee ku taxan awaalka maqan. Aragtida ayaa ku xaddidan mataaca adduunka iyo maalmaha ifka ee la joogo. Waxay ku loollamayaan noocyada baabuurta iyo dabaqyada dhaadheer. Hadda shalay ayuun bay ahayd markii ay cago-caddaanta ku joogeen suuqyada magaalada. Laakiin maxaan kaaga daalin!, sow ma aha kuwii uu Nebigu ku sheegay Calaamadaha Saacadda.

Waa halkii Hadraawi-ye, Kala-guranta sii raac! Sida ay u dhan yihiin, calooshooda ayay u shaqaystaan. Hunguriga iyo hawada nafta ayay shaqaale u yihiin. Waxa soo raaca mid-mid aan wax badan dhaamin oo hankiisu carruurta gaadhsiisan yahay. Mid kasta waxa mayalka u haysa afadiisii iyo in la mid ah. Waa kudlad inkaaran oo ku fooggan wax inkaaran. Waxay ku nool yihiin meertada nolol been miidhan ah; maadaama ay bulshadu sidaas u badan tahayna, taas ayay ku khasban yihiin inay ku qancaan. Taas ayay calan-sideyaal u yihiin oo ay weliba xilal been ah iyo billado bar-kuma-taal ah u tosheen. Haddii in uun garasho jirto se, waxay ahayd inay dadka u hoggaamiyaan toobiyaha liibaanta iyo guryosamada. Haddii se uu hoggaamiyuhu dhaaddan yahay in loo xushay furfuridda iyo xal-u-helidda caqabadaha hal-xidhaaleha ku noqday geeddi-socodkii horumar ee dadka, miyay ahayd in lagu sii adkaysto hillimada leexsan ee guul-darrooyinka laga dhaxlay? Mise Xeerka Beentu sidaasba uma arko oo wuxu qabaa inaynnu ka soo gudubnay silsilad lib miidhan ah, dhowaanna aynu cagaha gelin doonno mid kale oo hor leh. Baasaysiga ayaan wacnayn ba’e, xeerka beentu waa sidaas.

Dadku wuxu isku maaweelinayaa xorriyad dhalanteed ah iyo dimuqraaddiyad afka baarkiisa ah. Kii ay garashada bidday ayaa laftiisu madadaalada la raacraacaya. Iyaga oo sidaas sheeganaya ayaan haddana la oggolayn in qofku aaraadiisa u cabbiro si xor ah ama uu mid kale weydiimo ka keeno xagga loo socdo iyo masiirka ummadnimo. Xataa marka uu qofku kelidii yahay, waxaad odhan kartaa nidaamku ma oggola in kasha aadamuhu is weydiiso su’aalo ku taxan mabaad’iida biyo-kama-dhibcaanka loo ee arko ee lagu hadaaqayo. Haddii aad si xor ah u hollisid fekerkaaga, waa hubaal in judhaba lagu xidhiidhinayo dareenno kale oo agaheenna yaalla. Waxa la iska caadaystay in qofkii badheedhahiisa dhiibta lagu riixo aragti aan shaqo ku lahayn waxa uu ka hadlayo. Taasi waxay timaaddaa marka cidda barta hoggaaminta fadhidaa ay laabta ka doonayso dareen aan quluubta dadweynaha ku jirin. Wuxuu jecel yahay in loo yidhaahdo wixii uu odhan lahaa, taasi haddii ay dhacdana, waxa uu si dadban bulshada ugu khasbay ayyidaadda qabitaannadiisii dahsoonaa.

Tani maaha mid halkan uun ka aloosan. Adduunka oo dhan waxa gilgilaya mashkilado aan xalkii lagu furdaamin lahaa loo hayn. Meel kasta dhiillo ayaa ka taagan, dhegta aadamaha sebenkan noolina, waxay iskala qabsatay inay maqasho war-macsiyeed ku lammaan nolosha. “Subax noolba dhiig daata, Xadhig iyo silsilad shiilan.” Markii laga tegay marinkii Ilaahay u jideeyay nolosha ayuu noolihii u ban-baxay nolol habaaran oo cabsi iyo umal lagu gaasheeyay. Ujeeddadii abuurtu ma sidan ayay ahayd? Maya…. Xaashaa-Lillaah! Aadamaha waxa loo uumay fulinta jidkii Ilaahay u jeexay nolosha. Si taas la mid ah, Aadamaha waxa loo sharfay furdaaminta mashkiladaha, laakiin looma abuurin inuu abuuro mashkilado hor leh. Meel ay tahayba, waxa ayaan-darro inteeda le’eg ah; in duul Ilaahay karaameeyay, kuna galladay garasho ka soocda abuurta kale, ay sidan u noolaadaan. Aaway xilkii iyo xil-gudashadii noloshu, aaway aqoontii iyo aragtidii, aaway garashadii iyo sarriigashadii, aaway dammiirkii noolaa ee kasha damman ruxi jiray, aaway fekerkii iyo fiiradii, aaway godol-maankii iyo halabuurkii hilaadda durugsan lahaa, aaway…. aaway…. aaway?

Si aynu raad-raac sugan u samaynno, waa in aynu garan karnaa goortii aynu lunnay iyo goobtii aynu majaraha kaga leexannay. Waxa se taas ka horreysa inaynu isla garanno ama isla garan weynno, in wax innaga khaldan yihiin. Waxa jiri karta in aan dadka qaarkii qirsanaynba in mashkiladi jirto ama aydun hore iskula garan kari weydaan eelka u baahan in la abbaaro. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, mashkiladdu dadka iyo dalka midna ma aha ee waa aragtiyaha aynu ummad ahaan u garboduuban nahay. Inkasta oo aynu ku sheekaysanno xorriyadda hadalku waa aasaaska dimuqraadiyadda, ama ay qaar kaleba odhan karaan ikhtiyaarka qofeed waa waxa sababay in qalaanqallada hadheeyay meelo badan oo dunida ah; xaqiiqadu waxay tahay in la galay shooki hurgumo badan, marka loo eego dhinacyo badan. Haddii hore looga dagaallamay cadaadiskii nidaam jiri jiray, ujeeddadu ma waxay ahayd in loo gacan galo hannaan xidhxidhan oo xataa mamnuucaya in maskaxda qofku wax is weydiiso.

Tusaale ahaan, nidaamkii gumeysigu waxa uu dagaal kula jiray xorriyadda afkaarta liddiga ku ah ama ku noqon karta danihiisa. Laakiin waxaynu maanta u daddaaba-xidhannahay hoggaamiyeyaal cadow u ah guud ahaan fekerka aadamaha, sidaas darteed miyaynu filan karnaa afkaar innaga samata-bixin kara xaaladda mutaxan ee aynu dhex yuururno. Sidani iyo sidaasiba; waa dawladnimo ismoodsiis ah iyo ismoodsiis dawladnimo ah. Waa been lagu madadaalanayo iyo beenawaas nolosha macallin ka ah. Waxa la dhex joogaa hannaan dhan oo lagu unkay laab-la-kac, iyada oo la iska indho-tiray yagleel ku dhisan aqoon iyo hubsiimo.

Waxa Ummaddii lagu raray culayska aragtidaas oo dadkii ka dhigtay cabsi- iyo argaggax-ku-nool. Taasi waxay dhadhisay kartidii feker ahaaneed ee dhalin kari lahayd ficil iyo fallaadba. Waa aragti ku dhisan xukun degdeg ah iyo bandoo maskaxeed. Waa mid dadka afkooda uun eegaysa, ereyga marinkeeda qaadi waayana fantaynaysa. Waa aragti dheelli ka muuqdo oo dhan ka raran. Waa fekred qalaad oo ku dhisan maslaxad shisheeye oo aan wax xidhiidh ah la lahayn hab-nololeedka dhaqan-dhaqaale iyo kan bulsheed ee mujtamaca. Sidaas oo ay tahay, falsafaddani waxay macnaha iyo maamuuskaba ka qaadaysaa hiddaha, dareen-wadaagga iyo guud ahaan dunta xariirta ah ee dadka isu haysa.

Mar haddii la hubo in adduunyada maanta quruxdan leh laga soo dhilay maskaxo si xor ah uga jawaabtay duruufo badan oo ku xeernaa – illaa beryo uu dadkuba qaawanaa – ma habboon tahay in aan nolol adduunyeedda la muunad tirin, iyada oo la moodayo in dux loo kordhinayo? Waa weydiin hor taal dadyawga ku taagan male-awaalka beenta ah iyo kuwa ku hoggaaminaya kadeed intan ka badan.

Waayuhu wuxu ina baray inay noloshu tahay hayaan joogto ah oo aan habeendhax mooyee negaansho lahayn. Hakad kasta oo geeddigaas gala iyo jalleeco kasta oo dib la dhugtaa waa in ay ahaataa oo keliya uga tilmaan qaadashada geeddiga xiga. Si taas la mid ah, wakhtiga ayaa ina baray in guud ahaan dadku jecel yihiin in ay ku negaadaan xaalad ay la qabsadeen, taas oo dabadeed u soo jiidda fadhiidnimo baahsan. Bal se niyad-samida aynu naruurada ka dhiganayno ayaa ah rajada aynu ka qabno inay bulsho walba ka soo dhex baxaan qof iyo qofaf hindisa afkaar qumman oo aan raalli ku ahayn marxaladda raalliga lagu yahay. Waa dadka keena fikradaha yaabka leh ee bilawga laga dido dabadeed haddii ay guulaystaan loo aayo.

Waxa kale oo aynu ka marag-kacaynaa in hab-nololeedkii laajjiga ahaa ee la soo xawilay uu qayb ka qaatay burburkii nololeed ee bulshada, kaas oo dabadeed sababay burburkii ku yimid jiritaankeenna. Laakiin taas waxay doodi ka furan tahay marka loo arko in ay ahayd waddo qaldan oo tii runta ahayd looga ambaday. Doodise kama furna marka la ammaan loo raadinayo isbeddelkaas gurracan. Isla markaa doodi kama furna marka lagu talinayo waddadaa qaldan intii la soo hayey in le’eg lagu sii negaado, iyada oo la dafirayo xaqiiqooyinka horteenna yaalla.

Laakiin horta sideedaba noloshan la baadi-doonayo ee loo han-weyn yahay waa tuma? Sow ma aha xaqiiqo nololeed oo lagu soo duulay oo ay kuwii lahaa ka sal-kaceen? Haddii ay cidi dishay innaga  ayaa dilnay, laakiin ma aha, sida dadka qaarkii qabaan, inay u dhimatay si dabiici ah oo ay aaseen mawjadaha dabeeciga ah ee is-beddelku.

Markii la diiday in afkaarta iyo si-aragga lagu kala duwanaado ayay noqotay in qolo waliba indhaha ka riddo xaqiiqadii nolosha iyo qabitaannadii ay ahayd in lagu maro tubta liibaanta. Maalintaas ayaa la go’aansaday in adduunyada la hadimeeyo, si aynaan innaguna kob caleen leh uga soo durdurinin.

Haddii ay khasab tahay in hannaanka siyaasadeed ee ummadda lagu dhaqayo dhaliilo laga raadiyo, halkan iyo halal la mid ah ayaa laga dayi karaa, iimaha uu nidaamku yeelan karaana maaha kuwo ku jira weelka madhan ee subax walba la innagu hungeeyo. Inta aynu ku warwareegaynno nidaamyo ajenabi ku ah ummadda iyo abuurteeda labadaba, waxa mudnaan leh in lagu soo noqdo daliilkii Rabbi, iyada oo dadka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka. Markaas ayuun baynnu hantaaqada iyo hungada Reer-Galbeedka ka gudbi karnaa. Waayo; waxay rabaan inay nolosha daliil ka noqdaan, si aynu innaguna Ilaahyo ugu aragno. Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta habboon halhayskan, “Weli gumucu meel baydhsan buu, gawda ku hayaaye, Inta maanku gaajaysan yahay, Guuli waa weli”

Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar

Email: halabuur@hotmail.com

Download PDF

KALA-GURAN: Halkan ka akhri Maansada Cusub ee Hadraawi oo Dhan
Hargeysa, October 19, 2011, (Weedhsan) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa curiyay maanso cusub oo ka warramaysa nolosha, taas oo uu galabta ku soo bandhigay Jaamacadda Hargeysa.

Tixda uu Hadraawi soo bandhigayo oo ka kooban in ka badan 600 oo sadar ayaa waxa loogu wanqalay, KALA-GURAN, iyada oo maansadu si qoto fog uga warramaysa nolosha iyo sida ay u lammaan tahay ee ay xumaan iyo samaanba u leedahay.

Haddaba Maansadan oo uu Abwaanku si khaas ah u soo gaadhsiiyay Mareegaha WEEDHSAN (www.weedhsan.com), waxa qoray, isla markaasna qoraalkeeda tifaftiray Maxamed Saleebaan Cumar oo ah Agaasimaha Xarunta Suugaanta Hadraawi, Center for Hadraawi Literature – Kala xidhiidh faahfaahin dheeraad ah, + 252 2 4160271 ama halabuur@hotmail.com, mohamed.omar@hadraawi.org ama contact@weedhsan.com. (Saxaafaddu way xigan kartaa, laakiin isha xigashada waa in la muujiyaa).

Maansadu waxay soo if baxday May 27, 2010, waxaanay ku ibo-furatay:

Qof hadduu kal-gudan yahay,

Birmageydo sudan yahay,

Gorka iyo saliilkiyo,

Dacartiyo gubnoodkiyo,

Gudur laguma sooree,

Ama waa ganuun sii,

Ama galax ku sooryee,

Ama xagal u geedee.

Hadday gaajo kulushahay,

Asaan gowska loo hayn,

Murti guun ah deeqsii.

Sida Gaannigii Cumar,

Ama Gun iyo Baar eeg,

Hibo loo gabbala tiri,

Cali Jaamac guur guur,

Falfaloosta guux dheer,

Bari iyo Galbeed saar,

Lix god buu mar wada degey,

Goof iyo xabaaliyo,

Xarbi geeri badatuu,

Gocashada la sara kacay;

Kama tegin galaydhkii,

Kasha nool gilgili jiray,

Gabay Maxamed Nuur Fadal,

Gunnimuu ku diidee,

Miyuu gaaxshay hawraar?

Ismaaciil Miraa goor,

Yidhi kibirku waa gaas,

Xolod beelo lagu gubo;

Gudbantii Ugaas Nuur,

Ee gurada weynayd,

Goorba waa la weriyaa;

Ninkii gooha dheeraa,

Gaadaalihiisii,

Garri Tima-caddaa siday;

Sida fiinta galabeed,

Ama galawga jiilaal,

Gama’ Cali Xuseen diid;

Samo lagu gudboon yahay,

Iyo gaasas wada yaal,

Gartaas Saahid baa naqay!

Godol maanka Yawlaa,

Intuu goorba sahansado,

Hadba soo ged-kici jiray;

Goleyaasha Iidaan,

Gudgudkiyo mirtiisii,

Weli waa gal shiran tahay;

Afay Galayaxiisii,

Iyo goolli-baadhkii,

Gocashadu dul saarnayd,

Hadba soo gudguda-noqoy,

Cabdillaahi garangari,

Maansada gar-dhaladka ah,

Hadba gooddi kala bixi.

Gedgeddoonka Laanjeer,

Gubashada xiniinta leh,

Weligii ma gamashiyin,

Gorti loo badheedhiyo,

Cabdi Bucul ma gaasirin,

Gelin qudha rugtiisii,

Maxamuud gandoodkii,

Wuxuu geydh la sara kacay,

Manjo-goror ku taar taar.

Aflow gooli baadhkii,

Gololada sarbeebta ah,

Gararkuu ku tixi jiray,

Iyana waa ma guuraan.

Abwaan Qaasim guul guul,

Goodaadsigiisii,

Hadba geenyo heensee,

Xasan Muumin gaad gaad,

Hadba soo gedgeda-celi,

Garka iyo taraaraha,

Nin Gahayr la odhan jiray,

Goolaaftankiisii,

Guntiguu ku sidan jiray.

Bulxan goobo dirireed,

Afar-geeslihiisii,

Geyigoo dhan saamee,

Af-Qallooc gargara-baxa,

Iyo geeddi-nololeed,

Hadba gaawe saameel,

Gaashaan nin sidan jiray,

Iyo hibada geesiga,

Gabayguna u fududaa,

Faraskana la golongolay,

Ruuxii gartow sheeg?

Isna Maydhax-Gumareed,

Guntigiisa baadhbaadh,

Gurrac jira ka sheekee,

Ina-Baasaraciyo godob

Isba golongolkiisii,

Garashada ag taalluu,

Kaga diday gumeystaha!

Heedhee Gammuutoow,

Darbadaaley geydhii,

Gooshoorradeedii,

Nin da’ weyni soo gaadh.

Abshir-Bacadle gubashada,

Jiilaalka gahangaha,

Laaskiisu kama gudhin,

Rafad gololadiisii,

Googgoosyadiisii,

Geeduu ku dari jiray.

Afcad goolli-baadhkii,

Iyo laba-garlayntii,

Faras buu u gedo-baray.

Ina Raage galabada,

Gooreynta ficillada,

Hawaduu ka garan jiray!

Gudmo biyo cas, Gacan-sheyliyo, Gaacir iyo Soomo,

Guutada halkaas lagu yiqiin, gororinteedii dheh!

Intani goosan weeyee,

Guutiyo shan guutiyo,

Weli gaasas baa maqan!

Galabtana rag baa nool,

Gurmadna waa dambeeyaa;

Haddaan geeri loo badan

La afuufin geeskii,

Ragna guud ahaantii,

Wada geed lab maahee,

Geeri baa dhammaysee,

Guurtidii xulka ahayd,

Gadh-madoobayaashii,

Iyo guud cirroolii,

Dhirta geedka ruudda ah,

Midhihiisa guran jiray,

Murtideenna gaanka ah,

Gurgurshaa ku rari jiray,

Waxay guulo hooyeen,

Ma iska gole ka fuul baa?

Dadyow geeddigeennii,

Beryo lagu galoollaa,

Ma dhammaan ka guur baa?

Ma astaan gabowdaa?

Garka iyo hoggaankiyo,

Ma xadhkaha u goo baa?

Aaway gumaradeennii,

Hiddihii gobta ahaa,

Mayska galab carrow baa?

Guurtidii xulka  ahayd,

Golihii aftahammada,

Geyigeenna beri jiray,

Waxay goob fadhiisteen,

Waxay gaaf wareejeen,

Waxay meel ku guuleen,

Waxay goosan xulashiya,

Isu soo min guursheen,

Waxay laan galooliyo,

Dhebi gaar ah diireen,

Hadba weedh ma guurto ah,

Waxay gaassa bixiyeen,

Godan iyo har buuxsheen,

Intay geedsan beereen,

Waxay gaasas laylyeen,

Ma gamaad abaaddiyo,

Gacmo madhan ka joog baa?

Arrinteennu gocashiyo,

Galgal iyo fudaydiyo,

Ma galoof la olol baa?

Ma samaha ka guur baa?

Gabgabteennu xiisiyo,

Ma gabiib istaagbaa,

Galgalkiyo xig xigashadu,

Ma Galbeed-ku-dayashaa,

Iyo gaal isu ekayn?

Taladeennu  gubashiyo,

Mayska gees lo’aad baa?

Ma habeen gadood baa?

Dabadeed gar waa’ baa?

Nolosheenna goofkiyo,

God madow ku tuur baa?

Gurdan-raaca ubadkiyo,

Gulufkeenna kala lumay,

Gashigeenna weli maqan,

Horta godobta yaa qaba?

Dhaqan-garaca yaa siday?

Hadmuu beesha soo galay,

Go’nay go’ina weynnoo,

Gurrac bayna daashee,

Gawdiidka lagu jabay,

Galabsiga maxaa dhalay?

Maxaa geydha yoontiyo,

Gabayooxa ina baday?

Mici good ma fududee,

Maskaxdaa gidaadoo,

Gudhay oo basaastoo,

Damqashada ka guurtee,

Lafa-geriba jebinnee,

Goormaa la talantalay?

Gunnimayna haysee,

Miyaynaan gob noqon karin?

Alleylehe gu’ tirisadu,

Gedmataye Dun-wacanoow,

Yaa awaashan kala gura!

In adduunku gamashiyey,

Goblan tahay aqoontii,

Golihii aftahammadu,

Gebogebo ku dhow yahay,

Nin gu’ weyni faallee,

Galabta iyo sheekada,

Noloshiyo garkeedii;

Hadba gabaygu meel fuul,

Guur guur ku dheeraa,

Garab-daarku faro baday,

Inkastay badh guran tahay,

Garashadu ma sii deyn,

Godadkiyo xiddigiskii,

Galabtana min baa baxay,

Weli lama gunaanadin!

Gobanimada yaa yidhi,

Hayska gaaxsanaatee,

Garanwaa ku oodee,

Hasha Garow la leeyahay,

Dadku Gaydho ula baxay,

Gabankii wadwadi jiray,

Lagu yidhi ku gaagixi,

Afar goor dharaartii,

Gorofna yaan la hoos qaban,

Gabran baa dillaacdee,

Waa maxay go’doonkani.

Gaadh-kama-degaa yidhi;

Anigu waxaan garaadsaday,

Iyadoo gayaxa maran.

Dacar wuxuu ku gaabsaday;

Waa goorma goorteed,

Godol iyo abla-ablayn

Iyo gaawaheedii,

Ka gabowday Maandeeq.

Booshari ka goodii,

Laba laba u geedii,

Laba laba ka goodie,

Markii ay garraadaha,

Gacmihii ku daaleen,

Wuxu yidhi galaalooy,

Waa maxay guhaankani?

Gabadh baa iyana tidhi;

Googgaa raggaygow,

Intayada garayskiyo,

Garbo-saarta xidhataa,

Weli waan gudaynaa,

Gudin baannu weynee,

Girif giriftu waa tii,

Hadaad geel cas weydeen,

Aynu wada gumownoo,

Gees dheerta dumarkiyo,

Rida Garo dhammaanteed,

Aynu wada gujaynee,

Xera adhiga soo gala!

Guuguule wuxuu yidhi;

Cabdallaa gurracantiyo,

Ka gar-naqa la-yaabkoo,

Halka loo gol leeyahay,

Xogta sii god raacee,

Galabtiyo ogaalkiis,

Nin ka gura u doon doon,

Keyse guusha loo daa,

Isna wuxu war gaadhsiin,

Xerta gacan-togaalaha!

Noloshu waa gun iyo baar,

Iyo laba is garab yaal,

Ma gudboona weligeed.

Seban loo gabbalo deyey,

Gobanimadu noolayd,

Geyigeenna waxa jiray,

Aqal kebed galooliyo,

Googoos ku xidhan yahay,

Oo daawashada guud,

Gunbur togan ka sheed dheer,

Oo gumaro taal taal,

Gudihiisa shuunka ah,

Gogol lagu cawaystiyo,

Salliyada gargaranta ah,

Gunti lagu furtaa jiray;

Waa goorba goorteed,

Kala-guranta sii raac,

Gedgeddoonka noloshiyo,

Hadana gooshkan maanta ah,

Gurmo-go’an dhig laga jaray,

Udub geed xun laga qoray,

Dhirta inan-gumeedka ah,

Aqal-gaabka soo baxay,

Bac guduudan lagu xidhay,

Guro yare ku magac dheer,

Fadhi lagu gurguurtiyo,

Lagu galo dhabbacashada,

Gudihiisa jaqaftiyo,

Gurgur caagadood iyo,

Lagu bilay garaabada;

Gole lagu caweeyiyo,

Ka arradan gob caadkeed,

Marka geeddi lagu jiro,

Lagu qaado garabkiyo,

God waraabahaa jira!

Ragna guurti weeyaan,

Gartu nimay u magan tahay,

Iyo geedka damalka ah;

Ama dhaadashada guud,

Gacan iyo nin deeqsiya,

Gogol iyo nin hirasha leh,

Gurigiisu madal yahay;

Ama waa nin gedo weyn,

Gadh cas buu ku caan yahay,

Garabkiisa waxa sudhan,

Gal kitaab ku nabad yahay,

Guubaabshe weeyaan,

Garab-daar ku ladhan yahay,

Wuxuu gaar u leeyahay,

Dadku guri danbeedkiyo,

Godka inay xasuustaan.

Ama geesi lagu jabay,

Marka gorodda lays daro!

Galayaxa rasaastiyo,

Marka gumaca daallani,

Iska gelin danbeedsado,

Ha iska gola fardoodee,

Gabbashada dhufaankiyo,

Marka fule gabgabo dhigo,

Waxa guul la hadhi kara,

Goobaha naf waaga leh,

Ninka geeri weheshada!

Kala guranta sii raac,

Dhan kale gar-daymood;

Gododlaha shan caynka ah,

Gudhantiyo madduunka ah,

Gacal lama caweeyaha,

Cirro gocor ku taal taal,

Giiryaale weligii,

Aan goobna lagu tebin,

Majin lagu gumaystiyo,

Gaafeedh shaxaadaha,

Gadhku laba farraar yahay,

Guri kama fogaadaha,

Ganbo dumar ku jiifaha,

Gunti dheerahaa jira!

Hasha geela madida ah,

Gura-joogta laaska ah,

Godalkeedu baxan yahay,

Marka doobi lala galo,

Hadii xoor is laba guray,

Intuu jiidho gaawaha,

Marba gaash dhulka u dhaco,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Marti goor xun socotiyo,

Gacal maqan ha lala sugo!

Dhan kale gar-daymood,

Kala-guranta sii raac;

Geelna maaha sibir godan,

Wada goodir maahee,

Gabanteed ma korisiyo,

Candho-suufta gidirta ah,

Gocosada cayuunta ah,

Gaanyada dhegaa weyn,

Gabno xoox la oloshiyo,

Waxa jira ged-geda badan

Iyo goojo beenleey.

Awrka gooni loo raro,

Gur-gurshaaga higilka ah,

Bacadlaha gardaadkiyo,

Guradiisa maqashiyo,

Gabannadu ka oriyaan,

Wed hadduu gondaha jaro,

La goblamo dharaartaa,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Hilbihiisa lama geyo!

Dhanka kale gar-daymood,

Kala-guranta sii raac;

Qoor-gaabka cilinka ah,

Af-gamuurka nugulka ah,

Nirig gaajo korisoo,

Marka caynka lagu gubo,

Hadba gorof ku jiifsada,

Goonbaari raratiyo,

Gasle layliyaa jira!

Awrka geela lagu daray,

Hadduu goonni joog yahay,

Gudcurrada daboolka leh,

Bahalaha gudgudayaa,

Gabbashada ku dhaafaan,

Hadduu gaydha aarkiyo,

Galow-didiso leeyahay;

Hadduu maalin gebogebo,

Iyo guluf dardaro kulul,

Galab weerar kediso ah,

U daruuro gaashaan,

Nafta geed iskaga xidho,

Gardarrada hor joogsado,

Ku guntado amaanada;

Hadduu hawl la golangolo,

Galabtuu is hubin jiray,

Hadduu geela urursado,

Il bannaan isugu guro,

Luquntiisa geriga ah,

Gondihiyo jilbaha dhigo,

Hadduu doob gulgulo kulul,

Kaga nixiyo gooraan,

Taltallaabsi gododliyo,

Hadduu laafyo kala guran,

La dhex maro gun iyo baar,

Hadduu gaaso baxa rimay,

Goojada ka wada simo,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Neefku gaado badanaa,

Janan gaasas jebiyiyo,

Lib garoomo sidatiyo,

Ma galaydh washiran baa?

Dhan kale gar-daymood,

Kala-guranta sii raac;

Waxa jira gaabaaxuur,

Kushkushlaha gulaalka ah,

Karinlaha gar-dhaafka ah,

Geela tiisa rimayda ah,

Qaalmaha gol-madhanta ah,

Ku kufsada gelgelimaha!

Gammaan-duulka cududda leh,

Waxaa goonni loo cugay,

Faras-geriga huudka ah,

Mas-galaalka caanka ah,

Iyo goobo tobanlaha,

Garba daylka fiinka ah,

Iyo gorayga fiigga ah,

Fan-garaadku shuban yahay,

Jilbo-giirka coonka ah,

Geel-qaadka hibada leh,

Gurdankiisa fooriyo,

Gabaddano ka dhalatee,

Dhiillo-gelinta caan ku ah,

Hadduu gaada-gaadiyo,

Ged-la-soo-bax leeyahay,

Gurxan iyo salsalisiyo,

Garbin iyo wahwahan iyo,

Gur-ka-nixiso leeyahay,

Hadduu geed is maris yahay,

Guulguulka cadowgiyo,

Guddo iyo sas leeyahay,

Gabbashada ku caan yahay,

Hadduu gaasas ku onkodo,

Baqashada ku daba galo,

Marba goosan kala hadho,

Gar-tallowga ku hubsado,

Guutadii dabka lahayd,

Garankeeda laga kaco,

Guul-darrooyinkuu dhigay,

Markuu soo gunaanado,

Hadduu faano-gurashada,

Iyo faan-gilgilashada,

Hadduu goobta dhimashada,

Iyo meesha lagu go’ay,

Intuu geesta uga baxo,

Ka sanqadhiyo gawsaha,

Birta godad ka wada dhigo,

Hadduu gaada-miratada,

Iyo laabta ganatada,

Iyo goobo tirisada,

Midba goonni ugu jiro,

Gabay iyo tix leeyahay

Markuu guusha maragga leh

Gacantiisa ku hubsado,

Haddii dayrta iyo gu’ga,

Galaan miida lagu shubo,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Garo oo Bullaaloow,

Geesigaad is raacdeen,

Isaga looma geed tirin.

Kala guranta sii raac;

Dhanka kale gan waynaha,

Gubadlaha qadhoonka ah,

Baqal-garaca cooshka ah,

Gunta wada caweerka ah,

Gabax lagu shakaal iyo,

Guluf kuma hirtaa jira!

Hadduu qaaje godan yahay,

Shalmad dhabaq-guduudiyo,

Gedef iyo qardhaasiyo,

Gashan baal laglaga dheer,

Heensihiisu gaar yahay,

Gole iyo shir magac-liyo,

Gelbisyada u tabobaran,

Iyo gaaf toddoba baxay,

Hadduu goolli-baadhkiyo,

Goleyaasha dhaqankiyo,

Goble-jire ku caan yahay,

Danan gooxa dhaliyiyo,

Garri iyo raxraxan iyo,

Cod ganaanan leeyahay,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Talow gabadh ma siinnaa!

Gibishiyo daruuraha,

Iyo godolka raarida,

Cir galgaalay jiilaal,

Hadduu keeno guulguul,

Gilgil iyo fad daalacan,

Marka godolku buuxsamo,

Hadduu yeesho gooraan,

Iyo goorba diga rogan,

Iyo gooha qalanjada,

Dhan galbeed riddada hore,

Gocomaale ka onkado,

Golawguna la saro kaco,

Gedihii la fili jiray,

Haduu goon-dhabaalaha,

Iyo goorba carashada,

Gudban iyo taxtaxan iyo,

Saba-haran gondaha dhigo,

Hadba galangal soo rogo,

Carrigana gal iyo daad,

Galayaxa ka wada dhigo,

Durba gogasha laga kaco,

Hadduu guuraguuraha,

Gali iyo ladh yoontiyo,

Gudgud iyo mir leeyahay,

Gama’ lagaga saahido,

Hadduu gaafan iyo hawd,

Marsin iyo Gar loo gubay,

Gaaroodi degeshado,

Jirde-gooye dogobbo leh,

Manja gororshe taag taag,

Gudcur maararaw le ah,

Gelin dhexe is jiidhaan,

Wax la-yaab leh geystaan,

Garamaale sahansaday,

Guban iyo ka dhaadhaco,

Goballada saraareed,

Gulus iyo cal iyo buur,

Guulaamo kaga tago,

Dabadeed gondaha dhigo,

Geriyaad basaas weyn,

Geyigoo dhan maanshiyo,

Guryo samo ka wada dhigo,

Oo gaasas baalliyo,

Garawooyin heesaa,

Shinbiraha goleeyaa,

Marba goosan yeedheen,

Oo gooha kala rogan,

God-xariirro seeseen,

Gaaraa-bidhaankiyo,

Roob la soo dhac goosh yimi,

Marba goob xoraystaan,

Sida beri gobaysane,

Gu’gu magacyo leeyahay

Dadka guurtidiisii,

Garashada aftahammadu,

Hadba garangar jeexaan,

Golayaasha fiidkii,

Codka goolli-baadhka ah,

Guur-doon isugu tego,

Dumar gaaridoodii,

Saablayda gocoyada,

Haamaha gal waynta ah,

Marba gees u dhigayaan,

Hasha caano gubayaan,

Gabanteeda hoos taal,

Naasuhu ku gororaan,

Guulaha Allaa lehe,

Mahaddaas gun dheerta ah,

Nin galaan darsanayaa,

Gooshaash rogrogashiyo,

Gabay waa u fudud yahay,

Gobi waxay tidhaahdaa,

Galladaha Illaahay,

Kibir laguma gaasiro!

Dhanka kale gar-daymood;

Gabadhlaha kaliileed,

Gododlaha jartaalaha,

Tumay guuxa kugu sira,

Fadal-weyne galabeed,

Hogal dhaan ma gaadhiyo

Gawlgawlka caydhka ah

Shuux goror yar baa jira.

Kol hadduu gun leeyahay,

Garashadu u sahan tahay,

Guurka waa la mahadshaa,

Gabadhi waa ta hooda leh,

Tobankii gu’ wada kaca,

Golaladu mid weeyaan,

Iyada geeda lab baa dhala,

Iyo qoys gargara baxay,

Nin golyeed la jecel yahay,

Iyo gaari magac weyn,

Qaryad geel ku maqan yahay,

Maryaheedu giir ma leh,

Gayngaynna kuma dhaco,

Waa garays xidhxidhan tahay,

Wayna guudad bilan tahay,

Dhexdu waa gurguran tahay,

Gar cas bay ku xidhan tahay,

Golxo iyo harharan iyo,

Garbo-roganna loo daa

Waana foolal garan tahay,

Indhaheedu waa good,

Fuleygey ku guushaa,

Miyirkeeda lama garan,

Sida loogu gacan-baxay,

Gole-joogga xulashada,

Geenyo weeye tabobaran,

Waa gashaanti heeg dheer,

Hilbaheeda kala guran,

Gabay laguma soo helo,

Hayal lagu gardaadshiyo,

Hanku waa u gaadiid,

Hiyigu waa u gaashaan,

Gobanimana wow meel,

Gol-daloolo qoontiyo,

Gurrac iyo turxaan ma leh,

Marka geeddi lagu jiro,

Marka garangar loo dego,

Iyadu waa ka gaar dumar,

Is-galaaliddeediyo,

Is-gadhoodhinteeduba,

Labaduba ma guuraan,

Midba goonnidiisuu,

Biyo goror u leeyahay,

Ma taqaanno gocashada,

Gar-darrada sokeeyaha,

Uma gooro tirisee,

Gogol bay u fidisaa,

Ma gidaaddo weligeed,

Ma gumeeyo jiilaal,

Seban xumi ma gaasiro,

Hadalkeedu waa guun,

Waana gaabis badan yahay,

Gelinkiiba waa weedh,

Xadhig aan bir lagu goyn,

Garka iyo wadnaha badha,

Ayay laan galooliyo,

Ganta adag ku leedahay,

Gedeheeda waayeel,

Waa ta guuto-koristiyo,

Ganba weynta noqotee,

Gudida beesha lagu daro;

Dhanka kale gar-daymood,

Kala guranta sii raaac;

Guumaysta xananka ah,

Doqontiyo gol-weynta ah,

Martu dhinac u guran tahay,

Goonbaarta fiinta ah,

Gaaraa-yucuunta ah,

Gungunuusta weligeed,

Gocondhada xajiinta ah,

Gurigeed ma jiratada,

Hadba gees u socotada,

Gashan kabaha weligeed,

Gaadh-gaadhka lagu falay,

Gocosada basarida ah,

Jiif dheerta goborta leh,

Garashadu ka maqan tahay,

Iyo goor xun hadashada,

Geesaasta weligeed,

Madhantiyo garraafta ah,

Geed baas is marisada,

Wejigeedu gudhan yahay,

Dhillis guur ma dayatiyo,

Waxa jira gabaarrey!!

Gebi-dhaca xisaabtiyo,

Guulguulka naartiyo,

Kasha golongolkeediyo,

Manjo-gorarka daalka leh,

Gasariirka fara badan,

Gulcubaha is daba yaal,

Weji gabaxa muragada,

Isma garato qoysiyo,

Gacal kala irdhooboo,

Gabbashadu dhex taalliyo,

Dhanka lagu gaboobiyo,

Ninka guul hadhsanayaa,

Midba gaar u faalloo;

Gebegebada maantaas,

Kala-guurka food saar,

Marka laysku kala guro,

Gubniyada la kala diro,

Dadku labada geesood,

Midba guri u kicitimo,

Waa gunaanad xaajadu!

Dhammaad.

Weedhsan Corporation

News Production and Publications Office, Hargeisa

Download PDF

Abwaan Hadraawi oo Farriin Walaaltinimo u diray Ururka Al-Shabaab: “Waxaan idiin waaninayaa waa tolniimo”
Hargeysa, October 9, 2011, (Weedhsan) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa markii ugu horreysay baaq iyo waano ujeeddo culus xambaarsan u diray Xarakada Al-Shabaab ee ka talisa badiba badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay in sababta uu dhambaalkan hogatusaaleha ah ugu gudbinayo ururka Al-Shabaab ay tahay mid ku sal leh tolniimo iyo walaaltinimo, isla mar ahaantaasna waxa uu ku macneeyay inay tahay mid si kal-samaan leh uu ugu nasteexaynayo dhalinyarada Xarakada Al-Shabaab.

“Waxaan idiin waaninayaa waa tolniimo,” ayuu ku bilaabay farriintiisa oo uu saaka si khaas ah u soo mariyay Mareegaha WEEDHSAN. Tani waa codsi aan si nasteexo leh ugu dirayo dhalinyarada Al-Shabaab,” ayuu abwaanku raaciyay ibofurkiisa.

Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay in Xarakadu aaminsan tahay in aanay diin (Islaam) ahaan bannaanayn in xaqdarro lagu dilo qof Muslim ah, maadaama ururka Al-Shabaab uu sheegay in uu u dagaallamayo diinta Islaamka, isla mar ahaantaasna ay hoggaamiyaan culimo diinta aqoon u leh.

“Haddii xamar cadow idiin joogo ummadda halkaas joogtaa ma aha cadawgiinna,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi, isaga oo ku ladhay, “Haddii aad dawladda la dagaallamaysaan, Dadku waa garab aad u baahan tihiin.”

Labo toddobaad ka-hor ayuu Abwaan Hadraawi dhaliil xooggan u soo jeediyay AMISOM iyo ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga, isaga oo ku sifeeyay askar si arxan-darro ah u burburiyay dalkii, maati badanna ku laayay sifo sharci-darro ah.

Laakiin waxay u muuqataa in aanu maanta sidaas oo kale u hadlayn. “Dhalinyarooy, waa in ficilkiinnu ka turjumaa ujeeddada culus ee aad sheegteen inaad u dagaallamaysaan,” ayuu yidhi Hadraawi isaga oo ka duulaya macnaha xeesha fog ee aasaaska u ah diinta Islaamka.

Abwaan Hadraawi waxa uu mar kale ku celiyay naseexadiisa ku aaddan Al-Shabaab; “Dhalinyarada Shabaabka waxaan ku leeyahay oo nasteexo ah, oo walaaltinimo ah, oo tolniimo ah, haddaad cadow leedihiin, shacabka Muqdisho joogaa maaha cadowgiinna,” ayuu yidhi, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in riditaanka xabbadda ay ka horreyso astaynta cadawga ay xabbaddu ku dhacayso. “Xabbadda ka hor waa inaad calaamadisaan cadowgiinna”, ayuu mar kale Hadraawi sheegay.

Waxa kale oo uu abwaanku tilmaamay in taageerada shacabku suurtogelin karto guul u ay gaadhaan Shabaabku, sidaas daraaddeedna, aan loo baahnayn in dad kale oo Soomaali ahi ku dhintaan xabbadda ku socota cadowga. “Waxaad u dagaallamaysaan inaad Muqdisho xukuntaan, haddii aad qabsataan, aaway dadkii aad xukumi lahaydeen, miyaanay ahayn kuwa xabbaddu leynayso,” ayuu yidhi Hadraawi.

Abwaanka oo dhowaan ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalada Muqdisho, waxa uu ballanqaaday in haddii Rabbi idmo uu dhowaan ku noqon doono halkaas, isaga oo xusay inuu safar wakhti qaadan kara ku marayo inta uu gaadhi karo, bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobollada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, farriinta Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa u muuqata mid si waayeelnimo leh uga turjumaysa isku-soo-dhoweynta ummadda Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee Al-Shabaab loo mariyo warbaahinta kale ee Soomaalida dhambaal nasteexo ah oo ku salaysan walaaltinimo iyo hogatusaleyn.

Weedhsan Corporation

News Production and Publications Office, Hargeisa

Download PDF

“Waxaan ugu Jecelahay Midnimada Soomaaliya, Bal se……” Abwaan Hadraawi
Muqdisho, September 28, 2011, (Hadraawi.org) – Abwaan weyn ee Soomaaliyeed, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ah guddi ay Somaliland u soo dirtay Muqdisho si ay gargaar u gaadhsiiyaan dadka abaaruhu saameyeen ayaa sheegay inuu aad u jecel yahay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Abwaanka oo la hadlayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG ah ee Soomaaliya kaddib markii uu ku laabtay Hargeysa ayuu sheegay inuu aad uga damqaday dhibka ka taagan Muqdisho iyo gobollada kale ee ku dhowdhow, isagoo ALLE ka baryay Soomaalida inuu dhibka ka dul-qaado.

“Anigu waxaan adduunka ugu jeclahay wadajirka iyo midnimada Soomaaliya, balse waxaa loo baahan yahay in la helo wixii lagu wada-joogi lahaa ama lagu midoobi lahaa,” ayuu yidhi abwaan Hadraawi mar uu ka hadlay sida uu u arko gooni-isku-taagga Somaliland.

Hadalka Abwaanka ayaa imanaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siinayay BBC-da shalay uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, ayna u aqoonsan yihiin maamul la mid ah Puntland isla markaana ay rajeynayaan inay la hadlaan.

Mar uu Abwaan Hadraawi ka hadlay imaanshihiisa Muqdisho ayuu sheegay inay u tahay mid farxadeed, balse wuxuu sheegay inay tahay mid xusuus weyn u leh isaga qiimo badanna ugu fadhida, balse muuqaalkeeda hadda uu yahay mid uu aad uga naxay kana duwan sidii uu ku arki jiray.

“Shacabka Muqdisho aad ayaan uga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee ay ii soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigii ila socday, laakiinse dhibaatada ka taagan waa mid aad u daran oo qof walba uu ka damqanayo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, wuxuu dhinacyada Soomaalida ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii nabadda dalka lagu soo celin lahaa, isla markaana dhibta looga bixi lahaa, isagoo ku tilmaamay dhibaatada haysata dadka abaaruhu saameyeen mid aan la qiyaasi karin.

Abwaan Maxamed Ibarahim Warsame (Hadraawi) iyo fannaaniin kale ayaa waxay socod kusoo mareen magaalada Muqdisho intii wafdiga reer Somaliland ay ku sugnaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Hadraawi Official Website

News Production and Publications Office, Hargeisa

Download PDF

Abwaan Hadraawi Oo Duruufi Ku Soo Celisay Hargeysa, Kana Warramay Muuqaalka Muqdisho Iyo Kulan ay Sh. Shariif la Qaateen
“Walaahi waan ka naxay xaaladda ay Muqdisho ku sugan tahay… Meel walba dhool yar ayuun baa ka sii taagan….” Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

Hargeysa, September 27, 2011, (Hadraawi.Org) – Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa weftigii deeqda mucaawinada geeyey Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababaha uu ugu soo noqday Hargeysa, faahfaahinna ka bixiyay casuumad Casho sharaf ah oo saacado qaadatay, taas oo uu Xalay (Habeen hore) Qasriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ugu sameeyay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Abwaan Hadraawi waxa uu ku dooday inay deeqda caawimada ah gaadhsiin doonaan guud ahaan Gobollada Soomaaliya iyo labada qaybood ee Xarakada Al-Shabaab iyo Dawladda Ku-meelgaadhku gacanta ku kala hayaan si siman u wada gaadhsiin doonaan.

Hadraawi waxa uu ayaa sidoo kale tafaasiil ka bixiyey sababaha keenay inuu dib uga soo noqday Weftigii uu ka midka ahaa ee deeqda Caawimada geeyey Magaalada Muqdisho iyo xaalada dhabta ah ee uu ku soo arkay Magaalada Muqdisho oo ay ugu danbeysay sideed Sanadood ka hor iyo ta ay ku sugan yihiin dadka ku tabaaloobay abaaraha iyo arrimo kale.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay u warramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com

“Arrinta aan aan dib ugu soo noqday waxa keentay dan, waxaan ka mid ahaa Weftigii deeqdii mucaawinada qaaday doraad (Sabtidii), maantana (Isniin) waan ka soo noqday ma jirto sabab kale oo la baadi doonayo ee waan xanuunsaday uun, dabadeed markii aan arkay hawshii ballaadhnayd ee cusleyd ee ay ku jireen (Guddidayadii) ayaa is idhi mar hadaanad hawshaa la qabanayn sariirta uun jiifi mayside haddii ILAAHAY ka dhigo dalkii iyo gurigaagii isaga noqo, markaa inta aan u soo noqday sababta kaliya ayey ahayd sabab kale ma jrin”. Ayuu yidhi abwaanka oo ka hadlaya sababaha uu uga soo noqday weftiga Muqdisho tegay oo uu xubin ka ahaa.

Abwaanku ayaa soo-dhoweyntii ay kala kulmeen shacabka Muqdisho ku tilmaamay mid qiime badan iyo xusuus badanba lahayd, isla mar ahaantaasna waxa uu uga mahad-celiyay dadweynaha Muqdisho iyo maamulkoodaba marti-gelintii gobannimada lahayd ee ay tuseen. “Kumana seexan, kumana soo toosin soo dhaweyntii halkaasi ka dhacday mar alaaliyo markii shacabkii Muqdisho oo tuman Madaarka oo noocyo ah oo direysyo soo xidhay oo wata Kooxihii Ciyaaraha oo khalgii oo dhan halkaasi tuman yahay Subxaanalaah oo aanad maleyn kareyn ayaanu diyaaradii ka dhaadhacnay, ILAAHAY beeni waa ka xaaran ee si tolnimo iyo gobonimo leh oo sharaf leh ayaa horta na loo soo dhaweeyey, oo Ubax ayaa nalagu soo dhaweeyey Kalgacal iyo mashxarad ayaa na lagu soo dhaweeyey….oo waxyeelo ayaaba igu gaadhi gaadhay saxmadii dadka oo naqaska ayaa I qabtay xoogi dadka is-riixaya ee hadana loo taag la’a yahay ee dib loo riixayo ee soo qamaamaya.” Ayuu yidhi Hadraawi, waxaanu intaas ku daray, “Wax la isa siiyana waxa ugu weyn kalgacal oo aan waxba nalagla hadhin ayaa na lagu soo dhaweeyey, dabadeedna nalagu galbiyey Huteelkii huteelada ugu weynaa ee ugu caansana ee la odhan jirey Shaambo ayaa nala geeyey oo halkaas ayaa nalagu ilaalinayey oo heegan na loogu ahaa”.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ay Muqdisho ugu dambaysay sannaddii 2003, xilligaas oo uu socdaalkii nabadda ku maray guud ahaan dhulweynaha Soomaaliyeed, waxa uu wax laga naxo ku tilmaamay muuqaalka ay maanta Muqdisho leedahay iyo sida ay u burburtay. Isaga oo arrintaas ka hadlayana, waxa uu yidhi; “Muqdisho Madaarka iyo Huteelka aanu dagnay way isku dhow yihiin oo maan faaqidin oo umaan bixin, oo markiiba huteelkii ayaanu tagnayoo oo markaa xaalada maan sawiran,Xaleyto habeen hore ayaa iigu horeysay magaalada muqdisho oo aan dhexmaray oo waxa na macsuumay Madaxweynaha Dawlada Kumeelgaadhaka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waddooyinkeedii ayaanu raacnay duni habeena oo dam ah oo kuligeed ay taxan yihiin Isbaarada waddooyinka lagu gooyey, oo niman shisheeye ahi (Ciimadamo) oo Milatari ahi ay meel-walba taagan yihiin oo shacabka iyo ummada meesha degeni aanay afkooda garanaynin.Runtii waan la yaabay burburka ku dhacay Xamar iyo xaalada ka jirta habeenka (Xalay) intii aanu ku sii soconay Madaxtooyada waddooyinku waa cidla,nabadgelyo ma jirto,waxaan xasuustay marka la yidhaahdo idinku (Somaliland) nabadgelyo ayaad haysataan, nabadgelyadu waa sheyga ugu muhiimsan nolosha. Walaahi waan ka naxay xaalada ay Muqdisho ku sugan tahay ee ka jirta daarihii dhaadheera ee quruxda badnaa ee ay Magaaladu lahayd oo meel walba dhool-yar ka sii taagan tahay.Waxaabay caado ka dhigteen (Ciidamada ajanebiga ahi) meeshii xabad yarba lagaga soo rido inay intaas oo madfac ku kiciyaan oo ay dumiyaan Magaalada si aan dadnimo lahayn. Laakin saaka (Shalay) markii uu waagu ii baryey ayaan si fiican Magaalada u soo dhexmaray markii aan ku socday Madaarka. Maantana waan yaabay marka aan arkay xaalada ay Magaaladii Muqdisho ku sugan tahay, nimankaasi waxay u baahan yihiin ayaan-darada jirta in looga duceeyo”.

Mar aan weydiiyey Abwaan Hadraawi su’aal ahayd, Abwaan Waxaa Sawir guud naga siisa muuqaalka Casuumadii Cashada ahayd ee uu Xalay (Habeen hore) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Weftigiini oo dhan idinku maamusay? Waxa uu ku jawaabay oo u yidhi “Casuumadu, Casuumad- Madaxweyne ayey ahayd, Casuumad madaxweynena warkeeda waad haysaa, may ahayn oo kaliya Casuumad ee waxay ahayd Casuumad Official ah, oo ka duwan Casuumadaha qaarkood oo leh hab iyo hanaan gaara oo maaha Madaxweynihii oo qudha (Sh.Shariif Sh. Axmed), Wasiiradii ayaa fadhiyey, Wasiiro kuxigeenadii ayaa fadhiyey,odayaal ayaa fadhiyey, qoladii saxaafada ayaa fadhiday oo la isku arkay oo dadkii oodhan ayaa la wacay oo badhasaabyadii gobolada Soomaaliya oodhan ayaa fadhiyey, oo hudheelkii ayaa nalaga hogaamiyey oo intaas oo baabuur ayaa xidhiidhsanayd, dabeetana galbiskaas ayaanu ku tagnay, markii danbena meeshii ayaa lagu casheeyey oo cabaar ayaa lagu sheekeystay oo la is-wareystay oo wakhti ayaa la isku qaatay oo waxaanu meesha tagnay goor fiida ilaa 10:00-habeenimo waxa lagu jirey dabaal-degaas iyo yuhuun wanaagsan maan Shaa Allaah Tabarakalaa.”.

“Shalay (Axad) ayaan bilaabay waan tagayaa,taasi waxay keentay murugo dhinaca shacabkaa waayo qorshe ayaa jirey ay shacabku sameeyeen oo ah kulamo baddan oo barnaamij ayaa naloo sameeyey aad u balaadhan oo soo dhaweyna oo meelo kala duwana iyo siyaabo kala duwan.Markii aan idhi waan xanuunsanayaa oo waan noqonayaa waxay ku noqotay argagax (Shock), waxa la isku dayayey in la ibaajiyo oo waxa la yidhi imika ha lagu dhaqaajiyo oo dhakhtaro ha lagu soo mariyo oo meeshan (Muqdisho) hawadeeda ayaa iska xun oo xaaladan aan arkayaana way I sii cusleynaysaa waxaan idinka codsanayaa waan idiin soo noqon doona haddii ILAAHAY yidhaahdo, bal imika uun inaad fasax I siisaan iyaga oo aan raali ahayn oo intooda badani aanay war-haynin ayaan soo noqday oo aan soo dhoofay”. Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi oo ku dooday inaanay dadka ku nool Magaalada Muqdisho raali ka ahayn inuu iska-tago oo ay aad u xumaadeen.

Sidoo kale, Abwaan Hadraawi mar uu ka jawaabayey deeqdii mucaawinada ahayd ee ay sideen dadka ku dhaqan Soomaaliya ee ay abaartu sida xun u saameysay, nidaamka ay u qorsheeyeen inay deeqdaasi dadka u gaadhsiin lahaayeen, waxaanu yidhi “Maxaa ka jira Magaalada, dadka tabaaleysan ee loo gurmaday meelaha ay kala fadhiyaan,tiradooda magacyadooda,qeybahooda, dhulka ay joogaan is-wareysi ayey ku dhaqaaqeen, akhyaartii noo timidna markii aanu wada fadhiisanay waxaanu ka waranay waxaanu adduun u sidno ummada, sida ay u qorsheysan tahay,waanu wareysanay xaaladaha meesha ka jira ilaa shalay (Doraad) waxa lagu jirey tabaabushe iyo diyaargorow iyo qorshe, marka xogta la helana maanta (Shalay) wixii la siday ayaa lagu qorsheynayay sidii loo qeybin lahaa dhul kala fog oo gudo iyo dibadba oo magaalada ka baxsan ayey joogaan, Markaa beri (Salaasa) waxa la bilaabayey in lagu dhaqaaqo hawshi si camaliyana,”

“In la gurmado waxa keenay Xaalada abaaraha ee ka jirta Koonfurta Soomaaliya, dadku maaha inta xeryaha qaxoontiga ku jirta dad dhan oo tabaaleysan ayaanu soo aragnay,…dhulkana laba dawladood ayaa haysta oo kala ah Xarakada la yidhaahdo Al-Shabaab iyo Dawlada Soomaaliya oo qoloba dhinac ayey ka joogta (Magaalada) oo qolodaana farahooda wax ayaa ku jira, qoladana farahooda wax ayaa ku jira oo laba meelood ayaa la kala degen yahay.Dhaqaalaha la sidayna dadku durba war-xumo tashiil ayey sameeyeen oo maaha dhulka ay degen yihiin Xarakada Al-Shabaab caawimada la geyn-maayo, Al-Shabaabtu cidlo ma joogaan ee Gobolada ayey joogaan oo ay maamulaan goboladaasna waxa la sido badhkooda ayaa la gaadhsiinayaa,waxa la qeybinayaa iyo cidda loo qeybinayaa waa gobolada iyo xeryaha ay ku sugan yihiin dadka ay abaaruhu sida xun u saameeyeen oo saaka (Isniin) ayaa sidaa la qorsheeyey. Dawlada Kumeelgaadhka Soomaaliya xaasha lilaah may odhanin Al-Shabaab ha u tagina, oo Shabaabku ummada ayey ka mid yihiin oo iyaguba gobolo ayey ka taliyaan, markii la is-wareystay ee warkii la kala qaatay, markaas ayaa wax lagu qorsheeyey.Caawimada aanu sidnay Dawlada kumeelgaadhkana waxba loo geyn-maayo, Xarakada Al-Shabaabna waxba loo geyn-Maayo ee waxa wax loogeynayaa dadka baahan ee ay abaaruhu saameeyeen, iyada oo ay dadkii aan ka imid wixii ay sideen (Caawimada) ay gacantooda ku qeybin doonaan”.

Abwaan Hadraawi waxa uu ku dooday in si siman caawimada loo gaadhsiin doono dadka ku tabaaloobay abaaraha ku habsaday Koonfurta Soomaaliya, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxay ahayd inaan Gobolada oodhan soo maro oo Xamar oo qudha kumaan eekayn, dhulka loo socday waxay ahaayeen gobolada oo dadkii caydha ahaa ee wax loo siday waxay joogeen gobolada Xamar gudaheeda wixii jooga %30 (Boqolkiiba sodon) in caawimada la gaadhsiiyo, goboladana %70 (Boqolkiiba todobaatana) waxa gobolada jooga, markaa gobolada cidkasta ha ka talise si siman ayaa loo gaadhsiin doona oo wax loogu qeybinayaa”.

Hadraawi Official Website

News Production and Publications Office, Hargeisa

Download PDF

Weftigii Somaliland oo si Diirran loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho Iyo Hadraawi Oo Nooga Warramay+Sawirro
Muqdisho, September 24, 2011, (Hadraawi.org) – Kumannaan ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta si xamaasad leh ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xubno ka socday Somaliland, kuwaas oo uu foolaad u ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Xubnaha ka socday Somaliland oo ku lebbisnaa jaakado lagu xardhay astaanta calanka Somaliland ayaa Muqdisho u yimid lacag dhan $ 700,000 oo ay Somaliland u ururisay dadka ku tabaalaysan abaaraha Somalia.

Abwaan Hadraawi oo goor dhoweyd xog-warran kooban siiyay Xafiiska wararka ee Mareegaha WEEDHSAN, ayaa soo-dhoweyntooda ku tilmaamay mid dareen badan oo qiiro leh ku dhalisay.

“Subxaanaka Yaa Cadiim…. Sida gobonnimada iyo qiirada mudan ee aniga iyo weftigayagaba loo soo dhoweeyay waxay igu dhalisay dareen qiiro badan,” ayuu yidhi Abwaanku, isaga oo hadalkiisa raaciyay, “Macne goonni ah bay ii samaynaysaa inaan maanta Muqdisho joogo, waayo, halkan waxaan ku qaatay wakhtiyo kala duwan oo noloshayda ah.”

Abwaanku oo aannu wax ka weydiinnay in ay gudo-galeen hawshii ay u socdeen iyo in kale, wuxuu tibaaxay in hawl-qabadkoodu si rasmi ah u bilaabmi doono maalinta berri ah.

“Berri ayuun baannu si rasmi ah u guda-geli doonnaa hawlihii aannu u soconnay, Insha-Allaahu-na, si wanaagsan ayay wax waliba noogu dhammaan doonaan,” ayuu yidhi Abwaanku.

Weftiga ka socda shacabka Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay si rasmi ah ugu kala tallaaba xuduudaha labada dal, waxaana la saadaalinayaa in socdaalkani xidhiidh intan ka sii dhow u abuuro labada ummadood, oo waayo-waayo ahaa kuwo wadaaga calan qudha.

Hadraawi Official Website,

Hargeisa Office

Download PDF