Galan-Gal
Gelbis dhacay, dadweynahan gabraday
gaafka igu meersan
Qurux ganac leh, gole dheehan iyo
bilicdan gaashaysay
Gargarraanta nuurkiyo shacniga
la isku googooyey
shir gobeedka, guurtida fadhida
garangar waaheelan
Marti* gacala, mudan laysu guray
gulufka heensaysan
Gololada mashxaradaysa iyo
sacabka guubaabo
Gallada iyo rayraynta iyo
gooha dami waayey
Iyadoo gorfayntiyo la taxay
doodda gudaheenna
Guddi werisayaa iyo nin kale
gooni hadalyaaba
Qofba kaalin goorteed ah buu
gaar u leeyahaye
Anna tayda ii go’an haddaan
galo abbaarteeda
Ma gunaanadaayee haddaan
jaro garraarkeeda
Gayaxaa haddii aan ka furo
madida ii gaaxsan
Godol-qaad hadday labada law
dib u yar gaalgaasho
Gaawaha hadday buuxissoo
weliba gaash daato
Ganuunkeeda xoorka leh haddaan
madalka gaadhsiiyo
Anigiyo garaadkay haddan
idin guddoosiiyo
Geestayda wuu iga dhan yahay
galangalkaygiiye
Gadaashay ninkii odhanayow
gacanta ii haadi.
Afartaasi waa gogol-dhig iyo
maanso gedaheede,
Godkaan degey, warkaas guud haddan
kor uga sii guuro,
xaajada gondaha laaban iyo
godanka hooseeya,
Gunta iyo salkeediyo haddan
saro gunaadkeeda,
Gawdiyo ujeeddada ladhkiyo
caawa iyo goobtan.
Nimanyohow gantaalaha subkee
gamaska dhiigeeyey
Nimanyohow galkiyo seefta yidhi
gees u kala leexda
Nimanyhow sidii awr gurgura
caynku gubi waayey
Nimanyhow garbaha buuxsadee
raray gardaadkooda
Nimanyhow gadoodiga bartiyo
galow la-soo-jeedka
Nimanyhow habeenkii gudee
guura bahalleeyey
Nimanyhow gadiidkii socdee
meel hadh-geli-waayey
Nimanyhow sariir lagu gam’iyo
gogol ka dheeraaday
Nimanyohow guryaha diidey iyo
gaari lala seexdo
Nimanyhow gasiinkii ka tegey
gaws wax lagu qaato
Gudcur dama’, cirkoo gibil xidhoo
dhibic is gaadhsiiyey
Nimanyohow gudgude soo curtiyo
gooxu kari waayey
Gabaddanada nimanyow dugsadey
gooro laga hoydey
Nimanyohow gabboodkiyo fadhiga
gelinna hayn-waayey
Gudguduudka waagiyo saq-dhexe
maalin kala guurtey
Mugdi gaba’, cadceed gaasa-baxa
waaga galacdiisa
Nimanyohow gumaystaha ku jaray
gaadmo iyo weerar
Miinada gumaadkiyo xeryaha
gaadhka lagu meershey
Nimanyohow sidii aarka guda
guudka kaga boodey
Nimanyohow guddoonsadey inaan
godobtu duugoobin
Nimanyohow ma guurtada xuska leh
geliyey diiwaanka.
Haddaydaan adduunyada gilgilini
xil ima guuleene
Laabtayda kama soo go’een
tix iyo geeraare
Gocashada dareenkiyo murtida
amase guurowga
Waxaad geysateen buu ku yimi
gabayga joogaaye
Taariikhda guunka ah haddaan
gelin wax weydiiyey
Allaylehe Galbeed waa ku jabay
goballadiinnaase
Indoo-jayna geerowga qoran
guuldarriyo hooge
Biyaanfuu gulcubihii dhaciyo
galalki dhiigoobey
Faransiiska wiishkii la go’ay
saw la garan maayo!
Maantana geddii baa dhacdiyo
tii gefkii hore’e
gal dad-liqa ul baa lagu dayaa
lagu gun raacaaye
Garka xadhiga loo daadshey iyo
gedefka loo saaray
gaagaabnidiinniyo malaa
gibil basaaskiinna
Is gamaarintiinnii miyuu
gorodda soo dhiibtey.
Iyagays gunaanada intay
qool is geliyaane
Garanuugta laacii hodda
goodir tiigsadaye
Gashigii maqnaa buu is yidhi
gooshkan soo celiye
Baariis dabkii lagu gubaa
Waashindoon galaye
Geyigiina oo idil ilaa
gooddi iyo gooddi
Gargoor baa la moodaa timaa
ciidda guud qubane
Galaydhyays waraabiina xoor
gorofki caydheede
rag baruurtu goobtiyo leg iyo
goolal baw qalane
Gudur iyo baruur iyo mud iyo
goonji buu cunaye
Intaa gawracdeen iyo intii
goobo lagu laayey
Gorgor iyo intii baylahnimo
haad ku gabasleeyey
Garbaduub intaa ugu xidheen
gararka liilaysan
Way galabsadeen ciilka ay
golongol tiiceene
goldalooladay jecelyihiin
ciday galaaftaane
Gelin qudha ma daayaan ninkay
gaatir ku arkaane
Gacma hoorsi kaagama tagaan
kumana guuraane
Geesaabay yeeshaan haddan
waranku giirrayne
Dhegahay gufaystaan haddan
geesiyaal heline
Garta ay dhegeystaanba waa
gumuc rasaaseede
Gujaduu ku maalaa ninkii
geda yaqaannaaye
Gudin iyo warmuu kaga furtaa
gaadhi shaaximane
Gurracnaanta, iyo maagga iyo
laba gardaymoodka
Gafuur taagga, iyo tookha iyo
higilka gawdiidka
Gabgabtiyo is waalkiyo saskiyo
gooddigiyo faanka
Galoof ololka way leeyihiin
qab iyo guul guule
Dagaal laysu soo galay haddii
geylanku is dhaafo
Galaayuus qaboonada horay
gaban-rucleeyaane
Hadhow bay sidii guuyo nugul
gebi-dhacleeyaane
Marka runi runteed geydo way
gamashi-dhiiqaane
Gagsi ma leh haddii loo cuskado
tab iyo gaalleefe
Haddii laysku sii giijo way
galangal-coobaane
Gadaal bay u laabtaan haddii
good ku soo baxo’e
Weligoodba guul kalama tegin
meel garaad jiro’
Gubniyada la soo daadshey ee
gaatan caranaaya
Gurmad raaba-raabiyo col iyo
guuto iyo guuto
Wixii gaasas soo degey wixii
geesh is daba joogey
Ee tirada ay gaadhayaan
ruuxna garan waayey
Laf galluuban mooyee haddaan
goosan laga haynin
Maraakiibta goonyaha baddiyo
gaafka hoganaysa
Diyaaradaha gawdaa hayiyo
galacda baaruudda
Dabbaabbaadka goobyaalayee
gurada loo buuxshey
Garangarinta naabaalka iyo
gabaxda riigaanka
Gaaraa-bidhaankiyo dabkiyo
gugaca yeedhaaya
Galayaxa is dhaafiyo higtiyo
guuxa iyo reenka
Gudban iyo waxay tuurayeen
goosatada reebban
Waxay gaaxsadeen iyo waxay
godol ku keeneenba
Godannada kamboodiya tan iyo
Laa’us gudaheeda
Fiyatnaam galkeediyo intii
godanka saygoona
Indoo-jayna gees iyo ka gees
guudka iyo hoosta
Hub wixii galaa baxay haddaan
meella lagu gaadhin
Ninkiinnii gurguurtiyo intii
naafo gabargaashey
Ninkii gurun-gurcoodkuu dhaliyo
gacaladiis waayey
Nin goblamay, nimaan gaban u hadhin
gaar nin kelidiisa
Gallad qubatay, xooliyo dad iyo
garangar duugowdey
gocashiyo xanuun ma leh wixii
guud ahaan lumaye
gobannimada waa loo dhintaa
goor iyo ayaane
Ummad gadata mooyee nin kale
waa ka garanuuge
Ma gabloosho beertii xab iyo
dhiig ku gororaaye
Damalkii la gooyaba mid baa
soo gadaal baxa’e
Guri laga baroortaba aroos
gaafan baa xiga’e.
Haddaan loo garraaddayninoo
waayo lagu guulin
Way gaagaxdaa talada aad
gola ka fuushaaye
Garab-qaadka faylkiyo dhismaha
oodda gurideeda
Gudintiyo hangoolkiyo habkiyo
gees u wada jeedka
Gadh-wadeenka, xeer-beegtidiyo
gaanka wadartiinna
Gabadhiyo marwada heeganta ah
ee ganbada xooray
Gashaantida maryaha feydatee
geyfan diriraysa
Gaashaan-dhiggiiyo qorshaha
ama go’aankiinna
Guddoonkiinna hoosiyo ilaa
gun iyo baarkiinna
Goldaloolo kama muuqatiyo
gobor la sheegaaye
Xaajadu gun bay leedahiyo
xeedho sii godane
Farriin laysu geeyiyo ka culus
guubis iyo baaqe
Bulshadii gadoodaa mid bay
dhiillo gelisaaye
Markay gibisha xoortaa mid kale
dabarka goysaaye
Gobolkii xoroobaa mid buu
gamma’ka toos-shaaye
Jidkaasaa go’doonkii lumaa
geeddi mariyaaye
Gabbashada intii diiddan ee
geylan diriraysa
Galladiinnu inay nuur u tahay
geliya maankiina.
Waxba arartu yey ila gudbine
waxan ku soo gooyey
Gaar kuma tihiin hawsha iyo
goonidiin qudhahe
Garnaqsiga badheedhkiyo runtiyo
godolka maahmaahda
Golaa baanistiisiyo intii
geed innagu raacda
Gumaystaha intii diiddan baad
gacal wadaagtaane
Gammaan baynu wada saarannahay
gu’iyo jiilaale
Nolosha iyo geerida dirkaba
waw gudboonnahaye
dhul guduudan, geediyo ugbaad
ubax ku guud yaalla
Xareed galac leh, galal buuxa iyo
webiyo guureeya
Ido gorod madow iyo fardiyo
lo’iyo geel foofa
Aar gooha, gool iyo shabeel
harimcad guuxaaya
Goobyaalka deerada mankiyo
gurata maajeenta
Geri jeenyo dheer iyo biciid
goray haldhaa qooqay
Wiyil gees leh, farow gaadda weyn
goodirkiyo cawsha
Maroodiga Ganaanee mirtee
gacanka laalaadsha
Shinbiraha galool iyo maraa
buul ka wada goostay
Umma goba, gabraartana u daran
gebi ahaanteeda
Oo waxaad gashaan iyo ogsoon
guurtinnimadiinna
Gacmo furan, salaan gaara iyo
gogol idiin taalla
Iyo guusha oo dhow haddaan
goorna laga seexan
Galabtaas ninkii jooga iyo
guri yagleelkeeda.
________________
Marti* waxa halkan looga jeedaa wafdigii jabhadda
xoraynta Fiyat Naam ka soocdey ee xafladdii martiqaad-kooda gabaygan Hadraawi ka tiriyey.
