Geeraar: Riwaayaddii Hadimo – 1966

Beribaa axsaantaad fashaa, aayo-tiin xigay’e,
Ifku maaha waayadan sidii, uu ahaan jiray’e,
Waa duni Ibliis loo diruu, jaray aloolkiiy’e,
Afartay ku taagnaan jirtaa, qaar aboor cunay’e,
Adhaxduu ka sii liicayaa, udub-dhexaadkiiye,
Tiirkii adkaynaayay baa, uumiyuhu ridaye,
Waxba arartu yay ila durkin’e, waxan ku soo ooday,
Ishaa-falatadoodiyo waxay, ku ilaalaystaan,
Goortuu ujeeddada watuu kuu, ab-tiriyaay’e,
Ha se moodin uurkiyo guntee, waa afkoo qudha’e,
Eedaada kuma dhiirradee iinta, kuu qariye,
Awrkiisa gooruu kacsado, kaa alaab guray’e,
Ufadaad ka soo kicin jirtuu, kugu illaawaaye,
Waxba arartu yay ila durkin’e, waxaan ku soo ooday,
Ehelkiina dhow iyo xigaal, idilba reerkiinna,
Saaxiibka oo oon kula cuniyo, oori kula joogta,
Kuwaa uur ka soo wada baxdeen, aabbe iyo hooyo,
Hor Ilaahay waxaad geysataa, adiga kuu yaalle,
Hays odhan abaalkaad gashaa, aadmi soo celin!
Isba aarku ruuxuu mekali, waw il-dheer yahay’e,
Eebaduu dhankay kaga timuu, badi abbaaraaye,
Wax laysugu ergeeyaa ninkii, dhaca adduunkaaye,
Miyuu eego leeyahay ninkii, jaray arwaaxdaa!

F.G. Geeraarkani wuxuu ka mid ahaa geeraarradii ku jiray Masrixiyaddii Riwaayaddii Hadimo, 1966.

One thought on “Geeraar: Riwaayaddii Hadimo – 1966

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>