Hal ka Haleel: Waa Furihii Suugaanta Hadraawi

Hordhac:

Laga soo bilaabo dhalashadii murtida hadraawi oo la kowstay raad dhaqaajintiisii ilaa maanta oo uu yahay oday ruugcadaaya, waxa la isweydiinayey wax ku saabsan suaalo ka dhasha murtida maankiisa ka soo maaxanaysa. In badan ayaa qof waliba sida uu isagu doono u fasiranayey isagoo aan ka warqabin duruufihii ay xikmadaasi ku timi. Waxa timi baahi weyn oo loo qabo bal in mar uun la isdultaago oo la fududeeyo, la fasiro, la sharxo, oo la fahamsiiyo dadka waxa abwaankani sheegayay mudo ku dhow nus qarni. Baahidaasi waxay sii balaadhatay oo oodaha jabsatay laga soo bilaabo tobanlihii ina dhaafay, markii abwaanku gudagalay suugaanta loo yaqaan maaansada run ku sii drugga ah.

Baahida kor ku xusan waxaan odhan karaa waxaa keenay saddex sababood oo kala ah:
• Suugaanta abwaanka oo ka soo maaxata badaha kala duwan ee ay ka ka dhalato murtida somaalidu, sida badda gabayga, geeraarka baalcadaha, jiiftada, dhaantada, batarka iwm. oo qofkii murtida gabay ka yaqaanay ay ku adkaanayso inuu la socda mid jiifto ah.

• Suugaanta abwaanka oo badiba aad u dhaadheer oo ay adagtahay in lala socdo ujeedada ay leedahay iyo halka ay ku biyo shubmayso. Iasgoo weliba hal maanso ku xalila mushkilado badada, tusaale ahaan Sirta Nolosha.

• Abwaanka oo ku bineeya suugaantiisa weedho iyo cibaarooyin adag oo aad marmarka qaar aad moodo inuu la hadlayo dadka isaga la afsomaaliga ah, la wacyiga ah, la da`da ah.
Tusaale ahaan beyd ku jira maansad waxyi wuxuu leeyahay ”waageerka hoosiyo waaheel korsare sudhan Marka laysu kala waco ninka labada waaxood danyarweshadaan ahay” way ku adagtahay inuu qof dhalinyaro siday tahay u fahmo.

Curashadii Buuga Hal Ka Haleel:

Waxaan ka mid ahaa dadkii sugayey buugaas aadna wey iigu dheeraadeen ayaamihii yaraa ee u dhexeeyey markii aan ogaaday in buugasi soo foolleeyahay iyo intii uu igu soo gaadhayey, Waxaan deganahay Sweden markaa Booskasta oo ii timaada waxaan ka eegayey buugaas. Markii uu isoo gaadhay waxaan gudagelay akhris degdeg ah, dabdeed haddana waxaan bilaabay inaan si degan u akhristo buugaas.

Rajda aan ka lahaa in buugaasi noqon doono mid si waaqiciya loo qoray oo caadifad laga fegeeyey, waxa dhinac socotay cabsi aan ka qabo inay qoraaga jiidato saaxiibtinimadii ka dhaxaysay isaga iyo abwaanka. Oo qoraagu ka leexleexdo dhaliilaha saaraan maanso socotay nus qarni. Markiib waxaan akhriyey meelihii aan islahaa waxa saaran dhaliilaha ugu culus oo ay ugu horaysay heesta Todobaatan midabley. Markii ay ii Cadaatay in Maxamed Baashe X. Xasan qoraaga buugu uu ku dhac u yeeshay inuu falaanqeeyo dhaliilaha waaweyn waxaa ii sii macaanatay akhriskii buuga waxaana kor u kacay xiisihii aan u hayey.

Buugii hal ka haleel

Buugani guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 303 bog, wuxuu u qaybsmaa laba qaybood oo waaweyn kuwaasoo kala ah maansadsadii hadraawi min bilaw ilaa laga soo gaadhjayo 1990, maansada hadraawi ee qoraagu u bixiyey Run ku sii durugga oo ah laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey 1990. Labadaa qaybood mid waliba xiiseheeda ayay leedhay.

Qaybta kowaad

Waxay ka bilaabantaa Buuga oo uu u hibeeyey laba nin oo agtiisa ku qaali ah oo kala ah Rashid x.cabdillaahi (Rashiidgadhweyne), waan ninka qoray gogoldhiga buuga Hal Karaan, iyo Maxamud Cabdi Cali Beyr oo aan magiciisa ku xasuusto idaacadii Radio Halgan. Hordhac iyo Mahadcelin ka dib waxaa qoraagu gudagelayaa soo bandhigida taariikhdii hadraawi oo mawduucaa dhexdiisa uu ahkristuhu kala bedelayo nololo kala jaad ah iyo duruufo kala duwan, hadraawi oo yar, isagoo rajoobey, isagoo caruurnimo cadan lagu geeyey, duruufihii la xidhiidhay isbedelka labada nololood. Waxa akhristuhu milicsan karaa magaca Hadraawi iyo sidii uu ku baxay iyo dhalashadii hal abuurnimada abwaanka.

Fankii Hadraawi

Waxaa uu Maxed Baashe soo bandhigay midhihii ugu horeeyey ee Hadraawi afkiisa ka tiriyey, iyo maanso uu isgoo caruur ah hooyadii ugu baroor diiqay markii ay xijaabatay.

Qoraagu wuxuu siday u kala horeeyaan isoo bandhigayaa ruwaayadihii uu abwaanku sameeyey ee caanka noqday, isagoo ka soo bilaabayo Hadimo oo la dhigay 1966, lagana dhigay magaalada Cadan. Riwaayadaha kale ee la magaacabay waxaa ka mid ah Reer bawàw yaa ku leh, Aqoon iyo afgrad, iyo Tawaawac. Wuxuu qoraagu magacaabayaa oo maansooyinkii Hadraawi ee caanka noqday sida kuwii uu ku lahaa silsiladiihii siinleey iyo Deeleey. Wuxuu Abwaanku si qoto dheer u dul istaagayaa sharaxadaa mansso halgameedyada daalaley iyo Sirta nolosha. Wuxuu qaybtaas ku gebogebaynayaa Gudgude oo ah gabay si qoto dheer u sharxaya dawladnimda iyo waxay tahay, iyo sida loo gudan karo waajibka ay u baahantahay. Iyo haddii waajibkaa la gudanwaayo waxa dhici karo.

Dhalashadii fikirka wadiniyadeed ee Hadraawi
Maxamed Baashe x.xasan wuxuu soo bandhigay in hadraawi markii uu Cadan ka soo noqday uu watay fikir wadniyeed, kaasoo uu ka dhaxlay raggii waqtigaa gumaysi la dagaalanka ahaa ee ay ugu horeeyeen Jamaal abddinasir iyo Patrick lumumba. Malaa halkaas ayay ka soo jeedaa fikrada ah Hadraawi wuxuu soo ahaan jiray nin u janjeedha afkaarta reer bariga.Fikirkaasi wuxuu ku salaysnaa la dagaalanka gumaysiga iyo u hiilinta dadka dulman meel kasta ha joogaane. Jeelkii uu u galay, caabidhintii lagu sameeyey, dil loogu hanjabay, hanti lagu baayacay iyo wixii fikarkaa dartii uu ku mutay waxaa qoraagu si quruxbadan ugu soo bandhigay qaybta hore ee buuga.

Qaybta labaad ee buuga
Hadraawi ma wuxuu noqday suufi?
Suaashaas waxaa aad isu weydiiyey dadkii aan sida qotad dheer ula socon Hadraawi iyo sooyaalkiisa isla markaana aan sharxi karin kelmeda suufi iyo macneheeda diiniga ah iyo luqadeedba. Qoraaga buugani wuxuu fursad u helay inoo soo helo meeshii hadraawi ku maqnaa iyo wixii uu qabanayey intii badnayd ee tobanlihii ina dhaafay 1990-2000.

Jawaabtaasi waxay noqotay maansooyin 8ah oo qoraagu u bixiyey Maansada run ku sii duruga ah oo uu kaga waramayo buuga qaybta labaad. Kuwaas oo akhristu aad ugu raaxaysan karo sida qoraagu u fasiray.
Hadraawi ma filisofi baa?

Filisofiyiintii aduunka soo maray ee ay ugu xooga badnayaan kuwuu yurub joogi jiray min qarni ilaa qarni waxay baadhi jireen xaqiiqda nolosha, meeshay ka soo jeedo iyo meesha ay ku gebageboobayso. Rag badan ayaa xaqiiqda raadiyey buugaag badana waa laga qoqray. Intooda badani waxay ku gebagebeeyaan inay noloshu tahay legdan. Aad ayay isugu khilaafi jireen cidda legdaankaasi ka dhexeeyo.

Hadraawi oo mudo iyo mudo ku soo jiray legdan nololeed ka dhex socday mid wax dulmiyaya iyo mid xaqiiqsa dhacsanaya oo la dulmiyey, ayaa mudo 5sano ah inaga maqnaa si uu u cilmiyeeyo fekerkaas, dabeed wuxuu inoo soo bandhigay falsafad cinwaankeedu yahay:
Nolosha waxa ka socda legdan ka dhexeeya xaqa iyo baadilka.
Arintaas si qeexan ayuu Maxamed Baashe X. Xasan ugu nuuxnuusday shiraaxaada maansooyinka ka bilaabma daba Huwan. Falsafadaa ayay ku soo ururaysaa xikmadda ay xambaarsanyihiin maansooyinka uu ku gebageboobayo buugani.

Luqada Buuga
Wuxuu buugani ku qoranyahay af somali aad u heer sareeya oo aan wax badan ka bartay, ama wax aan ilaaway aan ku xasuustay, aad ayuu qoraagu ugu dedaalay inuu isticmaalo afsomali badhaxtiran, oo ay da`yartu wax ka baran karto.

Habka buug
Waa hab naqdin ah oo aanan hore u arag buug noocaas ah oo afsomali ah.

Dhaliilaha
Qoraagu wuxuu soo bandhagay dhaliilaha maansada Hadraawi qaybo ka mid ah, waxaan is leeyahay dhaliiluhu intaa way ka badan karaan laakiin inta qoraagu soo qaatay way ku filantahay buugan, haddii kale buuga ayaa isu rogi lahaa wado dhaliil. Halkan waxaan ku eegayaa dhaliilo aan is leeyahay qoraagu wuu ka ilduufay, amaba wuu yaraystay.

Maansooyinkii hore Hadraawi kumuu tilmaa jirin magacyo oo qofkastoo sifahaa la yimaada ayaa lagu sifayn jiray, maansda Badbaado waxaad arkaysaa isagoo magacyo gaar ah tilmaamaya sida Joon, yaltsin iwm.Tani waa dhaliil buugani sidan lahaa oo qoraagu isha ka laliyey.

Samiryeelo weligaa, oo ku jirta saxarla ayaa haddana abwaanku is bedelay oo yidhi ”waxba samir ma liileeyo” oo ku jirta Sirta nolsha, qoraagu wuu soo bandhigay isbedelkaa, laakiinse si cad uma tilmaamin in marka samir laga hadlayo ay heesta hore ku asal tahay, fikrada dambena ay keliya keentay duruuf culusi. Sida aasaaska ah samirka qiimo weynayuu ku leeyahay qofka aaminsan diinteena maansada saxarla ayaana arinkaas marjac wanaagsan inooga noqon karta.

Isla maansad Sirta nolosha wuxuu wershadaleyd reer nebi Adam ku tilmaamay inay yihiin sokeeyeheen”weligaa ha tumin seefo iyo sabradaha mawdka darsamaysn baa yaala, ninku siin karaa haysta boqor iyo suldaan baa leh, sancoyahan gaboobaa leh, nin sokeeyeheenaa leh”

Markiise fekerku isbedelay wuxuu nimankii ku kula hadlay waad aragteen Dabahuwan ilaa uu yidhi ”daayeerka waxaa ka yimi waxaan dad haboon ahayn” cidi daayeer kama iman ee dadkan Aadan iyo xaawa ayaa dhalay ee dariiqii uun bay ka lumeen.
Aragyida Daarwan sideeda ayaynu u caayeynaa ee odhan mayno kii yidhaahda daayeer baynu kanimi annaga kamaanu iman ee adigaa ka yimi.

Maansada Hal iyo Halkii iyadu waa wareer soconya, abwaanku ma ogyihiin in sifooyinka Ilaahay ay ka dhasheen kooxaha ugu waaweyn ee islaamka iskaga soo horjeeda, sida selefiya, muctasila , ashcariya iwm. Kooxahaasi sifooyinkaas ayay qolaba si u arkaysaa. sifooyinkan afsomaaliga ku qoran ee haddii aan sharaxaad lala daba socon saw somalidu ku waalan mayso. Qoraaguse arintaa aad ayuu isugu deyey inuu fududeeyo, qaar ka mid ahna dhaliilahiisa ayuu ku diray. Waanan ku raacsanahay qoraaga maansadaasi ina tusayso qaninimada afsomaliga

Gabayga Durddur Waxaa ku jira beyd odhonaya ”Waxay tidhi digaagiyo ma cuno hilibka doofaare, darab iyo mud baan kaga baxaa diifta gaajada” odaygu dhalinyaranimadiisii malaa somaalidu digaagu iyo doofaarkaa isugu mid buu u ahaa, ma sidaasaa?
Maansada Jiitama beyd ka mid ah waxa ku jra kelmeda ”Qaran lagu dhilaysto”kelmadaasi waxay dheeraad ku tahay anhsaxa maansada, haddii xataa ay xaqiiqo ahayd falka kelmadu sheegaysay.

Gebebgebada Buuga
Qoraagu wuxuu ku gebagebeeyey buugan halqabsiyo suugaaneed aad u quruxbadan isaga oo mid walba tilmaamay maansadii uu ka soo qaaday.Waxaa buuga ku lifaaqan sawiro aad u quruxbadan oo ah abwaanka iyo saaxiibadii oo uu qoraagu ka mid yahay

Gebagebada maqaalkan
Maxamed Baashe X. Xasaan, oo ah qoraaga buugan Hal Ka Haleel Wuxuu muujiyey khibradqoraal oo qotodheer,iyo afsomaali tayo leh oo uu sidii uu doono ugu raaxaystay.
Afsomaliga uu Maxamed qoraalkan geliyey ee aan hore loo qorin waxa ka mid ah Kelmadaha tobanle, ibofur, infog-arag waa kelmedo aan gelin qoraal kan ka horeeyey. Sidaas daraadeed Buuga Hal Ka Haleel(sooyaalka Hadraawi iyo suugaantiisa), waa hiil u soo kordhay af somaliga oo ay dadkiisii dayaceen, waa duruus wax lagaga baran karo, diiwaanka Hal karaan ee uu qoray abwaan Maxemed Ibrahim warsame(Hadraawi).

Qofkasta oo suugaanta Hadraawi xiiseeya waxaan kula talin lahaa bal inuu ila arko buugan

Maxamed Abokor
Cilvil engineer

mahmedabokor@yahoo.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>