CIID MUBAARAK: Hambalyada XARUNTA SUUGAANTA HADRAAWI Ee Munaasibadda Ciidda

Hargeysa, August 29, 2011, (Hadraawi) – Sida lagu baahiyay wargelin ka soo baxday hay’adaha diinta qaabilsan ee badiba dunida muslimka, iyo laba-daraale, ogaal-gelin goor dhoweyd naga soo gaadhay qaar ka mid ah wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dhulalka afka Soomaaliga lagaga hadlo – sida, Somaliland iyo Somalia, caalamka islaamka oo dhan waxa caawa laga ciidayaa munaasibadda ciidda barakaysan ee Ciidal-Fitri.

Xarunta Suugaanta Hadraawi (Center for Hadraawi Literature), iyaga oo la wadaagaya bulshadooda farxadda ciidda, waxay soo saartay war-murtiyeed maalintan ku aaddan. Qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha Xarunta, Maxamed Saleebaan Cumar, waxa uu u dhignaa sidan:

“Ugu horreyn, naga hanta, salaan huwan marwaad, milge, maamuus iyo muunayn ta u badan. Aan idhaahdo, Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.

Haddaannu nahay maamulka, hawlwadeennada, cilmi-baadheyaasha iyo hurimaha kale ee tifaftirka, barnaamij-curinta iyo qalin-qorka, Xarunta Suugaanta Hadraawi (Center for Hadraawi Literature), munaasabadda ciid-al-fidriga awgeed, waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ummadaha islaamka, shucuubta afka Soomaaliga ku hadasha iyo si gaar ah, akhristeyaasha iyo macaamiisha kale ee mudnaanta bilan ee sida tooska ah ugu xidhan Xarunta Suugaanta Hadraawi (Center for Hadraawi Literature) – www.hadraawi.org.

Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu innaga aqbalo soonka iyo cibaadadii bisha Ramadaan, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo nabad, bashbash iyo barwaaqo.

Ugu dambaynna, CIID MUBAARAK, KULLU CAAM WA ANTUM BILKHAYR. Hambalyo… Hambalyo… Hambalyo!”

Mohamed Suleiman,
Managing Director,
Center for Hadraawi Literature,

Contact Details:

Alternative Emails: hadraawi.org@gmail.com,mohamed.omar@hadraawi.org
Website: www.hadraawi.org
Tel: + 252 (2) 4160271
Hargeisa Head Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>