Ku-Saabsan Abwaanka
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waa hal-abuur maanseed; mudh-baxay, oo dabuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaabo shuban dhexdood. Maansadiisu waa dawan, baaq iyo qaylo-dhaan badheedhay xilli argagixiso tii ugu darayd taagantahay. oo aqoontii cilmiyeed, iyo kartidii hal-abuurnimo galoofowdey, afkuna yeedha gabay.
Waa iftiin xilliga mugdigu sina u damin kari waayey iyo astaan, runtii, lagu tilmaansan karo yoolka hirashada ummadnimada iyo aayaha dadnimada ee ku jira duunka hoose ee dadka Soomaaliyeed, oon marna dhimanaynin, si kasta oo uu u weyn yahay nabarka ku dhacay iyo dhaawaca gaadhay.
Wuxuu ku dhashay miyiga Degmada Burco, Gobolka Togdheer, Woqooyiga Soomaaliya hilaadii 1943; halkaas oo uu ku ababay sanadihii hore ee caruurnimadiisa, ilaa isla sanadahaas oo ay xijaabatey hooyaddiis loogu geeyey magaalada Cadan (Yemen) aayooyinkii Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje aya halkii hooyadii u galay. Wax barashadiisii asaasiga ahayd ilaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Baadariga Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.1956 – 1964)
Isla Cadan ayuu kaga shaqeeyey macallinimo muddo laba sanadood ah. 1967 ayuu Cadan ka guurey una kicitimay Soomaaliya. Waxa uu degey Muqdisho. Halkaas ayuu ka bilaabay shaqadii ugu horeysey Wasaarada Warfaafinta 1969kii, kumase raagin. 1971kii ayuu shaqadii ugu horeysey ee rasmiga ahayd ka qabtay Wasaarada waxbarashada, isagoo macallin ka noqday Dugsi Hoose, Dhexe, Sare oo ku Dhexyaalley Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole (Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ku qaadanayey daraasada tababarka macallinimada machadkii Macallinimada ee Lafoole (N.T.E.C).
Kartidiisa hal-abuurnimo markii ugu horeysey waxay soo shaac baxday intii aanu Cadan ka tegin. 1966kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “HADIMO”. Ha yeeshe wuxuu si fiican u doob dillaacsaday maansadiisuna caan baxday intuu u soo wareegey Soomaaliya, gaar ahaana, intii ku sinayd 1970 nadii oo ay soo shaac baxeen heesaha tirada badan ee aadna u soo jiitey dareenka dadka, Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taallo, si goonni ahna cid waliba u dhadhansato, had iyo jeerna dadka ka dhex dhalisa
olole dood iyo muran ah. Waxa la soo qaadan karaa Riwaayaddii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay ku la jireen Saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayaddii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka mid ahaayeen “Hal la Qalay iyo Ceel Walwaaleed“.
Suugaantiisu waxay noqotay tu si gaar ahaaneed uga nixisa oo uga cabsiisa xukunka keli talinta ah, sidaas darteed, ayaa hay’adaha cadaadiska iyo cabbudhintu u daba taagnaayeen. Ka dib silsilad-maanseeddii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” iyo sababo kale oo maansooyinkiisa laxidhiidha ayaa 11kii Noofambar ee 1973kii loo taxaabay xabsiga, waxaa la geeyey Qansax-dheere (Gobolka Bay) o uu ku xidhnaa ilaa 9kii Abril ee 1978.
Wakhtigaas ka dib, ilaa bilowgii 1982kii, wuxuu Akadamiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsilad-maanseeddii caanbaxday ee “Deelley“, kana qaraxday dalka horraantii sannadkii 1980kii.
1dii May 1982kii ayuu tegey goobaha uu ka socdey halganka Mucaaradka hubaysani, wuxuuna ku biiray Uruka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Wuxuu halkaas ka galay halgan siyaasadeed, suugaaneed oo weji waddaniya leh.
Ibraahim Sheek Muuse Wacays.
© Hal Karaan, 1993.
