Higlo weeye dulin badan
waana hoga kaliileed
hongorraha cadceedduu
ka hadh-galay qadhaabkii,
haylaa ka yara dhacay
hurdana wuu iskaga jirey.
Hillaac wax i tus bay tidhi
hilayguna indhaa qabey.
Intuu soo hanbaabirey
haab haabtay maradii
kuye Heeliyooy toos
iga eeg kor iyo hoos
miyaan hoolif mooyee
hal turxaana leeyahay?
Halacsiga sarbeebta ah
iyadoon u hagar bixin
wax-ka-sheegga Haaruun
ha ka yaabin bay tidhi.
Huuhaadu digashiyo
hab sabaale weeyaan
waana lays hunda ogyahay.
lyadoon ku hawshoon
wax-ka -sheegga Haaruun
waxay hoos u sii tidhi: -
“Nin gumeysi habayoo
isticmaar habeeyoo
la hal maalay baad tahay “.
“Hamrashada xaq-dhawrkiyo
haasaawahoodana
nin u heellan baad tahay.”
“Markay heedhe waalaha
hirwo kuu tuntumayaan
hebed minaw san baad tahay
“Halgan iyo waddaninnimo
inaad heerto mooyee
weligaa dab uma hurin
“Marka aad nin hanadiyo
hor-u-socod murmaysaan
halaq laba af-laad tahay “.
“Marka ay hufnaantiyo
qofhagaagsan joogtee
hebel kale la magac dhebo
nin hinaasiyaad tahay “.
“Garta hoga tuskeedana
hiinraac gurracanoon
waxba hubinnin baad tahay “.
“Midhka hoos ka tuurka ah
nin ragaa hilmaamee
naxli huursan baad tahay”
“Hadashada aqoontiyo
hinddisaha garaadkana
hungo qaawan baad tahay”.
“Hayntiyo dhaqaalaha
gacmo hoorsadaad tahay “.
“Hooda iyo deeqdana
hor A llaad ka joogtaa “.
“Dadnimada hoggeedana
dibaddaad ka huruddaa “.
“Hollashada dagaalkana
hooto rogasho maad lihid”.
‘Hayal waad ka madhan tahay
heemaalna kaa dhimey “.
“Abaartii Hawaariyo
Harga-cuna mar baad tahay
mama Haarriyaad tahay “.
“Higil nuxurla’ baad tahay
hirrig qodax leh baad tahay
hawo beena baad tahay
hadal kama dhergaad tahay “.
“Nin ammaanta heesaha
u hamuumayaad tahay “.
“Hibo iyo nm madaxnnimo
u haliilayaad tahay “.
“Nin waxaanu hidin karin
isku hawlayaad tahay “.
“Nin Waxaan la heli karin
u harraaddan baad tahay.”
“Hawkar iyo dhib baad tahay
habaas iyo ufaad tahay
hummaag iyo riyaad tahay
habeen yuururaad tahay
mugdi hoganayaad tahay
hafar iyo cidlaad tahay
intaasoo hal baasoo
is hareer socdaad tahay
habaar biiray baad tahay”.
Afartaas heshiiskii
Huriwaa ku magacaw
hakad iyo tilmaan saar
hinji nabarka qalinyohow
hohe leebka igu mudan
waxba hawla kala hadhin.
Hoonbaro libaaxley
hoosaaso badanley
weligaa hunbaallee
huga dhagarta laga rolay
kolba midab ku hooshaar
dadka Hawdka wada yaal
isma hurada kala gee
haan haan u kala sooc
hilqadlaha isugu dhiib
maadhiin holcaayiyo
hanti qaranku leevahay
hayin rarato guurtoon
wax hallayn ku dabar goo
haweenka iyo maatada
hardafaha ku baabi’i
hebel hebel u aanee
ma colaad hagooglliyo
hiirtaanyo reeb bay
hawraartu kaa tahay?
Halse waxad ogaataa
hiyigaaga gelisaa
haddeer waa la joogaa
hadhow waa la noolyahay
hor-dhacii qudhqudhisee
adigay hadhuubkii
huubadiisu kuu taal
waanad heensan doontaa.
Afartaas heshiiskii
Huriwaa ku magacaw
hakad iyo tilmaan saar
hinji nabarka qalinyohow
hohe leebka igu mudan
waxba hawla kala hadhin.
Naalleeye habacsane
yaa horseede kaa dhigay
hayb baabad sidataa
maadigaa hoggaansha ah
gobannimo hawadin kara
haneedka qaban kara
higsankara asaaggaa
qarannimo hitiqin kara
isku duubni hanan kara
dad saboola hagi kara
himillada xil furan kara
taariikh la hadhi kara
hal-abuurka sharafka leh
murtidooda heli kara
hoodaale noqon kara?
Maxaad boog horeetiyo
haydaar daweysaa
dadkii sawtan haadkiyo
haanraawe boobeen.
Afartaas heshiiskii
huriwaa ku magacaw
hakad iyo tilmaan saar
hinji nabarka qalinyohow
hohe leebka igu mudan.
waxba hawla kala hadhin.
Hal kalaan xusuustee
hogolyahay aduun baa
ku habsadey dushaydee
miyaan anigu heegooy
soo haabo kugu idhi?
Baaruudda huguntee
ambbatee habawdee
habili’i sokeeyaha
ku hawaawi duushee
hadhka yeelataay yaad
hungo madhan inaad tahay
ka hadoodilaysaa?
Hamta iyo digtaadii
dhulka hogag la yaabliyo
haaray ka jeexdoo
hanfariirka meydkaa
hayn waayey luxudkoo
Haabiil gilgilashada
hanqalkuu la boodoo
hanbadii aboorkiyo
harag iyo lafkeliyaa
hanbaberey dareenkoo
hurdadii ka toosoo
hiyigayga waxa galay
nimankaad is hayseen
kala hoyatey guushee
Gaarriyow hireydiyo
hayayda iyo qaylada
dhul fog baan u haystee
ma hareerahaygaa?.
Hooshaarka aarkiyo
huntutuulka dhidarkiyo
hangagaarka baqayaha
handashada waraabaha
raqda heelka taallee
laga haagay ii sheeg.
Hiyigayga waxa galay
nimankaad is hayseen
hadhadoodi weeyoo
waxad kala hufaysee
kala haadinaysiyo
hirka dhiigga muuqdaa
ma halbowlahaygaa?
Haybad iyo xishoodlaay
waayeel habsooboo
hangabsiga dhawaaqiyo
higsanaaya beeshoo
hollashada culayskii
hadiwaayey socodkoo
hindiwaas tallaabada
hakinaaya jaantiyo
hablo maydhax diirtiyo
hibashada xanuunkiyo
haydaarta xanaftiyo
ma hadhada ajarankii
ummul fool hallawdoo
abidiyo hurgumadii
hoosteeda yaalliin
qaryad weerka hooggiyo
hengel iyo asay xidhan
hadal barad gurguurtoo
hawadiisu caaniyo
hooyo naaska joogtiyo
habaqlaha aroorkiyo
horashada ku jeediyo
jidib iyo hangoolliyo
habartana ma geydaa?
Hawsaryohow gurxamayaa
hodaddaabadaadiyo
halkaan kuugu tala galay
hal-xidhaale noqotee
galley iyo hadhuudh iyo
ninka halo ku dhaafsaday
hayntiisa kugu gaday
hindisana ku tab galay
mu kugu horjoogsado
hororkiyo cadaawaha
hawo damac ka soo gab
hiddihiisa gobannimo
halistana iskaga jiro
haybaddaada gaarka ah
ma inaad heddiisiyo
hooggiisa joogtaa?
Hadimada Garoowiyo
hanaq go’a Nugaaleed
halka aad tummaatiday
waxa kaga habboonaa
dar kaloo i hawlee
huqdaad reebtay weynaa
hibashiyo ladh kululaa.
Colka Bari harraatiyey
hubka Mudug ku talax tegey
Allaylehe hubsiiniyo
haki buu u baahnaa.
Adigaa halyeygiyo
hanaddada ku dabar go ‘ay
himilooy u baahnaa.
Hebelow laguu sheeg
ummaddaad hankeediyo
hilbaheeda gada taa
hiilka kaaga baahnayd.
Hawsaryohow gurxarnayaa
caku halalacdaadivo
habar wacashadaadee
ku hawirantey meeshaad
haab haabanaysee
kor u qaad hinaasaha
dadka haybi weligaa
hilimmadana kala baro.

Waxaanu ilaahay uga baryaynaa abwaankeena Mahammed Ibrahim Warsame inuu cafiimaad siiyo, iyo cimri baraka leh. Waa tiirkii xoriyadda, waa in meel qiimo leh magaciisa lagu dhigaa, taariikhdiisana waa in School-lada lagu dhigaa.
Ahmed Aden Geeljire
Jeddah Saudi Arabia.
Abwaankeena Mohamed ibrahim Warsame Illahay cimrigiisa ha dheereyo, cafimaadna ha siiyo waayo waa abaaha xoraynta. Aammin…………………………………n
bismillah
Assalaamu calleykum wa raxma tullahi wa barakaatuh.
Ilaahay abwaanka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadrawi) cimrigiisa ha dheereeyo maskaxdiisana Allah murtada uu ku manaystay ha u siyaadiyo.
“Hadashada aqoontiyo
hinddisaha garaadkana
hungo qaawan baad tahay”.
“Hayntiyo dhaqaalaha
gacmo hoorsadaad tahay “.
“Hooda iyo deeqdana
hor A llaad ka joogtaa “.
“Dadnimada hoggeedana
dibaddaad ka huruddaa “
murti hoodo ah.
maasha allaah well said yaa abwaanka sharafta leh my ”allah bless him”