Hiddo

Nin hablaha dhammaantood,
Soo wada hilaadshoo,
Haasaawe kay tahay,
U hureen xaggoodoo,
Adna kuu han weynoo,
Waxaan ahay ku haybshee,
May hagar-baxdaa?

Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;

Qof harraad u liitaa,
Biyo kama habaaboo,
Hiil geesi waayaa,
Hibashada ma daayee,
Haankaad wareentaa,
Hurgumooday caawee,
Mays heli karnaa?

Taakulo Hiddooy,
May hurin kartaa?
Haaneed kal-gacal,
May hidin kartaa?

Hoorriga la sheegiyo,
Hanad liita ma ihiye,
Hanti nimaan lahaynoo,
Habranaaya ma ihiye,
Waxaan ahay nin hanadoo,
Hollinaaya hawshee,
May hagar-baxdee,

Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;
Amba hoorri liitiyo,
Hannas kuma sheegin’e,
Kuwa loo han weyn yahay,
Adigaw horreeyee,
Waan ku hollinaayoo,
Talo waa hubsiinee,
May hagar-baxdaa,

Taakulo Hiddooy,
May huri kartaa,
Haaneed kal-gacal,
May huri kartaa?
Hirar aanu gaadhayn,
Nin u heensanaayoo,
Talo waa hubsiinee,
Ku hodaaya may ihiye,
Isku kay hallee baan
Hadalkii ku daystee,
May hagar-baxdaa,

Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;
Halacoow asaaggaa
Hengel baan ka qaatee,
Mid kaloo I hooyaa,
Anna wayga haniyee,
Aniguna heshiis baan,
Hadalkii ku daystee,
Mays heli kartaa,
Taakulo hiddoooy,
May huri kartaa,
Haaneed kal-gacal,
May hidin kartaa,

Heestani waxay ku jirtay Riwaayaddii Hadimo, 1966. Waxa codadkooda ku qaaday; Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Maxamed Nuur Giriig (AHN).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>