Ina Suldaan

Axdiyohow ha lumin
ugxanyahay ha dhicin
ashkiryohow ha jabin
ubaxyohow ha dhiman
udubyohow galool
oggolow dhigaa.

Nin cuskaday Ilaahay
Eebbow ku magan galay
Kuma qado agtaadee,
Arrimaha Rabbow
soo ururiyeey.
Adduunyoy hadduu
nin ku aamminaa
helo aayatiin
ha lagaa arkee
ishaarada nin goba
ha ka eexanneey.

Iima badan naftaydaay
dadku waaya-arag buu
hadba awr ku guuraa
wax Ilaahay kuu qoray
cidi oolin maysee,
ukuntii dillaacdoo
ababtoo fogaatoo
kambalkiyo ardaagaad
ku ogeyd ma joogtoo
shimbir ay ku nooloo
laba baal aroortii
urur kale la duushaad
umal taah naftaydaay
ku ugaadhsanaysaa.

Ruuxaan aqoon iyo
axdi naga dhaxayn bay
dadku igu sidkeenoo
Eebbow runtii bay
asaraarayaanoo
qof ammaanadaadiyo

wacadkaaga iibshay
addin iigu xidhayaan.
Anna xuural-caynaad
Rabbiyow abuurtoo
amranoo la yaabloo
ka qarsoon adduunkoo
cirka oogadiisiyo
abataqan ku nooloo
qof ilaasha mooyee
cidi aanay aragoo
maalmaha Isniineed
iyo labada Iidood
eedaanka subaxdii
dhulka soo abbaartoo
Awliyada jacaylkee
arammidu ku mudantahay
marta aqalladoodoo
wadne abur tufaayoo
olol iyo dab yeeshoo
aslanoo casaanoo
ooyaaya dhiigoo
dhexda eebo kaga taal
ku afura tidhaahdaa,
indhahaygu haystaan.

U madheedhahoon
hor Ilaahay iyo
abaal laysu siin
orod lagu heleyn
awood lagu hantiyin
ayaan iyo nasiib
ma ka adag yihiin ?

Adduun iyo kalgacal
hadday wada ordaan
hal-abuur tolow
wax ma iibiyaa?
Beer oodanoon
irrid furan lahayn
haddii ubax jacayl
ula sare ku yaal
naf oggoli talooy
illinkee martaa ?

Nin abwaanahoo
ka arradan gacmaha
ka irmaan dibnaha
tolow Ina Suldaan
afku maw gudaa ?
Hadday weli Alliyo
uur-ku-baalle tahay
hadday aawadeed
adhaxdiyo wadnaha
waxaa iin ku yaal
ka il-sugan lahayd
indhaheeda tolow
ilmo lagu samraa
ma ka iman lahayd ?
oday lama filee
aftiyo haddii
ergo loola tago
tolow aabbaheed
muxuu odhan lahaa ?

Urugiyo xusuus baa
asaraarka faallada
saqda dhexe abuuree
umal iyo ladh soo kaca
wakhtiyada inkaarta ah
maxaa lagu illoobaa ?

Leave a Reply