Isa-Sudhan

Garan waayey sheekada
waxay gacallayaashay
Geed* iigu bixiyeen.
Dhirtu waysku gogol qudha
mase wada gudboonee
giddi maysku qaadaa
kay gaar u jeedaan
may goonni sheegaan,
maxay uga gabbanayaan ?

Gudub magacu waa hore
galbay oo la wada maqal
dunidoo dhan wada gaadh
gabdhihiina loo sheeg
iyadaan god loo deyn.

Gibishay i saareen
geestee u duubaa ?
Go’a lay huwinayaa
ma dhalliil guracan baa ?
Gumar iyo ma ciin baa ?
Ma ganboor sunaan ahay,
mise lagu go’aankiyo
gawracatadaan ahay ?
Gaagaabka cilinka ah,
ma gadaal bax baan ahay ?
Mise gocondhadaan ahay ?
Mise gawlallaan ahay ?

Ma ammaan gayaxan baa ?
Gabre iyo madheedh iyo
ma galool mudhaan ahay ?
Mise tolow gobkaan ahay ?
iyo lama garaacaan ?

Ha ka guban mar baan idhi
gacan baaban u holladay

inaan geysto dhawr jeer
misna waxaan guddoonsadey
horta inaan u kuur-galo
halka loo gol-leeyahay.
Waa goorma goorteed
gef dhacaan u haystoo

godob baan tirsanayee
sow waa gartoodee
Garas jilif leh baan ahay.

Guudkayga boqorrada
garaareeya heesaha
gallad qurux cod iyo luuq
shimbiraha u gaarka ah
gashan labada qaybood
haddii ay galaydhkiyo
galgalkiyo fadhiistaan
geesigooda caan baxay
gunta iyo salkaygana
goodaaddo nacabiyo
maska goodka halista ah
inta bahal gurguurtiyo
gungumaa ku shiri kara.

Waxaan ahay ma guuraan
gantadaydu adakaa
gaashaan biraan ahay
goblan tala adduunyooy
gabay jaaba-jaaba ah
jajab iyo guraangura
geel-kiisaka maansada
suugaanta gocorka ah
xulka inan gumeedka ah
ninka maalin gelinkeed
Maarkoos* ka gurayee
garcan waayey baan ahay;
Alla gaarisaniyaa.

Oo maxaase iga galay
intuu Gaasir ii wadey
googaalihiisii
anba ways gujinayoo
markuu gooddi meershaba
garashaan ku dirayee.

Ninku ways galaalee
murti wax ka soo go’ay
bal aan soo godlee qabo.

Isagoo galgaladkii
la hadlaaya gabadhii

wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

“Samirkiyo dulqaadkiyo
naxariista badan bay
dadku igu ogaadeen
nafta aad sugaysaan
ma awoodahaygaa
yamyam iyo qadaad weyn
xataa caanaleydii
booc ugu tukubayaan
markaan diiri waayaa
laysii qodqodayaa”.

“Doofaarka ficil li’i
naar loogu daayimi
kol haddii dubbiyo waran
duunkayga lala dhacay
yaa dabarka igu xidhay
horta maan dagaallamo
anigu maan is daafaco”.

“Sow duruustu maahayn
mudankiyo hal doorkiyo
marka geesi laga dilo
dadku inay fadhiistaan

waatan geenyadii Diran
iska soo durdurisee
duufaanka wadatee
ma la waayey dabar adag
iyo wiil dardara qaba
ma inaan dumaalay
dantu igu khasbaysaa”?

Duqu wuxuu u haystaa
dilku inu qardhaas yahay
dulmi lagu adkayn karo.
Duqu waxaanu garanayn
inuu dhiigga daataa
yahay dogobbo waaweyn
iyo xaabo lagu daro
dabka qaran kulaalee
lagu shido dareen guud.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxuu yidhi guddoonshuhu:-

“Soddoh-yahay la duufsaday
sowdigaan bannaankiyo
dibadaha u bixi jirin
sowdigii dusuuddiyo
weelkaaga xalan jirey

yaa ciyaarta kugu daray
kugu yidhi ku soo bood
yaase kuu cimaamaday ?

Ma Rashiid Gadh-weynaa*
kugu yidhi ganbooley
iyo guurti waayeel
garta waa u simanyiin”.

“Ma ogtahay xilkaan sido
ruuxa soo damaaciya
inuu kiis bileys yahay
meesha yaan habaaskiyo

gabayooxu kugu dilin

“Haddaad doonto gaadhsii
Gaarriyiyo Hadraawiyo
Gurxan(1) iyo Burhaan(2)iyo
ninkay Guush(3) yidhaahdaan
ama Boobe(4) ugu gee
gurigiisa Taywaan
bal aniga wax iga gura.
Horta garanba maynee
fara geliya yaa yidhi
arrimaha gudahayaga
xaggee bay ka kululyiin
may shaqaalahaygiyo
xaajiyo khamsiintiyo
caasi waalideyntiyo
jinka naagihiisiyo
anigiyo darmaanaha
isu kaaya daayaan
jaas aanu dheellee
nin la soo kiraystoo
lacag doona baan nacay”.

Duqu wuxu jeclaan laa
ninkuu doono mooyee
dar kaloo ka geesii
daf inaanay soo odhan
dalan doolka Filibbiin.
______________

1. Gurxan-waa Xasan Gurxan Ibraahim
2. Burhaan-waa Burhaan Daahir Afrax
3. Guush-waa Cali Jaamac Basaale
4. Boobe-waa Cabdi Yuusuf Ducaale.

Isba waxa ku dacal jira
dubatada dhallaankiyo
diin laawa-yaashee
wuxuu ii durkinayaa
wuxuu ii arkaa dool
nin dabaylo keeneen.

Duqu waxaanu garanayn
dunidaba sal iyo baar

inaan deyrku kala xidhin
ama diirku kala gurin
in dagaalka joogiyo
dadku laba bahood yahay.

Isagoo galgalad kale
dadka gooni ula shiray
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Qarafsiga aroortii
qadhaab doonashada guud
qofna looma diidee
haddii aan quwaax helo
dadka kalena wada qado
maxaa lay qaleeyaa ?
Ma wax baan qalloocshoo
qarankiyo dalkaan dhacay
ma wax qiiro kiciyoo
laga qoomammoodaa”?

dalku lacag ma haystee
shilimada ka soo baxa
qof haddaan la wada siin
qiyaash maashka ugu weyn
miyay qaybsamaysaa ?

haddii laysku wada dilo
hadhow yaa mas’uul ka ah?.

Haddii berrito lay rido
ama geeshku igu kaco
anigaan wax meel dhigan
sidaan yeeli doonaa
miyaan tuugsan doonaa
ma waxaydin jeceshiin
inaan daasad qaatoo
ceebeeyo Filibbiin?.

Intii ay dhul weynaha
raggii dhoofay haysteen
sida awr dhufaanaa
usha laygu dhaqayoo
labadayda dhaban baan

mid markay dhirbaaxaan

ka labaad u dhigayoo
intaas waan dhursugayee
inta dhiisha qabada ah
wuxuun iigu dhacayaan
idinna maa i dhawrtaan ?.

Wixii roob ku di’i jirey
wuxuu doog jilbaha dhigay
Diihaal ma laqanyoon
dibnahaa qallalan weli.

Duqu wuxu ka marag kacay
danni horeba loo qabey
in dorraad gumaystuhu
dusha sare ka raran jirey.
Duqu waxaanu garanayn
kol haddii dabuubtaas
dibnihiisa laga helay
denbi kale inay tahay.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
dadka guud ahaantii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Tartan xaashi tiris galay

xujo socota weeyee
xabbad baaban haystaa
ma xashiish cab baan aha
bilaash-xaytayaashiyo
markaan naag asay xidhan
xilka anigu aan sido
u xayuubbinaayee
xafiiskayga kuul iyo
xinne iyo huruud iyo
lala tegayo googarad”.

“Danyartay wad-wadatiyo
naagtan waalaneey maqal
dadka kuu gurmanayaa
shalay daahir yaa shamis
sawtay i doorteen
wuxu diino badanaa”.

“Doorashadu mar weeyaan
nin la doortay baan ahay
sidii baan u doorrahay
doorashoo dhan waan xidhay

dabadayna lama furo

haddii kale dab baa kacay
imminkana digtoonow
dib u jeesta oo taga
ka su’aal ka keenow
magacaaga ii sheeg
amar diiddo weeyee
anti baan ku qorayaa”.

Duqu wuxu jeclaan laa
midho daray had iyo jeer
duuduub in lagu liqo
waxse aanu kuba darin
in la yidhi ha laga dayo
dirxi inu ku hoos jiro.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Madaxnimada Filibbiin
ma dadkay u siman tahay
miyaan aniga lay siin
miyaan Riigan odhan hay
kun miyaanan shalay dilin
kuman kalena dhaawicin
kumanyaal xabsiga dhigin
duqa iga sarreeyaa
markii uu warkaas helay
sowkii mafsuudee
hambalyada qoraalka ah
deg deg iigu soo diray
hubka yidhi ha loo raro.
Haddii aanan toosnayn
sow muu cadhoodeen
anna ima canaanteen
ma duruusihiisaad
igu beeninaysaa”?.

Dal hadday ku badan tahay
deldelaadda dhimashadu
dabar go’u bannaan yahay
hub markaaba soo dega
dawladdiisu waa caan
inaan doorkan maanta ah
deeqdaas cid kale bixin
dunidu way ogsoon tahay.

Duqu waxaanu weli garan
dabka Riigan bixiyaa
dadka inu garaad taro.

Isagoo galgalad kale

la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Naagtu qaylo badanaa
Ka fadhiisan weynee
miyaa nalagu soo falay”?.

“Qoftan waalan yaa qaba
tolow mee ninkeedii
muxuu noogu soo diray
hadba gees u carartee
ma carsaanyo falan baa?

miyaan kabuhu goynayn
haddii aan xanaaqoon
diinteeda caaynna
hadhow baa islaantaas
loo barooran doonaa”!.

“Doollarkiyo waxaan xaday
maxaa adiga kaa galay
yaa xisaabi kugu yidhi
hanti-dhawr miyaad tahay
horta anigu yaabee
ma basaasad baad tahay
sheekhayga lacagtiyo
sirahayga gaarka ah
ha sheeg-sheegin adiguye
shuqulkaaga maahee
shalmadaha xariirta ah

kunka aqalka kuu yaal
meesha aad ka keentiyo
halka lagu sameeyiyo
qofka kaaga soo diray
bal cabbaar ka sheekee.

Duqu wuxu u haystaa
dabka ruuxa shidayaa
inuu Daado qudha yahay.

Duqu waxaanu garanayn
hadday deyso gabadhani
weli inaanay degin talo

degelkuna sawaxan iyo
dabra weerar jiidhiyo
dad cadhaysan waayeyn.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Adigays cajabiyee
car miyaynu simannahay
dhexir baabad sidataa
miyaad dhaadashada guud
Maarkoos u dhigantaa?
ab-tirsoo ayaad tahay
hooyadaa ma inan baa
aabbahaase magaciis
adigu maadigaad tahay
horta adigu yaad tahay”!?.

“miyaad janan ahayd beri?
xiddigiyo ma leedahay
billadiyo wax dereja ah?
Ragga iyo haweenkuba
haddii ay ku doortaan
meel laguugu soo shiro
maxaad sheegi doontaa?
Ma buraanbur tuuga ah!
maxaad keeni doontaa
dekedaha ka soo rogi

ma kensheliyo fara badan
biinan iyo muraayado
iyo toobab dhaadheer.
Sharikadina baabuur
kaa iibin maysee
maxaad fuuli doontaa?
Ma dameer la soo xaday”!.

“Miyaad suudhadh leedahay
niigtayno shucuba leh?
Miyaad Riigan keligaa
la qadayn kareysaa?
hor fadhiisanaysaa?
Miyaad sheeko qurux badan
qosol loola wada dhaco

qaadaa dhigaysaa”?.

“Ma dharkii ninkaagaad
igu harowsanaysaa?
Maxaad aniga huunnooy
ii khashiinsanaysaa?
Orod shaadhadh soo tolo
dheddigyohow lab soo tumo
dabadeedna goortaas
kaalay aynu murannee”.

“Bal calaacalaa daya
cagihiyo tafeenaha
ciddiyaha sibbaaqa leh

intay soo buskuxisoo
isa soo birkicisay
dadkan gelinba caynka ah
caashaqal digaaga ah
caammadan la soo xulay
i calmada ku leedahay.
Iyadoo cusburatoo
weliba cuudna shidatay
cugashiyo u socotaa
carshigiyo kursiga sare”.

“Carmal yahay garoob yahay
Taadjar baa ku dhaantoo
meelahaas ka hadashee

waxaan kaa codsanayaa
qarankana ha ceebayn

calankana ha shaashayn.

Isba dahabadiisuu
u dedaalis badan yahay
inay duugga dhaxashee
Dulmar inay haween tahay
gol daloolo maahee
waxa uu u durayaa
damaq wuxu is leeyahay

goddobtii dorraad tiil.
Dirir baanu kaba filan
dermaduu xidh xidhay shalay
weli waxaan ka daadegin
dakharrada ku dhacayaa
misna inay docdii tahay
rugtii daaha loo rogey.

Duqu waxaanu garanayn
qof dadkiisu geenyada
u dallaallimeeyeen
inaan loo dardaar werin.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Hunguraa ku qaadoo
sawir baad run mooddoo
waxba war uma hayside
aqalkaad ku socotaa
janno dagatay maahee
god waraabe weeyaan
orod arag lafaa yaal
iyo meydka kala quban

wacadkii Ilaahay
haddaad aragto saamaha
madaxyada is biirsaday
inuu baalku kaa qoyi.
Meesha quud ma yaallee
yaan dhilmaanyo kugu cunin”.

Duqa waa wadhiisii
waa kaas derderey buur
iyo meelan loo diran
dadqalnimada falatiyo
dufankuu u haystaa
diricnimo inay tahay.

Duqu waxaanu garanayn
meydka daarta yaallee
ku dib jirey agtiisiyo
madaxyada duggaashadey
inay deyn ku maqan tahay.

Isagoo galgaladkii
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Haweeney xun baad tahay
hooyo baaqataad tahay
huryo waalan baad tahay
hed la soo diraad tahay
belo hooliflaad tahay
huudhaydh ayaad tahay
seexaarad laga guray
hargab soconayaad tahay
hindhisiyo wax baad tahay
haddeer aanan sheegayn
biif-baaf ayaad tahay
koolba aariyaad tahay
isnidaamis baad tahay”.

“Habar xaabo keentoo
intay qaar ka biisheen
laga wada amaahdoo
galabtii carrawdoo
kiishash madhan la noqotoo
isla sii murmaysoo
toban fooq dhisaysoo
is illowsan baad tahay”.

“Malmalaado qubatoo
waxar caana nuugii
faddareeyey baad tahay”.

“Wadhatiyo biyooley

laysku soo hoggaanshoo
mid caloola karisaa
firinbiga u haysoo
intay feedh tabciyo laad

isku wada daqiiqeen
daaduunki xiiqoo
hal cabbaara dabadeed
isku laba kacleeyoo
intay beer caddaadeen
cagahays la dhacayoo
ciid miidhanaad tahay”.

“Dumar wada wallacayoo
cuntadii ka dhaartoo
intay liin cusbaysteen
dhuxul ruugayaad tahay”.

“Qolo aanan sheegayn
duqda lagu mannaystee
gurigooda joogtee
dharka maydha baad tahay
midda xoogga weynlee
dhulka xaadha baad tahay
labadoo kallahayoo
is hareer socdaad tahay.
Intaas oo dhan baad tahay
wax ka sii xun baad tahay
haash biiray baad tahay”.

“Ereyada an kuu xulay
waan kuu khafiifshee
waxaan hoos u leeyahay
maqli maysid adiguye
duuduub ku qaadoo
hooygeeda ma xaslada
hengel baabad sidataa
maadigaa hoggaansha ah
nin halyey ah ridi kara
qaban kara halkiisii
midnimada burburin kara
dadka kala kaxayn kara
qolo qolo ka dhigi kara

hadba qoys ku tuman kara
qofkaad doonto cuni kara
sharcigoo dhan burin kara
sidaad doonto fali kara ?

hadda guulahaygaad
malaa sheegan doontaa”

Duqa waxan is leeyahay

dura iyo isguulkii
markuu diinta baran jirey
diiwaanka gabayada
iyo looxa doodaha
waxa loogu daabaco
dibadduu ka qaban jirey
show muxuu dudubin jirey
cilmigiyo daliillada.

Duqa waxaan is leeyahay
berigaas da’diisii
isagaa dafka u sidey
nacas iyo damiin iyo
kuwa daata maahayn
Alla muxuu diin abaahiyey.
Durba guulihiisii
deg deg buu u wada maray
erey beena kuma darin.

Duqu waxaanu magac dhebin
rag Allow duruustaas
dugsigu ku baran jirey.

Isagoo galgalad kale
ka horyimi gadood dhacay
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Sanad guuradaydii
la i doortay maahoo
maalintii xorriyaddiyo
gobannimada maahee
dadkan soo bannaan baxay
feesteeya yaa yidhi ?
Madax-weynenimadiyo
Maarshaal labeeyaan

muddo badan ku joogee

mugga waan dallacayaa
Boqor inaan noqdaa baa
saarkaygu doonoo
in la ii ciyaaroo
dadku wada raxleeyaan
u tabaabulshaystee
waxaad yeeli doontaan
keeg baa la dubayaa
billadaa la tumayaa
badda iyo dhulkeenniyo
samadaas dusheennaa
dhal-dhalaal la sudhayaa
kooxihii ciyaartiyo
ubaxii kacaankaa
maryo loo tol-tolayaa

dunidaa la wacayaa
maalintaa la yaabka leh
u diyaar-garooboo
farxaddiyo bakhaanbakha
cishadaa ha la la sugo.”

Duqu wuxu u haystaa
in dabbaaldeggiisii
dadku farax u soo baxay.
Waxse aanu kuba darin
dhanka uu degmada yidhi
haw dareero geeddigu
inaan looba diga-rogan.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi Guddoonshuhu:-

bishan iyo bisheedii
belaad soo eryeysoo
soo baacsanaysee
baradaydu Silimmiyo
ma bar laysku jiidhiyo
baytu Abu Sufyaan baa?”

Adna buuse naag yahay
“Malyannadan dar-leefka ah

adigaa magaaliyo
miyigaba ka keenoo
keligaa macsuumee
milicdiyo habaaskiyo
ha meermeerin suuqee

“Anba mudanayaal baan
marti-qaad u fidiyoon
maraq iyo digaag iyo
macmacaan u kariyee
haddaad igu masayrtood
muraad iyo xus leedahay
masaakiintan kabaha la’
wada meehannawga ah
minankayga cadarkiyo
maaweredka lagu shubay
ha ku soo maqiiqine
makhsinkaagi orod gee
marxuunkii ku qabi jirey
u akhriya dheh Mawliid”.

“Hadday muufo waayeen
maanigaa kasoo xaday
haddii tuug u soo dhacay

denbigooda weeyee
may jikooyinkoodiyo
kushinkooda ootaan
Bileyskaan dalbanayaa
ha la baadho aqallada
kaygana ha lagu daro
muufaad ka hadashee
bal in rooti laga helo
af-lagaaddo badanaa
maba cuno hadhuudhkee
maxaad ii hafraysaa?”.

Duqu ways nasakhayaa
dabbaal saasa maahee
dulucdiisa maahda ah
wuxuu duurxul uga dhigay
dundumuu u haystaa
dadka tuban hortiisoo
dala’saa ku jira weli,

waxse aanu kuba darin
inay dooddu xidhan tahay.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi Guddoonshuhu:-

“Nin ku qaba sidaan ahay
kiradiyo ijaarkiyo
la baxsaday masruufkii
ku khammaaray biilkii
ama xaafad kale tegey
gabdho kale shukaansaday
maxaad iigu maran tahay?
Hooy hooy wadaaddaay
bilcan yahay dabbaal yahay
bilis yahay inkaar yahay
qaadka adigu naag yahay
iima aanad qaadine
qashqashaadda iga dhaaf
qujbal(1) baan ku leeyahay
haddaad quusan weydoo
weli soo quturan tahay
waa yahaye bal soo daa
dirridiina waa taas.
Wey diririg leedahay
wey dig iyo damleedahay.

Dheeshu xeego weeyee
ulihii inoo keen
iyo siidhi-walayaal
dadkuna hayna daawado

raggu aniga weeyee
adna xaawaleydoon
Ubax iyo Ayaan iyo
Ururrada Haweenkiyo
marwadayda lagu darin
tigidhada u soo goo
mahadhooyinkaan dhigo
haddii aan wargeysyada
Xiddigtiyo Ogaal(2) qorin
waxaan sheegay waa been”.

“Si Allaaba badanoo
taariikhda seben hore
soddoh baa nin legeddee
haddii aan sabbeeyood
iga gacan sarraysana
ma inaan baxsanayay
caqligaaga kula tahay?
Gobanimo-u-dirir baan
kuu samaysan doonaa.
Jabhadaha Uniitiyo(3)
Birigaato Roosaan(4)
hub ka keensan doonaa
Birarna waaban haystaa
—————–
1. qujbal-waa Af Amxaari, macnihiisuna waa fadhiiso
2. Xiddigtiyo Ogaal-Waa wargeysyada Taliska
diktatooriga ah ee Soomaaliya.
3. UNITA-jabhad ka jirta dalka Angoola.
4. Birigaato Roosaa-Koox argagixiso ah oo dalka
Talyaaniga ka jirta.

aan wiilal biima ah
Biljam iyo Isbeen iyo
kaga keeno Baariis
kuwa lagu badhaadhee
nin dulmani u yeedhee
qarannimada daafaca.

Ma oggoli dabuubtaas
sida damasha qaarkeed
dad ma soo cawaal baxo
dal goblamayna lama maqal
gabbal dumeyba waa beri.

Duqu waxaanu weli garan
inaan dawga noloshiyo

taariikhdu dib u noqon.

Isagoo galgalad kale
dadka goonni ugu digey
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“Wax la duufsanaayoo

faddaroobey weeyaan
miyuu dhaafay hadalkaan
ku celceliyey dhawr jeer”.
“Ha qamaaminaan idhi
qunyar seexda baan idhi
is-qaboojiyaan idhi
hantideennu keligey
anba iguma aaddee
iska quusta baan idhi
qalbigaa ku naaxee
heeso qaada baan idhi
qof hadduu bulshada xado
waa loo xil qariyaa
qaladkiyo waxaan falo
haygu qabanninaan idhi,
aakhiraa la tegayaa
Jannaday ka buuxaan
midhihii Fardawsee*
samir qooshta baan idhi,
ku qadeeya baan idhi,
dulmigana qastaan idhi,
ku qaxweeya baan idhi,
dhimashadu xaq weeyee
hilbihiinna bahalkiyo
yaanay haaddu gurannine
xabaalaha qotaan idhi,
lilka qayta baan idhi,
qiyaamaa danbeeyee
ka xorooba noloshoo
cibaadada badshaan idhi,
cunto looma ooyee
waxa sharafka dhaawaca
ha sheeg sheeginaan idhi,
nafta waa la laylyaa
qadoodiga bartaan idhi,
waa lagu cadaabaa
qofka dahabka kaydshee
waxaad qaali haysaan
qiimihiisu badan yahay
iska soo qubaan idhi,
qofka aniga iga dhan ah
ruuxa iiga hiishaa
ajar buu ka helayaa
ka i neceb qabtaan idhi,

anbiyada la doortaa
ruuxaan wax xaasidin
u shafeeca qaaddee
marka kharash i soo galo
illaa waan shaqaystee
hambalyada i siiyoo
i shaxaada baan idhi,
cashadaan wax laayee
meydkiinnu badan yahay
denbigaa ku maydhmee
iska wada qoslaan idhi.

Weli kaashifaan ahay
waa lay siyaartaa
habeenka iyo maantii
intaas waan siraataa
ha i xamanninaan idhi,
haddaad yeeli weydaan
jaajuur noqdaan idhi.
Haddii aad dhibaatada
u adkaysan weydaan
dhuumaha saliiddiyo
dhulka Carabta aadoo
iska dhoofa baan idhi.
Dhidid waxa ku hoysaan
ama muruq ku dheeftaan
anaa meelo kala dhiman
ku dhammays tiraayee
Baanka soo dhigaan idhi.

Aniguba ma caasiyo
casharrada raggaygiyo
codka macallinkaygee
cilmiyada afkaygiyo
carrabkiyo tusaalaha
ku celceliya baan idhi.
Intaasoo dhan baan idhi
qawlkaa san baan idhi.

“Dadkan joogi waayee
millaterigi aan diray
la dagaallamaayaa
af-dhalaalka keenee
haddii qaammudkood galay

in tacshiirad lagu furo
abaalkooda weeyee
maanigaa wax-saarka leh”.

Duqa waa runtiisee
dar Allee sidaas yidhi,
hadda wuu iskuna deyey
inaan diidey cidi odhan.

Duqu waxaanu weli garan
inaan saas dad laga helin.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi Guddoonshuhu:-

“Sida ruux i caashaqay
doondoonis badaneey
haddii aad i neceb tahay
anba waan ku shuufee
rida rida haddaad tidhi

habaar weeye saasiye
cudud laysu sheegtiyo
carrab iyo ishaariyo
markay baadh canaad tahay
nin waliba ciddiisuu
cuskadaa u yeedhaa
kuwo laga ducaystoon
isha loo mar-maran baa
i hareera joogee,
anna boqorki Shaah iyo
Xusni iyo Xuseen iyo
Xasankii ku biiriyo
rooxaanta Bari Dhexe
ku bariisanaysee
Bahda Fahad u weyn tahay
Barre iyo Mabuutiyo
jacfar iyo Bukaasiyo
Beegan iyo Samoosiyo
Diktoor Baandaheediyo
Baaderiga Roomiyo
burjigiyo karaamada
ninka lagu barriijee

Baakistaan u taliyiyo
Bootaan cuskanayaa
iyo weliba Beeriis
ha dhacdaannu leenahay
gabayohow ha beenaan
naagta beerka kala goo

Duqu wuxu cuskanayaa
dawliskii bahdiisiyo
xunbo daad la socotoo
digaduu dhir moodee.
Waxse aanu kuba darin
isagiyo dirkiisiyo
inaan dayro fara-madhan
ducadooda la aqbalin.

Isagoo galgalad kale
la hadlaaya gabadhii
wuxu yidhi guddoonshuhu:-

“In dhoweyto suuqii
kaa xaabi waayee
haddii aanad iga tegin
waxa igu Wallaahiya
intaan kookayaashiyo
jaariyadahaygiyo
naagtayda kugu diro
inay xaaqin kula dhici
iyo baafaf waaweyn.

Bal cajuusaddaa daya
hadhka galay hadmaa dumar
Madaxweyne noqon jirey
makarafoon sidsidan jirey
shir jaraa’id qaban jirey”.

“Horta anigu yaabee
dawladnimo ma Baastaa
ma quraac la dubayaa
mayska qalin daraalaa
habartuna ma geydaa
muslinyohow islaameed
kursigani ma doonnaa
ma bas buu ku yaallaa

kiro iyo ma lacag baa,
miyaa layska ka korayaa”?
Waynaan dareemine
dadka naagahaw daran
dillaal iyo mallaal iyo
dibu socodna wayaga”.

“Waddankaa cuslaadoon
shicib ila walwaaliyo
markab qaada waayee
miyaa subaxan saaka ah
kibir iyo is-yeelyeel
cidi iila imanlayd”.

Duqu wuxu ka kulul yahay
doonniduu ku joogaa
doobigeedi buuxsamey.
Didmaday la booddiyo
dildillaanka ruxankuu
dawannada ku sara-kacay.

Duufaanka dhacayiyo
danabkuu ku selelee
miyey doobir leedahay

xaggee doohdu joogtaa ?

Duqu waxaanu weli garan
kol hadday dillaacaan
dakhalkiyo shiraaqyadu
inaan qiilba loo deyin.

Isagoon garaysnayn
dadku inay gadoodkii
kaga gacan sarreeyeen
wuxu yidhi Guddoonshuhu:-

“Weligood ha dhaarteen
dhoobo hays marmariyeen
iyo dhiilo aan jirin
dhagxan iyo ha qaateen
dhalo iyo faraajiin
guryo laga caraabiyo
saro madhan ha shiideen
laamiyada ha oodeen

intay taayir oloshaan
dabadeed ha dhuunteen”.

kibirkaan dhutinayiyo
ma dheeldheelligaygay
inaan dhacayo moodeen”.

“Madaxweynahaan ahay
anigaa guddoonshe ah
indhihii dadkaan ahay
dhegihii dadkaan ahay
maskaxdii dadkaan ahay
barihii dadkaan ahay
aabihii dadkaan ahay
keligay dalkoo idil
anigaa ka kaabba ah
dhici maayo weligey.

Dirqi buu ku yidhi saas
duqu wayska laban yahay
si xun bay u daareen
dafiraadda fara badan
denigaa ku dhalay saas.

Hadda garo daldalankiyo
duryankiisa quusta ah
halka uu ka dirayaa
waa diyaarad guudkeed.

Waxse aanu kuba darin
inay duushay geeddii.
waa daruuro guudkood

duqu ways xansanayaa”.

“Dunidu hawlo badanaa
tanna laysu dacaree
caawaba ma dibad baa !
Tolow dawlad dhega-xidhan
dummaddayda lagu qoro
dal tolow habeensadey
geyi aan dab laga shidan
dayaxuna u soo bixin
qorraxduna dellegan tahay

dugsi iyo aqoon iyo
garashiyo dareen iyo
dadnimiyo xishood iyo
dastuur iyo xisaab iyo
dacwad iyo garsoor iyo
tartan iyo dardaan iyo
dibjir iyo wax buuqiyo
danyar qaylisaa jirin
dimuqraaddinimadiyo
xaqa cidina daaficin
taliyaha la daba gelin
denbi dhacay la faallayn
dulmi laga calaacalin
dilka iyo xasuuqiyo
deldelaaddu furan tahay
ammaantaydu diin tahay
Deeleyna laga tirin
raggu daakirraaddii
sida adhiga daaq tago
dumarkana la dhaansado
dadku wada nasakhan yahay
xaggee baan ka doontaa”?

Dabbaal maaha Xaajigu
duqu waa ogsoon yahay
in dastuurka qarankiyo

dugsigiyo aqoontiyo
dareenkiyo xishoodkiyo
dimuqraaddinimadiyo
waxa ridey dadnimo tahay.

Duqu waa ogsoon yahay
inaan daayin abidkii
dawladdaas la yaabka leh
damaciisu siinayn
duniduuse barayaa
sida uu dastuurkiyo
dugsigiyo aqoontiyo
dareenkiyo xishoodkiyo

daacaddiyo sinnaantiyo
dimuqraaddinimadiyo
dadnimada u neceb yahay,
dar kalaa la qaba saas.

Duqu waxaanu garanayn
duulka uu tilmaantiyo
haddii uu dalkaas helo
isna inu dameer yahay.

Duqu waxaanu weli maqal
Dun Carbeed inuu yidhi
diric keli ahaantii
daleel guusha kama helo
dadkaa geesi lagu yahay.

Qofba wuxu ku dagan yahay
halkuu daacad kaga hadho.

Duqii Maarkos waa kaa
waddadii dayacan koray
jidka aaran dubatadu
ku dambayso weeyaan.
Dawga weeye loo maro
sannadaha dul-saarka ah
iyo nolosha daalka leh.
Dawga weeye loo maro
duni aan tilmaannayn
duuggeedu male yahay
qof ku daaya mooyee
qof ku doonayaa jirin.

Cudurrada dad leeyahay
dawadoodu qaar bay
dacar iyo dhunkaal tahay.
Qof hadduu mar kaga daro
sida doorku ugu jiro
sida daranba loo yeel.

Nin is doortay keligii
in la doorsho mooyee
isma doorsho weligii.

Nin dushiisa lagu shaxay
wax inuu durduriyoo

bal si uun u didi karo
ka dareen qabaan jirin.
Duudsi baa ku dhacay culus

dibindaabyo lagu falay
waxa loogu daray nacas
damqashadu ka dheer tahay

dirir buuse ku hubsaday
inuu diidi karo taas.

Nin kastoo dardara kulul
dabar lagu ceshaa jira
Diin kastuu la soo shiro
dacwad baa ka furan kale.

Cirka sare nin degeshadey
dayaxiyo marmari jirey
xiddigaha la deriska ah
markuu hoos u soo dego
dhulku wuu dir soocaa
digashada ku fara badan
dantaan dhuux ku odhanayn
halka loogu daran yahay
daymadiisu kuma foga
wuxu daawadaa meel
dura loogu roonaa,
dib hadduu u noqon laa
dal tabyaan ku beerrayn.

Dunta bili nin lagu xidhay
dabin loogu yimi bahal
haddii aano loo dilo
doqonniino ugu filan.

Dar xumooy nin kula cola
dadna kuugu dhow dhow
dannigiisu badanaa
hadduu daawo kula galay
muxuu kuugu dudyaa?
Daryeel maadigaa dhala?

_______________
*Geed-waa magac ay ugu yeedhaan
Hadraawi asxaabtiisa gaar ahaaneed.

* Maarkoos-waa Ferdinando Marcos,
keli-taliyihii xukumi jirey dalka
Filibiin (Philipine) ee lagu ridey

kacdoonkii shacbi 1986kii.

* Rashiid Gadh-weyne waa Rashiid sheekh
Cabdillaahi X. Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>