ISLAAM DILAN

W/Q: Mohamed Suleiman Omar,

Email: halabuur@hotmail.com,

August 25, 2011

Wuxuu adeegsanayaa farshaxannimo iyo falsami afeed oo kugu khasbaysa inaad dhegaysato. Cod loxdan, legdan, oo saafi ah ayuu hadba jiiro iyo dalcad kala sii baxayaa. Sare ayuu u dhawaaqayaa, markaasuu haddana meel godan ah oo hoose codka ka soo saarayaa. Hirar talantaalli ah ayuu marba iskaga tallaabayaa. Dhegta meel ka sii durugsan joogtaana, iyada oo muraaqoonaysa ayay hanqal-taag ku maqlaysaa. Waxaad garanaysaa inuu uurka ka hadlayo, isla markaana uu uurka la hadlayo. Damiir nool oo gilgilanaya, jidh dubaaxinaya iyo jiidh damqanaya ayaad nuxurka hoose ka sii dhadhansanaysaa. Wuxuu ahaa cod kulul oo laabta daxalka leh damqaya, cod maddane ah oo kasha moogganaantu daashatay ruxaya, iyo cod naf kasta oo dar-jiidhay ku ah xadhko miiggan iyo dabar lagu soo dabbaalo karo. Cabqariyadda, codkarnimada iyo balaaqadda meesha taallaana, waa mid cirro kaa soo saaraysa!

In yar dabadeed, waxaan is dhex taagay cadaabtii. Dad aad u badan oo aan qof iyo qofaf faro-ku-tiris ah ka garanayo ayaa ii muuqday. Qodh iyo xero, waxaaban xusuustay dharaarihii ifka iyo tagtadii adduunyada oo aan maalmaha ciideed suuqyada Hargeysa ku arki jiray qof qof aannu waayo badan kala baadnay. Laakiin dareenkani ma aha, umana dhowa, farxaddaas iyo sidii aan u tebi jiray. Waa naartii la ballan-qaaday oo ay dhex tuban yihiin boqollaal kun oo aanan wejiyadooda garanayn. Qaar kale oo aan magacyadooda aqoonsan karo, ase aanan aqoon shakhsi ah u lahayn ayaa ka dhex muuqda. Halkaas guntana waxa ka holcaya xoladdo dad ah oo jidhkooda aad qadhmuunka yaabayso. Kooxdani waa kuwo ka badan kuwaas kale. Waxaan u malaynayaa inaan qaarkood sooyaalka iyo werisada taariikhda ku maqli jiray. Qaar kale ayaan iyagana filayaa inaan wejiyadooda ka arki jiray shaashadaha caalamiga ah ee layska dhex arko. Dhammaantoodna, waa kuwii sida xun u adeegsaday galladihii la siiyay ee damdamtoodu gaadhay inay xataa Ilaahyo sheegtaan. Waa hebel…. Waa hebel…. Waa hebel…. Naxdin weynaa! Haddana waxaan xusuustay in cadaabta lagu shidayay dad iyo dhagxaan.

Waxaan saaranahay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee magaalada Hargeysa (bus). Haddii aanan khaldanayn, waxaan geeddi ku ahay xaafadda masaafad ahaan ugu durugsan caasimadda. Inkasta oo dhowaan jidadkeeda waxoogay dhabdhab iyo kabkabid ah lagu sameeyay oo dayactir aan sii ridnayni ka muuqdo, safarku waa mid dheer. Maxaannu boholo iyo gebiyo ay qaarkood ciirayaan ka gudubnay. Maxaannu buuro, dooxyo, dalcado iyo naslado uu buska iyo boodhku daaqadaha iyo meel kasta oo baabuurka ka mid ahba kaaga soo gelayo sii jibaaxnay.

Waa rakaab u badan rag iyo dhawr haween ah oo suuqa hoose malahayga ka soo adeegtay, gaadhiguna waa mid aad u karaar-qaadanaya oo xawaarihiisu marba marka ka dambaysa isa sii tarayo. Waa hargeysa iyo fallaad wakhtiyadan oo kale caado u ah’e, darawalkii gaadhigu wuxuu judhii baabuurku dhabbada cagta saarayba nagu furay cajalad wacdi, waano, hogatus iyo tusaaleyn miidhan ah. Waa cajalad nagu kelliftay in aannu nuuxsan weynno, duruufahaas ad-adag ee aannu ku safraynayna tebi weynno. Aakhirkiina, waa kasmada ay qisadani ka ambabaxayso.

Waa nin lahjaddiisu yara adag tahay. Walow aan malaynayo in uu gobollada dhexe ee Soomaaliya ka soo jeedo, waxaan qirayaa inuu aftahannimo iyo cabqariyad wax dheer yahay. Wuxuu toos u abbaaray dulucdii khudbaddiisa. Astaamaha lagu noqdo addoon wanaagsan ayuu wax ka taabtaabtay. Waa kuwee? Waa kuwa habeenkii u soo jeeda cibaadada Rabbi. Waa kuwa sida deggen ee tookha iyo turxaantaba ka madhan arlada Ilaahay u luuda. Waa kuwa hadalka san iyo hawlaha san ku suntan. Waa kuwa…. Waa kuwa…. Waa kuwa.

Wadaadka ma aragno, laakiin waxaad mooddaa inuu na hor taagan yahay. Farta ayuu lulayaa, markaasuu canaan xooggan oo ku sal leh sida aynnu waajibaadkii nolosha u gudan weynay innagu hirgisayaa. Addoomaha wanaagsani waa kuwee?, ayuu ku celcelinayaa. Muxaadaradiisa wuxu ku ladhayaa xaaladaha wakhtigaas uu hadlayo ka taagan dhul-weynaha ummadda Soomaaliyeed.

Dadka gaadhiga saarani way wada maqan yihiin, laakiin mid waliba wuxu u haystaa inuu maqnaanta keli ku yahay. Mid kasta goonnidiisa ayay u xuleen weedhaha sheekha ee hanka iyo himilada naflaha dhiirri-gelinaya. Way beer-qaadeen, way gilgileen, waanay kaga gasariiriyeen. Waxaad arkaysay tiraba laba dumar ah oo xijaab ku asturan oo ilmada hibitiq leh hoosta ka masaxaya iyo qaar kale oo aad wejiyadooda qiiro ka daalacanayso. Oo goormaan arkay dad khushuuc Alle darteed u ooya? Waxa iigu war-dambaysay iyada oo hankii la dumiyay, hunkiina uu dardar iyo wacdaro hor leh soo kordhiyay. Iyada oo laabihii dadku engegeen, quluubtiina la adhax-wareemay. Iyada oo dalqadu tahay halbeegga asalka ah ee laga cabbiro aragtiyaha gedgeddoonka wakhtiga iyo waayaha nolosha.

Waxaan ka fekeray bal wixii ay dadku ka fekeri lahaayeen. “May… taasi waa xad-ka-bax,” ayaan haddana si degdeg ah isugu jawaabay. Waxaan ku qqncay in aan anigu suureeyo waxa hiyigayga shidaya. Haddii aan caadi ahay, dadku waa sida aan ahay. Sifooyinkaas uu ka sheekaynayay iyo sifihii lagu hanan lahaa ayaa isku kay sawiray. Haa. Iminka ayaan gartay. Waxaan u fahmay in maan kastaaba ku foofay muuqaalka ay timaaddadiisu yeelan doonto iyo waxa uga meel yaalla. Mar kale ayay haddana naftu i gujisay oo tidhi; “Maxaa kaa galay, isaguba (sheekhu) hadda ka hor wuxuu ahaa; Inta laga subxaanaysto.” Haddana, waxaan isku qanciyay taasi aanay wax xidhiidh ah la yeelan karin xaqiiqada jirta, maxaa yeelay, nafta ilduuftaa waxay iska jeceshahay in dadka oo dhami sida ay tahay si la mid ah noqdaan.

Lama dafirayo inay tawbaddu furan tahay, lamana daahi karo xaqiiqooyinka mutaxan ee aan weli la soohin xadhko caabbiyi kara. Dadku may garawsan kari waayin inay iskood u hanuunaan, manay garwaaqsan waayin inay nafahooda heeryada darbaysan ka feydaan, waxa se ina wada hodday wahsi iyo dibudhigasho! Waxaan ku qancay inaan gol-dalooladayda u meel dayo inta ay goori iyo goor tahay. Naftu waxay hoos ii maqashiisay tuducyada tawbad-keenka ah ee Hadraawi ku leeyahay tixdiisa dhumucda roon ee Dabohuwan.

“Intaan dawan laysu tumin,

Deyaanku intuu neg yahay,

Intay belo deyrantahay,

Intay weli duur xul tahay,

Duulduulka ku kooban tahay,”

Weli xaaladuhu faraha kamay bixin. Weli waxay joogtaa heer la daba-qabatayn karo. Maxaan rabaa? Maxaa ila gudboon, si aan u badbaado? Haddana naftu waxay iigu war-celisay meerisyadan hoose oo iyana ku daba jira maansadaas Hadraawi.

“Dib iyo noqoshaan rabaa,

Dan iyo nolol baan rabaa,

Dawiyo nabad baan rabaa,

Xil daahira baan rabaa,

Naftayda inaan u diro,

Wax uu dugsadaan rabaa,

Hankayga inaan ku dayo!”

Haa. Sidaas iyo si la mid ah baan rabaa ee Allow na waafaji. Aammiin.

Culimadu wada caalim ma aha, cumaamad la qaato iyo gadhka oo la fiiqaana astaan uma noqon karaan islaamnimo badhax-tiran. Taasi kama dhigna in sunnayaashani barkumataal yihiin, waxay se ina faraysaa in diinta iyo ujeeddooyinkii Rabbi u soo dejiyayba ka xeeldheer yihiin gadh lala baxo iyo maryo lagu lebbisto oo keli ah. Laakiin ayaandarrooyinka sebenka ayay ka mid noqotay in intii garashada iyo aqoonta ka arradday ay fagaarayaasha cilmiga ah la tagaan tookh, faan iyo is-muujin aan meelna jirin. Waa dar maqiiqan oo muran miidhan ah, haddii aad masalo kooban jid-bixinteeda su’aashana, aan kaa jaahil-saari karin. Waa col isla-qumman oo neceb argtiyaha fayow iyo quluubta furfuran. Waxay ku jiraan edeg xidhxidhan oo dadka oo dhan uga dhigaya gaalo mutaxan!

Sheekhii wuu sii waday, waanu sii waday, illaa uu sayloon ku wada tallaalay dhammaan rakaabkii gaadhiga saarnaa. Goor uu gebogebo ku dhow yahay ayuu holladay inuu duceeyo. Sidii uu hadalladiisaba ugu lifaaqayay xaaladaha wakhtigan ka jira Soomaaliya iyo dhulalka kale ee Soomaalidu degto, ayuu ducadiisana ku ladhay ducooyin ka hadlaya marxaladda maanta. “Ilaahayow dhulkayaga gumeystaha ka saar. Ilaahayow ciiddayadii cadow baa haystee, nagu kaali inay xorowdo…. Ilaahayow waxaannu ku weydiisannay dhul nabada, dal nabada iyo carro nabada oo caqiidadaada lagu dhaqo!”

Wadaadka hadalkiisu ma wada dhammaan markii ay sanqadhaha buuqa iyo bulaanku simeen gees-ka-gees baabuurka. “Cajaladda ka saar….” ayuu mid cod weyn, indho cascas oo aad mooddo in xalay oo dhan tib lala dhacayay si tabcaannimo leh u yidhi. Gabadh kale ayaa la soo boodday, “Xamar baa loogu talogalay in lagu dhegaysto ee waar naga saar waxa!” Mid kale ayaa meel afarta dambe ku dhow ka yidhi, “Waar waa Al-Shabaab’e, ka saara!”

Yaab iyo qayoyaab! Xamar Ilaahay cadowga ha ka xoreeyo, Aammiin. Taasi ma dembi-baa? Sowta masaajiddadeenna looga duceeyo Shiishaan, Ciraaq, Falastiin iyo Afghanistaan-ba. Maxaa innaga maanacaya inaynu iyagana dhibaatada uga ducaynno? Mise islaamba ma aha??

Ma garanayo wax dembi ah oo ay magaalo magaalo kale oo Soomaaliyeed ka gashay. Intii la jiray iyo intii dhiska iyo dhidibka qarannimadu taagnaa, mar walba iyo meel la dayoba, waxa gabbood-fallada aadamaha tacaddiga ku ah geysanayay hebello dugsanayay heeryada nidaam meel maamula. Sidaas ayaan u odhanayaa xusuuqii dhacay iyo xabaalo-wadareedyadii buux-dhaafay, Xamar iyo magaalo kale oo Soomaaliyeed toonna, ma ay geysan! Waxa dadka laayay rijiim cid kasta leh oo ay xataa ku jireen kuwo Hargeysa iyo Burcoba ku isir leh. Waxa wax xusuuqay maamul sal ballaadhan oo aan qolo iyo qoys toonna ahayn, sida kuwii dhimanayayba aanay baadi-sooc inta kale ka geddisa u lahayn.

Maxaa innaga xaaraantimaynaya inaynu walaallo muslim ah oo weliba magac iyo muuqba inala wadaaga duco ku kaalmaynno? Gunnimada, doqonniinada iyo Alle-ka-fogaanshuhu bal halka uu inala marayo daya. Bal daawo waxaynu dimuqraadinimo u arkaynno ee aynnu weliba afka xun dhigaynno innaga oo u arkaynna in aqoonsi la ina siinayo. Ilama aha ina aynnu sidan iyo si la mid ah ku haynno marinkii iyo majarihii aynu ictiraaf meel mar ah ku kasban lahayn. Waayo, jidka aynu ku taagannahay ayaan meelnaba ka soo gelin kii aqoonsiga. Kolleyba kaas maaha. Waa laga yaabaa se inaynu si fiican u haysanno dhabbihii Addoonsiga! Maalin dhowna, la arkee, innaga oo addoommo u ah addoommo la addoonsan jiray – haddii aynaan kasheenna ku beerin dareenka samaha, indhahana dib u soo musliminnin.

Waxaan ku xidhayaa; Xamar waa walaalladeen, waana dad aynnu magac Soomaali-nimo wadaagno. Mawqifka siyaasiga ah ee madax-bannaanida Somaliland-na waa halkiisa, sidiisa ayaanu lama-taabtaan u yahay. Waa go’aan shacbi, bulshada ayaana talada iyo tixraacaba mayalka u haysa, madalkan, iyo meel-la-joogaba.

Mohamed Suleiman Omar

Email: halabuur@hotmail.com

One thought on “ISLAAM DILAN

  1. dhamme

    ninku farshaxan Sanaa, warkiisu cadda, gado waynaa, gudo ballaranaa sowka xamar caddeey iyo hargaysa hadhmacaanba gosha gashaday ee inoo galiyay,
    mid kale Ku darso, cuslida saamaynta fikir ee soon jireenka ayaan si fiican u muuqata, oo saw kuwii dhaxalkooda Lahaa ee dhabaan dhabayay miihin.
    “dhaxalkeeda nimankii Lahaa, way dhabaan dhabi”.©Hadraawi

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>