Mayal Dheer

Noloshu waa madawdahay

Marin seegan baa yaal

Mahadhooyin baa yaal

Iyo maado farabadan

Maya iyo mayaa taal

Maya iyo wir baa taal

Muruq iyo car baa taal

Mukur iyo qab baa yaal

Ismaroorin baa taal

Makri iyo dhac baa yaal

Mixnad iyo shil baa yaal

Makal iyo dil baa yaal

Mallaf iyo dulmaa yaal

Madfac iyo hub baa yaal

Dhagar iyo mir baa taal

Maryo dhiig leh baa yaal

Midib iyo xin baa yaal

Marre iyo fal baa yaal

Musuqmaasuq baa yaal

Marag beena baa yaal

Macsi iyo kufraa yaal

Dhir la muudsadaa taal

Shar la miisto baa yaal

Macaluul cas baa taal

Jahli macalinaa yaal

Dadku inay masoobaan

Maskax diidan baa taal

Maya dhago la’ baa taal

Wixii maal la dhaqan jiray

Murugay la tuban tahay

Dhirtu wayska mudantahay

Mar maroorku farabaday

Laga furey marriinkii

Ubixiyo magoolkii

Allaylehe marduufkii

Cunay maahirtaydii

Iyo may cas-kaygii

Macal iyo wankii raas

Iyo maydalkii raan

Qudhac iyo maraagii

Milliqsuu ku shidayaa

Cirka mooyi waxa jira

Mayaygiyo gudgudihii

Meexaanihii daa.

Dadku waxay ka maydheen

Madadkiyo hufnaantii

Milgihii dalaysnaa

Malmalbay u shidayaan

Ninka maratidiisii

Culustiyo min-weyntii

Mijin bay gadaysaa

Isna miiladiisii

Merfesh buu la joogaa

Makastiyo haweenkii

Milic bay hadhsanayaan

Mugdi bay ifsanayaan

Ragna maah ka badin waa

Iyo meheradii jaan

Ku masuug xilkiisii

Murti iyo hal hays iyo

Maahmaahihii daa

Marka uu had iyo jeer

Ku mergado su’aalaha

Dadku ay maldahayaan

Marmarsiiyo doondoon

Dayaxiyo maluugaha

Masanuun ku faalee

Hadba gaajo fara madhan

Markab luula waydii

La fogaa mirqaankii

Talo waysla maqantahay

Rabina tiisu waa meel

Waxay meeris fagantaba

Waxay meysi ruqantaba

Waxay mooro dumisaba

Waxay moysin debecdaba

Waxay muunad rogantaba

Waxay sii maldahantaba

Waxay sii murmurugtaba

Waxay sii murkacantaba

Waxay qooq makalantaba

Waxay maag ku dhimataba

Waxay miino jarataba

Waxay muumin qalataba

Waxay meyd ku orisaba

Waxay mawd ku durugtaba

Miyirkay xasaysee

Hadaan maanku soo noqon

Mucjisaa sugaysee

Ninka mooganaantaas

Ku xasila ismoodsiis

Malihiisu waa been

Inta maalin baqasho leh

Ta u maan gilgilid badan

Muddadeeda shiranta ah

Mayalkeeda dhaadheer

Manjo-daalay fuliyaan

Allaheedu madal yahay

Nin maqnaaba sugi jiray

Oo markhaatigeedii

Mursalkiyo rasuulkii

Mahad loogu gogol dhigay

Dayaxeeda muuqdaa

Nebi muxamed sii yahay

Marinada la kala xigo

Labadeeda kala mudan

Ninka muumin sheegtaa

Dhanka midig ku sugan yahay

Iyadoo malcuunkii

Todobaatan midab lihi

Macna yare la odhan jiray

Murtad iyo dhal shaydaan

Iyo mukhawiyiintii

Dhanka bidix u meersaday

Madal laysu soo baxay

Warba mooyi laga yahay

Mahadhiyo ladh toosiyo

Waxa maangad dhacayaa

Miyir doorsan dhaliyeen

Mahwi aan la kala hoyan

Milic aan hadh laga galin

Maro iyo kab loo sedan

Mucsur lagu quturanyahay

Sida mallow usoo baxay

Maqrib dumay dhir maygaag

Naxdin lala madow yahay

Ishu dhiilo mudan tahay

Wajigeedu Milan yahay

Marwo iyo dhabeel iyo

Laga yimi miyaradii

Iyo mudanayaashii

Marta loo furfuri jiray

Mindi iyo tolaaydii

Iyo muusanawgii

Mirta looga kici jiray

Ma dhantahay docdoodii

Mahuraanku kala naxo

Rag ninkii wax miran jiray

Miismiisan jiray ciin

Iyo mur iyo deebaaq

Muhashadu u baaqayn

Dhal magaalo kulushahay

Mallayada naftiisa ah

Magac iyo hankiisii

Nina maal ku furanayn

Qofba meel ku luran yahay

Kashu maayad ruxantahay

Marmaroortu lurantahay

Garashadu muduci tahay

Runtu soo mutuxan tahay

Nin muraad ka xidhanyahay

Maxarashoonku sugayaa

Danta waw min tiriyaa

Muslinow dharaartaas

Amarkiyo mug-weynta ah

Nina malab ka dhabaqsaday

Nina dacar ka muudsaday

Maqal yaanay kugu noqon

Ha lumin muftaaxii

Furi-jiray martabadaha

Mahadoodu badan tahay

Naftu macandi weeyee

Male hawgu sahan tegin

Ha ku daalin meermeer

Waligaa ha muunayn

Madhantiyo xagxagatada

Jinka ha u muraad qumin

Yaan masuuga shaydaan

Milicsiga aduunkiyo

Madadaalo kugu hodin

Noloshana kas iyo maan

Miyir sugan ku doondoon

Muslinow ha xaalayn

In munaafaq jecel yahay

Haysku milin shar iyo khayr

Midabad iska ogow

Lagu naco masuuskiyo

Qofka geed ismariska ah

Hana noqon mashkadahaa

Xanankiyo maduunka ah

Midho geed ku wada yaal

Madi iyo magayno ah

Ha ku ridin ismaandhaaf

Madax iyo minjaa sida

Madmadaw ha kala galin

Maxastaada waligaa

Mijin hawga roonaan

Mitid noqo abaabulan

Iyo lagama maarmaan

Marwadiisu jeceshahay

Ubadkiisu meel dheer

Uga soo mashxaradaan

Majaraa ha sii dayn

Rabbi loogu maqan yahay

Inaad muuqa qudha tahay

Mahad inaad ku nooshahay

Labadaasna kala miyo.

Leave a Reply