Mudantii Haweenka

Mudantii haweenkaay,

Marwadii la sheegee,

Dadku wada majeertee,

Dumar lama maseeyee,

Muxubada kal-gacalkaay,

 

Laanyahay magooshee,

Midhihiyo caleentiyo,

Manka lagu tallaalee,

Ubax lagu marriimee,

Qurux lagu mannaystaay!

 

Muddo aan yarayn baan,

Kugu soo maqnaayoo,

Ma ogtahay habeennadan,

Sida mayayga roobkoo,

Hadba maayad keenaad,

Ii muuqataayoo,

Muxibbada kal-gacal kaan,

Hadba soo mir kacayaa,

 

Milgaa hadalku leeyahay,

Ereygii maqbuula ah,

Waa loo mashxaradaa,

Madadaallo beenaad,

Igu mayracaysaa;

Marti waa la sooraa,

Magan waa la bixiyaa,

Haw dhuran masuuggii,

Maah-maahdu sheegtoo,

Dhibta haygu madiyayn,

 

Muddo aan yarayn baan,

Kugu soo maqnaayoo,

Ma ogtahay habeennadan,

Sida mayayga roobkoo,

Hadba maayad keenaad,

Ii muuqataayoo,

Muxibbada kal-gacal kaan,

Hadba soo mir kacayaa!

 

Masalooyin dhawroo,

Ma-hadhooyin reebaan,

Kuu marinayaayee,

Maqal waanadaydoo,

Miisaan warkaygee;

Aan jeexo mililkoon,

Waabayda miiroon,

Magacaabo boogtee,

Naftu way ku muhatoo,

Kaa maarmi waydee,

 

Muddo aan yarayn baan,

Kugu soo maqnaayoo,

Ma ogtahay habeennadan,

Sida mayayga roobkoo,

Hadba maayad keenaad,

Ii muuqataayoo,

Muxibbada kal-gacal kaan,

Hadba soo mir kacayaa!

Riwaayaddii Aqoon iyo Af-garad, 1971. Waxa ku luuqeeya Maxamed Mooge.

One Response to “Mudantii Haweenka”

  1. aad baan uga helay heestan midhaheeda

Leave a Reply