Si xisbiga maqan loo helo Xorriyadda Xisbi ma ka jiraysaa Somaliland mise maya? W/Q. Rashiid-Gadhweyne

W/Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

Marka hore Urur iyo Xisbi:

Waxaa la yidhi marka hore ha la samaysto ururro, ka dibna ha loo gudbo xisbiyo. Waa magacyo isku mid ah oo haddana la leeyahay maya ee aynu midba si ka dhiganno. Urur waa maxay? Waa isu-tag iyo xidhiidh kasta oo leh yool, ujeeddo, xeer uu ku hawlgalo iyo hab-dhismeed uu isku hoggaamiyo. Sidaas darteed dawladi waa urur, hay’ad madani ahi waa urur, shirkad ganacsi waa urur, xisbi siyaasadeed waa urur oo cid kasta oo hab iyo hannaan shaqo iyo hoggaan midaysan lihi waa urur. Goor dhow iyo goor dheer, ha sii jiro ama ha baaba’o e ma jiro wax diidaya in aynu bilowga horeba ugu yeedhno xisbi. Maxaa xikmadda ah ee ay ku fadhidaa in aynu nidhaa: “May ee marka hore waa urur ka dibna, haddii uu doorashada ku soo baxo waa xisbi! Midda kale waxaa la yidhi haddii uu doorashada ku soo bixi waayo halkaas buu ku tirtirmayaa! Oo taas iyo xorriyadda muwaaddinka, xaqii u lahaa in uu samaysto xisbi siyaasadeed, sidee la isu waafajinayaa?
Waxaan dad ka maqlay waxa laga ordayaa xisbiyo tirada ka badan oo qabaa’il iyo reer-reero ku dhisan. Oo maxaa laga yeelayaa xisbi ummadnimo ku dhisan kana horjeeda eexada qabyaaladeed oo aan maanta doorashada wax ku heleynin, ha yeeshee mustaqbalka soo socda soo bixi lahaa? Ma taas baa loo sadqaynayaa? Miyaanay se jirin si kale oo xisbiyo qabyaaladeed lagu xakameeyaa? Tiro yar oo xisbiyeed ma joojinayso siyaasadda qabyaaladeed. Bal barri ba u fiirso, marka ay doorasho timaaddo; dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee loollanka doorashada hoggaaminayaa wuxuu noqonaya xeryo-qoqob qabyaaladeed oo boqollaal gaadhaya. Waa xisbiyadii reer-reerka ahaa oo aan magacii xisbiyeed wadannin. Siyaasadda qabyaaladeed waxay ka soo jeeddaa oo ka timaaddaa duunka iyo damaca hunguriga siyaasiga iyo dibu-dhaca wacyiga ama garaadka siyaasadeed ee dadka.
Su’aashu waa Soomaaliland ma ka jiraysaa xorriyadda dhiska xisbiyadu mise maya? Maanta siyaasiyiinta saddexda xisbi ku jiraa, marka ay hunguriga kursiga u suxulduuban yahiin, waxay dadka kala qabaa’ilka ah ku sasabtaan ‘xisbigan baa keennii ah’. Sidaas darteed, qabaa’ilka, qaar baa xisbi hebel iyo xisbi hebel loo kala asteeyaa; qaarna is-canaanasho iyo haaraan dhexdooda bay is-kula maqan yihiin oo ‘maxaa innagana xisbi inoo waayey’ bay leeyihiin. Mushkiladdu marka ma aha xisbiyo badanaya ee waa kala jajabka siyaasadeed ee ay keenayso qabyaaladda lagu danaysanayaa. Sidee mushkiladda danaysiga qabyaaladeed wax looga qabtaa? Arrinta ay tahay in laga hadlo waa taas.
Waxaa wax-ka-qabashada mushkiladdaas u horseedi kara hoggaan siyaasadeed oo aan ahayn kan maanta jira. Waxaa dalku u baahan yahay hoggaamiye aan sina ba, gaar ahaan ugu fikiraynin dan qofeed oo uu leeyahay iyo dan ku dhisan eexo qabiil iyo qolo , bal ku fikiriya, ku hammiyaya oo isu huraya danta dalka iyo ummadda dhammaanteed. Waa hoggaamiye, haddii uu, tusaale ahaan, ku dhashay Hargeysa iyo hareeraheeda aanay reer Boorama u ahayn shisheeye ee isku si u eheshanaya, una weheshanaya, u dhaweysanaya oo isku si ugu wada danqanaya. Waa hoggaamiye leh han iyo hirasho fog. Waa hoggaan aqoonteeda iyo sarriigashadeeda leh oo dhinac walba noqda hormood ku dayasho leh. Waa hoggaan taliye ah oo talo-qaate ah. Waa hoggaan aan dhawaaqiisa uun la maqlin ee dhegeysi badan leh, dhaqankiisana la arkayo. Waana hoggaan runta lagu barto oo been ka caaggan. Waa hoggaan ballankiisa oofiya oo uu falkiisu ereygiisa u marag-furo. Waa hoggaamiye dhammaan dadku- qolo iyo degaan kasta- qof waliba uu u arko hiilkiisa. Hoggaanka sidaas ah, tolow, Soomaaliland ma laga heli karaa? Kala-jajabka ay keenayso siyaasadda qabyaaladeed ee dadku ku kala go’doonsan ayaa ah derbi adag oo ku gudban hoggaankaas oo u diiddan in uu soo if-baxo. Ha-yeeshee curdudduubka saddex xisbi oo qudh ahina, si rasmi ah ayuu hoggaankaas u hor-joogsanayaa. Sidaas darteed nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliland hadda ka jiraa ma bannaynayo fursaddii uu ku dhalan lahaa ee taabbo geli lahaa xisbigii hoggaankaas soo saari lahaa.
Kasmo-gaabnimadeenna ammuuraha bulsho-siyaasadeed ayaa ina moodsiisa in mushkiladaha culus ee carrada ka jiraa ku xallismayaan go’aan hadda si toos ah looga qaato oo la yidhaa “haddanba sidaa ha lagu daweeyo”. Dhibaatada kala-jajabka iyo kala-go’doonka qabyaaladeed waa tu ku arooraysa dhaqan iyo taariikh xididdo fog leh, waa dhibaato gun adag oo si looga gudbaa ay waqti aad u dheer qaadaynayso; waxaynu se nidhi xisbiyada oo la yareeyaa xal ha u noqoto; suurogal ma aha taasi; waayo waa mushkilad aad uga gun-adag in sidaas fudud lagu xalliyo.
Dooddu dhinaca kale ee ay leedahay waxay weeye hoggaan u taagan qarannimada, oo aan dadka u la tegaynin abtirsiin qabiil (ka aynu kor ku tilmaamnay), way adag tahay in uu maanta hawlyari cod doorasho uga helaa dadkan ku kala maqan maan-go’a qabyaaladeed.
Ma la odhan karaa busho ummadeed ma jirto ee dalka iyo dadkuba wuxuu u kala jajaban yahay qabaa’il iyo reero? Haddii taasi run noqoto, xisbi qaran ama hoggaanka aynu kor ku tilmaamnay ma helayo bulsho uu ku abtirsado oo u noqota quwad uu cuskado, taas oo ah salkii bulsheed ee uu isku taagi lahaa, bal waxa uu noqonayaa wax samada heehaabaya, sidii caleen geed ka go’day oo ay dabayshu sidato.
Su’aasha halkan ka muuqatay waxa weeye miyaanay jirin bulsho aan ahayn ta qabiil-qabiilka iyo jibsinaha u kala googo’an?. Waxaan leeyahay way jirtaa waxaase aanay lahayn wacyi ay is-haanteed ku garato oo ay nafteed ku aqoonsato. Waxay bulashadaasi u baahan tahay hoggaamiye siyaasadeed oo dareensiiya jiritaankeeda, haddii ay dano tahay iyo haddii ay si-arag iyo meel-joogsi siyaasadeed tahayba. Taasina xaaladda maanta Soomaalidu ku sugan tahay, waa arrin aad u adag, deg-degna looma heli karo; doorashada hadda la sugayana la ma hawaysan karo. Ayada oo sidaas ah himilada san waa lagu hammiyaa oo lagu riyoodaa. Marka la yidhaa waxaa muuqda mooyiye(qabyaalad) wax kale ma jiri karaan, waxay ka dhigan tahay riyada oo la isu diidayo. Riyada ha inoo diidina. Salka ay xorriyaddu ka unkanto ee u horraysaa waa in la riyoon karo. Maanta guusha dhaqsaha ah ee hoggaan ka xor ah qabyaalad waa riyo; haba ahaatee haddana, xorriyadda samaynta xisbi ka xor ah qabyaalad dhammaanteed-weji kasta oo leedahay- oo qarannimada u taagani waa lagama-maarmaan, waayo taas ayaa fursad siinaysa soo-bixitaanka hoggaankaas. Haddii aanu waqtiga hadda ah iyo waqti dhow doorashada ku guulaysanaynin, ayaaha dambe ee dalku hoggaankaas buu sugayaa; sidaas darteed yaan maanta la hor-joogsan. Haddii kale dalku weligii jaadka hoggaamiyeyaasha go’doonka qabyaaladeed ee hadda jira ayuu u af-duubnaanayaa.
Yididdiilada hadda jirta.
Hoggaanka aynu ka hadlaynaa, haddii uu maanta xisbi ahaan, u unkamo ma yididdiilo la’, waayo run ahaan, bulsho siyaasadeed oo madani ahi way ka jirtaa Soomaaliland; sidaas darteed way jirtaa xaalad dhiirri-gelin karta dhalashada xisbiyo ka xor ah oo ka kor-mara xidhiidhka hiilada qabyaaladeed. Keli ah waxa uu baahan yahay in uu sabir-adayg u yeesho waqtiga dheer ee uu ku kasban karo taageerada dadweynaha dalka ku nool guud ahaan. Aynu is-weydiinnee dadku ma leeyahay magacyo iyo sifaalayaal aan ahayn kuwa qabaa’ilka oo loogu yeedhi karo, lagu ururin karo oo lagu hoggaamin karo? Hargeysa, Burco, Boorama iyo dhammaan dalka, miyi iyo magaaloba, waxaa ku nool kooxo busheedyo kala ah ganacsato heerar iyo hanti kala duwan leh; xoolo dhaqato noloshu ku sii ciriiryoobayso; xirfadley kala duwan iyo dad aqoontooda gaarka ah ku xoogsada, kuwo farsamoyaqaan ah iyo kuwo xoogga muruqooda ku xammaasha. Waxaa ayaguna jira oo intaas ka tiro badan boqolaal kun oo shaqo la’aan magaalooyin iyo tuulooyinka tuban. Si kale na dadku waa uu u qaybsamaa oo ninkii doonayaa wuu ugu tegi karaa, danahoodana u abbaari karaa; waxay leeyihiin haween dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo caafimaadka, kuwo qoyska iyo carruurtu gaar u yihiin; waxay kale oo ay leeyihiin dhallinyaro uu hiyyiga aayahooda dambe saameeyo dareenkooda oo dawraya hoggaamiye siyaasadeed rajo-geliya. Dhammi ba qaybahaas bulsheed waxay u baahan yahiin hoggaamiyaal wejigaas bulsheed u la xidhiidha dadka oo u la taga barnaamij iyo tub siyaasadeed danahooda bulsheed ka jawaabaya, fal-dhaqankooda hoggaamineedna halkaas ku biyo shubayo.
Sidaas darteed lagama-maarmaanku waa xorriyadda muwaadiniintu u leeyihiin in ay dhistaan xisbiyo siyaasadeed. Ummad aan xor ahayni hoggaan qumman weligeed ma helayso oo ka ma soo dhex baxayo. Haddi xorriyad siyaasadeed dalka jirayso, waa in aan jiritaanka xisbiyada lagu xidhin guusha iyo guul-darrada doorashada. Ma aha oo keli ah xisbiga ee muwaaddinka kelidiis ahi xaq buu u leeyahay in uu ka qaybgalo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka, in uu keli isu soo taago doorashada jagooyinka hoggaaminta dawladda.
Waxa uu hadalku igaga dhan yahay, xorriyadda dhiska xisbiyada ayuu ku dhalan karaa xisbiga ilaa hadda maqani. Xorriyaddaasi ma ka jiraysaa dalka Soomaaliland mise maya?

W.Q: Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)
22 Sebteembar 2011

Leave a Reply