Tuke Baal Cad
Dhulku waa boggaygiyo
beerkiyo wadnaha oo
baradaan ku ababee
ku barbaaray weeyaan.
Dadku waa bahdaydii
bulshadaan dugsanayiyo
noloshayda beeshaan
ku baxnaaninaayoo,
Rabbaa ii sed buriyoo
murtida iyo baanaha
iima barin Ilaahay
danta inaan ku bi`iyoo
badhi furo hayaankoo
himilada burburiyee,
kuma wado billaawaha
lugta loo barkinayee
wax kalaa babinayoo
belo aan la garan baa
boholaa qodaysiyo
booraanta hadimo.
Burka lay filaayiyo
balliyada agtayda ah
gelin kuma bariistoo
baxsanaa habeenkii
ama badiba maantii
boqollaal kun jeer baan
ka baxaa dhulkeeennoo
sida biligta roobkiyo
gaaraa-bidhaankaan
hadba meel ka baaqaa.
Mar dabaylo buubiyo
baqayaan ku joogaa,
mar ballaadhka ciiddiyo
waxaan baac ku tiriyaa
dhulka baaxaddiisoo
mar badaa guntoodaan
baashaal ku marayaa
bahalaha ku nool baan
bun-salool u qubayaa.
Mar bahaa dugaaggiyo
inta boqonta hoosiyo
baabaco ku oroddiyo
bog intii ku socotiyo
waxaan beretansiiyaa
baalleyda haadda.
Marna beer jacayloo
ku bislaata hees baan
hadallada baroorta ah
biyo uga dhigaayoo
dad bukaanka caashaqa
baaxaa-degaayoo
boholyow la jiifaan
boogaha u dhayayaa.
Marna sheeko biirtiyo
Beder iyo Xunayn iyo
Beer-Dhiga dagaalkii
birta laysku gooyiyo
beri hore wax jirey baan
hadba baab akhriyaya.
Marna beenta feleggiyo
baxnaanada adduunkiyo
berritiyo wax maqan baan
saadaal ka bixiyaa.
Marna hawli badatee
suuradaha buruudka leh
mid ballaysin keedii
waxa looga boodee
Bisin looga waayaan
arrinteeda baadhaa.
Marna baahi-laawaha
waxan buun u tumayaa
yaajuujka buuraha
baal dacar ku qodayoo
bandhig laysu yimi baan
jinka baar-qabkiisiyo
bulbulleyda shaydaan
billadaha ku taxayaa.
Marna dawlad buuxdoo
barigiyo galbeedkaba
ka buruud sarraysoo
ba’an baan u taliyaa
boqortooyadaydaan
marna berisamaad iyo
bilo kheyr ka dhigayaa,
marna baaxad-sooriyo
basan baas u rogayaa.
Marna baahidaydiyo
waxan baylah tirayaa
bilicdii afkaygoo
gabay baan badhaadhiyo
ka hayaa barwaaqoo
isagaa bar xoolaad
banka iigu foofoo
nafta waxan ku baantaa
badhidiyo leggiisee
maxaa beydantaydiyo
gabadhayda baydiyo
boqorkiyo dhaclaa xidhan
bidix loogu rogayaa ?
tolow waxan bireeyaba
maxaa booli tuugiyo
bakhti looga dhigayaa ?
Dadku beretan guuleed
u biyeysey weelkoo
baroor iyo ninkiisii
ka baxsade habaaskee
haddii boodhku igu dhaco
baqalkay la gaabshee
nin bursaday halkiisee
intayada baraarkiyo
burrusyada ku joogtaa
barbarraannu noqonnee
maxaa aniga baas iyo
tuke baal cad iga dhigay ?
