Waxyi
Weriyaha socdaalkaan
Ka hayaa war subag lee
Weeye weeye ii dhaha
Wanankii mid baa jaban
mid kalaa wad-wadataa
la walwaal Siyaadoo
shan wasiir la socotaa
laga wacay xabaashoo
wefdi baa baxaayoo
waaleed u kacayee
ku dhakhsada waraaqaha
wararkiyo farriimaha
Dogobyohow walhanayaa
malaa saaka waayuhu
ma sitaan wanaaggii
shalay iyo wacnaantii
wakhtigaaga buuxsamey
haddii weel ceshaa jiro
weynayso xeedhada
wadhidaada dib u dhigo
dawliskii Walwaleed
inaan waarna kuu hadhin
bal dadkoo dhan weydii
wir haddaad sal adag tahay
iska waabi geerida
wedka adiga kuu qoran
ku wareeji qayrkaa
inaad waarto goormaa
waxyi kuugu soo degey
haye dee wadaadkow
xil wareejintii hoo
iga qabo waliinjada
anba waalli heensaday
wadwadkeeda geeddee
adna sii walaandee
In Wilwilo ciyaar tahay
Is waraari badan tahay
Wiglo iyo hab leedahay
Marna walax dagaal tahay
Warmo iyo hub leedahay
Wejigeedu laba yahay
Waayeelba noo sheeg
Wallee iyo Billaan maray
Iyo wacad Illaahay
Wershadaa saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiilay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysu kala waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay
Waayo waayadeed dee
Sow geel ma wadi jirin
Weris caano kama dhamin
Walacsiga nin hodaniyo
Sow wiirsi kuma korin
Sow aabbe weydiyo
Waxma hayste ima dhalin
Ina Walanwal maan ihi
Hurre lama walaal ihi
Derejooy wid lagu yidhi
Wid widaanwid lagu yidhi
Walahaana kugu raran
Hantiyeyna kuma waco
Woohowna kuma dhaho
Weligeyna kuma sugo
Wed haddaanad celinayn
Nin ku sheegtay waarayn
Maxaan kuu warsanayaa?
Waxaad aniga ii huri
Kuwa kugu werdiyayee
Sida weli ku caabuda
Ku wanaaji qayrkay
Is wanneehintaadiyo
Wadha hayla soo gelin
Weysada ha iga jabin
Alle weger haddana weger
Weger iyo ka waaweyn
Weger iyo ka waasacan
Ma wadiiqo lulatiyo
Waaq laan ku dhabar jabay
Ma wartaan jidka ahayn
Ma lugtaa wakala jedan
Ma warkaan tilmaanayn
Ma dhegtaan wax shubanayn
Waar hooydu badatee
Xaajadu wajaqanaa
Ma waraabihii baa
Wadhan iyo ka ciyey Togan
Walbahaarka gocashada
Iyadoo wash iga tidhi
Waxa dhacay Cabbaasow
Ila wabax tarareen
Duni iyo wacaasheed
Iyo werinta dhiilladu
Wadnahayga shidayaan
Ku wahsadey su’shaas
Wydiinna kuma maqan
Garashiyo war-celinteed
Ayaa waaya waayaha
Webiyada aqoontiyo
Wacdaraha adduunyada
Wixii laysla soo maray
Waayaale hagar baxay
Wacyigayga koriyaan
Waddo ii jideeyaan
Waayahay Diktoorkow
Hadday weedhu muuniyo
Walanqiyo dux leedahay
Anba sow walaalow
Wadar kela ma kaashado
Sow wawga jiiftada
Dadka waayahoodiyo
Wejigooda kama qoro
Anigoo werwerayoo
Talo iga wansiixdoo
Wana waani lulatoo
Wiswis leexadiisii
Igu weehanaysoon
Wadha reer galbeedkiyo
Weysaaqa Naatoo
La walaac asqooboo
Welwel jiifi waayoon
Sida wiira wiirada
Warwareeg ku lumayoo
Hadba way ku kacayaa
Warac meel ka ciidmaa
Wax la yaable geystaa
Wahad laydho keenaa
Walwal soo afyeeshaa
Waaceeni dhalataa
Anigoo wadeecada
Wantataca gumeystaha
Wakinaaya socodkoo
Wiiwiida dumarkiyo
Weehaadka maatada
La wareer sahsahayaa
Dhulka waax madoobeyd
Inta waa ku sara kaco
Qorrax Gaandi weheshaa
Wac ku soo tidhaahdaa
Bulsho weerka xoortaa
Aniguna wajiiniyo
Waqal igu gadoodaa
Wahabkii I saarraa
Waanwaani dhaxashaa
Dunidoo wajaqantoo
Cagta lagu walaaqoo
Inta weerayaal iyo
Bahal iyo wareentiyo
Kun waraabe boobeen
Shan walleys u taliyeen
Dad wanaag ku ledey xalay
Inta weerar lagu furay
Lagu galay war ma qabtada
Shil ku waabariistoo
Wadhantooda haaddii
Ku wishiirriyaysoon
Anna wadhida dhiillada
Murugada wahwahayaa
Weyrax meel ka toosaa
Senge waalan fuulaa
Isticmaar la wiiqaa
Wabar lagula ciiraa
Waydiisa taahaa
Anigana wajaaf iyo
Warmo layga siibaa
Hadba laba is weydoo
Kala weecanaysoo
Nacab kala wareejoo
Weji dadab is dhaaftiyo
Sac warraaqa jiilaal
Weyshiisa diidoo
Weydaartey xeradaan
Waanwaan dhex dhigayaa
Hadba duul wahsanayoo
Inta waayir lagu xidhay
Wadhaaf lala hor joogoo
Wanshax meel la jiifaa
Wacdigaygu sooraa
Hadba wadar la dhacayoo
Inta ay wisiisidey
Warmaheeda gurataan
Ina wadiya leeyahay
Hadba wiilal baxayoo
Wacad qabe bahdiisii
Wallihii ku baajoo
Waddadiii ka leexdiyo
Nin wabiina doontoo
Wisin maqan ku duuliyo
Waqle jiibka saaraan
Wararkooda sugayaa
Walamsade la tuuriyo
Wadal lagu gadoodiyo
Hadba meyd la wacay baan
Digashada waddaacayaa
Hadba wacal la toogtiyo
Dadqal cayn wareegoo
Inta wegeradkii go’ay
Waabay kabbaday baan
Warqaddiisa jarayaa
Hadba waaq la ridey baan
Weylaalistiisii
Wilgaduu fadhiyi jirey
Wasakhdii ka dhaqayaa
Hadba damal wacnaayoo
Webigii Ganaaniyo
Salka gacanka Waaheen
Waraqyada ku fidiyoo
Inta wahan ka daba yimi
Wiriqyada u bixiyoo
Wakhti soo qandoodshoo
Walcan go’a lalmanayoo
Wegdihiisa laabtaan
Ubaxii ku waabnaa
Maqal weyd la togantiyo
Waxaraha u tumayaa
Hadba Shaah la waayiyo
Boqor weer cad goostoo
Inta wish la sara tegey
Waaq waaq ka ridey baan
Taajkiisa warasiyo
Hanti shacab wadaagiyo
Waqaf guud ka dhigayaa
Hadba Janan wanjalanoo
Dhulka laga wandaafshoo
Cirka looga webiyoo
Cidla dhex walhanayoo
Wedku deydeyaayaan
Waxa lumay ku darayaa
Hadba feleg wareegiyo
Yididiilo walacliyo
Saadaal wil furatiyo
Waaleeyo curataan
Weelkeeda culayaa
Wiyil dabarka goysiyo
Hadba umal wallacay baan
Werdigooda rogayaa
Libin fool waliishiyo
Hadba maalin weyn baan
Wanankeeda loogaa
Xinjir wararacdeediyo
Hadba guul washiranoo
War wareeg ku dhalataan
Walqasheeda tiriyaa
Onkodkiyo wannaaniga
Iyo dhibicda weedhka leh
Walanwalinta maansada
Walwallaynta geenyada
Wanqaraarka jiiftada
Waxa looga jeedaa
Ama loo wacwacayaa
Wacdaruhu u dhacayaan
Lugta waarrinaysiyo
Isha waabanaysaa
Ha ku waano qaateen
Wegenkiyo colaadaha
Nin dulmani ha weheshado
Waddammada adduunyada
Afarteeda waaxood
Dhibta iyo wax yeellada
Inta ila wadaagtaay
Aan heeso weriyee
Kici weerarkaagii
I waraabsha geedkii
Waxyigaygu saarraa.
