WEEDHSAN oo mar ka soo wada baxday Paris, London, New York, Sydney, Dubai iyo Hargeisa

Waxa farxad noo ah in Majalladda WEEDHSAN muddo kooban ku qaan-gaadho, islamarkaasna uu Tirsigii  saddexaad hal mar caawa (9:00pm) ka soo wada baxo Paris, London, New York, Sydney, Dubai iyo Hargeisa.

Waa markii koowaad ee Warbaahinta mandaqaddu ku dhaqaaqdo tallaabo sidan ah oo ay dumiso xuduudaha qaybiya qaaradaha kala geddisan. Horumarkani, wuxu ku suurta-galay dedaalka hawl-wadeennada warbaahinta kala geddisan ee Weedhsan Corporation iyo dhiirrigelinta macaamiishayada oo aannu uga mahad-celinayno taageerada hagar-la’aaneed ee ay nagu garab galeen.

Weedhsan Magazine waxa uu soo baxaa bishiiba hal mar, waxaanu xambaarsan yahay falanqaynta qalinleyda foolaadka ah, xogo, warbixinno, waraysiyo khaas ah iyo qoraallo kale oo xiise badan.

Faahfaahin dheeraad ah, booqo www.weedhsan.com ama wac 4410173, 4195585, 4160271, 4444705.

Mustafa Sh. Cumar Geeddi

Editor In-Chief

Weedhsan Corporation

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>