Weftigii Somaliland oo si Diirran loogu Soo Dhoweeyay Muqdisho Iyo Hadraawi Oo Nooga Warramay+Sawirro

Muqdisho, September 24, 2011, (Hadraawi.org) – Kumannaan ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Md. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta si xamaasad leh ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xubno ka socday Somaliland, kuwaas oo uu foolaad u ahaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).
Xubnaha ka socday Somaliland oo ku lebbisnaa jaakado lagu xardhay astaanta calanka Somaliland ayaa Muqdisho u yimid lacag dhan $ 700,000 oo ay Somaliland u ururisay dadka ku tabaalaysan abaaraha Somalia.
Abwaan Hadraawi oo goor dhoweyd xog-warran kooban siiyay Xafiiska wararka ee Mareegaha WEEDHSAN, ayaa soo-dhoweyntooda ku tilmaamay mid dareen badan oo qiiro leh ku dhalisay.
“Subxaanaka Yaa Cadiim…. Sida gobonnimada iyo qiirada mudan ee aniga iyo weftigayagaba loo soo dhoweeyay waxay igu dhalisay dareen qiiro badan,” ayuu yidhi Abwaanku, isaga oo hadalkiisa raaciyay, “Macne goonni ah bay ii samaynaysaa inaan maanta Muqdisho joogo, waayo, halkan waxaan ku qaatay wakhtiyo kala duwan oo noloshayda ah.”
Abwaanku oo aannu wax ka weydiinnay in ay gudo-galeen hawshii ay u socdeen iyo in kale, wuxuu tibaaxay in hawl-qabadkoodu si rasmi ah u bilaabmi doono maalinta berri ah.
“Berri ayuun baannu si rasmi ah u guda-geli doonnaa hawlihii aannu u soconnay, Insha-Allaahu-na, si wanaagsan ayay wax waliba noogu dhammaan doonaan,” ayuu yidhi Abwaanku.
Weftiga ka socda shacabka Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labaatankii sanno ee la soo dhaafay si rasmi ah ugu kala tallaaba xuduudaha labada dal, waxaana la saadaalinayaa in socdaalkani xidhiidh intan ka sii dhow u abuuro labada ummadood, oo waayo-waayo ahaa kuwo wadaaga calan qudha.
Hadraawi Official Website,
Hargeisa Office
